Wasaaradda Warfaafinta Iyo Safaaradda China Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow iyo ms’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Qin jian.

Kulanka oo ahaa qado sharaf uu safiirku u sameeyay mas’uulyiinta wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira Iskaashiga labada dal ee dhinacyada Warfaafinta iyo Dhaqanka.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mr Qin Jian, sheegay in Soomaaliya Shiinaha uu ka dhexeeyo xiriir iskaashi oo soo jireen ah, ayna sii ballaarinayaan xiriirkaas.

Waxa uu intaas ku daray dowladda Shiinuhu ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso dhinacyo kala duwan oo Warbaahintuna ka mid tahay, isagoo sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii uu Iskaashi iyo khibrad is dhaafsi  u dhex mari lahaa warbaahinta Shiinaha iyo tan Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow ayaa dowladda Shiinaha uga mahad celiyay mashaariicda kala duwan ee ay Soomaaliya ka fulinayaan iyo kuwii ay horay u fuliyeen burburkii ka hor, sida dhismaha Jidad kala duwan, Garoonka Muqdisho Stadium, Tiyaatarka Qaranka, Isbitaallo iyo Mashaariic kale oo wax tar weyn u leh Soomaaliya,waxa uuna rajeeyay wasiirku in dowladda Shiinuhu dhowaan dib u bilaabi doono mashaariic kuwaas la mid ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...