Madaxweyne Axmed Madoobe”Waa in loo cadaalada falaa shacbka Soomaaliyeed+Sawirro

Date:

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaar kamid ah dadweynaha ree Kismaayo kula tukaday Xarunta Madaxtooyada Salaada Ciidul Adxa.

Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aadan xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo dad shacab ah ayaa kamid ahaa dadka uu Madaxweynahu kula tukaday qasriga Madaxtooyada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Bulshada Soomaaliyeed uu u rajaynayo Nabad iyo Barwaaqo in ay ku gaaran xiligan xiligiisa isagoo ugu baaqay in ay isku naxariistaan oo ay Midooban.

Isagoo ka hadlayay dhibaatada mudada badan ragaadisay wadanka ayuu Madaxweynahu sheegay in wax walba oo dhacay ay dad Soomaali ah masuul ka yihiin loona baahan yahay in aan Allah u noqono oo aan is cafino si dhibku inooga yaraado.

“Waxa kaliyah ee maanta aan dhibka kaga bixi karo waa in aan gacmaha is qabsano oo aan is cafino” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam

Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu ka digay in Soomaalidu ay wakhtigan wajahayso dagaal dhulka la xiriira taas oo qaab qabiil loo adeegsanayo.

“Maalmahan dadka aan qaabilayay waxa ugu badan ee ay isku haystaan waa dhul waxaan dareemayaa in dagaalka inoo dhiman uu dhulka ku salaysnaan doono” ayuu yiri Madaxweynahu.

Hay’adaha Cadaalada ayuu ku booriyay in ay dhameeyaan muranada dhulka la xiriira kahor inta aan lasoo saarin hananka bixinta dhulka oo uu xusay in Xukuumadu ay gacanta ku hayso.

Waxaa kale oo Madaxweynahu sheegay in dadka Madaxda ah looga baahan yahay in masuuliyada ay qaadeen ay dadka ugu cadaalad falaan hadii taas la waayana aysan Dowladnimadu horay u soconaynin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...