Dagaal u dhexeeya Ciidanka Xooga Dalka iyo Al-shabaab oo Duleedka Kismaayo ka socoda

Date:

Muqdisho(SONNA) Dagaal u dhexeeya ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Argagixisada Alshabaab ayaa saaka waaberigii ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Maleeshiyaad katirsan Kooxga nabaad diidka ee Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero  ciidamada ay ku leeyihiin Deegaanka Buula-Guduud oo qayaas ahaantii 30 KM dhanka Koonfureed kaga beegan magaalada Ksimaayo, gaar ahaan wadada soo aada magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal deegaanka ah ayaa SONNA u sheegay in qof naftii halige ah oo gaari watay aroortii hore uu isku qarxiyay meel u dhow xero ay leeyihiin ciidamada,iyadoo markaasi ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Jubbaland ay dagaal kala hortageen,waxaana weli soconaya dagaalka.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo qasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashey,balse ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo diyaar garow ku jirey ayaa dagaal kala hortagay maleeshiyadii SHabaab ee weerarkaasi soo qaaday.

Magaalada Ksimaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka soconaya dhaq dhaqaaq gurmad loogu dirayo ciidamada dagaalka kula jira Argagixisada Shabaab.

Wixii warara dheeraad ah SONNA kala soco

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka labada Aqal oo kulan la qaatey Guddiyada dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan...

Xidhibaan Qawdhan oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka 

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda...

Kulamo lagu xoojinaayo Amniga oo lagu qabtay Masagawaa 

Magaalada Masagawaa ee bariga gobolka Galgaduud ayaa martigelisay kulan...

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Difaaca Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay weerar...