FaahFaahin Ku saabsan Dabkii Xalay ka kacay Suuqa Bacaad.

Date:

Waxaa lagu guuleystay in goor dambe la damiyo dabkii xooganaa ee xalay ka kacay Suuq-Bacaad ee Degmada Yaqshiid ee magaalada Muqdisho kasi oo geystay qasaare hantiyadeed.

Dabkaasi oo marka hore ka bilowday qeybta Sarifka ah ee Suuqaasi ayaa ku sii fiday qeybaha kale wuxuuna baabi’iyay dhismayaal badan,sidoo kale waxaa dabkaasi uu sababay qasaare hantiyadeed oo xoogan,iyadoo gebi ahaanba ay basbeeleen dhismaayaal ganacsi oo badan.

Dab ka dhashey koronto ayaa si dhaqsi ah ku fiday,kaasi oo si deg deg ah u gubay hanta badan oo tiilay Bakhaarada Ganacsiga,balse marki dambe lagu guuleystay in la damiyo sida uu warbaahinta u sheegay C/salaam Axmed C/llaahi oo kamid ah howlwadeenada  gaadiidka debdamiska ee Gobolka Banaadir.

“Dabka waxaa uu bilowday fiidkii,wuxuuna ka dhashey koront,runtii waxaa ku basbeeley halkaasi hanta badan,balse majiraan wax qasaare nafeed ah inta aan aragnay,Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa halkaasi gaaray alle mahadii waan ku guuleysanay”,Ayuu yiri C/salaam Axmed.

Ma ahan arrin cusub dab ka koco suuqyada Muqdisho ugu waaweyn. Balse arrinta ugu dhibka badan ayaa ah goobaha qaar oo u dhisan qaab isku raran ah oo ciriiri ah,taasi oo ay adagtay in si fudud gaadiidku ay u maraan si loo damiyo.

Dowrjeer oo hore ayaa waxaa dab ka kacay Suuqyada Bakaaraha iyo Suuq-Bacaad, muddooyinkii ugu dambeeyeyna maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howlanaa sidii loo furi lahaa waddooyinka si ay u fududaato gurmadka waqtiyada dhibaatadu ay dhacdo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...