Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo kulan la qaatay wefdi ka socda Bangiga Addunka

Date:

Muqdisho(sonna)–Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Cabdullaahi Sh Cali Qaloocoow ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Bariga iyo bartamaha qaaradda Afrika Bella Bird.

Kulanka ay wada yeesheen Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ka socda Bangiga Adduunka ee ay hogaaminaysay Bella Bird, waxay ka wada hadleen caawinta Soomaaliya iyo u kuurgalidda habsami u socodka hanaanka Maaliyadeed ee Dalka.

Mrs Bella oo maanta soo gaaratay Magaalada Muqdisho ayaa waxay Bangiga aduunka si gaar ah wakiil uga tahay Waddamada Tanzania, Burundi, Malawi iyo Somalia.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay hoggaanada Ciidanka Booliiska 

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmad Firin,...

Madax ka socoto Wasaaradda Haweenka oo booqdeen Goobaha tariikhiga ah ee dalka Rwanda 

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir dowlaha Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo u Ambabaxay dalka Shiinaha 

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed...