WARBIXIN:-Habeynta Bullaacadaha waa soo celinta nadaafadda Muqdisho

Date:

Muqdisho(SONNAS)–Tan iyo markii ay bur burtay Dowladii dhexe ee dalka ka jitray, ayaa waxaa xirmay dhuumahii biyo mareenada ahaa ama Bullaacadaha ahaa ee ku yiilay degmooyinka gobolka Banaadir, taasoo sababtay in ay sameysmaan goobo biyo fadhiisad ah oo ay isugu tagaan biyaha ka dhasha xilliyada uu yimaada roobka goobahaasi, waxaana arrintaasi ay sababtay in ay ka dhashaan xanuunyo kala duwan oo ku yimaada bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka barakayaasha ah ee ku nool goobaha ay biyuhu fadhiistaan, kuwaasi oo ka bara kaca xilliyada ay bilowdaa roobabka guryahooda.

Goobaha biyo fadhiisadka ah ee ku yaala qeybo ka mid ah Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ay saameyn ku yeesheen dadka danta yar iyo kuwa barakacayaasha ah ee ku nool ama ka ag dhow goobahaasi ay isugu soo aruuraan biyaha, waxaana mar aan booqasho ku tagay qaar ka mid ah goobahaasi biyo mareenada ah iiga muuqday Dhibaatooyin caafimaad darrada ah oo heysta dadka barakacayaasha ah iyo kuwa danta yar.

Sawirkani waaa bulaacad biyo fadhiisid ah ee ku taala degmada Hodon ee gobolka Banaadir, waxaana loo yaqaanaa warta sigaale, waxaa ag deggan dad barakacayaal ah, kuwaasi oo ka muuqatay daruufo adag xagga nolosha ah iyo caafimaad darro oo ay ka mid tahay cudurada maleeriyadda , kor cun- cunka, shuban biyoodka iyo cuduro kale.

Guddoomiyaha Degmada Hodon ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Maxamuud oo ka hadlay saameynta bulaacadaasi ay ku leedahay dadka barakacayaasha ah iyo waxyaabaha ugu qorsheysan ka maamul ahaan, ayaa sheegay in ay u gudbiyeen Maamulka Gobolka Banaadir dhibaatada ka taagan Deegaanka iyo waxyeelada ka iman kara.

Sidoo kale mar aan booqasho ku tegnay biyo-fadhiisadka ugu weyn ee loo yaqaano warta tumbuluq ee ku taala degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay saameyn caafimaad darro ah ku yerelatay dadka deegaanka iyo kuwa danta yare e ka ag dhaw halkaasi, waxaana biyo-fadhiisadkaasi kamuuqatay matoor loogu tala galay in lagu bixiyo biyaha kaasi oo ku shubayo biyahaasi badda.

Gudoomiyaha degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir Cumar Shariif Maye Jeeg ayaa ka warbixiyay saameynta ay bulaacadaha ku leeyihiin bushada Soomaaliyeed iyo doorka Maamulka degmada kaga aadan, wuxuuna xusay inay haatanba socdaan howlaha dib loogu furayo Bulaacadaha degmada dhexmara eek u shuba badda.

Agaadimaha waaxda bulaacadaha iyo Jidadka ee gobola Banaadir Maxamed Xasan Casir oo howlo lagu baxinayo biyaha ku jira goobtaasi, islamarkaana ka waday tubooyin ka galinayo Waddooyinka, kuwaasi oo la doonayo in lagu shubo biyaha ku jira bulaacadaha badda, si looga badbaadiyo bulshada Soomalaiyeed dhibaatooyinka bulshada ka heysta goobaha biyo-fadhiisadka ah.

Haddaba Maamulka Gobolka Banaadir ayaa looga fadhiyaa in ay soo celiyaan hanaankii Bulaacadaha ee Magaalada Xamar ay laheyd, taasi oo u baahan dib u dayactirid dhuumaha qaada biya xilliyada Roobka, si loo soo celiyo quruxdii iyo bilicdii Caasimadda Dalka ee Magaalada Muqdisho ay laheyd barisamaadkii, taasoo ku can aheyd nadaafad iyo bilic qurxoon.

W.D:- Muuse Cusmaan Abtoow

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...