Raโ€™iisul Wasaaraha oo kormeeray arday u fadhiisatay imtixaanka ogolaanshiyaha ee Jaamacadda Ummadda

Date:

2,400 ardey oo dhamaysatay dugsiyada sare ee dalka ayaa maantaย  u fadhiistey Imxitaanka ogolaanshiyaha ee Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed si ay uga mid noqdaan 1,000 arday oo ay Jaamacaddu qaadanaayso sanadkaan,ย  si ay ugu biraan arday badan oo Jamacaddaย  ku dhigtaย  lacag laโ€™an oo ay dowladdu bixisoย  qarashaadka ku baxaya waxbarashadooda.

Raโ€™iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliyaย  Mudane Xasan Cali Khayre, xubno ka tirsanย  Golaha Wasiirada ayaa kormeer Indha indheyn ahย  waxa ay ugu tageen Ardayda ku jirtay Imtixaanka ay ugu gudbayaan Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaraha Soomaaliya ayaa mid mid Ardayda ugu dhiiri geliyeyย ย  isagoo u rajeeyeynayey inย  ku guleystaan imtixaanka, halka uu hubinayey in Imtixanka ay ardeydu galaysay in uu yahay mid isku mid iyo in uu yahay mid ka turjumaya maadooyinkiiย  ay ku soo barteen dugsiyada sare ee dalka.

Wasiirka Waxbarashada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliyaย  Mudane Cabdiraxamaan Daahir Cismaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa xusay inย  2,400 ay maanta u fadhsiteen imtixaankaย  Jamacadda ย ay ugu soo birayaan.

Qaar ka mid ah ardaydaย  maanta u fadhiisatay imtixaanka sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin inay galayaan imtixaanka lagu ogaanayo heerkooda aqoonta si ay qeyb uga noqdaan ardayda Jaamacadda wax ka barata.

Jamacadda Ummadda Soomaaliyeedย  aya ahย  Jaamacadda kaliya oo ay leedahay dowladda Soomaaliya, isla markaana si lacag laโ€™aan ah ay wax ugu bartaan Ardayda Soomaaliyeed .

Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Maxamed โ€œFeeraysaneโ€

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ฐ๐ž๐๐ž๐ง ๐ฎ ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ฒ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š XFS ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...