Wasaaradda Warfaafinta Iyo Safaaradda China Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow iyo ms’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Qin jian.

Kulanka oo ahaa qado sharaf uu safiirku u sameeyay mas’uulyiinta wasaaradda ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira Iskaashiga labada dal ee dhinacyada Warfaafinta iyo Dhaqanka.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mr Qin Jian, sheegay in Soomaaliya Shiinaha uu ka dhexeeyo xiriir iskaashi oo soo jireen ah, ayna sii ballaarinayaan xiriirkaas.

Waxa uu intaas ku daray dowladda Shiinuhu ay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso dhinacyo kala duwan oo Warbaahintuna ka mid tahay, isagoo sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii uu Iskaashi iyo khibrad is dhaafsi  u dhex mari lahaa warbaahinta Shiinaha iyo tan Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow ayaa dowladda Shiinaha uga mahad celiyay mashaariicda kala duwan ee ay Soomaaliya ka fulinayaan iyo kuwii ay horay u fuliyeen burburkii ka hor, sida dhismaha Jidad kala duwan, Garoonka Muqdisho Stadium, Tiyaatarka Qaranka, Isbitaallo iyo Mashaariic kale oo wax tar weyn u leh Soomaaliya,waxa uuna rajeeyay wasiirku in dowladda Shiinuhu dhowaan dib u bilaabi doono mashaariic kuwaas la mid ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...