Home Blog Page 1608

Muwaadiniinta 6 dal oo Soomaaliya ay kujirto soo dhaweeyey go’aankii maxakamadda Federaalka

0

Go’aankani oo ka soo baxay Maxakamada Federaali ah ee dalka Mareykanka ayaa farxadgeliyay muwaadiniinta wadamo Soomaaliya ay kujirto’kuwaasi oo madaxweyne Trump uu horey uga joojiyay dal kugalka waxayna sheegeen in ay si weyn u so dhaweynayaan.

Dadkii loo diiday inay galaan dalka Mareykanka  ayaa haatan ufuran in ay dib u codsan karaan dal-ku-galka dalkaasi mraeykanka, kaddib markii maxkamad federaal ah ay go`aan ka soo saartay amarka madaxweyne Donal Trump.

Donal Jey Trump Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa amarkaasi saxiixay bishii January, kaas oo ka mamnuucaya muwaaddiniinta toddoba dal oo Muslim ah Soomaaliya ay ku jirto inay galaan Mareykanka.

Mareykanka ayaa haatan waxaa uu wajahayan in uu xiriiro la sameeyo  shakhsiyaadka ka laabtay xudduudaha kaddib amarkii sare oo dhaqan galay 27-kii January,waxaana la sheegay in Heshiiskanuusan  damaanad qaadeynin in codsadayaasha ay helayaan dal-ku-galka.

Shakhsiyaadkii hore looga mamnuucay inay Mareykanka galaan ayaa ahaa labo muwaaddiin oo Ciraaq u dhashay oo kala ah; Hameed Khalid Darweesh iyo Haider Sameer Abdulkhaleq Alshawi.

Go’aankii horey uu u qaatay madaxweyne Trump ayaa dhaliyay cabashooyin ay muujinayaan kumanaan muslimiin ah, kuwaasi oo ka walaacsanaa talaabadaasi, go’aamo kala duwan ayaa ka soo kala baxay maxakamadaha heer gobola iyo heer federal.

Balse Madaxweyne Trump ayaa goor dambe difaacay go`aankiisa, isagoo sheegay inuusan ahayn mamnuucid ka dhan ah Muslimiinta.

Toddobada dal ee go`aankii hore ee 90-ka maalmood ahaa uu saameeyay ayaa kala ah Iiran, Ciraaq, Liibiya, Soomaaliya, Suudaan, Siiriya iyo Yemen. Ciraaq ayaa mar dambe laga saaray liiska.

Soomaalida kunool Mareykanka”Rabbiyow dalkeena Hooyo inoo nabadeey”

0

Muqdisho(SONNA) Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka  waxaa si wadajir ah looga tukaday Salaada Ciidul-Adxaa oo ahayd munasabad qiima weyn u leh dhamaan shucuubta islaamka.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis iyo qaar kamid ah ajaanibta kale ee muslimiinta ah oo kunool dalkaasi, ayaa iyagana Salaadda Ciiddul Adxa ku oogay Masaajidda waaweyn ee kuyaala halkaasi, kuwaasi oo isugu marxabeynayay farxad iyo reynreyn.

Qaar kamid ah culimaa’udiinkii iyo waalidiintii Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay farxadda ciidda ee kunool Mareykanka ayaa waxaa ay u rajeeyeen shacabka Soomaaliyeed in ilaahay uu ka saaro dhibaatooyinka.

“Calankeyna Soomaaliyeed ilaahay sharaftiisa kor ha u qaado, dareenkeni waa uu fiicanyahay, balse waxaan leenahay, ilaahoy dalkeena nadabd nooga dhig,calankayna kor, cadowga ilaahay ha inaga qabto,ilaahay xabadda iyo dabka haka densho, roob allahainasiiyo,” Sidaasina waxaa ku duceysay hooyo Soomaaliyeed.

Dadka ayaa waxa wejiyadooda ka muuqday farxadda ciidda,waxaana ay isugu hambalyeynayeen munaasabadda ciida, iyadoona ciidani ay dadka muslimiinta ah ee ilaahay wax siiyay uga faa’iideystaan in ay ka farxiyaan dadka danta yarta ee aan waxba heysan.

Danjiraha Soomaaliya ee K/Afrika oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ku booriyay xoojinta midnimada

0

Muqdisho(SONNA) Magaalada Pretoria ee caasimada dalka South Africa xaafada ay Soomaalida ka dagan yihiin waxaa saakay isugu soo baxayay boqolaal dadweyne Soomaali ah iyo muslimiin kale oo u diyaarsanaa dabaaldaga ciidaul Adxaa .

Masjidka Imaamu Bukhaari lagu magacaabo oo Soomaalida ku leedahay xaafadaasi ayaa waxaa ay si wadajir ah ugu dukaday labada rako ee salaada ciida waxaana la dukaday Soomaalida halkaasi ku dakunayay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka South Africa Jamaal Maxamed Barrow.

Safiir Jamaal Maxamed Barrow ayaa halkaasi kula hadlay Soomaalida waxaana uu kula dardaarmay Soomaalida in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo isku xernaanta jaaliyadda si wadajir ah looga hortago waxyaabaha dhibaatada ku ah bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Africa.

Culimada masjidka ayaa Halkaasi ka jeediyay qudbado kala duwan oo ku aadanaa sidii loo xariirin lahaa waalidka iyo qaraabada gaar ahaan maanta oo kale iyo maalmaha kale ee farxada.

Soomaalida kunool daafaha caalamka ayaa siweyn uga qeyb qaatay dabaal dega munaasabadda ciidaul Adxa,iyadoo inta badan khudbadaha mas’uuliyiinta iyo culimada ay la xiriiraan sidii loo ilaalin lahaa midnimada.

By Cabdiqaadir Axad.

Pretoria-South Africa.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Dadka Kismaayo la dukaday Salaadda Ciida

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaar kamid ah dadweynaha ree Kismaayo kula tukaday Xarunta Madaxtooyada Salaada Ciidul Adxa.

Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aadan xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo dad shacab ah ayaa kamid ahaa dadka uu Madaxweynahu kula tukaday qasriga Madaxtooyada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Bulshada Soomaaliyeed uu u rajaynayo Nabad iyo Barwaaqo in ay ku gaaran xiligan xiligiisa isagoo ugu baaqay in ay isku naxariistaan oo ay Midooban.

Isagoo ka hadlayay dhibaatada mudada badan ragaadisay wadanka ayuu Madaxweynahu sheegay in wax walba oo dhacay ay dad Soomaali ah masuul ka yihiin loona baahan yahay in aan Allah u noqono oo aan is cafino si dhibku inooga yaraado.

“Waxa kaliyah ee maanta aan dhibka kaga bixi karo waa in aan gacmaha is qabsano oo aan is cafino” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam

Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu ka digay in Soomaalidu ay wakhtigan wajahayso dagaal dhulka la xiriira taas oo qaab qabiil loo adeegsanayo.

“Maalmahan dadka aan qaabilayay waxa ugu badan ee ay isku haystaan waa dhul waxaan dareemayaa in dagaalka inoo dhiman uu dhulka ku salaysnaan doono” ayuu yiri Madaxweynahu.

Hay’adaha Cadaalada ayuu ku booriyay in ay dhameeyaan muranada dhulka la xiriira kahor inta aan lasoo saarin hananka bixinta dhulka oo uu xusay in Xukuumadu ay gacanta ku hayso.

Waxaa kale oo Madaxweynahu sheegay in dadka Madaxda ah looga baahan yahay in masuuliyada ay qaadeen ay dadka ugu cadaalad falaan hadii taas la waayana aysan Dowladnimadu horay u soconaynin.

—DHAMMAAD—

Madaxweynaha Oo Farxadda Ciidammada La Qaatay Ciidammada Qalabka Sida

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo qeyb ka mid ah maalintiisa Ciidda la qaatay lana qadadeeyay Cudubyo ka tirsan Ciidan Xoogga Dalka ayaa ku ammaanay doorka Ciidamada oo isugu jira Difaaca Dalka iyo garab istaaga Shacabka.

“Waxaan maanta halkan idin kugu imid in aan idin soo booqdo aan arko sidaad u nooshihiin, idin la ciido waxaan idiin sheegayaa in aa tihiin astaantii Qaranka ilaalinaayay Madaxda Dalka ,waajibaadka idin saaranna uu yahay mid Culus”ayuu yiri Madaxweynaha JFS

Madaxweyne Farmaajo ayaa arin xusuus mudan ku tilmaayay talaabadii dhawaan uu qaaday Ururka 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka oo qeyb ka mid ah mushaarkooda ay ugu hibeeyeen Qoosas dan yar ah.

“Runtii waxaan aad idin kugu mahad calinayaa sidaad usu xilqaanteen ayaan dhaweed oo aad mushaaradiina ugu goyseen dadka masaakiinta ee liinta, waxayna muujineysaa in aad quluubta kala socotaan dadka Masaakiinta ah, waan howsha laga rabo in uu sameeyo qofka Ciidanka ah”ayuu raaciyay Madaxweyne Farmaajo

Qaar ka mid ah Saraakiishii iyo Ciidamadii la Ciiday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa muujiyay niyad samida ay ku abuurtay waqtiga uu siiyay Madaxweynaha Maanta oo Maalin Ciid ah.

Dhiira galinta waa talaabooyin had iyo jeer uu qaado Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, waan qeyb ka mid ah qorshaha Qarka uu dib ugu dhisayo Ciidamadda Xoogga Dalka.

Sidee maanta looga ciiday Magaalada Khartoum

0

Kumanaan kun oo ka mid ah Shacabka magaalada Khartoum ayaa saaka markii uu waagu baryey u dareeray masaajidda iyo goobo kale, si ay ugu soo tukadaan salaada ciidul Adxaa.

Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkane Suudaan gaar ahaan Magaaladda Khartoum, ayaa Salaadii ciida ee manta waxaa ay muslamiinta kale ee walaalahood ah kula tukadeen goroonka kubadda cagta ee ku yaala gudaha Jaamaadda Afrika.

Salaada ka dib ayaa waxaa wadooyinka magaalada Khartoum isugu soo baxay dadweyne fara badan oo isugu jira Rag, Haween iyo Caruur intooda badan ku lebisan dhar qurux badan oo noocyo kala duwan leh, waxayna iskugu hambalyeynayeen munaasabada ciidda.

Guud ahaan magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Suudaan ayaa is weyn looga dareemayay damaashaaka iyo dabaaldaga munaasabada ciida Al-adxa.

Sawirro+Sidda looga ciidey Xarunta Puntland ee Garoowe

0

Muqdisho(SONNA) Madaxweyne Ku-xigeenka dawlad Goboleedka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa maanta 01 September 2017 salaadda ciiddul adxaha la oogey shacabka caasimadda  Garoowe.

Salaadda Ciiddul-Adxa ayaa lagu dukaday Garoonka diyaaradaha Mire Awaare ee magaalada Garowoe, halkaasi oo si wada jir ah ay Salaadda ugu oogeen madaxda Puntland iyo dadweyne kale.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha C/xakiin Xaaji C/llahi Cumar Camey ayaa shacabka Puntland u direy hambalo ku aadan munaasabadda ciidda,isagoo ku amaanay dowrka ay ka qaateen amniga iyo xasiloonida.

“Puntland waxaa ka jira horumar ballaaran’taasina waxaa qeyb weyn ka qaatay shacabka Puntland,waxaana ugu baaqayaa in ay sii xoojiyaan dadaalkoodi ku aadan dhanka horumarka”, Ayuu yir Mudane Camey.

Waxaa uu soo hadal qaaday dhibaatooyinka ka dhashey diidmada lacagta Shillin Soomaaliga taasi oo uu ku tilmaamay in ka maamul ahaan aysan waxba ka ogeyn, islamarkaana ay wax ka qaban doonaan arrintaasi,isagoo dhanka kale Dowladda Soomaaliya u jeediyay baaq ku aadan xal u helidda dhibaatooyinkaasi laxiriira dhanka lacagaha.

Mas’uuliyiinta iyo ganacsatada Puntland ayuu ugu baaqey in ay hormuud ka noqdaan dhiiro gelinta isticmaalka lacagta Shillin Soomaaliga ah.

 

Madaxweynaha JFS”Waxaan ku ammaanayaa Ciidanka Xogga, Difaaca Dalka iyo garab istaaga Shacabka”

0

Muqdisho(SONNA):–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo qeyb ka mid ah maalintiisa Ciidda la qaatay lana qadadeeyay Cudubyo ka tirsan Ciidan Xoogga Dalka ayaa ku ammaanay doorka Ciidamada oo isugu jira Difaaca Dalka iyo garab istaaga Shacabka.

“Waxaan maanta halkan idin kugu imid in aan idin soo booqdo aan arko sidaad u nooshihiin, idin la ciido waxaan idiin sheegayaa in aa tihiin astaantii Qaranka ilaalinaayay Madaxda Dalka ,waajibaadka idin saaranna uu yahay mid Culus”ayuu yiri Madaxweynaha JFS

Madaxweyne Farmaajo ayaa arin xusuus mudan ku tilmaayay talaabadii dhawaan uu qaaday Ururka 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka oo qeyb ka mid ah mushaarkooda ay ugu hibeeyeen Qoosas dan yar ah.

“Runtii waxaan aad idin kugu mahad calinayaa sidaad usu xilqaanteen ayaan dhaweed oo aad mushaaradiina ugu goyseen dadka masaakiinta ee liinta, waxayna muujineysaa in aad quluubta kala socotaan dadka Masaakiinta ah, waan howsha laga rabo in uu sameeyo qofka Ciidanka ah”ayuu raaciyay Madaxweyne Farmaajo

Qaar ka mid ah Saraakiishii iyo Ciidamadii la Ciiday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa muujiyay niyad samida ay ku abuurtay waqtiga uu siiyay Madaxweynaha Maanta oo Maalin Ciid ah.

Dhiira galinta waa talaabooyin had iyo jeer uu qaado Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, waan qeyb ka mid ah qorshaha Qarka uu dib ugu dhisayo Ciidamadda Xoogga Dalka.

Daawo Sawirrada:-Sida maanta looga ciiday Magaalada Baydhabo

0

Baydhabo(SONNA):–Shacabka magaalada Baydhabo iyo Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed ayaa saaka markii uu waagu baryey u dareeray masaajidda iyo goobo kale, si ay ugu soo tukadaan salaada ciidul Adxaa.

Salaada ka dib wadooyinka magaalada Baydhabo waxaa isugu soo baxay dadweyne fara badan oo ku labisan dhar qurux badan oo noocyo kala duwan leh, waxayna iskugu hambalyeynayeen munaasabada ciiddul Adxaa.

Siraaji Xaaji-Baydhabo

Soomaalida Kunool Masar oo u dabaal degey Ciidul-Adxa+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Iyadoo ay maanta tahay maalin farxadeed islamarkaasina Caalamka Islaamka looga dabaaldegayo Munaasabadda Ciidul-Adxaa, ayaa  Masjidda Waaweyn ee Magaalada Qaahira ee Dalka Masar waxaa saakay si wadajir ah looga tukaday Salaada Ciidul-Adxaa oo ahayd munasabad qiima weyn u leh dhamaan shucuubta islaamka.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool qaahira caasimadda Masar iyo qaar kamid ah ajaanibta kale ee muslimiinta ah oo kunool dalkaasi gaar ahaan Caasimadda Qaahira ayaa saaka iyagana Salaadda Ciiddul Adxa ku oogay garoonka weyn ee suuq Sayaaradka halkaaso ay tahay goob aan sidaasi uga fogeyn xaafadaha ay Soomalida dagan yihiin.

Dadka ayaa waxa wejiyadooda ka muuqday farxad iyo reynreyn, waxaana ay isugu hambalyeynayeen munaasabadda ciida, iyadoona ciidani ay dadka muslimiinta ah ee ilaahay wax siiyay uga faa’iideystaan in ay ka farxiyaan dadka danta yarta ee aan waxba heysan.

Ugu dambeyn Soomalida ku dhaqan magaalada Qaahira ee dalka Masar waxa ay umadda Soomaaliyeed ay lee yihiin ciid wanaagsan, iyagoo umadda Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan u rajeynayaan inay munaasabadda ciiddul Adaxa sanadkan sanadkiisa ku gaaraan Nabad, Basha Bash iyo Barwaaqo.

Wariyaheena Masar Mowliid Xasan Cabdi