Sheekh Kenyaawi โ€Dalka Soomaaliya wuxuu ku dhismi karaa in Shacabka iyo Dowladdu ay isku xirmaan.”

Date:

Muqdisho(SONNA) Culimaaโ€™udiinka Soomaaliyeed ee kunool dalka Masar ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay lashaqeeyaan Dowladdooda taasi oo ay ku tilmaameen in ay keeni karto horumar dhan kasta leh.

Sheekh Maxโ€™ed Sheekh Ibraahim Kenyaawi oo wareysi gaar ah siiyaya Walaaladda Wararka SONNA ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu baaqey in ay la shaqeeyaan Dowladda Taageerona ay siiyaan.

Wuxuu sheegay in booqashadii dhawaan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Farmaajo ku tagay dalka Masar, iyo la kulankiisa Jaaliyadda ay noqotay mid dhiiro gelisay kalsoonida bulshada.

โ€œFicilka madaxweyne Farmaajo aniga waxaan is leeyahay in uu yahay mid horseedi kara kalsooni iyo midnimo umadda Soomaaliyeed dhexdeeda,dadkan runtii kula dhacsan maanta waa raaciyadaadi, marka masโ€™uuliyad ayaa kaa saaran madaxweyne adna guddo waajibaadkaada oo oofi balamadii aad qaadayโ€,Ayuu Yiri Sheekh Kenyaawi.

Wuxuu sidoo kale ย ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dowladdooda, isagoo xusay in dalkasta dadkiisa uu dhisayo,isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dalka uu ku dhismi karo hadii shacabka iyo Dowladu ay iskaashadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Masar halkaasi oo uu kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool halkaasi.

Wariyaheena Masar Mowliid ย Xasanย Cabddi

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...