Home Blog Page 1608

Askar tababar loogu soo xirey Magaalada Kismaayo

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta  tababar u soo xiray dufcadii sadexaad ee ciidamada booliska Jubbaland kuwaas oo mudo sadex bilood ah uu tababar uga socday Akadeemiyada tababarka Ciidanka Booliska Jubbaland ee Kismaayo.

Ciidankan oo la baray dhamaan casharada layliga Askari iyo dhamaan waxyabaha uu u bahan yahay askariga booliska ah ayaa waxaa ay tiradoodu gaaraysa 201 Askari oo isugu jira wiilal iyo Gabdho si wanaagsan loo carbiyay.

Dabagalka, kahor taga dambiyada, barista, ka hortaga rabshadaha, iyo habab kala duwan oo is difaacista shakhsiga ay kamid tahay ayay Askartu goobta kusoo bandhigeen.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Janaraal C/xakiim Daahir Saciid Saacad oo ka qeybgalay munaasabada tababarka loogu soo xirey askartan ka tirsan booliiska ayaa sheegay in ay xooga saari doonaan sidii loo heli lahaa booliis dalka oo dhan ka howlgala isla markaana leh tayadii looga baahnaa.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa munaasabada ka sheegay in Jubbaland ay dadaal dheer galisay dhismaha Ciidamo Boolis ah oo tayo leh sidii lagu heli lahaa maadama baahida ugu weyn ee Soomaaliya ay tahay Boolis si wanaagsan u shaqeeya maadama falalka ammaanka lidka ku ah ay yihiin kuwo u baahan khibrad iyo xeel dheeri wax ku ool ah.

Madaxweynahu wuxuu ka codsaday dowlada Federaalka ah in ay si siman u qaybiso waxyabaha lagu helo magaca Soomaaliyeed isla markana dhismaha ciidamada booliska la gaarsiiyo dalka oo dhan la iskana kaashado sidii boolisku uu u noqon lahaa sidii lagu yaqiinay bari samaadka.

Isagoo ka hadlayay Xoraynta deeganada maqan ayuu hoosta ka xariiqay Madaxweynahu in Booliska maanta tababarka dhamaystay ay yihiin kuwii xasilin lahaa magaalooyinka gacanta dowlada ka maqan marka la xoreeyo.

Gudoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir oo si rasmi ah loo magacaabay.

0

Digreeto  Ka Soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabay Gudoomiye Kuxigeenada Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Gobolka Banaadir Waxaana loo kala Magacaabay Masuuliyiintan:

Gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyada Maluuka dheere Cabdiqaadir Dheere

Gudoomiye kuxigeenka siyaasada iyo amniga Saalax Sheekh Maxamed

Halkan hoose ka akhriso magacyada Kuxigeenada cusub iyo Xoghayaha Guud:-

Gudoomiye kuxigeenadda iyo Xoghayaha Guud Ee Maamulka G/Banaadir oo labadalay.

1- Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda waxaa lo magacaabay. Marwo Muluuka Dheere Sheekh C/qaadir

2- Guddoomiye ku Xigeenka Siyaasada iyo Amniga waxaa loo Magacaabay: Mudane Saalax Sh.Maxmaed

3- Guddoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshadda waxaa lo magacaabay: Mudane C/llaahi Xaaji Erig.

4- Guddoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud waxaa loomagacaabay: Aadan Sh Cali

5- Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa loo magacaabay: Subeyda Maxamed Mukhtaar

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku fulisay Rag ka tirsan Al-Shabaab

0

Maxakamaada Ciidamada Qalabka sida ee soomaaliya ayaa Maanta Xukun Dil ah kufulisay 4 ruux oo kadanbeeyey Qaraxyadii Mataanaha ahaa ee kadhacey maqaayadaha Beder iyo Reero 28/ bishii labaad ee sanadkii lasoodhaafey Qaraxyadaasi oo ay Kudhinteen 80 Ruux sidookalena ay kudhaawacameen 45 kale.

4 Ruux ee Maanta Xukunka dilka ah lagu fuliyey ayaa lagau kala magacaabaayey

1 Xasan Aadan Mursal

2 C/ladhiif Macalin Aadan C/raxamaan

3 Siyaad Xasan Faarax

4 Sharmad Aawaw Maxamed

Kuwaas oo Xafiiska Heer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya kusoo eedeeyey in ay in ay ka tirsanyihiin Ururka al shabaab islamarkaasina  abaabuleen Fuliyeena Qaraxyo dad Badani ay ku dhamaadeen.

Waxaana maxakamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Maanta afartaasi ruux ay ku fulisay dil toogasho ah , iyadoona Fagaaraha Xukunka Lagufulinaayey ay joogeen Gudoomiyaha Maxakamada Sare ee Ciidamada  Qalabka Sida ee soomaaliya janaraal Liibaan Cali yaraw . iyo Gudoomiyaha Maxakamada Derjada 1 aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur  Shuute

Waxaana Xukunka Maxakamada Kudhawaaqaya DHAME Muumin Xuseen C/laahi Kuxigeenka Heer Ilaaliya Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

 

Dhallinyaro ku xirnaa South Sudan oo Dalka dib loogu soo celiyay

0
Safaaradda Soomaaliya ee  South Sudan ayaa ku guuleysatey in ay xabsiga ka soo deyso 17 dhalinyaro tahriibyaal ah ,Islamarkaana Maanta dib ugu celisay dalka.
Dhalinyaradan laga soo dajiyay goroonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho waxaa ku jiray caruur Da’doodu ka yar tahay 15 jir ku waa soo ku rafaadsanaa Xabsiyada Dalkaasi.
 
Toban iyo todaba dhalinyaro ee laga soo dajiyay garoonka waxaa la socday Ambassador Hussein Haji Ahmed Mohamed ,Xog-hayaha 2 aad Mohamed Ali Mohamed Iyo Ahmed Osman Ali ‘lafoole ‘  oo ah Madaxa Socdaalka ee Safaaradda Soomaaliya ee Dalka South Sudan .
 

Jabuti iyo Rwanda oo kala saxiixday heshiisyo

0

Labada dal Jabuti iyo Rwanda ayaa kala saxiiday heshiisyo ka kooban shan qodob, oo ay ka mid yihiin maalgashiga, dhinacyada dibolomaasiyayda, horumarinta Isgaarsiinta iyo in la abuuru guddi wadajir ah oo ka shaqeeya fulinta qodobada lagu heshiyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuti Mudane Ismaciiil Cumar Gelle oo hadal gaaban ka jeediyay munaasabadaasi ay laba dal ku kala saxiixinayaan heshiisyadaasi ayaa ka hadlay waxtarka heshiisyada noocan ,wuxuuna sheegay in Afrika ay awood u leedahay  inay si quman uga faaideystay kheyraadkeeda dihin oo weli si quman looga faaiddeysan.

Dhinaca kale Madaxaweynaha dalka Rwanda Paul Kagame oo isna munasabadaasi ka hadlay ayaa sheegy in labada dal Jabuti iyo Rwanda ay wadaagaan hadaf qura oo ah dhismaha Qaaradda Afrika oo amnigeedu sugan yahay kana  fog dagaallo.

Madaxweynaha Rwanda waxa uu uga mahadceliyay Dhigiisa Jabuti sida diiran iyo hab maamuuska sare  leh ee loogu soo dhaweeyay Jabuti.

WD/Mukhtaar

Isbahaysiga Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee Mareykanka oo shir laba maalmood ah Minnesota ku qabtay

0

Kooxda la talinta ee Tayo iyo Isbahaysiga Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee Mareykanka ayaa shir laba maalmood socday ku qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Shirkan oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa diirada lagu saaray is bedelka siyaasadeed ee dowladda cusub ee Mareykanka iyo saameynta uu ku leeyahay Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka.

Haddaba shirkan oo aad iyo aad uga duwanaa shirarkii iyo kulamadii horay looga bartay in qabtaan Soomalida Mareykanka degan, ayaa waxaa goobtii uu shirku ka dhacay lagu soo bandhigay dood wadaag iyo aqoon is-weydaarsiga ku saleysan waayo aragnimadda, Islaam naceybka kusii kordhaya dalka Mareykanka iyo waliba sharicyadda cusub iyo siyaasada Madaxweynaha dalka Mareykanka D. Trump ee sida gaarka ah u saameeynaya bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka.

Hamse Warfa oo isagu ah hogaamiyaha Kooxda la talinta ee Tayo iyo Isbahaysiga Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee Mareykanka oo shirka furay ayaa marka koobaad u mahadceliyey dhamaan dadkii ka soo qayb galay shirka. Hasme ayaa sidoo kale dadweynihii tirada badnaa ee iyagu ka soo qaybgalay shirka uga waramay ahmiyada shirka loo qabtay.

Madaxdii iyo Aqoon-yahaniintii shirkan lagu martiqaaday waxaa ka mid ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka mudane Ahmed Awad, Duqii hore ee Magaalada Minneapolis R.T., iyo Aqoonyahan Faisal Roble oo isagu ah maamulaha xafiiska Qorsheeynta ee Magaalada Los Angeles.

Sidoo kale shirkan ayaa waxaa ka qaybqaatay qudbado iyo hadalo qaali ahna ku soo bandhigay dhallinyaro aqoonyahaniin Soomaaliyeed ah oo iyagu ka kala yimid gobolada kala duwan ee dalka Mareykanka. Hogaamiyeyaashan da’da yar ayaa waxaa kamid ahaa Ramla Saahid, Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda PANA, Horseed Nuux, Agaasimaha Masaajidka Abubakar Assiddiq ee magaalada Ohio, Ismahan Warfaa, Agaasimaha Iskaashiga iyo Iskuxirka Bulshada ee Hay’adda PANA, iyo Abdiraxman Mukhtar oo isagu ah maamulaha barnaamijka Dhalinyarada iyo Qoyska ee xarunta Brian Coyle ee magaalada Minneapolis.

Shirkan oo mowduucyo muhiim ah looga hadlay diiradana lagu saaray ayaa waxaa kale oo lagu soo bandhigay filim kooban oo ka hadlaya waxqabadka wanaagsan ee ay qabtaan qaar kamid ah bulshadda Soomaaliyeed ee iyagu ku dhaqan dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota.

Wasiirka Dhalinyarada Oo Kulan La Qaadatay Ururrada Dhalinyarada Dalka Qaarkood

0

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa kulan wadatashi iyo is dhageysi ah la qaadatay ururrada dhalinyarada dalka ka jira qaarkood.

Kulankan waxaa Wasiirka ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Axmed Cumar Islow ayadoo kulankana looga hadlay xoojinta xiriirka Wasaaradda ay la leedahay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo u diyaar garowga xuska munaasabadda dhalinyarada ee 15ka May.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Mudane Axmed Cumar Islow oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin xoogga bulshada islamarkaana Wasaaraddu ku dadaali donto sidii dhalinyarada kaalinta ay xaqa u leeyihiin lagu heli lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo kulanka ka hadashay ayaa dhalinyarada ku dhiiri gelisay iney doorkooda bulshada qaataan mar walbana Wasaaaraddana ay garab buuxa u tahay, sidoo kalena waxa ay ka hadashay in dhowaan ay magacaabi doonto guddi ka shaqeeya qaban qaabada munaasabadda 15ka May islamarkaana looga baahan yahay in ururrada dhalinyarada ay kaalintooda qaataan.

Ugu dambeyntii qaar ka mid ah dhalinyarada ka qeybgalay kulanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin fursadda ay Wasaaradda Dhalinyarada u siisay in la dhageysto aragtidooda.

Deeq ay soo dhiibeen marwada madaxweynaha iyo duqa Muqdisho oo loo qeybiyay bukaanno ku jira isbitalka Deyniile

0

Deeq gargaar ah oo ka koobneyd dhar iyo lacag ayaa waxaa la gaar siiyay ku dhawaad 200 haween ah oo qaba xanuunka isku furanka ah,  kuwaas oo lagu dabiibayay isbitaalka Deyniile ee Magaalada Muqdisho waxaana deeqadani soo dhiibay Marwada Madaxweynaha J.F Soomaliya iyo Guddoomiyaha Gobalka Banadair ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyadoo loo wakiishay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir.

Deeqdan la gaarsiiyay bukaannada ku jira Isbitaalka Deyniile waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaan Hibo Aadan oo ka mid ah mudanayaasha Barlamaanka Dalka Switzerland waxeyna mas’uuliyiintan qeyb qeyb u booqden qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalka iyagoo dhaqaatiirta isbitaalka Deyniile ka wareestay xaaladda bukaannada iyo baahida ka jirta isbitaalka.

Caasha Shaacur, Deeqa Cabdiqaadir Axmed iyo Sahra Maxamed Amiin oo isbitaalka ka hadlay ayaa ugu baaqay dadka wax heeysta in ay gacan ka geeystan caawinaadda dadka Soomaliyeed ee u baahan adeegyada caafimad.

Xildhibaan Hibo Aadan oo ka mid ah Baarlamaanka Dalka Switzerland ayaa ballan qaadday in dowladda Switzerland ay kala hadli doonto sidii loo caawin lahaa bulshada Soomaliyed ee u baahan adeegyada caafimadka.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir Baarqab oo warbaahinta la hadashay ayaa tilmaamtay in deeqdan ay soo dhiiben marwada madaxweynaha iyo duqa magaalada Muqdisho.

 

Raashin gargaar ah oo loo qeybiyay qoysas ku nool Dhuusamareeb

0

Raashin gargaar ah ayaa laga qeybiyey Magaalada Dhusaamreb kaas oo loogu talagalay dadka Abaaruhu saameeyeen waxa ayna deeqdani ka timid waddanka Sucuudiga.

Raashinkan waxaa wakiil ka ahaa Hay’adda Al-xamlatul Wadaniyah Alsucuudiyah waxaana ka faa’iideystay 500 oo Qoysas danyar ah kuwaasoo u badnaa dadka ku ceyrtoobay Abaarta.

Dadka raashinka loo qeybshay ayaa dhowaan soo gaaray magaalada Dhuusamareeb kaddib markii ay xoolihii ay dhaqanayeen uga dhamaadeen abaarta.

Gudoomiyaha Degmada Dhusamareb Macalin Nuur Cilmi Cabdulle ayaa sheegay in deegaanka ay ka jirto abaar daran iyo biyo la’aan isagoo xusay in raashinkan la gaarsiiyay dadkii ugu baahida badnaa ee ku soo barakacay Dhuusamareeb, wuxuuna u mahadceliyey ciddii soo gaarsiisay.

Qaar ka mid ah Dadkii raashinka la siiyey ayaa dhinacooda ka mahadceliyay waxa ayna sheegeen inay aad ugu baahnaayeen uuna ku soo aaday waqti aay aad u dhibaateysnaayeen.

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha oo la kulmay Madaxa UNHCR ee Soomaaliya

0

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha, dib u heshiisiinta iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa maanta kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR u qaabilsan Soomaaliya Mss Carolina Van, kaasi oo ka dhacay xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka.

Wasiiru dowlaha iyo wafdiga ka socday UNHCHR waxa ay kormeereen xarunta hay’adda oo xiligaasi ay ka socotay shaqo oo wax loogu qabanayay muwaadinin Soomaaliyeed oo dalkooda dib loogu soo celiyay, kuwaasi oo laga kala keenay Wadamada Kenya, Yemen iyo Jabuuti.

Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Axmed Cabdikariin Nuur ayaa sheegay in muwaadiniinta dib loogu soo celiyay dalkooda si wanaagsan loogu shaqeeyo.

Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR u qaabilsan Soomaaliya Mss Carolina Van ayaa sheegtay inay gacan ka geysanayaan sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira dalka.

“UNHCR waxa ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato abaarta ka jirta Soomaaliya, isla markaana aan u kuurgalno deegaannada ugu daran ee ay abarta ka jirta, aniga oo kaashanayna dhamaan hay’adaha aan shaqo wadaaga nahay ee Qaramada Midoobay” ayay tiri Mss Carolina Van

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha, dib u heshiisiinta iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa bogaadiyay howlaha loo hayo dadka dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo.

“Runtii aad baan ugu faraxsanahay howsha ay hayaan, haddii aan anahay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha gudaha waan bogaadineynaa, waan xoojineynaa wada shaqeynta naga dhexeyso anaga iyo hay’adda UNHCHR” ayuu yiri Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha.