Home Blog Page 1633

Tahriibayaal dooni kula qalibmatay badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Libiya

0

Hey’adda qaabilsan arrimaha qaxootiga ee aduunka IOM ayaa sheegtay in xeebaha dalka Liibiya ay ku dhinteen in ka badan 60 qof kuwaas oo aduun yar oo wateen kula qalibantay.

Hey’addu waxaa ay sheegtay in dadkan ay wateen doon ka sameysan wax yaabo baakado ah taasna ay keentay inay dagto dadka ayaana ahaa kuwo tahriib doon ah oo doonayey in ay galaan dhanka dalalka Yurub.

10 kamida dadkaas ayaa lasheegay in uu badbaadiyey markab agmarayey sidaasna lagu ogaaday inay jiraan dad badan oo ku dhibntay xeebaha dalka liibiya.

Weli waxaan cadeyn dalka ay dadkaan asal ahaan ka soo jeedaan balse waxaa loo badaniyaa inay ka soo jeedaan dalalka bariga africa.
Inta badan xeebta u dhaxeysay dalalka liibiya iyo talyaaniga ayaa waxaa ku tahriiba dad badan oo ka soo jeeda qaaradda africa kuwaas oo isaga baxaya dalalkoooda .

Soomaalida gobolka Ohio ee dalka Mareykanka oo Xusay 1-da Luulyo

0

Kumanaan Soomaali ah ayaa ka soo qeybgashay xaflad lagu maamuusayay Sanadguuradii 57aad ee ka soo wareegtay markii uu dalka Soomaaliya ka xoroobay gumeestihii goboladda kala haystay taas oo ka dhacday magaalada Columbus Ohio.

Waxaa munaasabadan goobjoog ka ahaa shaqsiyaal si weyn bulshada looga dhexyaqaan, iyo Masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo dhamaantood si weyn ugu xeel dheeraaday ka sheekaynta ahmiyada ay malmahaani u leeyihiin Umadda Soomaaliyeed.
Masuuliyiinta Jaaliyada Soomaaliyeed ee soo abaabulay xafladan ayaa dhankooda sheegay in ujeedkoodu yahay in Jiilasha soo koraya iyo kuwa imaan doona ay dhaxlaan taariikhdooda loona qeexo marxaladihii loo soo maray halgankii xoriyada iyo isbadaladii Guulaha iyo Guuldaradaba xanbaarsanaa taas oo si cad u sharaxaysa wixii dhacay xiligii Gumeystaha iyo Kadiba.
Dhamaan masuuliyiintoo ka hadashay oo ay ku jireen Masuuliyiin ka socday Xaafiiska Duqa Columbus kuwaas oo matalayay Maamulka gobolka Ohio.
Inta badan caalamka ayaa laga xusaa maalintan taas oo astaa u ah jiritaanka dalk iyo dadka Soomaaliyeed.
Kooxda Midnimo ee ka dhisan Columbus ayaa Heeso wadani ah kaalintooda kaga ciyaaryay halka Abwaan Soomaaiyeedna uu ku soo bandhigay Gabayo aad u qiirobadan oo ka hadlaya Ahmiyada xornimada iyo jiritaanka Umadda.
Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxay ku soo idlaatay Jawi aad u dagan.

Qaramadda Midoobay oo dhintay Kharashkii lagu bixin jiray nabad ilaalinta.

0

Qaramada Midoobay ayaa isku raacday dhimista ku dhawaad lix boqol oo milyan oo doolar oo ah miisaaniyadda sannadlaha ah ee hawlgaladda nabad ilaalinta.

Mareykanka oo ah taburacaha ugu badan ee miisaaniyada nabad ilaalinta ayaa soo dhaweeyey tallaabadan, laakiin wuxuu ku baaqay in la sameeyo dhimis kale oo dheeraad ah.

Miisaaniyada hoos loo dhigay ee 7.3 bilyan oo doolar ayaa waxaa isku af-gartay Golaha loo dhan yahay iyadoo lagu maalgalin doono 14 hawlgallo nabad illaalin oo laga wado daafaha aduunka.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa sheegay in dadaal kasta loo sameeyey in lagu fuliyo socodsiinta nabadda inkastoo miisaaniyadda hoos loo dhigay.

Wasiirka Arimaha Dibada Qadar oo si kulul ugu horyimid dalabkii loo soo jeediyey

0

Wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa sheegay in dalkiisu diiday dalabaadka ay ku soo eedeeyeen dhawr dal oo Carbeed, laakiin wuxu intaa ku daray in ay diyaar u yihiin wadahadal jawi caafimaad qaba lagu kulmo.

Iyadoo ay maalin keli ahi ka harsantahay mudadii ay u qabteen dalalkaas oo Sucuudiga iyo Imaraadka Carabtu ka mid yihiin, ayaa Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Jassim Al Thani, wuxuu ku celiyey in Qatar aanay aqbali doonin wax kasta oo qaranimadeeda faro gelin ku ah.

maanta oo Isniin ah ayey ku eg tahay ballantii goodiga ahayd ee ay dalalka Carbeed u qabteen inay kaga jawaab celiso liiska ay ku qoranyihiin arimaha loo gudbiyey.

Hase ahaatee ilaa hadda, Qatar si cad umay muujinin in ay diyaar u tahay in ay fuliso arimahaa laga dalbday. Waxaanu wasiirka arimaha dibadda ee dalkaasi sheegay in dalabaadka loo soo gudbiyey yihiin kuwo albaabada oo dhan ka soo xidhay habkii lagu wada hadli lahaa, waxa keliya ee u bannaanina yahay in ay Qatar ku gacan saydho.

In kasta oo ay hadallo isku mid ah oo ka soo yeedhayey madaxda caalamku ku baaqayeen in la isku tanaasulo, ayaa waxa muuqata in aan ilaa hadda halkii la isku seeganaa waxba laga dhaqaaqin.

Wasiirka arimaha dibadda Sucuudiga, Caadil Al-Jubayr, ayaa mar labaad bartiisa Twitter-ka ku baahiyey liiska arimaha laga dalbaday Qatar ee ay ka mid yihiin in ay joojiso maal gelinta argagixisadu ay yihiin kuwo aan gorgortan geli karin.

Laakiin Qatar waxay sheegtay in saddex iyo tobanka qodob ay dhaafsiisanyihiin dalabkaa argagixiso kalkaalka ah oo ay halis gelinayaan jiritaanka iyo madaxbannanida dalkeeda.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Madaxkale oo xalay Shacab badan kula dabaal degay Beerta Nabada.

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo madax kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xalay Shacab Farabadan kula dabaal degay beerta Nabadda oo ka mid ah meelah ay isugu yimaadaan Bulshadda Soomaaliyeed.

Intii uu socday dabaal dega oo ahaa mid lagu xusaayay 1-da Luulyo ayaa Mas’uuliyiintii ka qeyb galay waxa ay shacabka ugu hambalyeeyeen Farxada Maalinta Xoriyadda Soomaaliya Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen in ay dowladda kala shaqeeyaan xaqiijinta Amniga Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo ka mid ah Mas’uuliyiintii ka qeyb galay dabaal dega ayaa Mas’uuliyiinta Beerta Nabadda ugu baaqay in ay Shacabka ka joojiyaan lacagaha laga qaado maadaama ay tahay goob dadweyne.

Danjiraha Mareykanka oo sheegay in dowladda Soomaaliya isbedel weyn sameysay

0

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Stephen M. Schwartz ayaa warbixin uu ku soo aadiyay sanad guuradii 57 ee xoriyadda Soomaaliya waxaa uu ku sheegay in dalka uu ka soo kabaneyo burburkii soo maray isla markaana uu hadda hayo waddadii dib u dhiska.

“Tani iyo imaatankeyga Soomaliya sanad ka hor anigoo ah safiirka Mareykanka ee Soomaaliya waxaan goobjoog u ahay horumar balaaran oo Soomaaliya sameysay, hase ahaatee wali ay jirto khataro ku hor gudban horumarkaas waxaana kamid ah abaaraha ka jira dalka, dagaalka Al-shabaab dowladda kula jirto, dhaqaalaha dowladda uu yar iyo hey’addaha cadaalada oo wali sidii la rabay u shaqeynin,” ayuu yiri Mr.Schwartz.

Dowladda Mareykanka waxaa ay aaminsan tahay in dowladda madaxweyne Farmaajo, xukuumadda ra’isul wasaare Kheyre ay ku howlan yihiin sidii dalka ugu hirgelin lahaayeen nabad iyo xasilooni, dib u heshiisiin, iyo in shaqooyin loo abuuro dadka Soomaaliyeed.

“Anaga iyo beesha caalamka waxaan si dhow ula shaqeyneynaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulada kale ee dalka ka jira si nolashada dalka Soomaaliyeed kor loogu qaado.  Wadajir u shaqeyntu waxaa ay ka hor tagtaa in macquul ka dhacdo dalka, sidoo kalena waxaan ka shaqeynaynaa dib u habeynta laamaha amniga ee dalka si ammaanka iyo kala dambeynta loo soo celiyo,  waxaana taageersanahay ololaha xasilinta caasimadda ee Muqidsho”.

Danijire Schwartz ayaa sidoo kale warka ks oo baxay safaaradda Mareykanka ku sheegay in horumarkna lagu sameeyo muddo gaaban  isla markaaana in nabad iyo xasilooni Soomaaliya laga hirgeliyo u baahan tahay in la sii joogteeyo si horumarkan wax ku ool u noqdo, waxaana loo baahan in dadka Soomaaliyeed iyo saxiibadooda caalamka ay ka wada shaqeyn doonaan.

“Horumarkan ma hagal daacin karaan koox kamid ah muwaadiniinta ka faa’ideya dambiiliyaasha ka baqaya ku dhaqanka sharciga iyo isla-xisaabtanka,”  ayuu markale yiri Schwartz.

Waxaan ugu baaqeynaa hey’adaha dowladda sida fulinta iyo sharciga dejinta in ay dhinac iska dhigaan kala duwanaanshahooda siyaasadeed diiradana saaraan ka miro dhalinta waxyaabaha hor-tabinta u leh:

  • Jabinta argagaxisada iyo dib u dhiska hey’adaha amniga ee dalka,
  • Dardargelinta dakhliga dalka, abuuridda ilo dhaqaale iyo dejinta sharuucda wadaaga kheyraadka dalka ,
  • Dib u eegista dastuurka iyo afti u qaadistiisa.
  • K shaqeynta doorasho qof iyo cod ah.
  • Xoojinta dib-u- heshiisiita oo ay ku jirto wadahadalka Soomaaliland.
  • Xoojinta dhaqaalaha dalka, shaqo abuurka iyo la dagaalanka musuq maasuqa.
  • Iyo meel marinta hindise sharciyeedyada ay kamid yihiin xeerka isgaarsiinta, la dagaalanka musuq maasuqa, waxbarashada iyo kuwo kale.

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Mr. Schwartz ayaa sidoo kale warbixinta uu soo saaray ku sheegay in shaqoooyin badan ay horyaalaan Soomaaliya hase ahaatee la gaari karo, isagoona dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dul qaad la yimaadaan isla markaana dhibaato socotay muddo 30 sano ku dhow aan lagu xalin karin sanad iyo wax la mid ah.

Dadka Soomaliyeed ayuu sheegay in looga baahan yahay in ay ahaadaan kuwo feejigan lana  shaqeeya dowladooda isla markaana kula xisaabtamaan danahooda.

Ugu dambeyntii Schwartz ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ku faaneyso xiriirka xoogeysanaya oo ay la leeyihiin Soomaaliya ayna ka go’an tahay in ay kala shaqeeyaan did u dhiska dalka, dimograadiyada, nabadda iyo sidoo Soomaaliya u noqon laheyd qaran barwaaqo ah.

Aqalka dowladda Hoose ee Muqdisho oo lagu xusay dabaal-degga maalinta xorriyadda Jamhuuriyadda Soomaaliya

0

Munaasabadda lagu xusayay 1-da Luulyo ee 57-guuradii ka soo wareegatay xornimadii Gobolada Koofureed iyo is raacii Gobolada waqooyi iyo Koofur ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta Aqalka dowladda Hoose.

Munaasabaddan oo aheyd tii labaad ee maalmaha xoriyadda oo uu si heer sare ah u soo agaasimay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka duwaneyd munaasabadihii horay dalka looga qaban jiray.

Waxaa munaasabadan ka soo qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Wasiiro, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, xildhibaanada labada Gole iyo Safiiro.

Abaarihii 12-ka habeenimo, markii ay ku taagneyd ayaa la saaray Calanka Soomaaliya, waxaana mar kaliya is qabsaday dabaal degyo iyo bulleer cirka loo ridayay, kaasoo bixinayay midibyo kala duwan.

Madaxda dowladda ayaa khubad ku aadan xoriyaddii la helay 1960 ka jeediyay munaasabada, waxaana munaasabada ay ku soo gaba gabowday jawi nabdoon.

Madaxweynaha oo Ubax dhigay Taalada Dal-jirka

0

 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon, iyadoo maanta loo dabaal degayo 57-guuradii ka soo wareegatay, xornimadii Gobolada Koofur iyo is raacii Koofur iyo waqooyi.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Daljirka Dahsoon, ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne ka kala socday degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasoo xirnaa dharka Calanka, sidoo kale cutubyo ka tirsan ciidanka booliska iyo kooxda muusikada baambeyda ayaa iyana ka mid ahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horeyn salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka, waxaa uu markii dambe ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon.

Waa markii labaad ee uu Madaxweynuhu ubax dhigo taaladan, 26-kii June ayay aheyd markii uu halkaas ubax dhigay, xilligaasoo ku beegneyd, markii uu horeysay ee Calan Soomaaliyeed la taago, iyo xoriyadii Gobolada Waqooyi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad kooban uu ka jeediyay munaasabada waxaa uu hambalyo ugu diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in maanta ay tahay maalin taariikh weyn ku leh Soomaaliya, waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in midnimadii dib loo soo celiyo.

Ciidanka Xoogga oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobalka Sh/Dhexe

0

Wararka naga soo gaaray gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in deegaano ka tirsan gobalkaas uu ka dhacay Dagaal Khasaaro Gaystay oo u dhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyada AL-Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa khasaaro badan waxay gaarsiiyeen Maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen Saraakiisha ciidanka Xoogga.

Wariyaha warbaahinta Qaranka ee gobalkaas ayaa sidoo kale ku waramaya in ciidamada ay ku guulaysteen in Al-Shabaab ay ka dul qaadeen qaar ka mid ah Bulshada ku nool deegaanada gobalkaas oo dhinaatooyin badan ay ku haayeen.

Sikastaba mudooyinkaan ayaa waxaa gobalka Shabeellaha Dhexe ka socday Howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Nabad iyo Nolol diidka ah ee Al-Shabaab.

Howlgaladaan ayaa waxaa horkacaya Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/laahi Cali Caanood.

1-da Luulyo “Maalintii Guusha”

0

Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo ay si gaar ah ay u maamuusaan isla markaana ku weyn quluubtooda, kuwaasi oo ku astaysan diiwaan taariikheedka bulshadaasi, maalmahaasi waxay mudnaanta goonida ah ku heleen waa gaaritaanka guulo mudan in si joogta ah loo xasuusto loona hurey naf iyo maal, kuwa ugu qiimaha badanna waxaa ka mid ah maalmaha qarannimada.

Shacbiga soomaaliyeed oo ka mid ah umadaha ku sharfan magaca wayna ku helay kifaaxii ay u soo galeen hanashada gobanimadooda ayaa halgankoodii gobanimodoon wuxuu la soo bilawday soo ifbaxii damcii gumaysiga ee xeebaha bariga Afrika.

Dhaqdhaqaaqii ugu horeeyay ee lagaga soo horjeeday gumeystaha ee ka hana qaaday dhulka soomaalida wuxuu ahaa kii Axmed Garaad Ibraahim “Axmed Gurey” oo halgankiisu bilowday 1528 illaa 1543. Axmad Gureey waxaa u suuro gashay in uu geesinimo leh kaga hortago gumaystayaashii isa soo bahaystay,muddo kadibna Waxaa shucladdii difaacidda sharafta dalka iyo dadka soomaaliyeed kor u qaaday Darwiishkii sayid Max’ed Cabdulle xasan oo dagaal muddo dhowr iyo labaatan sano socday la galay gumaystihii ingiriiska, wuxuuna jab taariikkaysan ku dhigay ingiriiska ciidamadiisii dhulka kuwaasi oo ka quustay inay u babac dhigaan ciidamadii jadbaysnaa ee Daraawiishta.

Sanadkii 1919-kii ayaa saraakiishii hogaaminaysay ciidamadii gumaystaha Ingiriiska waxay dowladooda u gudbiyeen in aysan dagaal dhinaca dhulka ah kaga guulaysan Karin ciidamada sayidka, isla sanadkaas ayaa ingiriisku go’aan ku gaaray in dhinaca cirka laga weeraro qalcadihii adkaa ee Sayidka, 21kii Jannaayo 1920-kii ayaa diyaarado dagaal oo ingiriisku leeyahay noocooduna ahaa DH9 ayaa waxay weerar ku qaadeen Saldhigyadii ciidamadii daraawiishta.

Sidoo kale waxaa jirey halgamayaal badan oo naftooda iyo hantidooba u hurey dhulkooda hooyo waxaana ka mid ahaa Shiikh Xasan barsame, Xaaji Faarax Oomaar iyo sheikh Bashiir dhalinyaradii Xisbigii S.Y.L ee laga dhisay Muqdisho 15kii may 1943dii iyo xisbiyadii S.N.L & U.S.P oo iyaguna ka kifaaxay goballada waqooyi ee dalka.

1948dii waxaa magaalada muqdisho ka dhacay dagaalkii Hanoolaato oo ku soo beegmay maalintii Q/M dalka Soomaaliya u soo dirtay guddi xaqiiqo raadin oo ka kooban 4tii dal ee ku guulaystay dagaalkii 2aad ee dunida, isla sanadkaad Q/M waxay go’aamisay in gobollada koonfureed ee Soomaaliya muddo toban sano ah oo ka bilaabanaysa 1950ka ay si wada jir ah ay u sii maamulaan Q/M & dalka Talyaaniga kadibna xornimo la gaarsiiyo.

12kii octoobar 1954tii ayaa S.Y.L guddi xirfadlayaal iyo hal abuurayaal waxay u saartay inay alifaan naqshadda uu yeelanayo Calanka.Soomaaliya, waxaana ku guulaystay Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada.

Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa 5ta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu u taagan yahay midabka cirka.

24tii March 1956dii waxaa la dhisay Dowladdii Ugu horeysay abid ee dad soomaaliyeed hogaanka u qabtaan, waxay ahayd daakhili ka kooban 6 wasiir waxaana R/wasaare u noqday Allaha u naxariistee C/llaahi Ciise Maxamuud waxayn gobollada koonfureed maamulaysay illaa 1960kii.

Xilligii gobollada koonfureed ee dalka ay ku jireen mudada xornimo gaarsiinta , waxaa wada hadallo u bilaawdeen madaxdii koonfur iyo waqooyi oo ku heshiiyay in ay midoobaan labada gobol lana yagleelo hal dal oo soomaaliyeed.

26kii juun 1960kii ayaa beerta xoriyadda ee magaalada hargaysa waxaa la suray Calankii ugu horeeyay ee xor ah oo laga taago ciid Soomaaliyeed, waana habeenkii uu goobtii calansarka ka mariyay Allaha u naxariistee marxuum C/llaahi Suldaan Tima- cadde gabaygii taariikhda galay ee ahaa ( Sareeyoow ma Nusqaamoow aan siduu yahay eega’e kanna siib kanna saar), 4 maalmood kadib oo ku beegnay 1dii luulyo 1960kii waxaa xornimadooda qaatay goballadii koonfureed, isla markaana waxaa midoobay gobolladii waqooyi iyo koofur waxaana dhidibada loo taagay Jamhuuriyaddii koowaad ee soomaaliya.

July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan (Aaden Cadde), waxana uu madaxweyne ahaa ilaa June 10, 1967, markaas oo doorasho uu madaxweynanimada kula wareegey C/rashiid Cali Sharmarke. [Aaden Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007].

Waxaa taariikhda ku daabacan , sooyaalka soomaaliduna xusi doonaa qiiradii iyo xornimo jacaylkii lagu keenay Calanka,Xornimadii Soomaaliya oo laga joogo 56 sano waxaa lagama maarmaan ah in dib boorka looga jafo wadaniyaddii iyo is jacaykii soomaali ku mataanowday ee abwaanada soomaaliyeed ka yiraahdeen(Dhaaxaan murugo iyo haraad mudanee, maantay curatoo mataanaysee aan maalno hasheenna Maandeeq).

Qallinka:- Abuukar Xaaji Gobdoon