Maxaa lagudboon Uhuru Kenyata iyo Railla

Date:

Muqdisho(SONNA) Wixii ka dambeeyey Go’aankii Maxkamadda Sare ee Kenya ay waxba kama jiraanka kaga soo qaadday natiijada doorashadii madaxtinimada ee uu ku guuleystay Uhurru Kenyata, waxaa soconayay olole hor leh oo ay wadaan dhinacyadii ku loolamayay talada dalkasi, waa xisbiga Talada Haaya iyo kan Mucaaradkaasi Kenya.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Railla Odinge oo u meel martay dacwadiisa ka dhanka ahayd natiijadii doorashada, ayaa haatan dib ugu laabtay ololihiisa ku aadan sidii ay dib isugu soo abaabuli lahaayeen, si ay uga miro dhaliyaan hadafkoodi ku aadan in ay qabtaan hogaanka dalka.

Mr Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa kula hadlay xaafada Mathare ee magaalada Nairoobi, laba maalmood ka dib markii la shaaciyay natiijada doorashada, waxayna  isha lagu haayaa talaabada tan xigta ee uu qaadidoono.

Dhanka kale Madaxweyne Uhuuru Kenyata oo siweyn u dhaliilay go’aanka maxakamadda, balse sheegay in uu ixtiraamayo nidaamka dalka ayaa wada qorshe ku aadan sidii mar kale ay liban uga gaari lahaayeen, doorashada markale dib la iskugu laabanayo, taageerayaashiisa ayaa waxaa uu ku booriyaay in ay muujiyaan degnaansho, isagoo u rajeeyey guul markale.

Sanadkii 2007 dalka Kenya waxaa ka dhacay  qalalaaso siyaasadeed oo sababay dhimashada 1000 kun qof, kadib markii uu muran xoogan ka dhashey qaabka ay u dhacday doorashadaasi.

Koofi Annan Xog-Hayihii guud ee QM ee hore ayaa waqtigaasi ku guuleystay in uu ka qeyb qaato  xal laga garay dhibaatooyinkaasi, balse dadka odoroosa siyaasadda dalkaasi, ayaa muujinaya shaki iyo tuhuno ku aadan qalalaaso hor leh oo dhici kara, inkastoo uu amaanka uu yahay mid siweyn loo adkeeyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....