Home Blog Page 1609

Sidee maanta looga ciiday Magaalada Khartoum?+SAWIRRO

0

Khartoum(SONNA):–Kumanaan kun oo ka mid ah Shacabka magaalada Khartoum ayaa saaka markii uu waagu baryey u dareeray masaajidda iyo goobo kale, si ay ugu soo tukadaan salaada ciidul Adxaa.

Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkane Suudaan gaar ahaan Magaaladda Khartoum, ayaa Salaadii ciida ee manta waxaa ay muslamiinta kale ee walaalahood ah kula tukadeen goroonka kubadda cagta ee ku yaala gudaha Jaamaadda Afrika.

Salaada ka dib ayaa waxaa wadooyinka magaalada Khartoum isugu soo baxay dadweyne fara badan oo isugu jira Rag, Haween iyo Caruur intooda badan ku lebisan dhar qurux badan oo noocyo kala duwan leh, waxayna iskugu hambalyeynayeen munaasabada ciidda.

Guud ahaan magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Suudaan ayaa is weyn looga dareemayay damaashaaka iyo dabaaldaga munaasabada ciida Al-adxa.

Maxakamadda sare ee Kenya oo go’aamisay in dib loogu laabto doorashadii uu ku guuleystay Uhuru Kenyata

0

Muqdisho(SONNA) Go’aan ka soo baxay maxakamadda sare ee dalka Kenya ayaa lagu sheegey in maxakamadu ay diidey natiijada doorashadii uu ku guuleystay Uhuru Kenyata.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalkaasi Kenya David Maraga ayaa sheegay in ay ogaadeen in wax isdabomarinno badan ay dhaceen, wuxuuna amray in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho xalaal ah.

Afar ka mid ah lixdii garsoore ee dacwadda uu ay gudbiyeen mucaaradku qadayay  ayaa isku raacay in lagu celiyo doorashada, iyaga oo sheegay in doorashadii 8 Agoosto aysan u dhicin si waafaqsan dastuurka Kenya.

Uhuru Kenyata ayaa 1.4 milyen oo cod ah kaga guuleystay doorashadii ka dhacday Kenya, sida uu sheegey Guddiga doorashada dalkaasi, iyadoo markiiba ay ka soo horjeesteen qolyaha mucaaradka ah,waxayna sheegeen mucaaradka  in la jabsaday hanaankii combiyutarada guddiga doorashada laguna shubtay natiijada.

Magaalooyinka dalka Kenya ayaa waxaa ka soconaya banana baxyo lagu taageerayo go’aanka maxakamaddu ay gaartay,taageerayaasha Rail Odinge ayaa sameynaya banana baxyo ayagoo ku dhawaaqaya guul guul iyo ereyo kale.

Madaxweyne Farmaajo” Dhawaan waxaa bilaaban doona howlgalo Shabaab looga sifeynayo gobolada dalka

0

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed  C/llaahi Farmaajo ayaa saaka salaadda ciidul Adxa Masjidka Shuhadaa ee Madaxtooyada Somaaliya  kula tukaday dadweyne farabadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo oo khudbad dher jeediyay salaadii Ciidda kadib ayaa soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab, isagoo xusay in dhawaan ay labilaabi doono howlgalo hor leh oo gobolada dalka looga sifeynayo Shabaab,madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrimo ay kamid yihiin dhismaha gudiga adeega garsoorka iyo amhiyadda uu u leeyahya dalka.

Madaxweynaha ayaa gacan qaaday qaar ka mid ah dadweyne farabadan oo uu salaadda ciidda kula tukaday Masjidka Shuhadaa, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed mar kale ugu hambalyeeyay munaasabadda cuudul Adxa.

Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo  ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay caawiyaan dadka danyarta ah, ayna la shaqeeyaan dowladda F. S. si loo sugo ammaanka guud ee dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe”Waa in loo cadaalada falaa shacbka Soomaaliyeed+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaar kamid ah dadweynaha ree Kismaayo kula tukaday Xarunta Madaxtooyada Salaada Ciidul Adxa.

Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aadan xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo dad shacab ah ayaa kamid ahaa dadka uu Madaxweynahu kula tukaday qasriga Madaxtooyada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Bulshada Soomaaliyeed uu u rajaynayo Nabad iyo Barwaaqo in ay ku gaaran xiligan xiligiisa isagoo ugu baaqay in ay isku naxariistaan oo ay Midooban.

Isagoo ka hadlayay dhibaatada mudada badan ragaadisay wadanka ayuu Madaxweynahu sheegay in wax walba oo dhacay ay dad Soomaali ah masuul ka yihiin loona baahan yahay in aan Allah u noqono oo aan is cafino si dhibku inooga yaraado.

“Waxa kaliyah ee maanta aan dhibka kaga bixi karo waa in aan gacmaha is qabsano oo aan is cafino” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam

Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu ka digay in Soomaalidu ay wakhtigan wajahayso dagaal dhulka la xiriira taas oo qaab qabiil loo adeegsanayo.

“Maalmahan dadka aan qaabilayay waxa ugu badan ee ay isku haystaan waa dhul waxaan dareemayaa in dagaalka inoo dhiman uu dhulka ku salaysnaan doono” ayuu yiri Madaxweynahu.

Hay’adaha Cadaalada ayuu ku booriyay in ay dhameeyaan muranada dhulka la xiriira kahor inta aan lasoo saarin hananka bixinta dhulka oo uu xusay in Xukuumadu ay gacanta ku hayso.

Waxaa kale oo Madaxweynahu sheegay in dadka Madaxda ah looga baahan yahay in masuuliyada ay qaadeen ay dadka ugu cadaalad falaan hadii taas la waayana aysan Dowladnimadu horay u soconaynin.

Madaxweyne Farmaajo” Dhawaan waxaa bilaaban doona howlgalo Shabaab looga sifeynayo gobolada dalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed  C/llaahi Farmaajo ayaa saaka salaadda ciidul Adxa Masjidka Shuhadaa ee Madaxtooyada Somaaliya  kula tukaday dadweyne farabadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo oo khudbad dher jeediyay salaadii Ciidda kadib ayaa soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab, isagoo xusay in dhawaan ay labilaabi doono howlgalo hor leh oo gobolada dalka looga sifeynayo Shabaab,madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrimo ay kamid yihiin dhismaha gudiga adeega garsoorka iyo amhiyadda uu u leeyahya dalka.

Madaxweynaha ayaa gacan qaaday qaar ka mid ah dadweyne farabadan oo uu salaadda ciidda kula tukaday Masjidka Isbaheysiga, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed mar kale ugu hambalyeeyay munaasabadda cuudul Adxa.

Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo  ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay caawiyaan dadka danyarta ah, ayna la shaqeeyaan dowladda F. S. si loo sugo ammaanka guud ee dalka.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO MAREYKANKA KA CODSATEY IN AY KA GACAN SIISO DHISMAHA MILATERI DHAMMEYSTIRAN

0

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Dowladda Soomaaliya oo nuqul kamid ah uu soo gaarey Wakaaladda SONNA, ayaa lagu yiri”Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay dowladda Mareykanku in ay gacan xoog leh ka geysato sidii Shabaab looga xoreyn lahaa gudaha Soomaaliya.

AMISOM oo ka garab dagaallameysa Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay ku guulesteen in Shabaab sida uu doono aanuu ka yeelin dalka, sidaa ay tahayna AMISOM uma suurta gelin in ay Shabaab ka suuliso dalka Soomaaliya oo dhan,Sababaha guusha militeri ee kama dambeysta ah hortaagani waa ay badan yihiin waxaana ka mid ah in hoos u dhac uu ku yimid hantida ku baxda Howlgallada AMISOM.

Sidaa darteed iyada oo abaal weyn u haysa dalalka Afrika ee ciidankoodu uu ka tirsan yahay AMISOM ee uu daafaco kuna dhinto dalka Soomaaliya, ayay Dowladda Soomaaliya waxay ka codsatay dowladda Mareykanku in ay gacan intaan ka weyn oo xag sirdoon iyo xag ciidanba howlgal ahba ay ka geysato dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo I. S. I. S.  si looga xoreeyo gudaha Soomaaliya goobaha ay uga sugan yihiin.

Arrintaa waxaa kallifay xog sir ah oo ku saabsan al Shabaab oo ay heshay Dowladda Soomaaliya.

Waraaq rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Yusuf-Garaad Cumar ayay  Dolwadda Soomaaliya ay codsigeeda ugu gudbisay Dowladda Mareykanka.

Dowladda Soomaaliya waxay hore ugu caddeysay Mareykanka, in howlgallada militeri ee goos gooska ah ee uu Mareykanku hadda ka wado Soomaaliya ay ahaadaan kuwo aad looga fiirsaday xogta hagaysa iyo fulintoodaba si loo xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed naftooda iyo hantidoodaba aan waxyeello ka soo gaarin.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay soo dhoweyso xubnaha al Shabaab intooda Soomaalida ah ee garowsada in ay joojiyaan dagaalka si looga nabad galo iyaguna ay u nabad galaan taas oo waddada u xaari karta in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Dowladda iyo Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ka go’an in marxalad kasta ay u taagnaadaan daafaca shacabka Soomaaliyeed iyo hantidiisa.

Xigasho SONNA

Ra’iisul wasaaraha Ciraaq oo ku dhawaaqay in Daacish si buuxda looga saaray Tal-Cafar

0

Waxaa la soo geba gebeeyay howlgaladii ciidamada militariga Ciraaq ay ku xoreynayeen magaalada Tal-caafar ee Waqooyiga Ciraaq, iyadoo dhawaan dowladda Ciraaq ay sheegtay in ciidda ka hor ay soo afjarayso dagaalkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Iraq  Xeydara al-Cabaadi ayaa ku dhawaaqay in ay dib uga qabsadeen kooxda Daacish magaalada Tal Afar iyo guud ahaan gobolka Nineveh (Ninweh), kadib dagaal maalmahan ka socoday halkaasi.

Bayaan uu kasoo saaray xarunta Madaxtooyada ee magaalada Baghdad ee casimadda dalka Ciraaq, Ra’iisul Wasaare Al-Cabaadi ayuu ku sheegay in guud ahaan magaalada Tal Cafar ay hadda ku jirto gacanta ciidanka qalabka sida.

Dhanka kale Taliyaha ciidamada  isbaheysiga ee uu Mareykanka hogaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Daacish Gen. Stephen Townsend ayaa ku amaanay ciidamada Ciraq guusha kama danbeysta ah ee ay kasoo hooyeen magaalada Tal Afar, taasi oo ahayd meeshi ugu dambeysay oo ay maleeshiyaadkaasi ku xooganaayeen.

Howlgalka magaalada Tal Afar oo 80-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Mosul ayaa bilowday 20-ki bishi August ee aanu kasoo gudubna, intii dagaalkaasi uu socdayna waxaa ku dhintay dad aad u farabadan waxaana ka barakacaya kumanaan kale, kuwaasi oo haatan helaya fursado ah in jawi nabadeed ay kugu soo laabtaan guriyohooda..

Kooxda Argagixisada ah ee Daacish ayaa qabsatay inta badan gobolkaas oo ay ku jirto magaalada xarunta u ah ee Mosil bishii Juun 2014,iyagoo gumaad xoogan u geystay shacabka oo ay in muddo ah ku dul dagaalamayeen.

Xulafada uu Maraykanku hogaaminayo ee dagaalka kula jira maleeshiyada Daacish, waxay sheegeen in walow Tal Cafar ay ciidanka Ciraaq gacanta ugu jirto, haddana weli ay jirto khatar iyo cabsi laga qabo waxyaabaha qarxa ee meelaha fog laga qarxiyo.

Xukuumadda Ciraaq ayaa qaadday guluf ay dib ugu qabsanaysay Tal Cafar 20kii Agoosto, kaasoo ay ka qayb galeen 50,000 oo isugu jiray milateri, boolis, ciidanka cirka, kuwa sida gaarka ah u tababaran iyo xoogag Shiica ah.

IS waxaa hadda gacantooda ku haray Xawiija oo 170 Km koofur-bari ka xigta Tal Cafar iyo jidka isku xira Cana iyo Al Qaym ee dooxada webiga Furaat, oo 220 Km kaga beegan koofurta.

Bishii Luulyo waxaa kooxda IS gacantooda ka baxay magaalada Mosil, ka dib sagaal bilood oo dagaal uu ka socday, kaasoo ay ku dhinteen kumanaan rayid ah, ayna ku bara kaceen in ka badan 900,000.

Dowladda Soomaaliyeed oo Mareykanka ka codsatay taageero Militeri

0

Muqdisho(SONNA) Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Dowladda Soomaaliya oo nuqul kamid ah uu soo gaarey Wakaaladda SONNA, ayaa lagu yiri”Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay dowladda Mareykanku in ay gacan xoog leh ka geysato sidii Shabaab looga xoreyn lahaa gudaha Soomaaliya.

AMISOM oo ka garab dagaallameysa Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay ku guulesteen in Shabaab sida uu doono aanuu ka yeelin dalka, sidaa ay tahayna AMISOM uma suurta gelin in ay Shabaab ka suuliso dalka Soomaaliya oo dhan,Sababaha guusha militeri ee kama dambeysta ah hortaagani waa ay badan yihiin waxaana ka mid ah in hoos u dhac uu ku yimid hantida ku baxda Howlgallada AMISOM.

Sidaa darteed iyada oo abaal weyn u haysa dalalka Afrika ee ciidankoodu uu ka tirsan yahay AMISOM ee uu daafaco kuna dhinto dalka Soomaaliya, ayay Dowladda Soomaaliya waxay ka codsatay dowladda Mareykanku in ay gacan intaan ka weyn oo xag sirdoon iyo xag ciidanba howlgal ahba ay ka geysato dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo I. S. I. S.  si looga xoreeyo gudaha Soomaaliya goobaha ay uga sugan yihiin.

Arrintaa waxaa kallifay xog sir ah oo ku saabsan al Shabaab oo ay heshay Dowladda Soomaaliya.

Waraaq rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Yusuf-Garaad Cumar ayay  Dolwadda Soomaaliya ay codsigeeda ugu gudbisay Dowladda Mareykanka.

Dowladda Soomaaliya waxay hore ugu caddeysay Mareykanka, in howlgallada militeri ee goos gooska ah ee uu Mareykanku hadda ka wado Soomaaliya ay ahaadaan kuwo aad looga fiirsaday xogta hagaysa iyo fulintoodaba si loo xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed naftooda iyo hantidoodaba aan waxyeello ka soo gaarin.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay soo dhoweyso xubnaha al Shabaab intooda Soomaalida ah ee garowsada in ay joojiyaan dagaalka si looga nabad galo iyaguna ay u nabad galaan taas oo waddada u xaari karta in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Dowladda iyo Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ka go’an in marxalad kasta ay u taagnaadaan daafaca shacabka Soomaaliyeed iyo hantidiisa.

Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya oo saaka laga ciidayo

0

Iyadoo maanta linta  oo Jimco ah ay  tahay Munaasabada maalinta 1aad ee Ciidul-adxaa oo ka mid ah labada ciidood ee ay leeyihiin dadka muslimiinta ah ayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Somalia waxay u dabaal degayaan munaasabadda ciidadad.

Masaajidda ayaa lagu oogayaa Salaadda Ciidda iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ay ka qeyb qaadanayaan Dukashada Salaadda oo lagu oogayo Masjidka Isbaheyisga iyo dhamaan masaajidda ku yaala caasimaddda.

Boqolaal dadweyne ah ayaa lagu arkayaa wadooyinka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan magaalooyinka gobolada dalka Soomaaliya, iayadoo dadka ay isugu marxabeynayaan ciida wanaagsan kullu Caam wa antum biKheyr iyo hadalo kale.
Dhanka kale waxaa soconaya dadaalo loogu gurmanayo dadka danyerta ah ee kunool, magaalada Muqdisho,xeryaha ay kunool yihiin dadkaasi qaar kood ayaa waxaa ka soconaya howlo loogu qeybinayo deeq hilbo qalan ah.

Intii lagu guda jirey diyaar garowga Ciidda waxaa sare u kac xoogan laga dareemay qiimaha la kala siisto Xoolaha nool ee Suuqyada,sida Ariga, Lo’da iyo Geela oo dad badan ay iibsadaan xiliyadan oo kale si ay u gowracaan maalmaha ciida, si ay ugu sadaqeystaan dadka kale oo danyerta ah.

Culimadda Soomaalida ee Masar ku nool oo shacabka ugu baaqay in dhismaha dalka ku gacan siiyaan dowladda

0

Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee kunool dalka Masar ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay lashaqeeyaan Dowladdooda taasi oo ay ku tilmaameen in ay keeni karto horumar dhan kasta leh.

Sheekh Max’ed Sheekh Ibraahim Kenyaawi oo wareysi gaar ah siiyaya Walaaladda Wararka SONNA ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu baaqey in ay la shaqeeyaan Dowladda Taageerona ay siiyaan.

Wuxuu sheegay in booqashadii dhawaad uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Farmaajo ku tagay dalka Masar, iyo lakulankiisa Jaaliyadda ay noqotay mid dhiiro gelisay kalsoonida bulshada.

“Ficilka madaxweyne Farmaajo aniga waxaan is leeyahay in uu yahay mid horseedi kara kalsooni iyo midnimo umadda Soomaaliyeed dhexdeeda,dadkan runtii kula dhacsan maanta waa raaciyadaadi, marka mas’uuliyada ayaa kaa saaran madaxweyne adna guddo waajibaadkaada oo oofi balamadii aad qaaday”,Ayuu Yiri Sheekh Kenyaawi.

Wuxuu sidoo kale  ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dowladdooda, isagoo xusay in dalkasta dadkiisa uu dhisayo,isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dalka uu ku dhismi karo hadii shacabka iyo Dowladu ay iskaashadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Masar halkaasi oo uu kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool halkaasi.

Wariyaheena Masar Mowliid  Xasan Cabddi