Maamulka gobolka Jubba hoose oo dhagax dhigay xarun lagu daryeeli doono Caruurta Agoonta ah.

Date:

Muqdisho(SONNA):–Guddoomiyaha  Gobolka Jubbada hoose iyo gudoomiyaha degamada kismaayo ayaa waxa ay maanta si wada jir ah u dhagaxa dhigeen xarun lagu xanaaneen doono caruurta agoonta ah ee ku nool deegaanada jubaland,waxaan xaruntaasi dhismaheeda iska kaashanayo Dowlad goboleedka jubaland iyo hay’adda Agoonta ee Al-saqaaya.

Dhulka oo ku yaala duleedka waooqyi ee degmada kismaayo ayaa waxaa horey bixiyay madaxweynaha Dowalad gobaleedka jubaland Axmed Maxmed Islaam.

Gudoomiyha degmada kismaayo mudane Maxamed Ibaraahin Yuusuf Timo Jilic  ayaa sheegay in maamulka degmada kismaayo uu ahmiyad siinayo daryeelka caruurta agoomaha ee ku nool degmada kismaayo.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Gobalka Jubbada hoose mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in Jubbaland ay kamid tahay meelaha ugu agoonta  badan, maadaam dagaaladii sokeeye ay dhibatooyin ku reebeen dadka iyo deegaanada Jubbaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...