Home Blog Page 1610

Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya oo saaka laga ciidayo

0

Muqdisho(SONNA) Iyadoo maanta linta  oo Jimco ah ay  tahay Munaasabada maalinta 1aad ee Ciidul-adxaa oo ka mid ah labada ciidood ee ay leeyihiin dadka muslimiinta ah ayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Somalia waxay u dabaal degayaan munaasabadda ciidadad.

Masaajidda ayaa lagu oogayaa Salaadda Ciidda iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ay ka qeyb qaadanayaan Dukashada Salaadda oo lagu oogayo Masjidka Isbaheyisga iyo dhamaan masaajidda ku yaala caasimaddda.

Boqolaal dadweyne ah ayaa lagu arkayaa wadooyinka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan magaalooyinka gobolada dalka Soomaaliya, iayadoo dadka ay isugu marxabeynayaan ciida wanaagsan kullu Caam wa antum biKheyr iyo hadalo kale.
Dhanka kale waxaa soconaya dadaalo loogu gurmanayo dadka danyerta ah ee kunool, magaalada Muqdisho,xeryaha ay kunool yihiin dadkaasi qaar kood ayaa waxaa ka soconaya howlo loogu qeybinayo deeq hilbo qalan ah.

Intii lagu guda jirey diyaar garowga Ciidda waxaa sare u kac xoogan laga dareemay qiimaha la kala siisto Xoolaha nool ee Suuqyada,sida Ariga, Lo’da iyo Geela oo dad badan ay iibsadaan xiliyadan oo kale si ay u gowracaan maalmaha ciida, si ay ugu sadaqeystaan dadka kale oo danyerta ah.

Ra”iisul Wasaaraha Ciraaq oo ku dhawaaqey in ay qabsadeen guud ahaan magaalada Tal-Cafar

0

Muqdisho(SONNA) Waxaa la soo geba gebeeyay howlgaladii ciidamada militariga Ciraaq ay ku xoreynayeen magaalada Tal-caafar ee Waqooyiga Ciraaq, iyadoo dhawaan dowladda Ciraaq ay sheegtay in ciidda ka hor ay soo afjarayso dagaalkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Iraq  Xeydara al-Cabaadi ayaa ku dhawaaqay in ay dib uga qabsadeen kooxda Daacish magaalada Tal Afar iyo guud ahaan gobolka Nineveh (Ninweh), kadib dagaal maalmahan ka socoday halkaasi.

Bayaan uu kasoo saaray xarunta Madaxtooyada ee magaalada Baghdad ee casimadda dalka Ciraaq, Ra’iisul Wasaare Al-Cabaadi ayuu ku sheegay in guud ahaan magaalada Tal Cafar ay hadda ku jirto gacanta ciidanka qalabka sida.

Dhanka kale Taliyaha ciidamada  isbaheysiga ee uu Mareykanka hogaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Daacish Gen. Stephen Townsend ayaa ku amaanay ciidamada Ciraq guusha kama danbeysta ah ee ay kasoo hooyeen magaalada Tal Afar, taasi oo ahayd meeshi ugu dambeysay oo ay maleeshiyaadkaasi ku xooganaayeen.

Howlgalka magaalada Tal Afar oo 80-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Mosul ayaa bilowday 20-ki bishi August ee aanu kasoo gudubna, intii dagaalkaasi uu socdayna waxaa ku dhintay dad aad u farabadan waxaana ka barakacaya kumanaan kale, kuwaasi oo haatan helaya fursado ah in jawi nabadeed ay kugu soo laabtaan guriyohooda..

Kooxda Argagixisada ah ee Daacish ayaa qabsatay inta badan gobolkaas oo ay ku jirto magaalada xarunta u ah ee Mosil bishii Juun 2014,iyagoo gumaad xoogan u geystay shacabka oo ay in muddo ah ku dul dagaalamayeen.

Xulafada uu Maraykanku hogaaminayo ee dagaalka kula jira maleeshiyada Daacish, waxay sheegeen in walow Tal Cafar ay ciidanka Ciraaq gacanta ugu jirto, haddana weli ay jirto khatar iyo cabsi laga qabo waxyaabaha qarxa ee meelaha fog laga qarxiyo.

Xukuumadda Ciraaq ayaa qaadday guluf ay dib ugu qabsanaysay Tal Cafar 20kii Agoosto, kaasoo ay ka qayb galeen 50,000 oo isugu jiray milateri, boolis, ciidanka cirka, kuwa sida gaarka ah u tababaran iyo xoogag Shiica ah.

IS waxaa hadda gacantooda ku haray Xawiija oo 170 Km koofur-bari ka xigta Tal Cafar iyo jidka isku xira Cana iyo Al Qaym ee dooxada webiga Furaat, oo 220 Km kaga beegan koofurta.

Bishii Luulyo waxaa kooxda IS gacantooda ka baxay magaalada Mosil, ka dib sagaal bilood oo dagaal uu ka socday, kaasoo ay ku dhinteen kumanaan rayid ah, ayna ku bara kaceen in ka badan 900,000.

Sheekh Kenyaawi ”Dalka Soomaaliya wuxuu ku dhismi karaa in Shacabka iyo Dowladdu ay isku xirmaan.”

0

Muqdisho(SONNA) Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee kunool dalka Masar ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay lashaqeeyaan Dowladdooda taasi oo ay ku tilmaameen in ay keeni karto horumar dhan kasta leh.

Sheekh Max’ed Sheekh Ibraahim Kenyaawi oo wareysi gaar ah siiyaya Walaaladda Wararka SONNA ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu baaqey in ay la shaqeeyaan Dowladda Taageerona ay siiyaan.

Wuxuu sheegay in booqashadii dhawaan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Farmaajo ku tagay dalka Masar, iyo la kulankiisa Jaaliyadda ay noqotay mid dhiiro gelisay kalsoonida bulshada.

“Ficilka madaxweyne Farmaajo aniga waxaan is leeyahay in uu yahay mid horseedi kara kalsooni iyo midnimo umadda Soomaaliyeed dhexdeeda,dadkan runtii kula dhacsan maanta waa raaciyadaadi, marka mas’uuliyad ayaa kaa saaran madaxweyne adna guddo waajibaadkaada oo oofi balamadii aad qaaday”,Ayuu Yiri Sheekh Kenyaawi.

Wuxuu sidoo kale  ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dowladdooda, isagoo xusay in dalkasta dadkiisa uu dhisayo,isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dalka uu ku dhismi karo hadii shacabka iyo Dowladu ay iskaashadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Masar halkaasi oo uu kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool halkaasi.

Wariyaheena Masar Mowliid  Xasan Cabddi

 

Dowladda Soomaaliyeed oo Mareykanka ka codsatay taageero Militeri

0

Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay dowladda Mareykanku in ay gacan xoog leh ka geysato sidii Shabaab looga xoreyn lahaa gudaha Soomaaliya.

AMISOM oo ka garab dagaallameysa Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay ku guulesteen in Shabaab sida uu doono aanuu ka yeelin dalka, sidaa ay tahayna AMISOM uma suurta gelin in ay Shabaab ka suuliso dalka Soomaaliya oo dhan.  Sababaha guusha militeri ee kama dambeysta ah hortaagani waa ay badan yihiin waxaana ka mid ah in hoos u dhac uu ku yimid hantida ku baxda Howlgallada AMISOM.

Sidaa darteed iyada oo abaal weyn u haysa dalalka Afrika ee ciidankoodu uu ka tirsan yahay AMISOM ee uu daafaco kuna dhinto dalka Soomaaliya, ayay Dowladda Soomaaliya waxay ka codsatay dowladda Mareykanku in ay gacan intaan ka weyn oo xag sirdoon iyo xag ciidanba howlgal ahba ay ka geysato dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo I. S. I. S.  si looga xoreeyo gudaha Soomaaliya goobaha ay uga sugan yihiin.

Arrintaa waxaa kallifay xog sir ah oo ku saabsan al Shabaab oo ay heshay Dowladda Soomaaliya.

Waraaq rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Yusuf-Garaad Cumar ayay  Dolwadda Soomaaliya ay codsigeeda ugu gudbisay Dowladda Mareykanka.

Dowladda Soomaaliya waxay hore ugu caddeysay Mareykanka, in howlgallada militeri ee goos gooska ah ee uu Mareykanku hadda ka wado Soomaaliya ay ahaadaan kuwo aad looga fiirsaday xogta hagaysa iyo fulintoodaba si loo xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed naftooda iyo hantidoodaba aan waxyeello ka soo gaarin.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay soo dhoweyso xubnaha al Shabaab intooda Soomaalida ah ee garowsada in ay joojiyaan dagaalka si looga nabad galo iyaguna ay u nabad galaan taas oo waddada u xaari karta in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Dowladda iyo Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ka go’an in marxalad kasta ay u taagnaadaan daafaca shacabka Soomaaliyeed iyo hantidiisa.

Wasiir Xoosh oo ka warbixiyay waxqabadka Wasaaradda Dastuurka Afartii Bilood ee la soo dhaafay

0

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa Telefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho siiyay wareysi dhinacyo badan taabanayay oo ku saabsanaa waxqabadka Wasaaradda ee afartii bil ee la soo dhaafay, isaga oo ka jawaabay su’aallo ay weydiiyeen dadka Soomaaliyeed.

AVV Xoosh ayaa ugu horeeyn ka warbixiyay waxqabadka Wasaaradda isaga oo sheegay in hawl badan la qabtay.

“Ugu horeeyn markii aan Wasaaradda la wareegnay waxa aan go’aansanay inaan Dastuurka dhameeystirno, kadib waxaan u baahanay inaan Qorshe sameeysano inaga oo ka talagelinayna qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa aan la kulannay Wasiirada dawlad goboleedyada ee aan shaqo wadaaga nahay oo aan qaarkood ugu tagnay caasimadaha dawlad goboleedyada. Hadaba intaa kadib ayaan Qorshe sameeysanay waxa aana u gudbinay Ra’iisul Wasaaraha, waxa aana qaban-qaabineynaa shirweyne Qaran oo aan October qabaneyno si loogu ansixiyo Qorshaha Guud” ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, Wasiirka oo su’aal ahayd sida loo tixgelinayo rabitaanka dawlad goboleedyada ee ku aadan dib-u-eegista Dastuurka uga jawaabayay Dhageyste Axmed la yiraahdo oo Hargeysa Joogay ayaa yiri “Nidaamka aan qaadanay waa Federal, marnaba ma dhaceyso in Wasaaradda keligeed ay wax iska sameeyso, laakiin waxaan geleynaa sanad wadahadal ah oo aan ku kala cadeeyn doonno summadaha Federalka ee aan ku dhaqmi doonno; D/Goboleedyada door wayn ayey kulahaan doonaan dib-u-eegista Dastuurka”.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay sameeynta wadatashiyo badan iyo xaqiijinta ka qaybgal loo dhanyahay si dastuurka loogu dhameeystiro labo sanno gudahood.

António Guterres oo Israa’iil ka codsaday inay cunaqabateynta ka qaado Gaza.

0

Xoghayayha Guud ee Qaraamada Midoobay António-Guterres ayaa ugu baaqay Xukuumadda Israa’iil inay go’doominta ka qaado Marinka Gaza ee dhulka falastiin ayna hagaajiso duruufta nolasha dadka muwaadiniinta falastiin ee Marinkaasi ku nool.

Shir jaraa’id  uu ku qabtay  Dugsiga hoose ee Halab  magaalada Beit Lahia oo ku yaal waqooyiga Gaza ayaa sheegay in mushukiladda ka taagan Gaza ay u baahan tahay xal  caalami ah, wuxuuna falastiin ugu baaqay inay kala qeybsanaanta dhexdooda ka midoobaan.

Xoghayayha Guud ee Qaraamada Midoobay António-Guterres Wuxuu bulshooyinka Caalamka ka codsaday inay taageero bani’aadanimo ah u fidiyaan falastiiniyiinta ku nool magaalada Gaza oo uu qiray inay haysato duruufo aad u adag  oo xagga nolashada ah, kadib markii Israa’iil dooc waliba ka gu’doomisay taasoo sanooyin badan saaraneyd Gaza.

Wuxuuna António-Guterres sheeghay inuu aad u  jaclaan lahaa inuu mar arko Dowlad falastiin ah oo la jaar ah Israa’iil  oo ah laba Dowladooda oo  ku wada nool amni,nabadgelyo iyo baraare, waxeyna taa dhaboobi kartaa ayuu yiri” hadii shacabka falastiin ka fogadaan kala qeybsdanaanta dhexdooda ah oo iminka ku dhex jirta” taasoo uu cadeeyey inay qadiyaddooda dhaawacaysa, ayuu intaa raaciyay Xoghayaha guud ee Qaraamada Midoobay.

António-Guterres, intii uu joogay Marinka Gaza, waxa uu la kulmay  Caruurta dhigata Dugsiga hoose ee Halab  magaalada Beit Lahia iyo haweyn ka mid ah  qaxootiga falastiin.

“DAAWO” Madaxweyne Farmaajo oo dadka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Ciida Carafo

0

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyada ciidda barakaysan ee Al-Adxaa.

 Madaxweyne Famaajo waxa uu Alle uga rajeeyey shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay ku sugan yihiin, caafimaad, horomar iyo barwaaqo, isagoo sheegay in arrimahaas lagu gaari karo xasilooni Amni oo si dhammaystiran uga hirgasha guud ahaan dalka.

“Maalmaha Ciidul Adxaaga waa maalmo kuwayn diinteena Islaamka, waa maalmo astaan u ah isjacaylka iyo walaaltinimada bulshadeenna. waa maalmo muujiya dareenka dhabta ah ee aynu isu qabno.”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynha waxa uu sii wayn  ugu muujiyey dhambaalka hambalyada ciidda ee uu u diray shacabka Soomaaliyeed ahmiyadda ay nabadda iyo amnigu u leeyihiin umadda, maadaama haatan si wayn looga soo kabtay dhibkii bur burka.

Madaxweynaha ayaa yiri:  “haddii aan anagu masuuliyiintii nahay waxaanu u istaagnay in aan ka shaqayno amniga, qof kasta oo Soomaali ahna waxaan ka doonaynaa in uu nagala shaqeeyo, maxaa yeelay cadawga aan leenahy hadda waa kooxaha nabad diidka ah oo u diiday Soomaaliya horomar”

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay dadaalka dowladdu ay ugu jirto xasilinta dalka, isagoona rajo ka muujiyey in Soomaaliya oo Nabad dhamaystiran ay ka jirto lagu ciido sanadka soo socda.

Madaxweyne Farmaajo “Maalmaha Ciidul Adxaaga waa maalmo kuwayn diinteena Islaamka, waa maalmo astaan u ah isjacaylka iyo walaaltinimada bulshadeenna. waa maalmo muujiya dareenka dhabta ah ee aynu isu qabno.”ayuu yiri Madaxweynuhu.Madaxweynha waxa uu sii wayn ugu muujiyey dhambaalka hambalyada ciidda ee uu u diray shacabka Soomaaliyeed ahmiyadda ay nabadda iyo amnigu u leeyihiin umadda, maadaama haatan si wayn looga soo kabtay dhibkii bur burka.

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Πέμπτη, 31 Αυγούστου 2017

Madaxweynaha Jabuuti oo la kulmay Wafdi ka socda Mareykanka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaciil Cumar  Gelle, ayaa la kulmay wafdi ka tirsan Guddiga Difaaca Gongareeska Marykanka oo uu hogaaminayo Senetor james scott.

Madaxweyne Gelle iyo Wafdigaasi ka socoday dalka Mareykanka waxay kulunkoodasi kaga wada hadleen xiriirka labada dal sidii loo horumarin lahaa gaar hanaa dhinacyada difaaca  iyo dhaqaalaha.

Madaxda wafdigaasi ayaa kulankaasi ka sheegay inay Dowladiisu  ay Dowladda jabuti ka saacidi doonto dhanka la dagaalanka argagixisada caalamiga ah, iyo Burcad Badeedda dhibaatada ku haysa maraakiibta iska gudbaysa Biyaha Dowlagiga ee Badaha mandiqadda Geeska afrika.

Sida ay soo warisay Wakaaladda wararka ee Jabuti Dowladda Jabuti ayaa Sanadihii ugu dambeeyay dalkeeda ku martigelisay Saldhigga keliya ee Ciidamada Badda ee Mareykanka ku leeyihiin Qaaradda Afrika.

 

25 qof oo ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay Duleedka Jowhar

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegayaa 25 qof ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay deegaan duleedka ka h magaalaad Jowhar.

Shilkan gaari ayaa yimid markii ay isku dheceen labo gaari oo xamuul ah oo mid uu waday dad shacab ah halka kan kalena uu wadey 100 neef oo ari ah, waxaana halkaasi ku burburey baabuurkii ay shacabku saarnaayeen, kaasi oo dhaliyay dhaawaca ilaa 25 qof.

Goobjoogayaal ay SONNA lahadashey ayaa sheegay in deegaanka uu shilkaasi ka dhacay lagu magacaabo Crash Program oo qayaas ahaantii 10 KM dhanka Koonfureed kaga aadan magaalaad Jowhar, waxaan dhaawacyadaasi oo isugu jira 21 rag ah oo darawalkii gaariga uu kujiro iyo 4 haweeen ah  loo qaaday isbitalka magaaladaasi.

Dhaawacyadaasi ayaa markii dambe waxaa loo soo qaaday isbitaalada Magaalaad Muqdisho, kadib markii xaaladooda wax looga qaban waayay magaalada Jowhar.

Wiil Soomaali ah oo isku dilay dalka Qubrus

0

Wiilkan Dhalinyarada ah oo kamid ahaa Soomaalida kunool Dalka Qubrus ee ka tirsan  Qaaradda Yurub ayaa lagu soo waramaya in uu isku dilay magaalada Larnaaka ee dalkaasi Talaadadii aan soo dhaafnay kadib markii loo diidey magan gelyo.

Soomaalida kunool Jasiiradda Qubrus ayaa sheegaya in sababaha loo aaneynayo in uu is dilo wiilkaasi oo lagu magacaabi jirey Max’ed Daahir Dayax ay tahay kadib markii uu la kulmey dhibaatooyin adag oo dhanka nolosha ah, islamarkaana loo diidey in uu lamidoobo qoyskiisa oo kunool dalka Britain.

Booliska dalkaasi Qubrus ayaa xaqiijiyay in wiilkaasi oo isaga is diley kadib maaritaano ay sameeyeen,waxaa lagu qayaasayay da’ahaan 18 ilaa 19 qof

Cabdalla Max’ed oo kamid ah Soomaalida kunool Dalka Qubrus ayaa ka warbixiyay dhcadadaasi oo naxdinta ku noqotay Soomaalida dalkaasi ku dhaqan.

“Waxaa lagu magacaabi jirey wiilkaasi Max’ed Daahir Dayax, wuxuu kamid Muqdisho, aniga muddo 1 sano ayaan is garaneynay, wuxuu kunoolaa dalkani, runtii waxyaabaha hadda loo sababaynayo in uu isdilo waxay tahay in laga hor istaagay in uu qoyskiisa oo kunool Ingiriiska uu lamidoobo, taasi oo in muddo ah uu ku haminayay,Dalkani runtii ma daryeelo dadka Qoxootiga ah, wiilkani muddo ayuu I weydiin jirey goormaan shaqo heleynaa, goormaan waxbarasho heleynaa”, Ayuu Yiri Cabdalla.

Ciidamada booliska Dalkaasi Qubrus ayaa wada baaritaano ku aadan sababta keentey dilka wiilkaasi,iyadoo lafilayo in meydkiisa halkaasi lagu aaso.

Dalkaasi  Qubrus waxaa kunool Soomaali badan, kuwaasi oo isugu jira, qoxooti, Deegaan iyo kuwo kale oo waxbarasho ahaan u jooga, waa Jasiirad kamid ah Yurub waxay ku dhowdahay dalka Turkiga.