Home Blog Page 1616

Qoysas ku xoolo beelay abaarta oo codsaday in gurmad lala soo gaaro

0

Dadka ku nool qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay ka cabanayaan xaalad nololeed oo soo food saartay kaddib abaarta daba dheeraatay  ee Wadanka ka jirta.

Qaar ka mid ah Dadkaasi oo aan u kuur galnay siyaabaha ay ku nool yihiin ayaa waxaa ka muuqatay saameynta abaarta xoolihii ay dhaqanayeen intii badnayd ay uga dhamaadeen abaarta .

Qaar ka mid ah qoysaska ku xoola beelay abaarta ayaa sheegay inay iminka heysato xaalado nololeed oo aad u liidato, waxaana ay codsadeen in kaalmo deg deg ah lala soo gaaro.

Abaartaan ayaa waxa ay notay mid guud ahaanba saameysay Dadka, iyadoa cidwaliba ay la daalaa dhaceyso maareynta noloshooda, Dadka dhibta ugu badani haysato ayaana ah Reer-guuraaga Xoola ku noolka ahaa waxaana hadda gabaabsi ku sii dhow Saddaxda duunyo oo kala ah Ariga, Geela iyo Lo’ada kuwaas oo inta ka hartay sida Dadka Gacanta looga quudiyo.

Kulan dhaqaale loogu aruurinayay dadka abaartu saameysay oo lagu qabtay Finland

0

Kulankaan oo ahaa mid dhaqaale loogu u ruurinayay abaarha ka jira Soomaaliya,  waxaa soo qaban qaabiyay  dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Finland,  waxaana ka soo qeybgalay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi, Ururro iyo dadkale oo samafalayaal  reer Finland.

Goobta kulanka taakuleynta abaaraha ay ka socotay waxaa lagu soo bandhigay  iibinta cuntooyin fudfudud,   Buugaag,  dharka Habluhu xirtaan, cilaan saar  iyo alaabo kale, waxaana dhammaan xeelahadaan cusub ee dhaqaalo u ruurinta daqligii ka soo baxa uu qeyb ka noqonayaa barnaamijka gargaarka abaraha Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dhaqaatiirta iyo dadkii kale ee isku howlay inay dhaqaale u aruuriyaan abaarta ka jirta Soomaaliya oo la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in cuntooyinka iyo waxyaabaha kale ay yihiin kuwa loogu talagalay in lacagta ka soo xarooto loogu deeqo dadka ay abaartu ku heyso Soomaaliya, iyagoo Jaaliyadda Soomaaliyeed ka codsaday inay xoojiyaan dadaallada ay ugu gurmanayaan Walaalood ku dhibaateysan gudaha dalka.

Waa markii ugu horeysay oo kulan nuucaan oo kala ah ay isugu yimaadaan  dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee dalka Finland ka howlgala iyo arday barata cilmiga caafimaadka, waxayna tusaale wanaagsan u noqonayaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa.

Qaban qaabada shirka Dowladda federaalka iyo maamul Goboleedyada Dalka oo laga dareemaya Muqdisho

0

Waxaa Saacadihii aynu kasoo gudubnay soo gaaray Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Dalka Soomaaliya, si’ ay ugu qaybgalaan kulan la filayo inuu Berrito ka dhaco Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamullada Dalka, arrimaha ammaanka iyo sidii Ajenda mideysan looga qaadan lahaa kulanka la filayo inuu dhawaan ka dhaco Magaalada London ee Dalka Ingiriiska, kaasoo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Britain ayaa safka hore kaga jirta waddamada sida aadka ah u daneeya arrimaha Soomaaliya, waxanay Gacan weyn ka geysataa taageerada dhaqaale iyo tan Ciidan ee Dowladda Soomaaliya, iyadoo dhowr jeer Magaalada London ku qabatay shirar looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Mareykanka oo sheegay in uu tababarayaal ciidan u diray Soomaaliya

0

Saraakiil ka tirsan ciidamada Maryakanka ah ayaa Idaacadda VOA-da u sheegay in ciidamo ka socda Maraykanka dhawaan la geeyay magaalada Muqdisho si ay tababar u siiyaan ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM.

Ciidamo kooban  ayaa 2-dii bishan April ka dagay magaalada Muqdisho, waxaana saraakiishu sheegeen in tagista ciidankaasi ay codsatay dowladda Federaalka Somalia.

Tababarayaal kale oo Mareykan ah ayaa hore u joogay Muqdisho kuwaasoo tababarro siinayay ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ee howlgallada ka dhanka ah argagixisada ka wada gobollo ka mid ah dalkeenna Soomaaliya.

Mareykanka oo bamki ugu cuslaa xalay ku riday mintidiinta ka dagaallanta Afqaanistaan

0

Ciidamada Mareykanka ayaa la sheegay in ay xalay adeegsadeen mid ka mid ah Bambooyinka ugu waaweeyn ee Mareykanku heysto kaasoo aan Nukliyeer aheyn, waxeyna ku rideen godad ay kooxaha mintidiinta ah ku leeyihiin dalka Afqaanistaan.

Bamka oo lagu magacdarayo “hooyada bambooyinka” ayaa qaraxiisu waxa uu la eg yahay midka ay sameeyaan 11 tan oo ah maadada TNT, waxaana Maraykanku uu ku riday godad ay adeegsadaan mintidiinta gobolka Nangarhar.

Gudoomiyaha degmada Achin ee gobolkaasi, Ismaaciil Shinwari, ayaa sheegay in ay meel fog ka arkeen dhimbilo dab ah iyo qiiq ka kacay deegaanka uu bamka ku dhacay.

Taliyaha ciidanka Maraykanka ee ku sugan Afghanistan, Jen. John Nicholson, ayaa sheegay in bamkaasi uu yahay hubka ugu habboon ee lagu waabin karo kooxaha mintidiinta ah.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Afghanistan ayaa isna sheegay in bamkaasi uu khasaare lixaad leh u geystay mintidiinta.

Dhanka kale madaxweynihii hore ee Afghanistan, Xamiid Karzai, ayaa cambaareeyay adeegsiga bamkaasi, waxaana uu Maraykanka ku dhaliilay in uu dalkiisa ku tijaabinayo hub cusub.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo la kulmay Danjiraha Britain ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Mudane Axmed Maxamed islaam oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowlada ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Divid Concar.

Kulankan oo ahaa kii u horreeyay oo ay yeeshan Madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo Danjiraha Cusub ee UK ayaa looga hadlay Xaaladda abaaraha ee Soomaaliya gaar ahaana Jubbaland iyo sidii Dowladda Ingiriisku ay gacan uga gaysan lahayd gurmadyada socda, sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray Arrimaha ammaanka,  iyadoo Danjirahu Madaxweynaha Jubbaland uu ku ammaanay sida ay uga go’antahay in la burburiyo kooxaha Argagixisada ah ee dhibaatada ka wada Soomaaliya.

Dhinaca Siyaasadda ayay sidoo kale Mas’uuliyiintu ka wada hadleen sidii loo tageeri lahaa Dowladda cusub ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi “Farmaajo” waxaana uu Safiirku mar kale Jubbaland usoo gudbiyay codsiga dowladda Ingiriiska ee ah in ay ka soo qayb gasho Shirka Dhaqaalaha loogu yaboohayo Soomaaliya ee bilawga bisha soo socota ka furmaya Magaalada London.

Muftiga Masar oo ka hadlay qaabka looga hortagi karo Fikradda Xaqjirnimada.

0

Muftifa dalka Masar Dr. Showqi Calam, ayaa Carabka ku adkeeyay in mabaadi’da horumarka,degenaasha iyo wada noolaashaha uu yahay qiyamka  ay diinteyna Islamka ku baaqday,iyadoo uu sheegay  in fikradda  xagjirnimada looga hortagi karo Saddex shay oo kala ah in si sax ah Diinta wacyiga dhabta ah looga fasiro quluubta dadka,mbaadi’da horumarka  iyo nabad ku wada noolaashaha iyo saameynta Taariikhda Islamka ay ku leedahay xiliyada iyo waqtiyada la soo maray.

Muftiga ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Gobolada ay muslimiinta ku badan yihiin  ee konfurta dalka Thailand kula yeeshay siyaasiyiin iyo dad kaloo magac leh oo muslimiin ah,wuxuuna ugu baaqay  in si qalbi furan la iska kaashado sidii quluubta muslimiinta loogu abuuri lahaa  xaqiiqda dhabta ah iyo waxa ay na farayso Diinta Islaamka ee muqadaska ah.

Muftiga dalka Masar Dr. Showqi Calam, ayaa intii uu joogay dalka Thailand uu booqday goobo Taariikhi ee dadka Muslimiinta ay leeyihiin, wuxuu amaanay doorka Muslimiinta dalkaasi ee ku nool Gobolada koonfureed iyo in ay iskashanayaan horumarinta Diinta Islaamka iyo  iyo ka hortaga fikradaha qaldan ee xaqjirka ah.

WD/Mukhtaar

Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka oo la doortay

0

Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa doortay qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogta ah ee golaha Shacabka.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey iyo Guddoomiye ku-xigenka labaad ee golaha Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa lagu doortay ilaa iyo saddex guddi iyo ku-xigeenadooda.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka dabiiciga, Xildhibaan Sagal Isxaaq Biixi waxaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka halka Xildhibaan Malaaq Dhaayow loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Beeraha, iyadoo sidoo kale la doortay saddex guddoomiye ku-xigeen oo hoostagaya Guddoomiyeyaasha la doortay.

Xildhibaan Sagal Isaaq Biixi oo la hadashay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in kulankii maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeysa lagu doortay Saddex Guddi, iyadoo doorashada ay ku tartamayeen Xildhibaanno dhowr ah, waxaana ay intaa ku dartay in mudanaayasha la doortay ay yihiin kuwa aqoon u leh Guddiyada ay Madaxda ka yihiin.

Doorashada maanta ayaa bilow u ah dhismaha Guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ee baarlamaanka, si ay ula shaqeeyaan Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee ay shaqo wadaagi yihiin, taasi oo ka dhalan karta isla xisaabtan dhab ah.

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Qorshaha Amniga Qaranka, Abaaraha iyo dardargelinta howlaha dowladda

0

Muqdisho, 13 Abriil 2017—-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Qorshaha Amniga Qaranka, Abaaraha iyo dar-dargelinta howlaha dowladda.

Ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in golaha looga fadhiyo dardargelinta Amniga, Nabadeynta iyo Xasilinta dalka si muwaadin walba uu ugu noolaado si nabad ah si uu uga qeybqaato dardargelinta horumarka dalka.

Wasiirada amniga ayaa warbixinno laga dhageystay ka dibna ay soo bandhigeen Qorshaha Amniga Qaranka oo dhowaan ka bilaaban doona Muqdisho, iyadoo lala kaashanayo Gobolka Banaadir iyo maamulada degmooyinka caasimada iyadoo laga qeybgalinayo shacabka, lana dhaqangelinayo barnaamijka deriseynta.

Wasiirka Garsoorka ayaa ka warbixiyey qorshahiisa ku aadan dhismaha Guddiga Adeega Garsoorka, golahuna isla gartay in sharciga dhismaha Guddiga Adeega Garsoorka la dhaqangeliyo isla markaasna ay wasaaradu sida ugu dhaqsiyaha badan horkeento golaha nidaamka guddigan. Sidoo kale waxaa diirada la saaray sida loogu baahanyahay in Guddiga Musuqmaasuqa loo dhiso oo la isku raacay in mudnaan gaar ah la siiyo lana dedejiyo dhameystirka qorshahan.

Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka ayaa ka warbixisay horumarka laga sameeyey isku-dubaridka iyo xiriirinta howlah gurmadka abaaraha isla markaana sheegtay in 6 milyan oo Soomaali ah ay u baahanyihiin gargaar deg-deg ah Wasaaradana diyaarisey nidaamkii lagu hagaajinayey xiriirka iyo isu-duwida hay’adaha gargaarka iyo dowladda.

Wasiirka Dekedaha oo warbixin ka dhiibtey xaaladda Dekeda Muqdisho ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay wado qorshe lagu casriyeynayo dekedda isla markaasna lagu daryeelayo xoogsatada iyo xamaaliga si ay u helaan xuquuqdooda aasaasiga ah.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa isagana ka warbixiyey xaalada .SO sheegeyna inuu heshiis la galay shirkadihii maamulayey server-ka oo lagu heshiiyey in loo soo rari doono Muqdisho oo dowladdu ay toos u maamuli doonto marka la soo dhameystiro hirgelinta qorshaha lagu heshiiyey.

Ugu danbeyntii Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada ayaa sheegay inay wadaan qorshe xal loogu helayo arrimaha gaadiidleyda iyo sidii dadka danta yar ay u heli lahaayeen xuquuqdooda aasaasiga ah. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddu qorshe lagu casriyeynayo howlaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo Duulista hawada, dhowaana golaha hor-keeni doono qorshe dhameystiran oo la xiriira arrimahan.

 

Shaqaale Hindi ah iyo doontii ay la socdeen oo maanta ka Shiraacatay xeebta Degmada Hobyo

0

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay sagootiyeen 10 Badmaax oo u dhalatay Wadanka Hindiya kadib kolkii Ciidamada Galmudug ay ka soo furteen kooxo hhubeysan oo heystay muddo ka badan toban cish ah.

Shaqaalahaasi ajnabiga ah ayaa maanta dib u bilaanay safar dhinaca badda ah, iyagoo doon ganacsi oo ay horay u badbaadiyeen ciidamada Glmudug ka watay xeebta Hobyo, waxaana doonta iyo shaqaalaha oo badqaba ay u shareecdeen dhanka magaalada Kismaayo oo kolkii hore ay u rarneyd doonta ganacsi.

Guddoomiyaha Degmada Hobyo ee Maamulka Galmudug C/llaahi Faat ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin in deegaanadooda ay ka dhacaan falal burcadbadeednimo ah, wuxuuna u mahadceliyay ciidamadii gacanta ka geystay sii deynta shaqaalahaasi Ajanabiga ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shaqaalaha ay gaarayaan toban, kuwaasi oo labo ka mid ay kolhore soo badbaadiyeen halka sideedda kale ay dhawaan ka soo badbaadiyeen burcaddii heystay.