Aqalka Sare oo ansixiyay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka

Date:

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka oo ay hore u soo ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya 9-kii bishan Agoosto.

Sharcigan ayaa waxaa oggolaaday 39 ka mid ah 40kii mudane ee fadhiga soo xaadirtay ka dib markii ay ka doodayeen tan iyo Sabtigii la soo dhaafay. Sharcigan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu ansixiyo Aqalka Sare tan iyo markii la aasaasay dhammaadkii sanadkii hore.

Sharcigan waxaa loo gudbinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo ka hor intuusan dhaqan-gal noqon.

Mudane Cabdi Cashuur Xasan, wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, ayaa sheegay in sharcigan uu muhiim u yahay dalka. “Waa sharci ay in mudda ahba sugayeen dhammaan inta daneysa arrimaha isgaarsiinta,” ayuu yiri.

“Maanta waa maalin kale oo taariikhi ah, waana tallaabo loo qaaday in sharci iyo kala-dambeyn loo sameeyo isgaarsiinta dalka, sababtoo ah sharcigan waa kii ugu da’da weynaa ee hor yaallay baarlamaannadii dalka soo maray muddo ka badan 10 sano,” ayuu raaciyay.

Hoggaanka cusub ee Wasaaradda ayaa ansixinta sharcigan ka dhigtay mid ka mid ah waxyaabaha mudnaanta koowaad u leh, iyagoo dajiyay qorshe cusub oo lagu guuleystay, kaasoo ay ka qeybgaleen dhammaan dhinacyada uu sharcigan khuseeyo.

Sharcigan ayaa ka caawinaya dawladda sidii ay u hagi lahayd isgaarsiinta dalka, u kordhin lahayd dakhliga ay dawladdu ka hesho isgaarsiinta, loogana qeyb qaadan lahaa amniga. Wuxuu sidoo kale sare u qaadayaa xuquuqda macaamiishu ay ku leeyihiin shirkadaha iyo dhanka kale maal-gashiga ay heli karaan shirkadaha ka shaqeeya isgaarsiinta iyo internet-ka.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...