Madaxweyne Farmaajo” Dhawaan waxaa bilaaban doona howlgalo Shabaab looga sifeynayo gobolada dalka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed  C/llaahi Farmaajo ayaa saaka salaadda ciidul Adxa Masjidka Shuhadaa ee Madaxtooyada Somaaliya  kula tukaday dadweyne farabadan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo oo khudbad dher jeediyay salaadii Ciidda kadib ayaa soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab, isagoo xusay in dhawaan ay labilaabi doono howlgalo hor leh oo gobolada dalka looga sifeynayo Shabaab,madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrimo ay kamid yihiin dhismaha gudiga adeega garsoorka iyo amhiyadda uu u leeyahya dalka.

Madaxweynaha ayaa gacan qaaday qaar ka mid ah dadweyne farabadan oo uu salaadda ciidda kula tukaday Masjidka Isbaheysiga, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed mar kale ugu hambalyeeyay munaasabadda cuudul Adxa.

Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo  ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay caawiyaan dadka danyarta ah, ayna la shaqeeyaan dowladda F. S. si loo sugo ammaanka guud ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...