Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya oo saaka laga ciidayo

Date:

Iyadoo maanta linta  oo Jimco ah ay  tahay Munaasabada maalinta 1aad ee Ciidul-adxaa oo ka mid ah labada ciidood ee ay leeyihiin dadka muslimiinta ah ayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Somalia waxay u dabaal degayaan munaasabadda ciidadad.

Masaajidda ayaa lagu oogayaa Salaadda Ciidda iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ay ka qeyb qaadanayaan Dukashada Salaadda oo lagu oogayo Masjidka Isbaheyisga iyo dhamaan masaajidda ku yaala caasimaddda.

Boqolaal dadweyne ah ayaa lagu arkayaa wadooyinka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan magaalooyinka gobolada dalka Soomaaliya, iayadoo dadka ay isugu marxabeynayaan ciida wanaagsan kullu Caam wa antum biKheyr iyo hadalo kale.
Dhanka kale waxaa soconaya dadaalo loogu gurmanayo dadka danyerta ah ee kunool, magaalada Muqdisho,xeryaha ay kunool yihiin dadkaasi qaar kood ayaa waxaa ka soconaya howlo loogu qeybinayo deeq hilbo qalan ah.

Intii lagu guda jirey diyaar garowga Ciidda waxaa sare u kac xoogan laga dareemay qiimaha la kala siisto Xoolaha nool ee Suuqyada,sida Ariga, Lo’da iyo Geela oo dad badan ay iibsadaan xiliyadan oo kale si ay u gowracaan maalmaha ciida, si ay ugu sadaqeystaan dadka kale oo danyerta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...