Taliyaha qeybta 21aad ee Xooga Dalka” Waa in aan ka hortagnaa Firxadka SHabaab ee soo gaaraya Koonfurta Mudug iyo Galgaduud “

Date:

Muqdisho(SONNA) Kulankani oo looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa ammaanka deegaanada Galmudug iyo wadashaqeyn dhexmarta laamaha ammaanka  Dowladda Federaalka ee ka howlgala deegaanada Galmudug iyo maamulka ayaa lagu qabtay magaalada Cadaado, gelinkii dambe ee Sabtidii.

Waxaa goob joog ka ahaa kulankaasi saraakiisha taliska qeybta 21aad ee ciidanka xooga dalka Soomalaiyeed ee qaabilsan Ammaanka Gobolada Dhexe,Wasiirka Amniga Galmudug iyo saraakiil ka socotay Taliska Amisom ee deegaanadaasi Joogoa,kuwaasi oo kawada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa xaqiijinta amniga deegaanada uu ka arrimiyo Dowlad Goboleedka Galmudug si loogu guuleysto Argagixisada Shabaab.

C/llaahi Aadan Xuseen Cirro oo ah taliyaha qeybta 21aad ee ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa warbaahinta u faah fahiyay ujeedka kulankaasi.

“Kulanka maanta wuxuu ku saabsanaa in amniga Galmudug iyo ciidamada jooga deegaanada Galmudug,ha ahadeen,Amisom,Nisa,Darwiishta Booliska Galmudug iyo qeybta 21aad oo Aageedu ballaaran yahay in aagagga kale ay joogto sida Hiiraan la isweydaasrsado xogaha ku saabsan xaaladda amniga degaanadaasi 21aaad gaar ahaan galmudug,si cadowga umadda Soomaaliyeed ee Shabaab looga saaro deegaanadaasi”,Ayuu yiri Taliye Cirro.

Taliyaha ayaa sheegey in ay jiraan firxadka maleeshiyada Shabaab oo loogu awood sheegtay howlgalada ka socoda gobolada Koonfurteed oo ay wadaan Ciidamada Xooga Dalka Soomaliyeed iyo kuwa Amisom ay soo gaarayaan Koonfurta Mudug iyo GalGaduud ayna ka sifeyndoonaan halkaasi.

Wuxuu ka codsatay Shacabka deegaanada Galmudug in ay laamaha Ammaanka kala shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa dhagaraha kooxdaasi ay u soo maleegayaan shacabka.

Wariyaheena Cadaado Cabdi Xasan Rooble (Awoowe)

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed,...