Argagixisada Daacish oo laga qabsaday Magaalada Raqa ee Syria

Date:

MuqdishO(SONNA) Howlgal military oo koxda Daacish looga sifeynayo meelaha ay kaga sugan yihiin Dalka Syria ayaa in muddo ah soconayaya, iyadoo maleeshiyaadkaasi la sheregayo in looga adkaaday dagaalka magaalada Raqqa.

Xoogagga Dimoqraaddiga ee Suuriya oo gulufka kula jira Daacish ayaa sheegay in ay la wareegeen degmadii ugu dambeysay ee magaaladasi ku taala halkaasi oo ay ku xooganaayeen Falaagaga argagixisada ee Daacish, taasina waxay ka dhigaysaa in guud ahaan gacantoodi ay ku jirto m,agaalada Raqqa.

Dhinaca kale war ka soo baxay talisyada, isbahaysiga uu hoggaaminayo Mareykanka ee taageera ciidamada Suuriya, kuwa Kurdiyiinta  ayaa iyagana dhankooda sheegay inaysan xaqiijin karin in magaalada qaddiimiga ah laga saaray kooxda ISIS.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalka Raqa, kooxaha la socoday dagaalka Syria ayaa iyaguna dhankoodawaxaa ay sheegayaan  in 90% ay ciidamadu la wareegeen magaalada balse aysan weli qumaati ula wareegin,

Kooxda Daacish ayaa u muuqanaysa in ay tahay koox gabalkeedi uu sii dhacayo,waxaana soconaya howlgalo military oo ballaaran si looga sifeeyomeelaha ay kaga sugan yihiin dalalka Ciraaq iyo Syria.

Militariga Ciraaq ayaa sheegay in koxda Daacish ay ka qabsadeen magaaladii u dambeysay oo ah Tal-Caafar, kadib howlgalo military oo soconayay amuddo todobaadyo ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...