Home Blog Page 1610

Hey’adda WFP oo raashiin nafaqeysan keentay Muqdisho

0

Hey’adda qaramada midoobey u qaabilsan cunada ee WFP ayaa sheegtay in magaalada Muqdisho ay ka dejisay diyaarad xamuul ah oo sida  raashiin nafaqeysan oo loogu talagalay dadka abaartu saameysay, cunadan nafaqada leh ayaa ah  buskut-ka soo celiya durba nafaqada kuwaas oo lagu quudin doono 31,000 oo ruux muddo sadex beri ah.

Xamuulkan ayaa lagu keeney diyaarad nuuceedu yahay, Boeing 747 oo ay ku tabarucday shirkadda  UPS Foundation oo fadhigeedu yahay Dubai,  waxaana kamid ah gargaarka WFP ay keentay dalka dawo oo ay u soo wakiilatay hey’adda kale ee ay bah wadaagta yihiin ee WHO.

“Jawabtan deg dega ah waxaa ay taageero muhiim u tahay qoysaska abaaruhu saameeyeen ee ku nool Soomaaliya ,”  waxaa sidaa sheegtay wakiilka WFP ahna gaasimaha xafiiska Khaliijka Abdallah Alwardat. Isagoo intaa ku daray “ Diyaaraddan xamuulka ah waxaa ay tusaale u tahay hey’adda WFP  iyo hey’adaha kale in si wadajir ah u gaaraan dadka u baahan caawimaada.”

WFP ayaa sidoo kale, sheegtay in cunada ay muhiim u tahay  dadka nugul gaar ahaan carruurta kuwaas oo ka barabaxay deegaanadii ay deganaayeen mana heli karaan raashiin iyo aqabka wax lagu karsado.

Sida qaramada midoobay laga soo xigtay qisastii, nus kamid ah tirada dadka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan  330,000 oo carruur ah ay heysato nafaqa daro, waxayna u baahan yihiin kaalmo deg deg ah.

Hey’adda cuntada u qaabilsan qaramada midoobay ee WFP ayaa xustay in maalmaha soo socda ay keeni doonto noocyo kale oo  ah raashiinka nafaqeysan ah.

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed oo la kulmay naafada Qaranka

0

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed mudane; Maxamed Sheekh Cusmaan Aaden (Jawaari) ayaa kulan la qaatay xubno ka mid ah ururka naafada Qaranka Soomaaliyeed ee uu fadhigoodu yahay Muqdisho.

Xubnahan kulanka la qaatay Afhayeenka golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay u soo bandhigeen dhibaatooyinka gaarka u ah iyaga ee ay doonayaan inay Dowladda dhexe wax ka qabato.

Mr;Salaad ayaa intaa ku daray in Dowladda ay ugu fadhiyaan in ay sameyso sharci qeexaya xuquuqda ay Dalka ku leeyihiin Dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Guddoomiyaha golaha naafada Soomaaliyeed Sayid Cali C/laahi Salaad, ayaa  sheegay inay Dowladda dhexe ka rabaan in dastuurka lagu daro qodobo caddeynaya daryeelka ay leeyihiin Dadka naafada ah.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in laga shaqeyn doono dib u soo nooleynta wakaaladdii qaabilsaneyd daryeelka Dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Mudane Jawaari, ayaa ballan qaaday in golaha naafadda laga qeybgelin doono dib u eegista dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, si ay u helaan xuquuqdooda.

Ma jiro tira koob rasmi ah oo qeexaya tirada Dadka Soomaaliyeed ee qaba baayihaha gaarka ah, waxaana xusid mudan in Dadka lixaadkoodu dhiman yahay ay qudhooda kala duwan yihiin dhan kasta.

Lacago loo uruurinaayo dadka ay saameyeen abaaraha oo ka socda Dalka Imaaraadka Carabta

0

Madaxda hey’adaha samofalka ee ka dhhisan dalka Imaaraadka Carabta ayaa bilaabay olole gargaar oo dadka ku nool dalkaasi ay kaga qeybqaadanayaan soo uruurinta lacago gaaraya shan boqol oo milyan oo Dirham oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee ay dhibatadu ka soo gaartay abaaraha.

Ololahaan oo ay hoggaaminayaan Madaxa Golaha sare ee Hey’adda Samofalka Cajmaan ee dalka Imaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin C/lla Al-nuceymi iyo ururka Bisha Cas ,waxaa si tasmi ah uu uga bilowday magaalooyinka uu ka kooban yahay dalka Imaaraadka Carabta,iyadoo dadka ganacsatada ah,kuwa caadiga ah ,maalqabeenada iyo shaqaalaha dowladda laga qaadayo adeegyada dhaqaale ee ay bixin karaan .

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay fulinta amar todobaadkii hore ka soo baxay madaxweynaha Imaaraadka Carabta sheekh khalifa bin Zayid Aala nahyaan, kaas oo sheegaya in la uruuriyo lacago kaalmo ah oo lagu gargaarayo  dadka Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu ka soo gaartay abaaraha.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in ay ka qeybqadaneyso ololahaasi dadka Soomaaliyeed loogu ururuurinaayo lacago kaalmooyin ah oo wax loogu qabto dadka la ildaran abaaraha eek u kala firirsan gobolada dalka,waxayna madaxda Imaaraadka ay xuseen in ay abbaal weyn u hayaan dadka Soomaaliyeed oo sanadihii lixdameedyadii iyo todobaatameeyadii gurmad u fidiyay dadka Imaaraadka

Madaxa Golaha saree e Hey’adda Samofalka dalka Imaraadka ayaa qiray in sida ugu dhaqsiyaha badan kaalmooyin dhaqaale loogu diri doono dadka Soomaaliyeed,iyadoo laga duulayo saaxiibtinimada qotoda dheer ee u dhaxeysa labada dal.

Maalinimadii shalay masaajidda iyo goobaha ganacsi ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa ka bilowday ururinta lacago gurmad ah oo loo qorsheeyay dadka la ildaran abaaraha

Askari saakay lagu fuliyay xukun dil ah

0

Abaaro 09:00 subaxnimo waxay Maxkamada Dar 1aad Ciidamada Qalabka Sida Ufariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Gacan ku dhiigle Ex-A/le Bol. Axmad Cabdi Maadeey 28 jir ah Ina Khadiijo Kuusoow ku dhashay Bu,aale ka tirsanaa Saldhiga Boliiska Degmada Afgooye, kaasoo Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeeyey in  uu dilay Marxuum la oran jiray Maxamed Cali Cabdalla , Tr. 05/01/2016 dilkaas oo ka dhacay degmadda Afgooye, waxayna ku Xukuntay Diyadii Marxuumka .

Waxaa rafcaan ka qaatay   Xukunka Maxkamadda D.1’aad C.Q. Sida Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Taariikhdu markii ay ahayd 30/07/2016 waxayMaxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida U fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Gacan ku dhiigle Ex-A/le Bol. Axmad Cabdi Maadeey waxayna ku Xukuntay Dil Toogasho ah, kadib markii ay ku cadaatay in uu si bareer ah oo ula kac ah u dilay marxuum Maxamad Cali Cabdalla.

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 22/04/2017 waxaa lagu fuliyay Xukunkii dilka ahaa.”

WABILLAAHI TOW-FIIQ.

Dowladda UK oo ku dhawaaqday taageero cusub oo adkeynta amniga ah

0

Hanaanka amniga qaranka ayaa si tartiib tartiib ah u awoodi doona in uu la wareego mas’uuliyadda ammaanka dalka.

Dowladda UK ayaa sheegtay in kaalin weyn ka qaadan doonto soo celinta nabadda iyo xasiloonida, iyadoo 21 milyan oo Bound ay ku bixin doono Soomaaliya.

Tani ayaa qaabi doonta taageeradii horey jirtay ee UK ay bixineysay Soomaaliya, waxaana kamid ah in dalka ay yimaadeen tababariyaal ka socoda  Britain, kuwaas oo tababari doono ciidanka Soomaaliya iyo kuwo AMISOM si ay ugu shaqeeyaan xasilinta iyo la dagaalanka kooxaha arga-gaxisada.

Amniga ayaa kamid ah ajendiyaasha ugu waa weyn oo lagu soo qaadi doono shirka 11 bisha May ee sanadkan ka furmi doona magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaas oo ay ka qeybgali doonaan madaxda dalka, dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo mataliyaal ka socda dalalka iyo hey’adaha taageera Soomaaliya si dalka ugu socdo waddadii uu ku gaari lahaa nabada iyo barwaaqo sanadka 2020.

Warkan qoraalka ah oo ka soo baxay dowladda UK ayaa waxaa sidoo kale, lagu sheegay in ay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan amniga, dib u qaabeynta siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta arimaha bulshada si loo xaqiijiyo dhismaha iyo horumarka ay Soomaaliya sameysay shantii sano ee u dambeeyay.

Shirka London, ayaa sidoo kale waxaa looga hadli doonaa arimaha gargaarka oo tiro badan oo kamid ah dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin cuno, iyadoo  la sameyn doono jawaab celin caalami ah oo ku aadan abaarta ka jirta dalka isla markaana la sii wadi doono dadaalada loogu hortagayo macluul ku baahda dalka.

Ciidamada Xoogga oo toogtay nin dhawaan dil u geystay askari ka tirsan AMISOM

0

Ciidamada xoogga dalka ayaa maanta howlgallo ay ka sameyeen duleedka Bari ee magaalada Buulo burde ee gobolka Hiiraan, waxa ay toogasho ku dileen nin dhawaan dil u geystay askari ka tirsanaa ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan ciidamada Jabuuti.

Ninka ay ciidamada toogteen ayaa isku dayay in uu iska caabiyo ciidamada oo doonayay inay nolosha ku soo qabtaan, waxaana ciidamada u suurta gashay inay goobta ku toogtaan, kaasi oo meydkiisa la keenay magaalada Buulo burde iyo qorigii uu ka dishay askarii ka tirsanaa AMISOM.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee qeybta 21aad Maxamed Cabdiqaadir Maxamed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleystaan inay toogtaan ninkii ka dambeeyay falka dilka ah, waxana uu intaa ku daray in maalinta beri ah ay Maxkamadda soo taagi doonaan mid kale oo falkaasi lagu tuhmayo.

“Falka dilka ah ee Askariga AMISOM waxaa la geystay Arbacadii, waxaana jirtay in magaalada ay soo gaareen wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi kale oo dhanka Beledweyne ka socday, runtii Maxkamadda ayaa go’aamisay in la soo qabto saddex nin oo kiiska loo heysto, labo ka mid ah waa ay baxsadeen, halka mid kale la qabtay, labada baxsatay mid ka mid ah ayay ciidamada ka daba tageen oo ay toogteen markii uu diiday in uu isu dhiibo, meydkiisa magaalada ayaa la keenay iyo qorigii uu ka dishay Askariga Jabuutiyaanka ah” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Qeybta 21aad.

Ninka ay ciidamada toogteen ayaa ka mid ahaa ciidamada balse si hoose ula shaqeynayay argagixisada Al-Shabaab, taasi oo keentay in uu geysto falkaasi dilka ah, balse ciidamada xoogga ayaa soo afjaray arrintaasi

Madaxweynaha Soomaaliya oo shacabka ugu baaqay in Alle loo laabto maadaama dambiyo kala duwan la galay

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay salaadii Jimcaha Masjidka Shuhadaa ee ku yaala Xarunta Madaxtooyada ayaa shacabka ugu baaqay in ay Alle u laabtaan oo ay dambi dhaaf weydiistaan.

Khudbadda salaadda Jimcaha ayaa waxay ku saabsanayd ahmiyadda Garsoorka iyo Cadaalladda, waxaana akhrinayay khudbadda Jimcaha Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in cadaalladdu ay tahay mid Wanaagsan maalinta qayaamahana la is waydiinayo loona baahan in Madaxda iyo Shacabkaba ay ku dadaalaan sidii cadaallad looga shaqayn lahaa .

“Waxaa loo baahan yahay in arrimaha maxkamadaha lagu dadaallo sidii loo hubin lahaa, cadaallada waa shayga ugu muhiinsan adduunyada oo maalinta Aaqirana lays waydiinayo” ayuu yiri Sheekha

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya  Avv, Ibraahin Iidle Suleebaan  ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan cadaalladda, wuxuuna madaxda iyo shacabka u soo jeediyay inay u duceeyaan  garsoorka.

“Khudbadda maanta waxay ku saabsanayd cadaaladda, waxaana loo baahan yahay in lagu dadaalo garsoorka si dalkeena Soomaaliya uu uga baxo bur burka xagga garsoorka” ayuu yiri Ibraahim.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay masjidka Shuhadaa ee xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in Alle u laabtaaan oo ay dambi dhaaf weydiistaan.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in lala shaqeeyo dowladda Soomaaliya si dalka uu horay ugu socdo lana ilaaliyo amaanada ,cadaalladda iyo dadka danyarta ah.

“Dalkan aniga iyo dhowr iyo toban Wasiir kaliya wax kama qaban karno, waxaa loo baahan yahay in dowladda lala shaqeeyo si bur burka looga baxo, waxaa jira kooxo ka shaqeeya had iyo jeer bur burka dalka oo habeen iyo maalin u soo jeeda sidii dalka loo bur burin lahaa” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay xarunta Degmada Heliwaa

0

Wasiirka Amniga Gudaha, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, saraakiisha ciidanka booliska, Nabad sugidda iyo guddoomiyeyaasha 17-ka Degmo ee gobolka ayaa ka qeyb galay kulan lagu qabtay xarunta degmada Heliwaa, kaasi oo looga hadlayay amniga caasimadda iyo sidii Bulshada Soomaaliyeed loogu wacyi gelin lahaa ka qeyb qaadashada Amniga Caasimadda.

Shirka oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir la qaatan Guddomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa waxaa kaloo diiradda lagu saaray dar dargelinta howlaha la xiriira dib u soo celinta bilicdii ay caasimaddu lahayd.

Guddoomiyaha degmada Heliwaa Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in xarunta degmada Heliwaa lagu qabto shirkii ugu horeeyay ee ay yeeshaan Guddoomiyaha cusub ee gobolka iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka, waxaana uu xusay in tani ay muujineyso horumarka amni ee ka jirta degmada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa guddoomiyaha cusub ee degmada Heliwaa ku bogaadiyay waxyaabihii uu degmada ka qabtay muddada yareyd ee uu joogay, waxaana uu balan qaaday in uu la shaqeyn doono maamulka degmada.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in ciidamada amniga looga baahanyahay inay xoojiyaan Nabad gelyada,  isla markaana ay ka hortagaan cidkasta oo dhibaateyneysa shacabka, waxaana uu intaa raaciyay inay xoogga saari doonaan degmooyinka daafaha ku yaala si amniga caasimadda loo xajiijiyo.

Shirkaan ayaa ujeedkiisa uu ahaa isbarasho iyo u kuurgelidda xaaladda guud ee degmada Heliwaa, waxaana shirka kaddib Guddoomiyaha Degmada Heliwaa, Guddoomiyaha Gobolka, Wasiirka Amniga iyo wafdigii la socday ay kormeer ku tageen dhoor goobood oo ka tirsan Degmada sida Isgoyska Ex-Koontarool Balcad iyo meelo kale oo aad ufarabadan.

Kulan looga hadlay wax ka qabashada abaarta ka jirta dalka oo lagu qabtay Minneapolis

0

Kulan loogu hadlayey sidii abaaraha Soomaaliya wax loogu qaban lahaa ayaa  lagu qabtay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, Kulankani oo ay soo qaban qaabiyeen Senator Amy Klobucher oo Gobolka Minnsota u matasha Aqalka Sanet-ka iyo Tom Emmer oo Congresska Mareykanka u matala Gobolka Minnesota ayaa waxaa shirkaasi ka soo qeyb galay hey’adaha Samafalka iyo horjoogayasha jaaliyadda Soomaalida waxaana loogu hadlay sidii gacan deg deg ah loogu geysan lahaa Abaaraha Soomaaliya oo la sheegay in ay saamaysay in ka badan 6 Milyan oo Qof.

Ugu horreyn Senator Amy Klobucher oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay in madaxweynaha maraykanka uu jaray 17 bilyan oo doolar oo loogu tala galay Gargaarka caalamiga ah taasi oo saamayn xoogan ku yeelan doonto dadkii heli jiray gargaarkaasi. waxayna sheegtay in ay dhawaan u dirtay dhambaal Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

“17 bilyan waa arrin laga walaaco marka aad aragto lacag intaasi la eg waa 17 bilyan oo doolar taasi oo ka go’ayso miisaaniyadda wasaradda arrimaha dibadda iyo sanduuqa kaalmada maraykanka isla markaana lacagtaasi loo kordhinayo ciidamada, mana diidani in aan yeelano ciidamo awood leh balse sida ugu wanaagsan oo saaxiibo caalami ah lagu kasban karo ayaa ah in la caawiyo marka ay kuu baahan yihiin oo dadkooda ay dhimanaya”. ayuu yiri ator Amy Klobucher.

Sidoo kale Amy Klobucher oo maanka ku heysta in gobolkani ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan Maraykanka isla markaana ah dadka ay matasho ayaa sheegtay
in halkani ku noolyihiin  Soomaali badan oo qoysaskooda iyo saaxiibadooda ay ku nool yihiin dallkii ay ka soo hayaameen waxanaa muhiim ah in la taageero oo la badbaadiyo marka ay kuu baahan yihiin.

Dhanka kale Wakiilka Gobolka Minnesota Tom Emer ee aqalka kongerska Maraykanka ayaa sheegay in ay  muhiim tahay in la taageero lana gargaaro dadka abaaraha ku heyso bariga Afrika wuxuuna warka intaasi ku daray in uu aaminsanyahay in kooxaha argagixisada ah sida Al-shabaab ay ka faa’ideysan karto dhibaatooyinka nuucan oo kale ah.

ugu danbeyntii ayaa waxaa sidoo kale la kulmay Abdirizaak Abdi  oo ah  madaxa  hey’ada gargaarka ee Hon Africa  wuxuna qabaa in xiligani ay muhiim tahay in la gargaaro dadka Soomaaliyeed oo u dhimanaya Cunto iyo biyo la’aan.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo qadka Telefoonka kula hadlay dhiggiisa Turkiga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed “Farmaajo” ayaa khadka teleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyay Madaxweyne Erdoğan iyo Shacabka Turkigaba natiijada aftida dhacday maalintii Axadda 17 April 2017, taas oo ay shacabka Turkigu si aqlabiyad ah ugu codeeyeen nidaamka siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u sheegay dhiggiisa Mudane Erdoğan in najiitda aftidu ay sii xoojin doonto cilaaqaadka ka dhexeeya labada dal iyo iskaashiga labada dhinac.

Labada Madaxweyne ayaa si kooban ugu wadahadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada badan iyo taageerada arrimaha bini’aadannimo oo ay Dowladda Turkigu u fidisay bulshada Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxweyne Erdogan ayaa u sheegay Madaxweyne Farmaajo in Dowladda iyo Shacabka Turkigu ay mar waliba garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, Turkiguna uu yahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ay isku halleyn karto. Madaxweyne Erdogan ayaa ugu dambeyn Allah uga baryay Soomaaliya in uu ka dulqaado abaaraha iyo colaadda.