Home Blog Page 1618

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray arday u fadhiisatay imtixaanka ogolaanshiyaha ee Jaamacadda Ummadda

0

2,400 ardey oo dhamaysatay dugsiyada sare ee dalka ayaa maanta  u fadhiistey Imxitaanka ogolaanshiyaha ee Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed si ay uga mid noqdaan 1,000 arday oo ay Jaamacaddu qaadanaayso sanadkaan,  si ay ugu biraan arday badan oo Jamacadda  ku dhigta  lacag la’an oo ay dowladdu bixiso  qarashaadka ku baxaya waxbarashadooda.

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Cali Khayre, xubno ka tirsan  Golaha Wasiirada ayaa kormeer Indha indheyn ah  waxa ay ugu tageen Ardayda ku jirtay Imtixaanka ay ugu gudbayaan Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya ayaa mid mid Ardayda ugu dhiiri geliyey   isagoo u rajeeyeynayey in  ku guleystaan imtixaanka, halka uu hubinayey in Imtixanka ay ardeydu galaysay in uu yahay mid isku mid iyo in uu yahay mid ka turjumaya maadooyinkii  ay ku soo barteen dugsiyada sare ee dalka.

Wasiirka Waxbarashada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiraxamaan Daahir Cismaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa xusay in  2,400 ay maanta u fadhsiteen imtixaanka  Jamacadda  ay ugu soo birayaan.

Qaar ka mid ah ardayda  maanta u fadhiisatay imtixaanka sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin inay galayaan imtixaanka lagu ogaanayo heerkooda aqoonta si ay qeyb uga noqdaan ardayda Jaamacadda wax ka barata.

Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed  aya ah  Jaamacadda kaliya oo ay leedahay dowladda Soomaaliya, isla markaana si lacag la’aan ah ay wax ugu bartaan Ardayda Soomaaliyeed .

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Feeraysane”

Madaxweynaha Jubbaland oo daah furay Sharciga Dhismaha Dowladaha Hoose

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah u daah furay sharciga Dhismaha Dowladaha Hoose iyo geedi socodka dhismaha golayaasha Degmooyinka.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirada Dowlad Goboleedyada Xubnaha ah, Bulshada ra’yidka ah iyo marti sharaf ka socotay beesha Caalamka ayaa munaasabada kasoo qayb galay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hanankan cusub uu yahay mid Soomaaliya wax badan kusoo kordhinaya, gaar ahaan in uu meesha ka saarayo awoodii halka meel kaliyah taalay oo kobac dhaqaale iyo mid maamulba uu abuurayo.

Dhinaca kale Axmed Maxamed Islaam wuxuu ka digay in hanankan aan loo arkin mid hab beeleed awooda loo qaybsanayo, isla markana dadka looga baahan yahay in ay soo doortaan dad wanaagsan oo wax u qaban kara.

“Qofka aan talada u dhiibayno in aan ku qiimayno shaqadiisa iyo shaqsiyan wuxuu soo kordhin karo ayaa ka haboon in aan qabiil iyo qosykiisa  ku miisaano” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Dadweynaha ayuu sheegay in ay ka faa’iidaystaan hawshan, isla markana ay ka fogaadan wax walba oo bulshada wadajirkeeda wax u dhimaya.

Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayay Tageerada beesha Caalamku ay siiso Soomaaliya, wuxu ka digay in ay kusii socoto qaabka hada ay tahay wuxuuna sheegay in NGO-yada loo dhiibayo mashaariicda aysan Soomaaliya dan u ahayn oo la aamino Maamulada iyo hananka Dowliga ah ee Dalka ka jira.

Beesha Caalamka ayuu Madaxweynaha Jubbaland ku amaanay hawsha wanaagsan ee ay Soomaaliya ka wadaan, balse wuxuu xusay in taas aysan waxba taraynin hadii deeqaha ay Soomaalida ugu tala galeen ay u dhiibaan NGO-yo aan waxba u qabanaynin umada.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland wuxuu ka hadlay dadka ay Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah ka shaqalaysiiyaan gudaha Soomaaliya wuxuuna ugu baaqay in dadka gudaha dalka wax ku bartay ay xoogga saaran maadama ay ogyihiin duruufaha dalka ka jira.

Koox cusub oo kamid ah ciidanka qaranka Burundi oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho

0

Koox cusub oo kamid ah ciidanka qaranka Burundi (BNDF) ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaas oo hal sano oo shaqo ah uga bilaabanayso Soomaaliya ayagoo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaliya AMISOM.

Guutadii 45 aad oo ciidanka Burundi kamid ah isla markaana uu hoggaaminayo Lt. Col. Philbert Hatungimana, ayaa ka soo degay garoonka Muqdisho, waxayna bedeli doonaan guutada 39 aad oo shaqadooda dhameystay.

Lt. Col. Hatungimana ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan nabadda iyo xasilinta Soomaaliya.

“Rajadayda howlgalkan waxaan ka qeyb qaadan doonaa soo celinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya si dadka Soomaaliyeed mar kale u hantaan nabadda wadankooda,” ayuu sheegay.

Sidoo kale Lt. Col. Hatungimana  ayaa xusey in guutadan cusub loo daabuli doono magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeele isla markaana si dhow ula shaqeyn doonaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Burundi  ayaa ah dalka labaad ee ugu badan ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM marka laga soo tago dalka Uganda, waxaana wadamada kale ee ciidanka ku deeqay kamid ah; Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo kuwo kale.

Aqalka Sare oo ansixiyay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka

0

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka oo ay hore u soo ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya 9-kii bishan Agoosto.

Sharcigan ayaa waxaa oggolaaday 39 ka mid ah 40kii mudane ee fadhiga soo xaadirtay ka dib markii ay ka doodayeen tan iyo Sabtigii la soo dhaafay. Sharcigan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu ansixiyo Aqalka Sare tan iyo markii la aasaasay dhammaadkii sanadkii hore.

Sharcigan waxaa loo gudbinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo ka hor intuusan dhaqan-gal noqon.

Mudane Cabdi Cashuur Xasan, wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, ayaa sheegay in sharcigan uu muhiim u yahay dalka. “Waa sharci ay in mudda ahba sugayeen dhammaan inta daneysa arrimaha isgaarsiinta,” ayuu yiri.

“Maanta waa maalin kale oo taariikhi ah, waana tallaabo loo qaaday in sharci iyo kala-dambeyn loo sameeyo isgaarsiinta dalka, sababtoo ah sharcigan waa kii ugu da’da weynaa ee hor yaallay baarlamaannadii dalka soo maray muddo ka badan 10 sano,” ayuu raaciyay.

Hoggaanka cusub ee Wasaaradda ayaa ansixinta sharcigan ka dhigtay mid ka mid ah waxyaabaha mudnaanta koowaad u leh, iyagoo dajiyay qorshe cusub oo lagu guuleystay, kaasoo ay ka qeybgaleen dhammaan dhinacyada uu sharcigan khuseeyo.

Sharcigan ayaa ka caawinaya dawladda sidii ay u hagi lahayd isgaarsiinta dalka, u kordhin lahayd dakhliga ay dawladdu ka hesho isgaarsiinta, loogana qeyb qaadan lahaa amniga. Wuxuu sidoo kale sare u qaadayaa xuquuqda macaamiishu ay ku leeyihiin shirkadaha iyo dhanka kale maal-gashiga ay heli karaan shirkadaha ka shaqeeya isgaarsiinta iyo internet-ka.

DHAMMAAD

Upper House approves the National Communications Act

0

The Upper House of Somalia’s parliament has today passed the National Communications Act, which was earlier passed by the National Assembly on August 9, 2017.

The Act was approved with 39 of the 40 sitting members voting in favour after serious discussions in the last couple of days. This makes the first act that is approved by this new House to Somalia’s legislative system.

The president is expected to sign this bill into law very soon before it becomes effective.

H.E. Eng. Abdi Ashur, the minister for Posts, Telecom and Technology, said while discussing the bill in Upper House, “It is an important act for Somalia. This was the bill that all stakeholders were eagerly looking forward to.”

“It is another historic day for Somalia and a giant step towards establishing a regulatory framework for our vibrant telecom industry, because this was the oldest bill that remained idle before the parliament for more than 10 years,” he added.

The current leadership of the Ministry has made passing of this act as one of the priorities of the Ministry by drawing a new, successful strategy that involved all stakeholders.

The law will help the government increase revenues and contribute to security. It will also improve rights of the consumers and attract more investment for the sector, among other benefits.

END

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Dastuurka oo la kulmay safiir ku-xigeenka Germany ee Soomaaliya

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Zubeeyr oo ay wehlinayeen La-taliyaha Arrimaha Warfaafinta, Xiriirka, iyo Wacyi Gelinta Dadweynaha, iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda ayaa la kulmay Safiir Ku-Xigeenka dalka Germany ee Soomaaliya Markus Bollmohr.

Ugu horeeyn, Agaasimaha Guud ayaa warbixin ka siiyay danjire Ku-Xigeenka hawlaha ay Wasaaradda qabatay mudooyinkii dambe ee u diyaar garowga Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Mudane Zubeyr ayaa sheegay in Wasaaraddu ay kulamo wadatashi ah sameeysay oo ay shacabiga talooyinkooda ku darsanayeen qorshaha guud ee geedi-socodka iyo kulan kale oo ay Wasaaradda u qabatay Dawlad Goboleedyada iyo Ururada Bulshada Rayidka oo lagu diyaarinayay Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga.

Danjire Ku-Xigeen Markus ayaa aad u soo dhaweeyay waxqabadka Wasaaradda ee bilihii la soo dhaafay, waxa uuna sheegay in ay door taageera ah ka qaadan doonaan hawlaha baaxadda leh ee ay Wasaaradda wado.

Ugu dambayn, Masuuliyiintii ka socotay Wasaaradda iyo Safiir Ku-Xigeenka Germany ee Soomaaliya ayaa isku afgaraty sidii wadashaqayn ay u yeelan lahaayeen.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. C/qaasim

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cadullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Masar ayaa magaalada Qaahira ee dalkaas  ku siyaartay hoyga Qaahira uu ka degan yahay Madaxweynihii dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Dr C/qaasim Salaad Xasan.

Madaxweynaha dalka ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qorey in uu la kulmay C/qaasim Salaad Xasan oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka midtahay xaaladda dalka.

Dr. C/qaasim Salaad Xasan madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay alle u towbadkeenaan isla markaana iscafiyaan si dhibaatada daba dheeraatay looga gudbo.

Shirka goliyaasha deegaanada Jubaland oo Kismaayo ka furmay

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta DFS Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa goordhow daah furay shirka dhismaha Golayaasha Deegaanka ee Jubbaland.

Munaasabadan oo hada ka socota magaalada Kismaayo waxaa ka qeyb galaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Masuuliyiin ka socda Maamulka Jubbaland, Wakiilo ka socda Midowga Yurub iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha Munaasabada lagu furayo shirka dhismaha Golayaasha Deegaanka ayaa jeediyay aragtiyo kala duwan oo guul looga gaari karo shirkan.

Goordhow waxaa la filayaa in madasha ay khudbado ka jeediyaan Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Wasiir Cabdi Faarax Siciid Juxa, iyagoo ka hadli doona ahmiyada uu leeyahay shirkaan.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo imtixaan u furey arady cusub oo ku biiraya Jaamacadda Umadda

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kahyre ayaa furay imtixaan laga qaadayo qaar kamid ah ardayda dugsiyada sare ka soo baxday,kuwaasi oo ay qaadaneyso Jaamacadda Umadda.

Imtixaankaasi oo ay u fariisteen radaydaasi oo haatan ku soo biiraya Jaamacadda Umadda ayaa ujeedkiisu yahay sidii  loo qiimeyn lahaa tayada waxbarasho ee ardaydaasi ka so baxday dugsiyada sare, si ay ugu gudbaan waxbarashada sare ee heerka jaamacadeed.

Ra’iisul wasaaraha oo ay wehliyaan xubno katirsan wasiirada iyo maamulka Jaamacadda Umadda ayaa kormeerey imtixaanaadkaasi,iyagoo u kuurgalaya qaabka loo soo agaasimay habka imtixaanaadkaasi.

Mudane Xasan Cali Khayre’ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku dhiro geliyay ardaydaasi in ay sare u qaadaan aqoontooda, islamarkaana ay qeyb ka qaataan horumarka dalokooda.

Labo markab oo shil ku galay Dekedda Berbera

0

Mas’uuliyiinta Soomaaliland ayaa sheegay in ay isku dhaceen laba Markab oo ku xirnaa Dekedda magaalada Berbera ee Maamulkaasi.

Shilkani oo dhacay habeenimadii xalay,ayaa warku intaa ku daray in mid kamid ah labadaasi markab uu waxyeelo aan badneyn uu soo gaaray,kadib markii uu dhinac ka duusmay.

Magaalada Berbera ayaa waxaa ku xirnaa sedex Maxjar oo loogu talagalay in lagu ogaado caafimaadka xoolaha, ayadoo mas’uuiyiinta Soomaaliland ay sheegeen in  xoolaha halkaasi laga dhoofiyo  caafimaadkooda si aad ah loo hubiyay.

Axmed Xaaji C/llaahi oo kamid ah mas’uuliyiinta wasaaradda xanaanada xoolaha ee maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in sanadkan 1 milyen oo neef oo ari ah dibadda loo dhoofinayo.

“Dekedda Berbera waxaa ka soconaya dhoofinta xoolaha ee sanadkan, 1milyen oo neef oo ari lab ah ayaa loo iibgeynayaa dibadda, midka dediga ah kuma jiro,wadamada Sucuudiga,Cumaan, Yeman iyo wadamo kale ayaa loo iibgeynayaa, hadda in kabadan 700 oo kun ayaa la dhoofiyay”, Sidaasina waxaa yiri Axmed Xaaji C/llaahi.

Sanadkan gudihiisa ayaa waxaa la filayaa in 1 milyen oo neef oo ari ah loo dhoofiyo qaar kamid ah wadamada Khaliijka maadaama la joogo waqtigii

SONNA