Madaxweynaha Jubbaland oo daah furay Sharciga Dhismaha Dowladaha Hoose

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah u daah furay sharciga Dhismaha Dowladaha Hoose iyo geedi socodka dhismaha golayaasha Degmooyinka.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirada Dowlad Goboleedyada Xubnaha ah, Bulshada ra’yidka ah iyo marti sharaf ka socotay beesha Caalamka ayaa munaasabada kasoo qayb galay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in hanankan cusub uu yahay mid Soomaaliya wax badan kusoo kordhinaya, gaar ahaan in uu meesha ka saarayo awoodii halka meel kaliyah taalay oo kobac dhaqaale iyo mid maamulba uu abuurayo.

Dhinaca kale Axmed Maxamed Islaam wuxuu ka digay in hanankan aan loo arkin mid hab beeleed awooda loo qaybsanayo, isla markana dadka looga baahan yahay in ay soo doortaan dad wanaagsan oo wax u qaban kara.

“Qofka aan talada u dhiibayno in aan ku qiimayno shaqadiisa iyo shaqsiyan wuxuu soo kordhin karo ayaa ka haboon in aan qabiil iyo qosykiisa  ku miisaano” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Dadweynaha ayuu sheegay in ay ka faa’iidaystaan hawshan, isla markana ay ka fogaadan wax walba oo bulshada wadajirkeeda wax u dhimaya.

Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayay Tageerada beesha Caalamku ay siiso Soomaaliya, wuxu ka digay in ay kusii socoto qaabka hada ay tahay wuxuuna sheegay in NGO-yada loo dhiibayo mashaariicda aysan Soomaaliya dan u ahayn oo la aamino Maamulada iyo hananka Dowliga ah ee Dalka ka jira.

Beesha Caalamka ayuu Madaxweynaha Jubbaland ku amaanay hawsha wanaagsan ee ay Soomaaliya ka wadaan, balse wuxuu xusay in taas aysan waxba taraynin hadii deeqaha ay Soomaalida ugu tala galeen ay u dhiibaan NGO-yo aan waxba u qabanaynin umada.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland wuxuu ka hadlay dadka ay Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah ka shaqalaysiiyaan gudaha Soomaaliya wuxuuna ugu baaqay in dadka gudaha dalka wax ku bartay ay xoogga saaran maadama ay ogyihiin duruufaha dalka ka jira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...