Home Blog Page 1617

Maamulka Degmada Heliwaa oo markale Olole Nadaafadeed ka bilaabay mid ka mid ah waaxyaha degmada

0

Maamulka Degmada Heliwaa oo uu horkacaayo Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa maanta waxa ay markale olole Nadaafadeed ka bilaabeen Waaxda Bandar-wanaag ee Degmada Heliwaa, si dib loogu soo celiyo bilicda Degmada islamarkaana looga hortago qatarta caafimaad iyo mida amni ee ka dhalankarta qashinka buuxdhaafiyay xaafadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Waaxda Bandarwanaag.

guddoomiyaha ayaa kormeeray sida ay u socoto howlaha Nadaafadda, waxaana uu howlwadeenada degmada u qaabilsan dhanka Nadaafadda ku dhiiri gelinayay inay si hufan u gutaan howlaha loo idmaday, waxaana uu intaa ku daray inay joogteyn doono howlaha kormeerka iyo ka warqabdka shaqaalaha Nadaafadda ee degmada.

“Waxaan idinku imid inaan idinka warqabo howsha Nadaafadeed ee aad Waaxdan ka wadaan, runtii waxaa naga go’an in aan dib u soo celino bilicdii ay lahayd Degmada Heliwaa, Nadaafaddu waa Imaanka barkiis, qofkasta waxaa mas’uuliyad ka saaran in uu ka shaqeeyo dhanka Nadaafadda” ayuu yiri Guddoomiye Cabdixakiin oo hadalkiisa ku daray “Waaxdii ku guuleysata dhanka nadaafadda, waxa ay heli doonaan abaal marin gaar ah”.

Mudane Cabdixakiin Cumar ayaa dhankiisa waxa uu ka qeyb qaatay ololaha nadaafadda, taasi oo uu ku sheegay inay tahay mid uu ku dhiiri gelinayo bulshada isla markaana looga hortagayo qatarta kooxaha nabad diidka ee ku howlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee aanan waxba galabsan.

Guddoomiye Cabdixakiin Cumar Cabdulle  ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay horaanta sanadkaan 2017, waxa uu bilaabay olole xoogan oo dib loogu soo celinayo bilicda Degmada, si degmada ay ugu soo laabato bilicda iyo quruxdii ay laheyd barisamaadkii hore.

Soo dhoweynta Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo ka socota Garoonka Aadan Cadde

0

Qabanqaabada xaflado loogu diyaargaroobayo soo dhoweynta Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa ka socota Garoonka Diyaaradaha  Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah Xildhibaano ka tirsan labada Gole Guddoomiye kuxigeenada Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasoo diyaar u ah inay soo dhoweeyaan Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Taabid Cabdi Macalin.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Macalin ayaa waqti dhow  ku soo fool leh Muqdisho,isagoo ka soo ambabaxaya magaalada Nairobi oo uu gaaray laba cisho kahor.

Guddoomiyaha cusub ayaa lagu wadaa in todobaadka  soo socoda uu xilka kala wareego Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, kaasoo xilka laga qaaday.

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabkasida ayaa xukun ku riday labo eedeysane

0

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabkasida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in raga la xukamay ay ka mid ahaayeen maleeshiyada Al-shabaab isla markaana ciidamada amniga ay ka soo qabteen deegaanka Gudinlabe iyagoo wata gaari hoomey ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabkasida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka labada eedaysane ee kala ah Maxamed Cali Kadiye iyo Xuseen Xaashi C/laahi  wuxuuna sheegay in lagu xukumay min 10 sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamada Ciidamada Qalabsida ayaa mudooyinkan waxa ay xukuno kala duwan ku fulinaysay qaar ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabaab oo dacwooyin kala duwan lagu soo eedeeyay.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan oo kaalmo dhaqaale u soo diray Guddiga Qaran ee abaaraha

0

Munaasabadan oo lagu gudbinayay lacagu ay aruuriyeen Guddiga Abaaraha ee Sudaan isla markaana loo gudbinayay Guddiga Heerka Qaranka ee abaaraha Soomaaliya ayaa waxaa ka soo Qaybgalay Jaaliyadda, Ganacsato, Aqoonyahanno, Salaadiin, iyo Madax ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sudaan.

Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha ee Sudaan Dr Cabdi Fataax Maxamed Barqadle oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay inay soo aruuriyeen lacag gaareysa $ 20,700 isla markaane ay u direen guddiga heerka Qaran ee abaraha Soomaaliya gaar ahaan Sheekh Nuur Baaruud “Gurxan”

Dhanka kale Waxaa Munaasabadda hadlay Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sudaan Cabdi Wali Xasan Xuseen iyo Suldaan Kamaal oo Ka mid ah Guddiga Abaaraha ee Sudaan waxeyn dhamaantood u mahad celiyeen Guddigii isku xilsaaray inay soo Aruuriyaan Lacagahaasi.

Sido kale waxaa munaasabada ka hadlay danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Danjire Maxamed Cabdullaahi Ogaas oo mahadcelin balaaran u jeediyay cid walba oo ka qayb gaadatay samata bixinta Walaalahood.

Gabagabadii munaasabadda waxaa shahaado Sharaf la guddoonsiyay Guddigii ka koobnaa 15 xubnood ee habeen iyo maalin u tagnaa inay soo aruuriyaan lacagahaasi si loo badbaadiyo dadka abaartu saameysay.

 

 

Guddoomiyaha Gobolka SH/Hoose oo wacad ku maray in aan loo dulqaadan doonin jidgooyo

0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Mudane Ibraahim Aadan Cali Najax iyo Taliyaha guutada Lixaad ee ciidanka Xoogga dalka Korneyl Cali Calasow ayaa howlgal lagu baadi goobayo kooxo qowleysato oo gaadiidka jidka u gala ka sameeyay inta u dhexeyso Wanla weyn,  Yaaq Biriweyne iyo deegaanka Leego ee gobolka.

Ciidmada ayaa ku guuleystay inay sii daayaan ilaa iyo 40 gaadiidka xamuulka qaada ah oo ku sii jeeday gobollada Baay, Bakoo iyo Gedo, kuwaasi oo ay jidka ku heysteen kooxo burcad ah oo doonayay inay lacago baad ah ka qaataan.

Taliyaha guutada Lixaad ee ciidanka Xoogga dalka Korneyl Cali Calasow ayaa sheegay in howlgalka uu yahay mid maalmahan socday, isla markaana ay ku baacsaneyeen kooxaha jidka u gala gaadiidka, isagoo intaa ku daray in ciidamada guutada lixaad ay yihin kuwa u taagan inay shacabka ka difaacaan cidkasta oo dhibaateyneysa.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Mudane Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay inaysan u dulqaadan donin in shacabka lagu dhibaateeyo waddooyinka dhex mara gobolka, waxaana uu wacad ku maray in tallaabo laga qaadi doono ciddi lagu hela falalka dhaca gaadiidka iyo dadweynaha isticmaala deegaannada Gobolka.

Guddoomiyaha gobolka ayaa howlo shaqo u jooga degmada Wanla weyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana uu waday dadaallo ku aadan sidii loo xalin lahaa tabashada ay qabaan gaadiidleyda iyo dadka halkaasi ku safra.

 

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo kormeeray Qeybaha Xabsiga Dhexe uu ka kooban yahay

0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa maanta kormeeray Xabsiga Dhexe ee Xamar iyo Warshadda Farsamada Maxaabiista ee Xabsiga.

Taliyaha oo ay wehliyeen Taliye ku xiggeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cilmi Waasuge Colow iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta ayaa soo indha-indheeyey sida Warshadda Farsamada Tababarka Maxaabiista ee Xabsiga dhexe ee Xamar ay u shaqeyso, isagoo Taliyaha boggaadiyey Maxaabiista Warshadaasi ka shaqeysa, kulana dardaarmay in ay ka faa’iideystaan Fursadda qaaliga ah ee ay heystaan, sidoo kalana Gen Xuseen ayaa tagay Warshada Bulukeetiga soo saarta  ee Xabsiga dhexe ee Xamar, xilligaasi oo Warshadda Shaqaalaheeda oo Maxaabiis ah ay ku hoolanaayeen soo saarka Bulukeeti Taliska laga soo dalbaday.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan, ayaa sidoo kale qeybaha Xabsiga dhexe uu ka kooban yahay soo maray, waxaana uu u sheegay Taliska Xabsiga dhexe in la dar dar galiyo Shaqada socota,oo halkii ay mareysay laga jaan qaado  islamarkaana uu yimid isla xisaabtan dhab ah, dib u dhac yarna aan la oggolaan doonin.

—DHAMMAAD—

Xafiiska Warbaahinta ee

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Email:- Asluubta.media@gmail.com

Muqdisho-Soomaaliya

Xaflad lagu taageerayey Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda oo Koofur Afrika lagu qabtay.

0

Munaasabadaan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ay isugu jirtay duco iyo taageero loo muujinayay Wasiirka wasaarada maaliyada  Cabdiraxmaan Bayle Ducaale iyo waliba  wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Prof C/laahi Sheikh Cali(Qaloocow) ayaa waxaa lagu qabtay xaafada Soomaalida dagan tahay ee Mayfair Magaalada Johannesburg.

Waxgarad, aqoon yahano, odoyaasha dhaqanka,haween, dhalinyaro madax ka socotay xisbiga haaya talada dalka Koofur Afrika Ee ANC ayaa kasoo qeybgalay munaasabadaan lagu taageerayay Wasiirka wasaarada maaliyada  Cabdiraxmaan Bayle Ducaale iyo wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Prof Cabullaahi sheikh Cali (Qaloocoow)

Masuuliyiin kala duwan ayaa ka hadlay goobta Xaflada ka dhaceysay kuwaa oo taageero u muujiyay wasiirada Cusub gaar ahaan wasiirka iyo wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada ayaga oo ugu duceeyay in xilka adag ee loo igmaday uu Alle u fududeeyo.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Prof C/laahi Sheekh Cali (Qaloocoow) oo qadka telfoonka uga qeybgalay xafladaan ayaa sheegay in dalka hada diyaar u yahay in qurba joogtiisa ay dib ugu soo laabtaan isla markaana ay maal gashi ku sameeystaan si looga baxo kaalmo shisheeye lagana wada shaqeeyo nabada iyo horumarka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Ciidanka Xoogga ugu Hanbalyeeyey Munaasibadda 12 –ka April

0

Muqdisho, April 12, 2017—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ugu hanbalyeeyey munaasibadda sanadguurada 57aad ee maalintii la asaasay Ciidanka Xoogga ee 12-kii April, sannadkii 1960-kii. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay yihiin dhidibada uu ku taagan yahay Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay taariikh weyn ku leeyihiin dalkeenna.

Mudane Xasan Cali Khayrre ayaa ku amaanay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya dadaalka naf-hurnimada ah ee ay u samaynayaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka hooyo, isla markaana loo cirib-tiri lahaa kooxaha sharka iyo argagaxisada ee caqabadda ku ah nabadda iyo horumarka Soomaaliya. Waxana uu balanqaaday in Xukuumaddiisu ay xil weyn iska saari doonto daryeelka iyo xuquuqda ciidamada si ay u gutaan waajibaadkooda qaran.

“Waxaan halkaan hanbalyo ballaaran uga dirayaa saraakiisha, saraakiil-xigeenka, dableyda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga, waxaan ugu hanbalyeynayaa munaasibada 12-ka April. Waxaan ciidankeenna geesiyaasha ah u rajaynayaa horumar iyo inay ku guuleystaan hawlaha iyo waajibaadka qaran ee loo igmaday” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu

“Ciidanku Xooggu waa astaan qaran iyo tiirarka adag ee uu ku taagan yahay dalkeennu. Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxay leedahay muhiimad gaar ah, runtii, dal aan Ciidan xooggan lahayn ma dhismi karo, mana horumari karo. Xukuumadaydu wax dadaal ah lama hari doonto si loo helo daryeel iyo xuquuq joogto ah oo ay yeeshaan ciidankeennu”. Ayuu raaciyey

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali KHayre ayaa ugu baaqay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya inay laba jibaaraan dadaalada lagu xaqiijinayo ammaanka dalka, isla markaana meesha looga saarayo kooxaha nabadda diidan.

—-DHAMMAAD—-

Khubaddii madaxweyne Farmaajo ee xuska ciidanka Xoogga

0

Qeybta khudbadaha  munaasaadda xuska sannadguurada 57-aad ee aaska aaska ciidammada xoogga dalka  Soomaaliyeed ee ay ka qeyb-galeen madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe, ayaa sheegtay in ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay cagta sareen wadadii isku filnaanshaha, iyadoo si gaar a ugu hambalyeysay gabdhaha ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed.

S/Gaas Axmed Jimcaale Geeddi taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa khuddabaddiisa ugu hambalyeeyey guud ahaan qeybaha ciidanka Xoogga dalka sannad-guurada 57aad ee aas-aaskooda 12-ka Abriil 1960kii.

“Ciidanka waxaa lagu aas-aaskay saraakiil laga soo wareejiyey ciidanka Booliska Soomaaaliyeed, waa taariikh muhiim ah, u jeedada abuurista Xoogga dalka waxa ay aheyd in uu difaaco qarannimada ummadda Soomaaliyeed, kaalinta ciidankaanna cidi kama qarsana, waxa uu ka qeyb-qaatay ciidanka dib u dhiska dalka tababarrada bulshada si ay u helaan Xirfado ay ku shaqeystaan, waxaan maanta ku jirnaa dib u dhiskii ciidanka, waxaan u mahadcelinayaa dowlaha saaxiibada ah, taariikhdeenna waxaa ka mid ah inaan tababarnay dowlado xorriyaddooda u dagaallamayey, waxaan rajeynayaa inaan si deg deg ah ugu laabanno wadadaasi INSHA ALLAH, ayuu yiri taliyaha Xoogga dalka Soomaaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaaliya, ayaa u hambalyeeyey ciidanka Qalabka sida oo dhan ee dagaalka kula jira cadowga ummadda Soomaaliyeed sannadguurada 1-ka April, waxa uu intaa raaciyey in dhammaan ciidanka ay kaalin weyn ka geystaan gurmadka abaaraha iyo dagaallanka kooxha nabadda-diiddan, waxa uu rajeeyey in dhowaan la qaadi doono tallaabooyin adag oo ka dhan ah cadowga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa khubaddiisa ku bilaabay salaan guud oo uu u diray ciidammada Qalabka sida uguna hambalyeeyey sannad-guurada 57-aad ee aas-aaskooda.

“ummadda Soomaaliyeed waxa ay naga sugeysaa inaan soo celino nabaddii iyo degnaashihii dalka oo dhan, ciimmada Xoogga marxalado ay ka mid ahaayeen in   loo diro dalal aan saaxiibo nahay si aan u caawinno, maanta annaga ayaa ciidan saaxiibo ah na garab taagan yihiin, waxaan halkaan ka jeedinayaa laba arrin oo muhiim ah, dowladdaan sida loo doortay waxaa ALLE nagu guuleeyey in  ay si rasmi ah u biloowdey shaqadeedii in isbadelna  lagu seemeeyey hoggaannada talisyada ciidammada Qalabka Sida, waana inaan keennaa in dalka nabadgalyo laga dhigo, waxaan aaminsanahay inaan gaari karno yoolkaas, khibrad dheer ayaan u leenahay, qorshihii Al-Shabaab looga saaray xiligii KMG-ka ahaa Muqdisho ayaan adeegsan doonnaa,  ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muhiim ay tahay taageerada shacabka si ay u guuleystaan ciidammada Qaranka, aniga iyo guud ahaan  hey’adaha dowladdana inaan si dhammeystiran u dhisno ciidammada Qalabka sida, ayaa naga go’an ayuu ku daray

 

Madaxweynaha ayaa u yeeray saraakiishii hoggaamineysay dagaalkii Al-Shabaab looga saaray Muqdisho intii ay socotay munaasabadda xuska ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, raggaas waxa uu sheegay in ay yihiin saraakiishii ugu hoggaanka fiicneyd, sidaas darteed mar kale ayeey sameyn doonaan qorshe adag oo ka dhan ah Al-Shabaab, si dalka looga saaro.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in dhismaha ciidanku ay sal u tahay hoggaan wanaagsan, waxan ku dedaaleynaa inaan si joogto ah u bixinno mushaaraadkooda, daryeelkooda iyo akhbaakhdooduna waan hagaajin doonnaa ayuu raaciyey madaxweynaha.

Shacabka ayuu madaxweynaha ugu baaqay in ay dib u billaabaan abaabulkii ay ku taageerayeen ciidammada Qalabka Sida, waxa uu sheegay in muddo laba sanno ah dalka oo dhan laga saari doono Al-Shabaab, dowladduna aysan marnaba dib uga soo laaban doonin gooobaha ay gacanta ku dhigaan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Mar kale ayuu ugu baaqay madaxweynaha dhallinyarada Al-Shabaab ay marin habaabiyeen in ay ka soo laabtaan kooxdaasi, waxa uu ballan-qaadey madaxweynaha in ay heli doonaan daryeel iyo mustaqbal wanaagsan, horjoogeyaasha Al-Shabaab  ayuu ugu yeeray in ay fursadda dowladda ay siisay ay ka faa’ideystaan inta anaan goobaha ay joogaan loogu tegin.

“aniga ma iclaaminin dagaal ee waxaan sheegay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, waana inaa  u diyar garownaa sidii aan dalkeenna uga qabsan  lahayn Al-Shabaab, dowladda waxaa ka go’an iyadoo dagaal ku jirtain ay dhaqaalaha kobcineyso, shaqo abuur sameyso,  dowladda iyo shacabka haddii ay meel ka soo wada jeestaan waan ku guuleysan karnaa hiigsigisaasi” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Musuq-maasuqa waxa uu sheegay in si joogta ah loola dagaamayo, dowladda Soomaliya kama shaqeyn doono qof tuug ah ayuu yiri madaxweynaha.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa u yeeray Gabar ka tirsan Xoogga  dalka oo ku dhaawacmatay dagaal, waxa uu sheegay in dowladda ay caafimaadkeeda dammaanad qaadeyso Gabadhaasi

 

Munaasabadda sannad-guurada Xoogga dalka oo toos uga socota Wasaaradda Gaashaandhigga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Difaaca, wasiiru dowlaha, wasiir ku xigeenka, taliyaha ciidanka Xoogga dalka, taliyeyaasha ciidanka kale ee  Qalabka sida, wasiirro, xildhibaanno, diblomaasiyiin kala duwan iyo ciidammada Xoogga dalka qeybahooda dhan, ayaa u dabaal-deggaya sanad-guurada 57-aad ee 12-ka April, iyadoo munaasabaddu ay ka socoto wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Ciidammada Xoogga qeybbahood oo soo bandhigay Fantasyo qurux badan, iyaddo kaddib la guda galay, munaasaddii weyneyd iyadoo fannaaniinta kooxda Horseed ee ciidanka Xooggu ay soo bandhigayaan heeso iyo Riwaayada lagu weyneynayo sannad-guurada 57-aad ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Goor dhow, waxaa la geli doona khudbadaha masuuliyiinta, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqdey in uu jira diyaar-garow dagaal ka dhan kooxda Al-Sbabaab iyo nabad-diidka oo dhan.