Home Blog Page 1607

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dhagax dhigey Mashruuc lagu Hormarinayo Garoonka Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa dhagax dhigay leerarka iftiimiya wadada ay ku ordaan Diyaaradaha ee Garoonka Aadan Cade Airport ee magaalada Muqdisho,waxuuna daaray laanbadii ugu horeysay ee laga mudo Garoonka Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka iyo  Duulista  Hawada ee xukuumada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegey in qalabkan dowlada Soomaaliya ay soo gadatey ugana tala gashey in goroonka Aadan Cade Airport lagu xiro si ay diyaaradahu habeen iyo maalinba usoo dagaan una duulaan sidoo kalena ay qayb ka noqoto soo celinta bilicda garoonka iyo caasumadda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u mahad celiyey Wasiirka iyo kooxdii kala shaqaysey howsahan ay qabteen wuxuuna cadeeyey inaysan cidna taageero ka helin taasina ay tahey guul ay gaartay dowlada Soomaaliya.

“Waxaa loo qabay baahi wayn in la helo leerarka ifttimaya wadada ay diyaaraduhu ku dhaqaaqaan, aad baan ugu faraxsanahey inaan dhagax dhigo. Tanina waxey bilow u tahey horumarinta Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo kuwa gobolada dalka” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay shaqaalaha garoonka ka shaqeeya inay ilaaliyaan qalabkan maadaam uu yahey hanti Qaran, sidoo kalena waxuu usoo jeediyay madaxda garoonka inay dowlada usoo sheegaan waxyaabah ka dhiman garoonka.

DHAMAAD

 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la dar-daarmay Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Balli-doogle

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan labada aqal iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta kormeer ku tagey xerada Ciidanka Cirka ee degaanka Balli Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la dardaarmey Ciidamaddii ku sugnaa xerada ee loo diyaariyey dib u xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin Shabaab ee gobolka Sh. Hoose, isagoo ku ammaanay Ciidamadda dadaalada dheeradka ah iyo howlgalladda lagu dabar-goynayo kooxda Al Shabaab.

”Waxaan aad iyo aad ugu qanacsanahay isbeddelada iyo fir fircoonida Ciidamadda Xoogga iyo waliba sida geesinimada leh ee u dagaalamayo askariga Soomaaliyeed”ayuu yiri R.W Kheyre.

Mudane Xasan Kheyre ayaa kula dardaarmay Saraakiisha iyo Ciidamadda Xooggga dalka inay ilaaliyaan Karaamada Umadda Soomaaliyeed “ haddii aan rabno in aduunka qiimi kulahaano Qarannimaddii Soomaalyeedna si buuxda u soo celino, waxay ku xiran tahay Ciidanka, Ciidankuna in uu sharaf yeesho waxay ku xiran tahay in shacabka la dhowro lagana ilaaliyo kuwa cadowga ku ah. Xukuumadduna waxay xoogga saari doontaa in bil walba ay helaan xuquuqdooda, horeyna waan u bixinay mushaaraadka.”ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu si gaar ah mid mid ula hadley ciidankan ka qeyb qaadan doona howlgalka lagu sugayo amniga Caasimadda iyo deegaanada ku xeeran, si gaar wuxuu u sheegay in ciidamadani oo gaaraya 1,600 oo askari ay ka sifeyn doonaan meelaha ay ku dhuu-maaleysanayaan cadowga shacabka Soomaaliyed ee gobolka Shabellaha Hoose.

Ugu dambeyntii wuxuu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamadda Xooga Dalka waxayna ballan qaadeen kor u qaadista akhlaaqada Ciidamadda iyo ilaalinta xaqdhowrka shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale dar-dargelinta howagalladda dalka looga xorreynayo Kooxaha argagixisada.

DHAMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
Ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey dalka Qadar.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Caawa si balaadhan loogu soo dhoweeyay magaalada Doha ee Dalka Qadar, Kadib Casuumad Rasmiya oo uu ka helay Boqorka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thani.

Safarka Wafdiga Madaxweynaha ayaa ku qotoma sidii dowladda Soomaaliya ay taageero amni iyo mid dhaqaale uga heli lahayd dalalka ay saaxiibada yihiin, waxaana la filayaa in maalinta Berri ah uu kulamo la qaataan Boqorka dalka Qadar iyo Mas’uulyiin kala duwan.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga. Waxay iyagana la kulmi doonaan wasirrada dhiggooda ah.

Dhinaca kale Madaxwyane Farmaajo ayaa lagu Wadaa inuu Habeen danbe hadii alle idmo Kulan balaadhan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Qadar.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galey Shirkii SDRF

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta ka qayb galey shir bila’ah oo looga hadlayey qodobadii ka soo baxey shirkii London, Saameynta Abaarha iyo Arimaha Federaalismka kaasoo ay soo qaban qaabiyeen Somalia Development and Reconstruction Facility Streering Committee Meeting (SDRF). Waxaana ka soo qayb galey Xubno kasocdey Golaha Wasiirada Soomaaliya, Safiirada wadamada Turkiga, Sweden, Norway, Talyaaniga, ku xigeenka UN-ka iyo madax ka socotey Maamul Goboleedyada dalka.

Waxaana kulanka shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo ay weheliyaan Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale (Bayle),Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid (Juxa), iyo Phill Evans Madaxa DFID ee qaybta Soomaaliya waxaana lagu falanqeeyey sidii loo maamulilahaa dhaqaalaha dalka loona dhaqan gelin lahaa Go’aanidii shirkiii London.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo faah faahiyey arimaha  ku saabsanaa shirka ayaa sheegey in looga hadlayey sidii loo dhaqan gali lahaa qodobadii ka soo baxey shirkii London iyo sidii loo hirgalin lahaa qorshaha Amniga dalka si loo qabto doorasho Qof iyo Cod ah 2020.Waxuuna intaasi ku daray in laga wada hadley qaabkii looga taabaabushan lahaa abaaraha soo noq noqda, caalamkana loo dareensiiyo inaan isku fil-naasho gaarnay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa usoo jeediyey madaxda maamul Goboleedyada inay dowlada dhaxe kala shaqeeyaan arimaha Fedaraalka si dalku ugu diyaar goroobo in lagu qabto doorasho xalaala oo shacabku ku kalsoon yahey,waxuuna codsadey in si wada jira looga shaqeeyo hormarka dalka.

DHAMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
Ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Garoowe Ku Qaabilay Madaxa Xafiiska UNOCHA Ee Soomaaliya.

0

Madaxweyne ku xigeenka Dawladd Goboleedka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa saaka subax nimadii 24, May, 2017, qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay madaxa xafiiska UNOCHA ee Soomaaliya Mr. Justin Brady oo uu wehelinayo madaxa xafiiska UNOCHA ee  Puntland Mr. Francis Lenoh.

Kusimaha Madaxweynaha iyo madaxda ka socotey hay’adda UNOCHA ayaa waxa ay kawada hadleen wadashaqayntii wanaagsanayd ee dhex martay Dawladd Goboleedka Puntland iyo hay’adda UNOCHA xiligi abaaraha baaxadale ay ka jireen Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Dawladd Goboleedka Puntland ayaa ku amaanay hay’adda UNOCHA doorkii wanaagsanaa ee ay ka qaateen gurmadka loo fidinaayey dadka Soomaaliyeed ee abaartu saamaysay xiliyadii adkaa ee abaartu ka jirtey degaanada Puntland, waxaana uu xaqiijiyey in hay’adda UNOCHA ay ka mid tahay hay’addaha ugu wax qabadka wanaagsan ee ka hawl gala Soomaaliya.

Dhinnaca kale kusimaha Madaxweynaha ayaa ku booriyey masuuliyiinta hay’adda UNOCHA inay sii dardar geliyaan shaqooyinka  baaxadale ee xafiiskoodu ku hawlan yahay, waxaana uu xusay in ay iminka taagan tahay samata bixinta dad badan oo ay wax yeelo u gaysteen roobabka lixaad kale ee ka da’ya degaanada Puntland kuwaas oo u baahan hu’, maalayn, xoolayn iyo gargaar bini aadantinimo iyo sidoo kale dadka xoolo dhaqatada ah ee kusoo hayaamay Puntland xiligii abaarta dib u celintooda.

Mr. Justin Brady madaxa xafiiska UNOCHA ee Soomaaliya ayaa dhankiisa ku dheeraday muhiimada ay u leedahay tageerida iyo gacan qabashada dadka dhibaataysan ee reer Puntland, isagoona xaqiijiyey inay markasta diyaar u yihiin ka qayb qaadashada xaalad kasta oo taagan,  waxaana uu ku amaanay dawladd Goboleedka Puntland iyo shacabkeeda shaqo wanaaga ay ku astaysan yihiin iyo caawinta midba midka kale ula heelan yahay.

Jabuuti: Booqasho Sokeeye (Faallo)

0

Wadanka Jamhuuriyadda Jabuuti waa Dal aan walaallo nahay, waxaana naga dhaxeeya waxyaabo badan, waxayna aheyd Dalkii ugu horeeyay ee indhaha Caalamka ku soo jeediyay Soomaalida, gaar ahaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo juhdi weyn galiyay sidii uu u qabsoomi lahaa Shirweynihii dib u heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed, kaasi oo ahaa midkii lagu soo dhisay Magaalada Carta Xukuumaddii ugu horreysay ee lagu doortay Madaxweynihii ugu horreeyay ee ay Soomalidu yeelato sanadkii 2000, markaasi oo la doortay Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Haddaba Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray dalka Jabuuti, taasoo noqoneysa dalkii 9aad ee uu booqdo, tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay horraantii 8-dii bishii Febeberaayo ee sanadkan, islmarkaana noqoneysa tii u horreysay ee uu ku tago dalka Jabuuti intii uu Xilka Madaxweynenimada loo doortay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka soo kicitimay dalka Sacuudiga, halkaasoo ay uga qeyb-galay shir Madaxeedka dalalka Islaamka iyo Mareykanka.

Wadanka Jabuuti ayaa ka mid ah wadamada ay Ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howl galka AMISOM ee la dagaalanka Argagaxisada iyo nabad ku soo dabaalidda Dhulka Soomaaliyeed si ay u hantaan Dowladnimadooda, taasoo burburtay sanadkii 1991-kii, markii xukunka laga tuuray Taliskii Militariga ahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa booqasho rasmi uga bilaabatay dalka Jabuuti ayaa shalay galab la kulmay dhiggiisa Dalka aan Walaalaha nahay ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana lagu soo dhoweeyay Qasriga Madaxtooyada, halkaasoo salaan sharaf uga qaatay Ciidanka jamhuuriga, waxayna booqashadaasi lagu tilmaamamaa inay tahay tii 3-aad ee Madaxweyne Farmaajo ku tago dalalka deriska oo ay Ciidamadoodu joogaan Wadanka Soomaaliya, wuxuuna uu horay u tagay dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Intaa kadib ayay Labada Madaxweyne qaateen kulan, kaasi oo ay kaga wada hadleen xiriirka Walaaltinomo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo danaha labada dal, waxayna isla jeex-jeexeen arrimaha ku aadan siyaasada, amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo uga mahad celiyay Wadanka Jabuuti, doorka ay ka qaadaneyso nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya, iyadoo kumanaan askari ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta AMISOM.

Labada Madaxweyne ayaa markii uu soo dhamaaday kulankooda ayaa waxay qabteen shir jaraa’id oo wada jir ah oo ay ugu hadleen arrimo kala duwan, waxayna ku nuuxnuuxsadeen sida loogu baahan yahay in laga gudbo xasilooni darrada ka jirta Dalka Soomaaliya, iyo sidii la isga kaashan lahaa la dagaalanka Kooxaha nabadidiidka ah iyo qaabka loo dhisayo Ciiidanka Xoogga Dalk Soomaaliyeed, kaasi oo hanah kara ammaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo oo maalintii labaad ku sugan Wadanka Jabuuti oo uu booqasho rasmi ah ku joogyo ayaa maanta ka qeyb galay Dhagax dhigga dekadda cusub oo ay yeelaneyso Dowladda Jabuuti.

Madaxweyanaha ayaa xalay sidoo kale kulamo la yeeshay Madax sare ee ee ka tirsan Wadanka Jamhuuriyadda Jabuuti , kulamadaasi oo looga hadlayey iskaashiga labada Wadan iyo adkeynta Xiriirka Walaaltinimo ee ka dhaxeeya Jabuuti iyo Soomaaliya, waxaa kaloo u qorsheysan in khudbad uu ka jeediyo Xarunta Baarlamaanka Jabuuti, isagoo la hadlaya Mudanayaasha Barlamaanka Dalka Jabuuti, wuxuuna faahfaahin ka sii doonaa dadaalada ay waddo dowladda uu Madaxda ka yahay.

Madaxweynaha ayaa la filayaa markii ay xafladda furitaanka Dekadda cusub ee Jabuuti dhammaato ay isaga iyo wafdiga uu hogaaminaayo ay dalka dib ugu soo laabtan doonaan.

Qallinka: C/laahi Ruush

Madaxweyne Farmaajo oo uga Mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Jabuuti Taagerada ay La Garab Taaganyihiin Dowladda Soomaaliya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah oo labo cisho ah ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jabuuti ayaa salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka baambeyda, keddibna waxaa isaga iyo wafdigiisa loo galbiyay qasriga madaxtooyada oo uu wada hadallo kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Waxay isla garteen in la sameeyo guddi farsamo oo laba dhinac ah oo ay hawshiisu tahay dardargelinta qodobada la isla meel dhigay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti kaalintii uu ka geystay nabadeynta iyo dowlad dhisidda Soomaaliya, wuxuuna qiray in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan sida ay ugu soo gurmadeen, walina uga qeyb qaadanayaan hawlgalka ciidamada AMISOM.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday Xarunta Barlamaanka Jabuuti. Hadal kooban oo uu halkaas ka jeediyay ayuu kula dardaarmay in ay ilaashaadaan wadajirkooda iyo midnimdooda.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Arbaco ah ka qeybgalay xafladda furitaanka Dakadda Dooraaleh oo 15 KM u jirta caasimadda. Dakaddan oo ah mid casri waxaa maalgeliyay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa maanta gelinka dambe soo gabogabeyn doona safarkooda Jabuuti, waxayna uga sii gudbi doonaan dalka Qatar oo ay casuumaad rasmi ah ka heleen Amiirka dalkaasi Sheekh Tamiim Bin Hamad Althani.

Booqashadan waxaa madaxweynaha ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Isloow iyo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Dhammaad

Qarax goor dhow ka dhacay agagaarka Dakedda Muqdisho

0

Qarax la sheegay in gaari loo adeegsadey ayaa ka dhacay goor dhow afaafka hore Dakedda Muqdisho, sida ay goob-joogeyaal noo xaqiijiyeen.

Wararka ayaa sheegay in Qaraxu uu ahaa Ismiidaamin isla markaana uu ka dhacay khasaare xoog leh, iyadoo ay jiraan dhimasho,  dhaawac iyo khasaare Hantiyadeed, waxaa socda gurmad loo fidinayo dadka halkaasi dhaawacyada ay ka soo gaareen.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Saameynta Qaraxa ayaa ku faaftay goobo shidaal lagu iibinayey oo aad ugu dhow  Dakedda Muqdisho,  iyadoo weli la arkayo Qiiq iyo Holac ka socda halka Qaraxa uu ka dhacay

Wixii ku soo kordha wararkeenna kala soco

Booliiska Ingiriiska oo aqoonsaday Ninkii fuliyay Qaraxii Manchester

0

Iyada oo laga cabsi qabo in Weeraro hor leh ay ka dhacaan Dalka Ingiriiska ayaa Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi Theresa May waxa ay sheegtay. in sare loo qaaday suggida ammniga Dalka, kadib Qaraxii ka dhacay Magaalada Manchester oo ay ku dhinteen 22 Qof.

Goobaha muhiimka ah ee Dalka oo dhan ayaa la dhigay Ciidamo Booliis ah, kuwaasi oo ay xoojinayaan Ciidamada Millateriga.

Qaraxa ayaa ka dhacay Masrax ay hees ka qaadeysay Fanaanada u dhalatay ee Mareykanka Raina Grand, waxaana uu ka dhacay Irida hore, markii uu soo dhammaaday damaashaadka.

Waxa ay sheegtay in baaritaanada hordhaca ah ee la sameeyay ay sheegayaan in Weerarka uu fuliyay Salmaan Ramadaan Cabiidi oo da’diisu ay tahay 22 Jir kaas oo asalkiisu ka soo jeedo Liibiya.

“Ujeedadu waxa ay ahayd in Argagixisada ay gaysato khasaaro intaan ka balaaran” sidasi waxaa yiri Theresa May markii uu soo dhammaaday kulan degdeg ah oo ay la qaadatay laamaha ammniga.

Weerarkaan oo Mas’uuliyadiisa ay sheegatay Kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 59 Qof.

Baaritaanka Kiiskaan, waxaa loo qabtay Dad kale oo la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Weerarka ama wax ay ka ogaayeen, waxaana ka mid ah Dadkaasi Nin 23 Jir ah.

Booliska ayaa baaray guryo Dhowr ah oo ay dageen Ninka Weerarka fuliyay  iyo Saddex Caruur ah oo la dhalatay oo ku yaalla Magaalada Manchester.

Dowladda ayaa shaacisay Magacyada 22-ka Qof ee ku dhimatay Qaraxa, kuwaasi oo 16 ka mid ah ay ahaayeen Caruur.

Weerarkaan waa kii ugu qasaaraha badnaa tan iyo sanadkii 2005 xilligaasi oo Afar Qarax oo waa weyn oo ka dhacay Magaalada London ay ku dhinteen 52 sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 700 oo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay Xaflada Furitaanka Dekadda cusub ee Wadanka Jabuuti.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo oo maalintii labaad ku sugan Wadanka Jabuuti oo uu booqasho rasmi ah ku joogyo ayaa maanta ka qeyb galay Dhagax dhiga dekad cusub oo ay yeelaneyso Dowladda Jabuuti.

Madaxweyanaha ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay Madax sare ee Wadanka Jamhuuriyadda Jabuuti , kulamadaas oo looga hadlayey iskaashiga labada Wadan iyo adkeynta Xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Jabuuti iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la filayaa markii ay xafladda furitaanka Dekadda cusub ee Jabuuti dhamaato in asaga iyo wafdiga uu hogaaminaayo ay dalka dib ugu soo laabtaan.