DOWLADDA SOOMAALIYA OO MAREYKANKA KA CODSATEY IN AY KA GACAN SIISO DHISMAHA MILATERI DHAMMEYSTIRAN

Date:

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Dowladda Soomaaliya oo nuqul kamid ah uu soo gaarey Wakaaladda SONNA, ayaa lagu yiri”Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay dowladda Mareykanku in ay gacan xoog leh ka geysato sidii Shabaab looga xoreyn lahaa gudaha Soomaaliya.

AMISOM oo ka garab dagaallameysa Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay ku guulesteen in Shabaab sida uu doono aanuu ka yeelin dalka, sidaa ay tahayna AMISOM uma suurta gelin in ay Shabaab ka suuliso dalka Soomaaliya oo dhan,Sababaha guusha militeri ee kama dambeysta ah hortaagani waa ay badan yihiin waxaana ka mid ah in hoos u dhac uu ku yimid hantida ku baxda Howlgallada AMISOM.

Sidaa darteed iyada oo abaal weyn u haysa dalalka Afrika ee ciidankoodu uu ka tirsan yahay AMISOM ee uu daafaco kuna dhinto dalka Soomaaliya, ayay Dowladda Soomaaliya waxay ka codsatay dowladda Mareykanku in ay gacan intaan ka weyn oo xag sirdoon iyo xag ciidanba howlgal ahba ay ka geysato dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo I. S. I. S.  si looga xoreeyo gudaha Soomaaliya goobaha ay uga sugan yihiin.

Arrintaa waxaa kallifay xog sir ah oo ku saabsan al Shabaab oo ay heshay Dowladda Soomaaliya.

Waraaq rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Yusuf-Garaad Cumar ayay  Dolwadda Soomaaliya ay codsigeeda ugu gudbisay Dowladda Mareykanka.

Dowladda Soomaaliya waxay hore ugu caddeysay Mareykanka, in howlgallada militeri ee goos gooska ah ee uu Mareykanku hadda ka wado Soomaaliya ay ahaadaan kuwo aad looga fiirsaday xogta hagaysa iyo fulintoodaba si loo xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed naftooda iyo hantidoodaba aan waxyeello ka soo gaarin.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay soo dhoweyso xubnaha al Shabaab intooda Soomaalida ah ee garowsada in ay joojiyaan dagaalka si looga nabad galo iyaguna ay u nabad galaan taas oo waddada u xaari karta in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

 

Dowladda iyo Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ka go’an in marxalad kasta ay u taagnaadaan daafaca shacabka Soomaaliyeed iyo hantidiisa.

 

Xigasho SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo la qeyb galay Kalfadhiga Golaha Sare ee UN-Habitat ee Nairobi

Golaha Sare ee maamulka Hay’adda UN Habitat (Executive Board...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeyb gashay Shir Caalami ah oo lagu xoojinayay Doorka QM

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Osman...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay furimaha dagaalka Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Askari lagu xukumay dil toogasho ah

Xukunka Askari u gacan qaaday Walaashiis soo korisay ka...