Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya oo saaka laga ciidayo

Date:

Muqdisho(SONNA) Iyadoo maanta linta  oo Jimco ah ay  tahay Munaasabada maalinta 1aad ee Ciidul-adxaa oo ka mid ah labada ciidood ee ay leeyihiin dadka muslimiinta ah ayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Somalia waxay u dabaal degayaan munaasabadda ciidadad.

Masaajidda ayaa lagu oogayaa Salaadda Ciidda iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ay ka qeyb qaadanayaan Dukashada Salaadda oo lagu oogayo Masjidka Isbaheyisga iyo dhamaan masaajidda ku yaala caasimaddda.

Boqolaal dadweyne ah ayaa lagu arkayaa wadooyinka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan magaalooyinka gobolada dalka Soomaaliya, iayadoo dadka ay isugu marxabeynayaan ciida wanaagsan kullu Caam wa antum biKheyr iyo hadalo kale.
Dhanka kale waxaa soconaya dadaalo loogu gurmanayo dadka danyerta ah ee kunool, magaalada Muqdisho,xeryaha ay kunool yihiin dadkaasi qaar kood ayaa waxaa ka soconaya howlo loogu qeybinayo deeq hilbo qalan ah.

Intii lagu guda jirey diyaar garowga Ciidda waxaa sare u kac xoogan laga dareemay qiimaha la kala siisto Xoolaha nool ee Suuqyada,sida Ariga, Lo’da iyo Geela oo dad badan ay iibsadaan xiliyadan oo kale si ay u gowracaan maalmaha ciida, si ay ugu sadaqeystaan dadka kale oo danyerta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...