Home Blog Page 1607

Guddoonka Aqalka sare oo kulan la yeeshay guddiga dastuurka ee baarlamaanka (Daawo Muuqaal)

0

Guddoonka aqalka sare ee baarlamaanka jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay guddiga la socodka dib u eegista dhaqan gelinta dastuurka iyo arimaha federaalka ee labada aqal baarlamaanka  ka kooban kaas oo looga hadlay dardargelinta arimaha dib u eegista dastuurka.

Xarunta aqalka sare waxaa sidoo kale kulan ku yeeshay guddoonka iyo guddiyada joogtada ah ee aqalka sare ee baarlamaanka, waxaana looga hadlay dejinta qorshe howleedka aqalkaas.

Guddoomiyaha golaha aqalka sare baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa kulanka markii uu soo gaba gaboobay warbaahinta qaranka la hadlay  ayaa waxaa uu sheegay in kulankan uu qayb ka ahaa kulamadii ay gudiyada joogtada golaha aqalka sare  ay maalmahan u socday.

“Maalinta bari ee bishu ay ku beegan 6, August, waxaa bilaabanaya kulamadii xubnaha aqalka sare ee ay guda galayeen ajandayaasha horyaala si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo,” ayuu yiri guddoomiyaha.

12 Bishii Luulyo ee ina soo dhaaftay ayaa madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaliya uu furey kalfadhiga labaad ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka haweenka oo sheegtay in la bilaabay araaji qabashada guddiga xuquuqul insaanka qaranka (Daawo Muuqaal)

0

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xukuumadda Soomaaliya Deeqa Yaasiin oo la hadashay warbaahinta qaranka ayaa sheegtay in wasaaradda ay gacanta ku heyso dhismaha guddiga madaxa banaan ee xuquul insaanka Soomaaliya.

Deeqa Yaasiin ayaa sheegtay in wasaaraddu ay diyaarisay guddi ka kooban 19 xubnood oo loo xil saaray in ay soo xulaan xubnaha guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka oo ka kooban 9 xubnood.

“Waxaan isugu yeernay 19 xubnood oo loo bixiyay guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista musharaxiinta guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka, maamul goboleed kasta labo xubnood ayaa laga soo direy,” ayay sheegtay Deeqa.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqa aadanaha ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in guddigan uu kaga duwan yahay guddiyadii hore in laga qeybgaliyay dhismahiisa qeybaha bulshada oo ay ku jiraan dadka baahida gaarka ah qaba.

“Waxaa soo dhameystirnay wajigii kowaad oo ahaa in xubnaha guddiga la isugu yeero tababar loo qabto, kadibna hadda waxaan galnay wajigii labaad ee xayeysiista 9 xubnood oo shalay aan ku dhawaaqnay,” ayay tiri wasiirka.

Deeqa Yaasiin, wasiirka haweenka iyo xuquuqda aadanaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xustay in geedi socodkan lagu dhisayo guddigan uu yahay mid daah furan oo laga wada qeybgalay, iyadoona carabka ku dhufatay in ay ku dadaaleyaan sidii loo soo saari lahaa dad u qalma in ay noqdaan guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa tilmaantay in howsha wasaaradda ee ku aadan guddigan ay tahay fududeyn oo kali ah, hase ahaatee soo xulista xubnaha guddigan  ay shaqadoodu tahay guddiga KMG ee 19 ka kooban isla markaana marka ay howshooda soo gutaan wasaaraddu u gudbin doonto golaha wasiirada kadibna la hor geyn doono golaha shacabka.

Madaxweynaha Galmudug oo ku baaqay in la soo qabto dadkii dilay guddomiyihii gobalka Galgaduud

0

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa a tacsiyadeeyey dilkii magaalaad Muqdisho loogu geystay isaga iyo walaalkiisa.

Halkani ka aqriso warsaxaafadeed ka soo baxay Galmudug.

Warsaxaafadeed-Galmudug

Madaxweynaha maamulka Puntland oo Garoowe ku Qaabilay Saraakiil ka Socdey Hay’adda UNSOM

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socdey hay’adda UNSOM Soomaaliya oo uu hogaaminayey Mr. Simon West oo ah la-taliyaha guud ee  dhinaca amniga UNSOM Soomaliya.

Kulankani ayaa waxaa Madaxweynaha ku welehelinaayey taliyaha ciidanka Booliska Puntland Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg, waxaana kulanka lagaga wada hadlayey arrimo la xidhiidha isku dhafka ciidamada Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland ayaa ugu horayn masuuliyiintani kusoo dhoweeyey xafiiskiisa, waxaana uu u xaqiijiyey in maamulka Puntland hormuud u ahayd dhaaqjinta fekerka  isku dhafka ciidamada Soomaaliya, isla markaana ay weli diyaar u tahay sidii looga gun-gaadhilahaa qorshaha qaran ee laga yeeshay isku dhafka ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa masuuliyiintani u cadeeyey in ay ka go’antahay sidii loo heli lahaa ciidan qaran oo isku dhaf ah, kuwaasi oo ka kala yimid dhammaan dawladdaha xubnaha ka ah  Soomaaliya iyo DFS, isla markaana leh sumad Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxwenaha ayaa xaqiijiyey in ciidan kaasi qaran ahaan doono sida qorshuhu yahay mid wax weyn ka bedelidoona marxaladda ay maanta ku jirto Soomaaliya, isla mar’ahaantaana u horseedi doona shacabka Soomaaliyeed nabad iyo nolol.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay Madaxda Soomaaliyed in xilgaara lasyka saaro dhismaha ciidan qaran oo sumad Soomaaliyeed leh, wadaniyadana, ka shaqeeya danaha Diintooda,  dalkooda iyo dadkoodaba, isla markaana ay ka go’antahay sidii ay dalkooda uga difaaci lahaayeen cadawga tabarta yar ee Al-shabaab.

Madaxweyne Rwanda Paul Kagame oo markii 3aad dib loo doortay

0

Guddiga doorashooyinka dalka Ruwanda ayaa shaaciyay in uu doorashadii ka dhacday dalkaasi uu ku guuleystay Paul Kagame madaxweynaha dalkaasi.

Mr Kagame ayaa heley 98% boqolkiiba in kabadan codadka la tiriyay, waxaana uu markii sedaxaad qabanaya xafiiska madaxweynaha isagoo kaga guuleystay doorashada ilaa 2 musharax oo kale kuwaasi oo kula loolamayaya doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday dalkaasi.

Kumanaan taageerayaashiisa ah ayaa banana baxyo ka sameynayay magaalooyinka dalkaasi oo ay kujirto caasimadda dalkaasi ee Kigali.

Madaxweyne Paul Kagame ayaa lagu tilmaamayaa in uu horumar dhinaca dhaqaalaha ah gaarsiyay dalkaasi, wixii ka dambeyeey 1994 markii xasuuq ba’an uu dalkaasi ka dhacay.

Mr Kagame, ayaa talada dalkaasi hayay muddo dhan 17 sano, dhawaana waxaa isbedel lagu sameeyeey dastuurkii dalkaaasi, oo madaxweynuhu fursad u siinaya in xafiiska uu sii hogaamiyo ilaa 2034.

Madax katirsan Jubbaland iyo K/Galbeed oo Baydhabo uga qeybgalay bandhigga hidaha iyo dhaqanka suuban

0

Munaasabadan Waxaa ka soo qeybgaley Guddoomiyaasha Baar lamaanda Jubbaland iyo K/Galbeed  Xildhibaano Katirsan Baar lamaanka Federaalak  Soomaaliya,Qaar kamid ah Wasiirada Magacaaban ee K/Galbeed iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa ujeedku ahaa xoojinta iyo horumarinta hidaha iyo dhaqanka oo dalku caanka ku yahay ayadoo lagu soo bandhigay qaar kamid ah ciyaarah ay Soomaalida caanka ku tahay ee Hidaha iyo Dhaqanlka qeyb ka ah.

Malaaq Cali Malaaq Xasan Cali Qataar oo kamid ahaa Duubabkii Dhaqanka ahaa ee Sida Gaarka ah u soo qaban Qaabiyey Munaasabada ayaa sheegy in muhiim ay tahay horumarinta Hidaha iyo dhaqanka.

“Bulsho kasta oo kunool dunida waxay leedahay astaamo iyo waxyaabo u gaar ah, waxaa looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan horumarinta iyo ilaalinta Hidaha iyo dhaqanka Suuban oo Soomaalidu ay leedahay, ujeedka munaasabadan waa sidaasi”, Ayuu yiri malaaq Cali Xasan.

Cabdi Xaamud Waa wiil dhalinyaro ah ayaa ka hadlay dareenkiisa” Hadii aanahay dhalinyarada waxaan diyaar u nahay in aan ka qeyb qaadano ilaalinta dhaqankeena suuban oo aan leenahay, waxaaa ay lamid tahay adigoo ilaaliya calankaaga hooyo”, Sidaasina waxaa ,munaasabadda ka sheegey Cabdi Xaamud oo dhalinyarada ka mid ahaa.

Guddoomiyaha Baarlamanka K/Galbeed C/qaadir SHariif Sheekhuna Maye iyo guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland ayaa bulshada ugu baaqay in ay si wada jir ah uga qeybgalaan ilaalinta dhaqanka suuban oo ay leedahay bulshada Soomaaliyeed.

Xildhibaanada Baarlamaanka soomaaliya oo maanta kulmaya

0

Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta kulankoodii Caadiga ahaa ku leh Xaruunta Golaha shacabka ee Magaalada kulanka oo lagu soo afjaraayo su,aalo waydiinta Wsiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka xukumadda Soomaaliya C/raxaan  Xoosh Jabriil ayaa waxaa lagu wadaa in maanta uu hortago kulanka Baarlamaanka Soomaaliya si xal looga gaaro Arrimaha ku aadan su,aalo wadiinta Wasiirka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u yeeray Wasiirka si ay wax uga wadiiiyaan Arimo ku saabsan go,aan uu ku raacay Maxkamada Sare ee Dalka taasoo ku aadanayd muran ka dhashay doorashada siddeed Xildhimaan.

Waxaase maanta go,aanku yahay in lasoo gaban gabeeyo dooda Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil taasoo dhalisay dood badan.

 

Wixii faahfaahin ah kala soco halkaan:

Dowladda Maraykanka oo qabtay afar qof oo qoraallo sir ah faafiyey

0

Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka ayaa sheegay in afar qof lagu soo eedeeyey in ay qoraallo sir ah faafiyeen, iyadoo maamulka Trump bilaabay olole waji gabax ka muuqdo oo dadka qoraalladaa faafiyey lagu soo qabqabanayo.

Jeff Sessions wuxuu sheegay in dadka la soo qabtay lagu tuhunsanyahay in ay qoraallo sir ah faafiyeen iyo in ay magac dhabeen saraakiil sirdoon ah oo si qarsoodi ah u shaqaynayey.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanku wuxu sheegay in maamulka dalku ilaa bishii Jeeniweri saddex laabay baadhitaanka lagu hayo qoraalladaa sirta ah ee la faafiyey.

Madaxweyne Trump ayaa mar hore oo uu ka hadlayey arrintan dhaliilay Sessions kuna tilmaamay “qof aad u jilicsan”.

Xeer ilaaliyaha guud oo shir jaraa’id ka hadlay aya sheegay in aan dawladina si habsami ah u shaqayn karin hadii hogaamiyeyaasheedu aanay si xor ah oo kalsooni leh ula hadli karin hogaamiyeyaasha dalalka kale.

“Waxaan arintaa ku raacsanahay madaxweynaha si adagna waan u dhaleecaynayaa tiradan sii kordhaysa ee qoraallada sirta ah ee lafaafiyey ah, waana mid wiiqaysa kartida dawladeena ee ilaalinta dalkan” ayuu Sessions warfidiyeenka ku yiri.

Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ka tacsiyeysay dilkii Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud iyo walalkiis.

0

Madaxweynaha  Dowlada  Goboleedka  Galmudug, Madxweyne kuxigeenka Galmudug iyo  labada gole ee dowlad Goboleedka Galmudug ,  waxay  tacsi tiiraanya leh u dirayaan   qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan shacabka  dowlad goboleeedka Galmudug oo ay ka geeriyoodeen Allaha ha u naxariistee gudoomiyihiin Gobolka Galgaduud marxuum Maxamed dahir Shiikh Cali Cilmi iyo walalkiis marxuum En. Xasan Shiikh Cali Cilmi oo xalay kooxo hubeysan oo dhagar qabayaal ah ay ku dileen magaalada muqdisho,gaar ahaan xafada Carafaad  waxaana  dishay gacan ka xaqdaran, runtii geerida ku timid gudoomiyaha iyo walalkiisba  waa mid si gaar ah noo taabaneysa.

“Innaa Lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Dhammaan Dowlad Goboleedka Galmudug   waxay tacsi  tiiraanyo leh  la wadaagayaan ehelada marxuunka  waxayna ilaah uga baryayaan in ilaah samir iyo iimaan ka siiyo iyagana  raxariistiisa Janno ka waraabiyo.

Ugu danbeyntii dowlad goboleedka Galmudug waxa ay ugu baaqeysaa dowlada federaalka ee soomaaliya  in ay baaritaan ku sameyso soona qabtaan dadkii ka danbeeyay dilkii xalay loo geystay gudoomiyihii Gobolka Galgaduud iyo walal kiis  isla markaana Cadaalada la horkeeno.

Dowladda Soomaaliya oo ka shaqeeneysa horumarinta dhaqaalaha Dalka

0

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar oo ka hadlaayay sida lagu hormarin karo dhaqaalaha Soomaaliya ayaa sheegay inay la dagalamayaan leexsashada daqliyada kala duwan ee dalka laga soo saaro.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo hormarin lahaa wax soo saarka dalka iyo waxyaabaha kale oo ay Dowladda u dhoofiso Wadamada Caalamka.

Ra’isal Wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in ay ku dadaalayaan sidii Soomaaliya ay kula tartami lahayd dalalka Caalamka dhanka dhaqaalaha iyo sidii loogu wada shaqeyn lahaa hormarinta dhaqaalaha.

Waxa uu xusay in Xukuumada Soomaaliya ay xooga saari doonto la socodka daqliyada ka soo xarooda Garoomada iyo dekedaha Dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo kala duwan oo lagu xaqiijinaayo ka hortagga Musuq maasuqa iyo sidoo kale kordhinta daqliga Soomaliya.