Dowladda Soomaaliyeed oo Mareykanka ka codsatay taageero Militeri

Date:

Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay dowladda Mareykanku in ay gacan xoog leh ka geysato sidii Shabaab looga xoreyn lahaa gudaha Soomaaliya.

AMISOM oo ka garab dagaallameysa Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay ku guulesteen in Shabaab sida uu doono aanuu ka yeelin dalka, sidaa ay tahayna AMISOM uma suurta gelin in ay Shabaab ka suuliso dalka Soomaaliya oo dhan.  Sababaha guusha militeri ee kama dambeysta ah hortaagani waa ay badan yihiin waxaana ka mid ah in hoos u dhac uu ku yimid hantida ku baxda Howlgallada AMISOM.

Sidaa darteed iyada oo abaal weyn u haysa dalalka Afrika ee ciidankoodu uu ka tirsan yahay AMISOM ee uu daafaco kuna dhinto dalka Soomaaliya, ayay Dowladda Soomaaliya waxay ka codsatay dowladda Mareykanku in ay gacan intaan ka weyn oo xag sirdoon iyo xag ciidanba howlgal ahba ay ka geysato dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo I. S. I. S.  si looga xoreeyo gudaha Soomaaliya goobaha ay uga sugan yihiin.

Arrintaa waxaa kallifay xog sir ah oo ku saabsan al Shabaab oo ay heshay Dowladda Soomaaliya.

Waraaq rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Yusuf-Garaad Cumar ayay  Dolwadda Soomaaliya ay codsigeeda ugu gudbisay Dowladda Mareykanka.

Dowladda Soomaaliya waxay hore ugu caddeysay Mareykanka, in howlgallada militeri ee goos gooska ah ee uu Mareykanku hadda ka wado Soomaaliya ay ahaadaan kuwo aad looga fiirsaday xogta hagaysa iyo fulintoodaba si loo xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed naftooda iyo hantidoodaba aan waxyeello ka soo gaarin.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay soo dhoweyso xubnaha al Shabaab intooda Soomaalida ah ee garowsada in ay joojiyaan dagaalka si looga nabad galo iyaguna ay u nabad galaan taas oo waddada u xaari karta in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Dowladda iyo Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ka go’an in marxalad kasta ay u taagnaadaan daafaca shacabka Soomaaliyeed iyo hantidiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...