Shirka Wadatashiga Duulista hawada oo ka furmay Muqdisho

Date:

Shirka Wadatashiga Xukuumadda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ee Wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa daah furay, iyadoo shirka ay ka qeyb galeen Xubno ka socda Maamul Goboleedyada, Guddiga Golaha Shacabka u qaabilsan Duulista Hawada, Wakiilo ka kala socda shirkadaha FAVORI, Bankirafti iyo kuwa kale.

Wasiirka ayaa sheegay in u jeeddada shirka ay tahay sidii loo sameyn lahaa sharciyo mideysan oo uu dalku yeesho, sida mideynta leysamada dalka oo dhan.

Sidoo kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa sheegay in soo celinta Maamulka Hawada Dalka ay gebogebo ku dhawdahay, isla markaana qalabkii lagu hagi lahaa la rakibayo.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dhawaan la soo xiri doono xafiiska Nairobi ee Hawada Soomaaliya laga maamuli jiray laga soo bilaabo sanadkii 1991-kii markii ay bur burtay dowladdii dhexe ee dalka.

Shirkan ayaa socon doono muddo labo cisho ah, waxaana ka qeyb galaayasha la tusi doonaa maalinta beri ah xarunta loo diyaariyay in laga maamulo hawada Soomaaliya, waxaana meel gabo gebo ah maraya qalabeynta xaruntasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...