Home Blog Page 1619

Ra’isulwasaaraha oo Dhiiri Geliyey Ciidammada Xasilinta Amniga Caasimadda

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa galabta kormeer shaqo ku tagey qaar kamid ah xarumaha ciidamada Dawladda ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka hore tegay xaruntii hore xisbiga ee ka mid ah xarumaha ay deggan yihiin Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa kulan la qaatay saraakiisha isla-markaana halkaasi kula hadlay ciidamadda.

Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa uga mahad-celiyey Ciidamadda Xasilinta caasimadda horumarka dhanka amniga ah ee ay caasimadda ka sameeyeen mudada yar ee ay howl-gallada wadaan.

“Anaga iyo Shacabka Soomaaliyeed, waxaa idin kaga mahadcelinaynaa howlgallada aad fuliseen oo ay cadowga ee kaaga hortagteen falalka cadowgu damacsanaayeen. Dadalkiina dad Soomaaliyeed ayaa ku badbaaday waxana idinku ammaanayaa idinkooda ku shaqeeya duruufo adag sida sharafta leh ee dalkiina iyo qarankiina ugu adeegteen.

“Yeddediillo ayey na gelineysaa horumarka dhanka amniga ah ee aad ka sameeyseen caasimadda tan markii qorshaha xasilinta caasimada ay dejisay xukuumadda, waxaan dooneynaa inaad sii laba-laabtaan dedaaladiina ku aadan nabadeynta Muqdisho, dawladdana waxay kordhin doontaa wax walba oo awooddeeda ah si loo yareeyo daruufaha aad ku shaqeyneysaan”. Ayuuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay ciidamadda xasilinta caasimadda ee uu maanta booqday in ay xoojiyaan xirriirka shacabka si ay ugu sahlanaato ka hortagga falalka guracan ee kooxaha nabad-diidka.

“Shacabka waa inaad u nug lahaataan ulana dhaqantaan si dabacsan oo ixtiraam leh xiliyada aad ku jirtaan howlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad diidka ee ku dhumaaleysanaya bulshada dhaxdeeda si ay u sahlanaato wada shaqeynta aad la leedihiin Shacabka”ayuu yiri Mudane Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha oo koormeerkiisa shaqo ee maanta ku tagey xarunta Villa Baydhabo ayaa indha-indheeyey qaar ka mid ah xafiisyada hoggaamada Ciidamada Xoogga Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka iyo qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Xoogga ayaa kala hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa xirfada, aqlaaqda iyo xuquuqda ay leeyihiin ciidamada

Ugh dambeeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyey Saraakiisha Ciidamada Xoogga in qorshaha isla xisaabtanka xukuumadda ee lagula dagaallamayo musuqmuusaqa loo daadijiyo sarkaal ilaa askariga dablaha ah si loo hubiyo in askarta si hufnaan leh u helaan xuquuqdooda iyo garaam bileedka dawladda ay ku bixiso ciidamadda Xoogga Dalka. Waxana kormeerka R/Wasaaraha ku weheliyey Wasiirrro ka tirsan Xukuumadda.

DHAMMAAD

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Maxaabiistii laga soo daayey Xabsiyada dalka Itoobiya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirada, Xildhibaanno iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, ayaa booqday 114 dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa magaalada Jigjiga, kuwaas oo dib-u-helay xoriyaddoodii, haatanna ay gacanta ku hayso Dawladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu ku farax sanyahay dhalinyaradan Soomaaliyeed uu arko wajiyadooda si uu ula qeyb-sado farxadda ay dareemayaan, maadaama ay dib ula midoobayaan ehelkii iyo dadkoodii, sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay jiraan dhalinayaro kale oo ku dhibaataysan dunida oo dhan, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii ay dalkooda dib ugu soo laaban lahaayeen iyagoo xor ah.

Mudane Khayre oo ay ka muuqatay sida uu uga murugsan yahay in dhalinyarda oo ah mustaqbalkii dalkeena ay ku jiraan xabsiyo ayaa tilmaamay in ayan jirin wax ka wanaagsan qaranimo, waxuuna yiri:

“Waxaan ka xumahay dhibaatada soo gaartay dhalinayarada Soomaaliyeed kadib dawlad burburkii Soomaaliya, taa oo keentay in dhalinyaradeenu ay u kala hayaanto wadamo shisheeye oo ay ku qabaan dhibaato, qaar-koodna ay ku jiraan xabsiyada adduunka oo cidina aysan ku ogayn, balse dawladda Soomaaliya ka shaqayn doonto sidii ay dhalinyaradaas dib ugu heli lahaayeen mustaqbalkii ka lumay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in aysan gacanta ku hayn wixii ay xaq u lahaayeen dhalinyarada, balse ay ka shaqayn doonaan arrintaas si loo hagaajiyo mustaqbalka dalka maadaama ay dhalinyaradu yihiin dadka ugu badan bulshada Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah Maxaabiista oo shucuurtooda ka hadlay ayaa muujiyey dareen wadaniyad iyo dal jaceyl ah, waxayna qireen in Soomaalidu ay danteeda ku gaari karto wadajir iyo midnimo. Waxayna codsadeen in loo sameeyo fursado waxbarasho iyo kuwo shaqo, maadaama ay qaar kood yihiin dhalinyaro waxbaratay oo aqoon leh si ay dalkooda ugu faa’iideeyaan cilmigooda. Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay qaar kamid ah ehellada dadka la soo daayey, waxayna mahadcelin u jeediyeen dawladooda iyo cid walba oo gacan ka geysatay soo daynta dadkooda.

DHAMMAAD

Madaxweyne Farmaajo “Waxaan ku ballanay inaan dib u dhisanno Jaamacadda Umadda”

0

Muqdisho, 23ka Luuliyo, 2017- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta furay Shirka Guddiga Sare ee Jaamacadda Umadda oo ka dhacay Xarunta Gaheyr, isaga oo sidoo kale kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee xarunta.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen xubnaha Guddiga Sare oo uu guddoomiye sharafeed u yahay Madaxweynaha, ayna xubno ka yihiin Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jaamacadda ayaa lagu go’aamiyay in sanadkan waxbarasho bilaash ah loo fidiyo arday kor u dhaafeysa kun oo ka kala imaan doona dhammaan gobollada dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in xarunta jaamacadda dib loogu soo celiyo gacanta dowladda keddib 10 sano oo ay xero ciidan ahayd.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan aamisanahay in ay tahay horumar in ay nagu soo wareegtay dhismihii jamaacadda oo aan ku dhiirrigelinno ciidamada Brundi in ay ka guuraan maadaama ay meeshan tahay goob waxbarasho, annagana aan isku tashanno oo aan halkan uga shaqeyno mustaqbalka carruurteenna. Waxaan ku ballanay inaan dib u dhisanno Jaamacaddeena.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdu ay korhdineyso miisaaniyadda Jaamacadda si dhallinyarada Soomaaliyeed ay u helaan adeeg waxbarasho oo hufan.

Waxa uu intaas raaciyay in shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay isku tashadaan oo ay maalgelin ku sameeyaan tacliinta si loo helo jiil ka caafimaad qaba qabyaaladda iyo xagjirnimada.

Jaamacadda oo dib loo hawlgaliyay sanadkii 2013 waxay haatan ka kooban tahay 10 kulliyadood iyada oo waxbarasho bilaash ah u fidisa arday kor u dhaafeysa 1,500 oo ka kala yimid dhammaan gobollada dalka.

Jaamacadda Umadda ayaa waxa ay soo saartay aqoonyahanno iyo xirfadleyaal Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay Ahmiyadda Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ka dhacay xarunta dhexe ee Jaamacadda Umadda kaasi oo ay isugu yimaadeen guddiga sare ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ka hadlay Ahmiyadda Waxbarashada iyo Qiimaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ugu fadhiso dadka iyo dalka intaba.

Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa sidoo kale maanta soo kormeeray xarunta Gahayr ee Jaamacadda Umadda Sooomaaliyeed.

 

 

Culimada Soomaaliyeed oo cambaareeyey dhibaatada Israel ay ku hayso Falastiin

0

Kulankan  oo ay isugu yimaadeen  Culimada Soomaaliyeed  ayaa lagu qabtay magaalada  Muqdisho,waxaana lagu Cambaareeyay  dhibaatooyinka   iyo gabood falada kale oo Israel ay ku hayso shacabka reer Falastiin, ayadoo sidoo kale, lagu xadgudbay masjidka barakaysan ee Al- Aqsa laguna dhibaateeyo shacabka aan waxba galabsan ee Falastiin.

Waxaa culimada diiradda ku saareen dowrka kaga aadan  qeyla dhaanta laga muujinayo xad gudubyada ciidamada Yuhuudda ay ku hayaan shacabka reer Falastiin.

Qaar ka mid ah  culimadii ka hadashay  kulanka  ayaa si wadajir ah  u cambaareeyay dhibaatooyinkaasi ayagoo ku baaqay in Israel ay joojiso gabood falkaasi.

Guddoomiyaha  ha’yadda culimada Soomaaliyeed  Sheekh Bashiir Axmed Salaad  ayaa  akhriyay bayaanka ay ka soo saareen  hay’adda culimada Soomaaliyeed  dhibaatooyinka Yahuudda ay ku hayaan  muslimiinta reer Falastiin  iyo masjidka  barakeysan ee Al-Aqso, Waxay culimaddan ugu baaqeen maamulka Israel in uu joojiyo xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha oo ay sameynayaan ciidamadooda.

Wefdi Seychelles ka socday oo soo gaaray dalka

0

Wefigan ka socda jaziiradda Seychelles  ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminaya wasiiru dowlaha arimaha dibadda, waxayan la kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya

Kulankan ay wada yeesheen R/wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee jaziiradda seychelles,  ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, wasiirka Kalluumaysiga khayraadka Badda, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo Masuuliyiin kale, waxaana kulanka diiradda lagu saaray Xoojinta Xiriirka Labada dowladood Arrimaha la xariira Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran Seychelles iyo la dagaalanka Burcad Badeeda.

Barry faure Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Seychelles  oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen dhammaan waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya C/qaadir Axmed Khayr sheegay in dowladda ay xoogga saarayso dib u soo celinta maxaabiista ku xiran Seychelles  iyo dalalka kale.

Bilowgii Bishan Luulyo ayaa R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, uu magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxweyne ku xigeenka Seychelles,iyagoo ka wada hadlay arrimaha maxaabiista Soomaalida isla markaan heshiis is afgarad ah ku kala saxiixday halkaas.

Kulan u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Ururada Bulshada Rayidka Jubbaland oo Kismaayo ka dhacay

0

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa hannaanka dib-u-eegista Dastuurka la yeelatay Ururada Bulshada Rayidka ee Jubbaland. Kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, culumada, haweenka, dhaqanka, iyo dhalinyarada Jubbaland.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa ku tilmaamay kulanka wadatashiga ee Kismaayo ka dhacay in uu ahaa tallaabo horey loogu qaaday xoojinta wada shaqaynta Wasaaradda iyo Jubbaland.

“Runtii farxad wayn bay noo tahay in aan maanta kulan wadatashi ah ku qabano Kismaayo, waxa aan u nimid in aan ra’yigiina dhageeysano; Waa tallaabo kale oo ay Wasaardda horey u qaaday si aan wadashaqayn joogta ah u la yeelanno dawlad goboleedka Jubbaland” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale AVV Cabdi Xoosh isago oo ka hadlayay Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ayuu yiri “Micanaha Dastuurka waa heshiis bulsho, sidaa awgeed waxa aan donaynaa in aan bulshada rabitaankooda ku hogaaminno Geedi-socodka taariikhiga ah ee dib-u-eegista Dastuurka ee sanadkan ka bilaabmi doona dalka”.

Dadkii ka soo qaybgalay kulanka ayaa talooyinkooda ku saabsanaa Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuuka la wadaagay Wasaaradda.

Ugu dambeyn, Wasiir Xoosh ayaa ballanqaaday in kulamada wadatashiga ay gaarsiin doonaan dhamaan deegaanada dawlad goboleedyada.

—–DHAMAAD—–

Wasiirka Dastuurka oo la kulmay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Jubbaland

0

Wafidi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa waxa ay la kulmeen Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islmaam (Axmed Madoobe).

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe uga warbixiyay ujeedka safarka wafdiga uu hogaaminayo ay ku soo gaareen Kismaayo.

“Mudane Madaxweyne marka ugu horeeysa waan kaaga mahadcelinayaa kulankan aad nala yeelatay, marka xigta waxa aan u inimid in madaxda iyo shacabka ku nool deegaanada Jubbaland aan ka tala gelino Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka, waxa aan doneynaa in aan bilaawno Geedi-socodka dib loogu eegayo Dastuurka oo aan ka shaqeyneyno in ka qaybgalkiisu uu noqdo mid loo dhanyahay”.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku ammaanay Wasiirka iyo wafdigiisa sida ay u go’antahay in arin walba oo ku saabsan Dastuurka laga talageliyo dawlad goboleedyada iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Wafdiga Wasiir Xoosh ayaa la kulmay Gudoomiyaha, Gudoomiye ku-xigeennada, iyo Guddiga Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka Jubbaland, iyaga oo kawada hadlay sidii Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka uu u noqon lahaa mid lagu galo qorsho diyaarintiisa loo dhanyahay.

Gebagabadii, AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa Baarlamaanka Jubbalanad ka codsaday in ay Wasaaradda kala shaqeeyaan Geedi-socodka taariikhiga ah ee dib-u-eegista Dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS oo Garowe ka furtay shirweyne wadatashi ah (Sawirro)

0

Shirwaynahan afraad ee ka talinta aayaha dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa daahfurtay wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda federalka ah ee Soomaliya waxaana ka soo qaybgalay oo Goob joog ahaa Madaxda wasaaradaha dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Maamul Gobaleedyada dalka kuwaasi oo la talin ka samayn doona siyaasadii lagu hagi lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.

Sihayaha wasiirka shaqada shaqaalaha dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland C/rixmaan Shiikh Axmed oo shirwaynahan dhallinyarada ka hadlay waxa uu sheegay in kulankaani muhiim u yahay wada shaqaynta taaba galinta iyo Horumarinta dhallinyarada Soomaaliyed.

Wasiirka Dallinyarada iyo ciyaaraha ee Konfurgalbeed,wasiir ku xigeenada Hirshabeele iyo jabbaland iyo Agasimaha Guud ee dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Galmudug waxay isla raaceen Muhiimada ay leedahay Midaynta dhallinyarada Soomaliyed iyo hagisteeda.

Khadiijo Maxamed Diiriye wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Dowladda federalka ah ee Soomaaliya waxay dardaaran dheer oo dhinacyo badna taabanaya u jediysay mas’uuliyiintan ka socotay bahda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Maamul Gobaleedyada dalka kuna Booriysay in la soo saaro siyaasad midaynaysa dhallinta Soomaaliyeed ayan uga baxaan halisa dhinacyada tahriibka ,adeegsiga falalka aan haboonayn iyo maadooriyaha kuwasi oo daashaday dhallinyarada Soomaaliyed.

Gabagabada shirkan ayaa lagu wadaa in lag soo saaro qorshe cad oo lagu horumariyo dhallinyarada Soomaaliyed iyo kor loo sii qaado wada shaqaynta joogatada ah ee ka dhaxaysa wasarada dhallinyarada iyo ciyaaraha somaliya iyo Kuwa maamul Gobaleedyada.

                  

Qunsuliyadda guud ee Cadan oo faahfaahisay tirada Qaxootiga Soomaalida ee dib loo soo celiyay

0

Qunsuliyadda Guud Ee Soomaaliya ee Magaalada Cadan ayaa soo bandhigtay tira koobka qaxootiga Soomaaliyeed ee lagu guuleystay in laga soo daadgureeyo dalka yemen oo Colaad Sokeeye ay ku qabsatay dalka Yeman.

Axmed Cabdi Xasan Axmed Suudaani Qunsuliyadda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Cadan ayaa sheegtay in tirakoobkaan uu yahay dadkii qaxootiga Soomaaliyeed ee laga soo daadgureynta dalka Yeman intii dhexeysay bishii October 2016 illaa bishaan aan ku jirno ee Julay 2017.

Amb Suudaani wuxuu sheegay in wadarta guud tirade qaxootiga ee yaman laga soo daadgureeyay ay gaareyso 1243 qof oo isugu jira Qaxooti,Arday, dad xanuunsan iyo qoysas si iskood ah ugu noolaa dalka Yeman.

Kumannaa Qaxooti Soomaali ah oo ka cararay colaaddii sokeeye ee sanadku markuu ahaa ahaa 1991 ka qaraxday dalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalooyinka waaweyne ee dalka Yeman, halkaas oo ay qarkood ka bixlaabeen in ay abuurtaan nolol cusub hase yeeshee waxaa mar qura isbadashay xaaladda kadib markii dalkaasi mar qura uu ka qarxay dagaal sokeeye oo ay horkacayeen kooxda Xuutiyiinta oo gacan ka helayay maleeshiyaad daacad u ah Madaxweynihii hore ee Yeman Cali Cabdalla Saalax.

Qunsuliyadda Guud ee Soomaaliya ayaa markiiba billaawday dadaal dheeraad ah oo ay kaga jawaabeyso baahida qaxootiga Soomaaliyeed oo ka baxsanayay Duqeynta iyo dagaalada foolkafoolka ee ugu dambeyn sababay in maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay la wareegaan magaalada Sanca Ee Caasimadda Dalka Yeman.

“Markuu ay Xaaladdu dhinac walba ka cakirantay waxaan qaadanay go’aan ah in aan soo daadgureysno muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan u dhaaranay, majirin wax dhaqaale ah oo aan ka qaadeynay dadka qaxootiga ee dib aan ugu soo celinay dalkooda hooey, sidoo kale majirin cid cawimaad nagu siisay soo daadgereyntooda, waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaaji iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo marwalba nagu dhiirrigalinayay dadaalka joogtada ah ee aan mudadaas wadnay illaa hadana aan wadno”ayuu hadalkiisa raaciyay mudane Axmed Suudaani Qunsulka Guud ee Magaalada Cadan.