Home Blog Page 1611

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo bilaabay qorshe uu kula xisaabtamayo wasiiradiisa

0

Si looga dhabeeyo qorshaha isla xisaabtan iyo dowladd wanaagga ee ay wado xukumadda ayaa  maanta waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federalka Soomaaliya kulamo isla xisaabtan iyo is xog wareysi  ah la yeeshay qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiiradda.

Ra’iisul  wasaaraha xukumadda  federaalka Soomaaliya ayaa si gaar gaar ah  ula kulmayey  wasiiradda waxa uuna  ka dhagyesanayey qorshaha wasaaradahooda, caqabadaha  uu kala kulmay intii uu xilka  haayey,  sid uu u diyaariyey   hananka looga gudbo   Caqabadaha  jira iyo qorsha  howleedka wasaradda  ee 100-maalin ee ugu horaysa taas oo la waafajinayo qorshaha  Dowladda ee Nabad iyo Nolol.

Ra’iisul Wasaare kheyre  ayaa kula dar-daarmay in ay ka fogadaan wax kasta oo keeni kara maamul xumo iyo Musuq maasuq .

Danjiraha Swedan iyo agaasimaha HSJ oo ka wada hadlay aqoonsiga basaboorka Soomaaliya

0

Danjiraha dowladda Swedan ee Soomaaliya, Mikael Lindvall, ayaa kulan la yeeshay agaasimaha guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya gaashaanle sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi.

Kulanka labada mas’uul oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dowladood gaar ahaan dhanka socdaalka iyo sidii dowlada Swedan u aqoosan laheyd basaboorka Soomaaliga si muwaadiniinta Soomaliyeed ay ugu tagaan dalka Swedan.

Safiirka Swedan Mikael Lindvall, ayaa aqbalay labada arimaha ay ka wada hadleen Agaasimaha guud HSJ, waxaana uu sheegay in uu la wadaagi doono madaxda ugu sareysa dalka Swedan, ayna ugu horeyn ka shaqeyn doonaan aqoonsiga basaboorka Soomaaliga ah.

Guddoomiye Thaabit oo kormaaray goobaha lagu qaadayey Imtixaanka Mideysan ee dalka

0

Jaamacadda Umadda, Schoolka Yaasin Cismaan iyo Schoolka Turkish Caarif  Fondheshin ayaa waxaa maanta Kormeer ku sameeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabit Maxamed xarumahaasi waxbarasho oo ay ka socotay qaadista Imtaxaanadka mideysan ay Dowladda Soomaliya ka qaadeyso ardayda waxkabarta Dugsiyada sare ee Dalka ku yaala.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn booqday Jamacaada Umadda halkaasi oo imtaxaanka mideysan looga qaadayay boqolaal arday ah oo ka kala socda dugsiyada  sare ee ku yaala gobolka Banaadir gudoomiyaha ayaa waxa uu la kulmay ardayda imtaxanadka laga  qaadayay isagoo ku dhiira galiyay in dowlada ay garab taagan tahay ardayda soomaliyed ee wax kubarata dalkooda hooyo islamarkaana maamulka Gobolka Banaadir uu ka shaqeyn doono taalaba kaste  oo lagu hormarinaayo Dhalinyarada magaalada Muqdisho,

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka banaadir ayaa booqday Schoolka Yaasin Cismaan  oo kamid ah xarumaha ay wasaarada Waxbarashada ee Dowlada Soomaliya  ku qaadeyso imtaxaanadka mideysan ee ardayda dugsiyada sare waxa uuna duqa Magaalada Muqdisho halkaasi kula kulmay arday aad u tira badan kuwaas u diyaar garoobaye qaadista imtaxaanadka iyadoo Gudoomiyaha uu mid mid u la kulmay ardaydii Schoolkaasi ku sugneed waxa uuna ku bogaadiyay in ay dalkooda wax u bartaan islamarkaana ay hormarkiisa ka shaqeeyan,

Ugu danbeyn duqa Magaalada Muqdisho Mudane taabit cabdi Maxamed ayaa kormeeray Schoolka Turkisha macaarif Fondheshin  Ex Schoolki farsamada ganacta ee boola tic niko waxa uuna gudoomiyaha halkaasi kula kulmay macalimiin iyo maamulak Schoolkaasi isagoo ka wareestay sida ay u socoto qaadista imtaxanaadka mideysan ee Dowlada waxa uuna gudoomiyaha mid mid u booqday fasalada kala duwan ee imtaxanad lagu qaadaye Ardayda wax kabarata Dugsiyada Sare ee ku yaala Degmooyinka Gobolka Banaadir,

Kormeerka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabit cabdi Maxamed.

54 Guuradii Kasoo Wareegatay Aas Aaska Ururka Midowga Afrika Oo Lagu Xusay Kuwait

0

Khamiistii Lasoo Dhaafay oo ay taariikhdu ku beegneyd 18 May 2017 ayaa dalka Kuwait lagu qabtey Xaflad ballaaran oo lagu dabaaldegey 54 sano guurada ka soo wareegatay Aas-Aaska ururka midowga Afrika, waxaana habmaamuuska xaflada sanadkaan  hormuud ka ahayd Safaaradda Jamhuuriyada Soomaaliya ee dalkan Kuwiat, iyadoo ay ka soo qeybgaleen dhammaan Safaaradaha dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika Ee Xarumaha ku leh Dalka Kuwait.

Danjiraha Soomaaliya Ee Dalka Kuwait Cabdulqadir Amin ahna Hormuudka danjireyaasha oo khudbad ku jeediyay magaca Danjireyaasha dalalka Afrika ee fadhigoodu yahay Kuwait ayaa ugu horeyn Soo dhaweyn iyo mahadnaq ballaaran u jeediyay danjireyaasha iyo marti sharafta kale oo xafladda ka soo qeybgalay.

Danjire Amiin wuxuu si gaar u soo dhaweeyay Qoyska reer Sabbax oo ay ugu horeyso Sheykha Fariixa Al-Axmad Al-jabir Al-sabbax, oo la dhalatay Amiirka dalka Kuwait.

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Kuwait Amb Cabdulqaadir Sh Aamiin ayaa madasha ka jeedyay khudbad dheer oo uu kaga faallooday halgankii dheeraa ee Africa ay soo gashay sidii ay isaga dul qaadilaheyd Heeriyada Gumeystaha daldalanayay macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee uu Alle ku manneystay Qaaradda Afrika.

Mudane Amiin ayaa khudbaddiisa kaga hadlay horumarka dhanac kasta ah ee ay maanta ku tallaabasadeen madaxda qaaradda Afrika, gaar ahaan 54-kii Sano ee uu dhisnaa Ururka Midowga Afrika.

“Africa waxay maanta mareysaa in mashaakilkeeda dhan walba leh xaliso, iyadoon u baahneyn faragelin shisheeye, horumarka weyn ee dhinaca Amniga ee uu dalka Soomaaliya maanta gaaray, waxaa iska kaashada oo keliya Ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo walaalahooda ka kala yimid dalalka Afrika” ayuu yiri Danjire Amiin.

Danjiraha Soomaaliya Ee Dalka Kuwait ayaa ammaanay doorka dowladda Kuwait ay ka qaadaneyso horumarka Dalalka afrika iyo mashaariicda horumarineed ee Kuwait ka fulinayso Africa oo uu kamid yahay Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha iyo Bulshada Kuwait.

Munaasibadda Waxaa Sidoo Kale khudbad ka jeediayay ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Kuwait, isagoo ka hadlay xirirka qotada dheer ee Kuwait ay la leedahay dalalka Afrika iyo sida marwalba Kuwait ay diyaar ugu tahay xiriirka iskaashi ee kala dhaxeeya dalaka Afrika,

Madasha xafladda oo lagu soo bandhigay waxyaabo muujinayay Hiddaha iyo Dhaqanka Afrika ayaa waxaa si weyn uga muuqdey Qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Kuwait, sida Aqoonyahaka, Culima’udiinka, Haweenka iyo dhalinyarada.

W/D/ Cabdulqaadir Macalin Nuur “Kuwait”

Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka XFS oo ka qayb galay munaasabad lagu sogootinayay shaqaale ku wareegay Wasaarada Gargaarka

0

Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamad Guuleed ayaa ka qayb galay xafladda xil-wareejinta waaxda Gargaarka iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo maanta loo wareejiyey Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dabiiciga ah, iyadoo ay munaasabadda ka qeyb galeen labada Wasaaradood ee loo kala wareejinayey waaxaha.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ku wareejiyey Wasaaradda Gargaarka labo waaxood oo kala ah Waaxda Gargaarka Abaaraha iyo Hay’adda Mareynta Masiibooyinka, waxaana uu tilmaamay inuu si wanaagsan ay u sagootin doonaan shaqaalaha ka wareegaya wasaaraddooda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka Abaaraha iyo ka hortaga Musiiboyinka Dibiiciga ah, Cilmi Cumar Caynsane ayaa soo dhaweeyey shaqaalaha ay maanta la wareegeen, waxuuna cadeeyay in lagu wareejiyey shaqaale u diyaarsan shaqada ay qaban doonaan, sidoo kale waxuu soo jeediayey in hay’adaha ka shaqeeya arrimaha musiibooyinka ay la shaqeeyaan Wasaaradda Gargaarka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Xukuumaddu ay diyaar u tahay la shaqeynta Waaxahan lagu wareejiyey Wasaaradda Gargaar. Wuxuuna ka sheekeeyey u jeedka loo sameeyey Wasaarada in ay tahay sidii loo maareyn lahaa abaaraha iyo qaabkii looga tabaabushaysan lahaa abaaraha soo noq-noqda.

DHAMAAD

Guddoomiyaha golaha shacabka iyo Wasiirka Destuurka oo wakiillada beesha caalamka Nairobi kula kulmay

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa magaalada Nairobi kula kulmay saaxiibada Beesha Caalamka ee dowladda Soomaaliya caawiya, waxaana kulanka ka soo qaybgalay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo Ku-Xigeenkiisa labaad mudane Cabdalla Cawad.

 Wafdiga Wasiirka waxaa kamid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo qaar kamid ah lataliyayaasha Wasaaradda.

Mudane Cabdi Xoosh ayaa shir uu la yeeshay mas’uuliyiin kamid ah beesha caalamka oo ka kala socday wadamo iyo hay’ada Soomaaliya garabsiiya u sharxay qorshaha guud ee wasaaradda ay diyaarisay ee ku saabsan Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka oo socon doona labada sanno ee soo socota.

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa aad u soo dhaweeyay qorshaha ay Wasaaradda diyaarisay waxa ayna bogaadiyeen hogaanka cusub ee Wasaaradda oo uu ugu sareeyo Wasiirka oo si ay xirfadi ku jirto ku dardargelinaya hawlaha Wasaaradda.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Jawaari oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in labada gole ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda ay ka dhaxeeyso wadashaqeyn wanaagsan kana go’antahay in Dastuurka la dhameeystiro.

Ugu dambeyn, Beesha Caalamka ayaa Wasaaradda ku amaantay kulamada wadatashiga ah ee maalmihii la soo dhaafay ay la yeelaneysay qaybaha kala duwan ee bulshada waxa ayna ballanqaadeen in Wasaaraddu ku garab istaagi doonaan sidii Geedi-socdoka dib u eegista Dastuurka ee labada sanno ee soo socota uu si guul ah ugu soo dhamaan lahaa.

—–DHAMAAD—–

Ra’iisul wasaare Kheyre oo furay imtixaannaadka Dugsiyada sare ee dalka (Sawirro)

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre ayaa furay Imtixaannaadka dugsiyada sare oo la mideeyey, waxaana wehliyey wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya iyo saraakiil kale oo ka socotay hey’adaha waxbarasho ee dalka.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya oo dugsiga 15 May ee degmada Warta nabadda oo kamid ah meelaha imtixaanka lagu qaadayo booqdey ayaa dhammaan mid mid u salaamay ardayda ka qayb galaysa imtixaanka, isagoo ku dhiri galinayey in ay  ka dhabeyaan hadafka ah in ay ku guuleystaan imtixaanka iyo guud ahaan waxbarashada.

Wasiirka  waxbarashadda ee xukumadda Soomaaliya  Dr. Cabdiraxmaan Daahir  Cismaan, ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashadda ay sharaf weyn u tahay qaadista imtixaankaan mideysan, isla markaana ay rajeyneyso in ay ku dhammaadaan si hufan oo nabad ah.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre, oo la hadlay  ardayga galisa imxitaanka  ayaa  xusay in ay ardaydani ay  tusaale  u yihiin in dalkeenu uu leeyahay mustaqbal wanaagsan wax barashadduna ya horseed  u tahay  horumarka dalka.

“maanta waa maalin ahmiyad gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed, maadaama 27, kun oo ardey Soomaaliyeed ay u fariisanayaan imtixaannaadka dugsiyada sare oo ay wasaaradda waxbashada Xumuumadda mideysay, taas waa guul weyn, wax badanna ka tari doonta tayada waxbarashad dalka, annaga Xukuumad ahaan waxaa naga go’an sidii aan ugu dedaali lahayn kordhinta iyo tayeentada waxbarashada heerarkeeda kala duwan” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dalka.

Sidoo kale, imtixaanka dugsiga sare ayaa maanta ka bilowday magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Beledweyne, Cadaado, Gaalkacyo iyo kuwo kale.

 

Waxqabadka dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

0

Mogadishu, 20 May 2017 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

Kulan Wadatashiga Hannaanka Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka oo lagu qabtay Muqdisho 14 – 16 May 2017

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabatay kulan wadatashi oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Darstuurka ee dowlad gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo Gobolka Benaadir laguna qabtay magaalada Muqdishu 14-16kii Maajo 2017. Kulankan wuxuu qayb ka ahaa wadatashi ballaaran oo ay Wasaaradda la sameeynayso dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada dalka ka jira si loo taaba galiyo loona dar-dargeliyo hanaanka Geedi-socodka Dib-u-Eeegista Dastuurka. Kulankan ayaa laga soo saaray warmurtiyeed.

Cadaalad la marsiiyey dhagarqabihii Qaraxa ka fuliyey Suuqa Beerta

Dowlada Federaalka oo ahmyid gaar ah siineysa sidii shacabku ku heli lahaa cadaalad iyo sinnaan ayaa Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay 18kii May 2017 xukun dil ah ku fulisay C/qaadir Cabdi Xasan oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, kaas oo gaari uu waday ku Qarxay Sanadkii Hore Suuqa Beerta ee Degmada Waabari.

Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare oo la bilaabayo 20ka May

Waxaa guul weyn u ah Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare inay soo gebagebeysay diyaar garowgii weynaa ee loo galay howlaha imtixaanka, Hadaba, maalinta Sabtiga ah ee ay bisha Maajo tahay 20ka, 2017da waxaa la qaadi doonaa imtixaanka Shahaadiga ah ee heerka labaad ee waxbarashada qaranka (Imtixaanka Dugsiga sare). Sannad dugsiyeedka 2016/2017 waxaa imtixaanka u fariisanaya 23000 oo arday waxaana lagu qaadi doonaa 77 xarumood oo ka tirsan Dowlad Goboleedyada Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Gobolka Banaadir. Waxaa si toos ah uga qeyb qaadanaya howlaha imtixaanka 77 kormeerayaal, 77 kaaliyeyaal, 1368 ilaaliyayaal, 962 amni sugayaal iyo saraakiil amni iyo shaqaale ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada.

Muddo labo cisho ah oo la badbaadiyey $34,000 ee canshuurta Jaadka oo horey loo lunsan jirey

Dowlada Federaalka waxaa ka go’an ciribtirka Musuqmaasuqa. Maamulka cusub ee xafiiska Furdada ee garoonka diyaaradaha Aden Adde ee Muqdisho ayaa maamlmihii 16ka iyo 17ka May waxey soo xareeyeen canshuurta jaadka in ka badan $130,000 oo marka loo barbardhigay maalmihii iyo usbuucyadii hore ay soo baxday in in-ka badan $34,000 oo la leexsan jirey la badbaadiyey. Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Maaliyada iyo Wasiir-ku-xigeenka Maaliyada ayaa 17kii May 2017 booqday garoonka diyaaradaha ee Aden Adde ee Muqdisho si ay u dhiirigeliyaan shaqaalaha oo muddo labo cisho ah oo Maamulka cusub ee Furdada garoonka diyaaradaha Muqdisho ay canshuurta jaadka ku kordhiyeen $34,000 iyadoon canshuurta la kordhin, isla markaasna Jaadkii imanayey uusan kordhin.

Hay’adaha Amniga oo gacanta ku soo dhigay dhagarqabayaal baabuur waxyaalaha Qarxa ka soo buuxiyey oo rabay inay shacabka waxyeelo u geystaan

Hay’adaha amniga oo kaashanaya shacabka ayaa labo gaari ay ku raad joogeen laga badbaadiyey khasaaraha shacabka oo cadowgu la damacsanaa. 15kii May 2017 ayaa hay’adaha amniga oo ku raad joogay gaari ayaa qabtay seddex ruux oo saarneyd gaariga, isla markaasna ka badbaadiyey shacabka qasaaraha gaarigaas oo qarxay iyadoo shacabka aagaas laga fogeeyey. Gaariga ayaa qarxay intii ay ciidanka miinobaarista soo socotay. Sidoo kale 17kii May ayaa ciidanku isagoo dabojooga gaari ay xabad ku soo fureen ciidanka, ka dibna la baacsaday, gaarigiina uu qarxay iyadoo ciidanka geesiyaasha ee ku howlaneed furfurista qaraxa uu gaarigii ku qarxay.

5 nin oo isbaaro-dhiganayey oo la soo qabqabtay lana soo bandhigay

Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa 13kii May 2017 lagu soo bandhigay shan nin oo ku hubeysana qoriga AK-47 iyo gaari ay u isticmaalayeen falalka dhaca oo dadka socotada ee mara waddada dheer ee xiriirisa magaalada Muqdisho iyo deegaanka 50 km, kadib howlgal ciidanka xooga ay ka sameeyeen halkaas.

Dowlada Federaalka oo Raashin Deeq ah Gaarsiisey degmada Wanlaweyn

Deeqdan Raashinka ee la gaarsiiyey Wanlaweyn ayaa ka koobneyd Bur, Baris, Sokor, Caano iyo Daawo oo 400 (afar boqol) oo qoys oo danyar ah lagu wareejiyey ee deeganka Sharee oo Hoostaga Degmada Wanlaweyn. Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Abaaraha Qaranka ayaa horseed ka ahaa gargaarkan iyadoo maamulka Gobolka Sh/Hoose ay goob joog ahaayeen.

Gobolka Sh/Dhexe oo laga hirgeliyey Howlgalo Burcadda looga sifeynayo waddooyinka

Howlgallo lagula dagaallamayo burcadda jidgooyooyinka dhigata waddooyinka mara Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa usbuucan laga sameeyay waddada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Degmada Cadalle. Iyadoo laga duulayo awaamiirtii Madaxweynaha Soomaaliyaa ayaa ciidanka XDS ay wadaan Howlgal lagu baadi goobayo kooxaha caadeysta dhigashada Jidgooyooyinka lacago sharci daro ah looga qaado shacabka.

Aqoon is weydaarsi loo sameeyey 20 Haween oo Qareeno ah

15kii May 2017 ayaa Wasaaarada Cadaalada ay soo gabogabeysey aqoon isweydaarsi mudo sadax maalin ah uga soconayay magaalada Muqdisho in ka badan 20 haween qareeno ah oo ka kala yimid gobolada dalka Ujeedka dood cilmiyeedka ayaa ahaa sidii ay iskaashi u samayn lahaayeen una xoojin lahaayeen howsha qareenimada gabdhaha Soomaaliyeed si ay qayb uga noqdaan baahinta garsoorka dalka.

20 suxufi ah oo la siiyey tababar xirfadooda kor loogu qaadayo

Wasaarada Warfaafinta ayaa tababar siisay 20 suxufi oo ka kala yimid warbaahinta Qaranka, tan madaxa banaan iyo Warbaahinta dowlad Gobolleedyada iyagoo la baray sida ugu haboon ee looga faa’iideysan karo soo saaridda wararka iyo barnaamijyo tayo leh. Tababarkan oo socday 14 – 17kii May 2017 ayaa Wariye Cabdiraxmaan Koronto iyo Hussein Jaabiri oo labadaba ah La Taliyeyaasha Wasaarada Warfaafinta ay bixinayeen tababarkan muhiimka u ah horumarinta warbaahinta dalka.

 

Ruuxaani oo mar kale noqdey madaxweynaha Iiraan

0

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa ku guulaystay doorashada madaxtinnimo ee shalay ka dhacday dalkaasi, sida uu sheegay telefishinka qaranka waddankaasi.

Waxaa la tirayey ugu badnaan codadka la dhiibtay oo ahaa 40, Milyan, iyadoo Ruuxaani uu helay 56% codadkii la tiriyey, taas ayaana la sheegay in uu uga badbaaday wareeg kale.

Ibraahim Raisi oo ah ninka la tartamayay Ruuxaani ayaa sheegay in doorashada loo adeegsadey falal ka baxsan sharciga, sida uu u sheegay taageerayaashiisa mar uu la hadlayey.

Waqtiga codbixinta ayaa shalay muddo 5 saac ah lagu kordhiyay, kaddib markii ay adkaatay in la xakameeyo dadka isu soo baxay ee joogay goobaha cod bixinta.

Ruuxaani oo 68 jir ah, ayaa ballanqaaday in uu Iiraan ku hogaaminayo aragti dhexdhexaad ah, waxaana uu guushiisa ku xiray ka mira dhalinta heshiiska nukliyeerka ee uu dalkiisa la galay dalalka caalamka ugu awoodda badan.

 

 

Donald Trump oo ka degay Riyadh Sacuudiga Sawirro

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu uga qeyb galayo shir uu la yeelanayo Madaxda wadamada Islaamka.

Donald Trump ayaa booqasho rasmi uga bilaabatay dalka bariga dhexe, taasoo ah booqashadiisa u horeysay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa soo dhoweeyay Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa, iyadoo sidoo kale ay wehliyeen gabadhiisa iyo wiilka uu sodoga u yahay.

Madaxweynaha Mareykanka iyo Boqorka Sacuudiga ayaa lagu wadaa ka hor inta uusan shirka furmin inay kala saxiixdaan heshiisyo ku baxaya balaayiin doollar oo hub Sacuudiga ku iibsanayo.

Shir madaxeedka Madaxda wadamada Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka ayaa furmaya gelinka dambe ee maanta, waxaa jiri doona shirar uu gaar gaar ula yeelanayo Madaxweyne Trump Madaxda dalalka islaamka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka mid ah madaxda uu qaabili doono, inta uu socdo shirka.

Lugta labaad ee safarkiisa ayaa la filayaa in maalinta Isniinta uu ku tago  Israel, waxaana uu kaddib booqanayaa Xarunta Vatican ee magaalada Rome.