Ra”iisul Wasaaraha Ciraaq oo ku dhawaaqey in ay qabsadeen guud ahaan magaalada Tal-Cafar

Date:

Muqdisho(SONNA) Waxaa la soo geba gebeeyay howlgaladii ciidamada militariga Ciraaq ay ku xoreynayeen magaalada Tal-caafar ee Waqooyiga Ciraaq, iyadoo dhawaan dowladda Ciraaq ay sheegtay in ciidda ka hor ay soo afjarayso dagaalkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Iraq  Xeydara al-Cabaadi ayaa ku dhawaaqay in ay dib uga qabsadeen kooxda Daacish magaalada Tal Afar iyo guud ahaan gobolka Nineveh (Ninweh), kadib dagaal maalmahan ka socoday halkaasi.

Bayaan uu kasoo saaray xarunta Madaxtooyada ee magaalada Baghdad ee casimadda dalka Ciraaq, Ra’iisul Wasaare Al-Cabaadi ayuu ku sheegay in guud ahaan magaalada Tal Cafar ay hadda ku jirto gacanta ciidanka qalabka sida.

Dhanka kale Taliyaha ciidamada  isbaheysiga ee uu Mareykanka hogaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Daacish Gen. Stephen Townsend ayaa ku amaanay ciidamada Ciraq guusha kama danbeysta ah ee ay kasoo hooyeen magaalada Tal Afar, taasi oo ahayd meeshi ugu dambeysay oo ay maleeshiyaadkaasi ku xooganaayeen.

Howlgalka magaalada Tal Afar oo 80-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Mosul ayaa bilowday 20-ki bishi August ee aanu kasoo gudubna, intii dagaalkaasi uu socdayna waxaa ku dhintay dad aad u farabadan waxaana ka barakacaya kumanaan kale, kuwaasi oo haatan helaya fursado ah in jawi nabadeed ay kugu soo laabtaan guriyohooda..

Kooxda Argagixisada ah ee Daacish ayaa qabsatay inta badan gobolkaas oo ay ku jirto magaalada xarunta u ah ee Mosil bishii Juun 2014,iyagoo gumaad xoogan u geystay shacabka oo ay in muddo ah ku dul dagaalamayeen.

Xulafada uu Maraykanku hogaaminayo ee dagaalka kula jira maleeshiyada Daacish, waxay sheegeen in walow Tal Cafar ay ciidanka Ciraaq gacanta ugu jirto, haddana weli ay jirto khatar iyo cabsi laga qabo waxyaabaha qarxa ee meelaha fog laga qarxiyo.

Xukuumadda Ciraaq ayaa qaadday guluf ay dib ugu qabsanaysay Tal Cafar 20kii Agoosto, kaasoo ay ka qayb galeen 50,000 oo isugu jiray milateri, boolis, ciidanka cirka, kuwa sida gaarka ah u tababaran iyo xoogag Shiica ah.

IS waxaa hadda gacantooda ku haray Xawiija oo 170 Km koofur-bari ka xigta Tal Cafar iyo jidka isku xira Cana iyo Al Qaym ee dooxada webiga Furaat, oo 220 Km kaga beegan koofurta.

Bishii Luulyo waxaa kooxda IS gacantooda ka baxay magaalada Mosil, ka dib sagaal bilood oo dagaal uu ka socday, kaasoo ay ku dhinteen kumanaan rayid ah, ayna ku bara kaceen in ka badan 900,000.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...