Nabaddoon Xaad: Mowqifka Dowladda ee ku aaddan Qalbi Dhagax waa SAX

Date:

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dowladda ku taageersan yihiin go’aankii ay qaadatay ee la xiriiray dhiibista Cabdikariin Qalbi Dhagax oo ka tirsanaa ONLF.

Nabaddoon Xaad oo u warramayay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay dowladdu ay qaadatay go’aan sax ah

“Ma qabno in dadka soomaaliyeed masiirkooda iyo dowladnimadooda iyo soomaalinimada in loo lug gooyo  shakhsi aannaan ogeyn waxa uu yahay” ayuu Yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Xaad waxa uu tilmaamay in aysan suurto gal ahayn in Soomaaliya ay gabbaad siiso jabhad hubeysan oo dagaal kula jirta dal aan daris nahay, isagoo yiri “Annagu ma qabno dowladda Soomaaliya urur mucaarad ah oo hubeysan oo dowladaha dariska ah dagaal kula jira in ay gabbaad u noqoto”

 

Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad, waxa uu bulshada Soomaaliyee ugu baaqay inay dowladda ku garab istaagaan go’aanka ay qaadatay oo ah mid u daneynaya qarannimada iyo nabad gelyada dalka

“Annagu waa taageereynaa, Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynaa inay taageeraan go’aanka dowladda” ayuu hadalkiisa sii raaciyay nabaddoon Xaad.

Nabaddoon Xaad ayaa xusay maxaabiistii dhowaan dowladdu ka soo deysay xabsiyada Ethiopia, taas oo uu sheegay in ay ku timid iskaashi, heshiis iyo wada shaqeyn dhex martay Ethiopia, waxa uuna sheegay in ay haddana socdaan dadaallo dowladdu ku sii deyneyso maxaabiis kale oo Soomaaliyeed oo ku jjira xabsiyada Ethiopia.

“Dowladdu waxay xabsiyo ka soo deysay dad Soomaaliyeed oo Ethiopia, taasna waxaa keenay heshiis, isla shaqeyn iyo Is-faham”

Ugu dambeyntii Nabaddoon Xaad ayaa carrabka ku adkeeyay in ay mowqifka dowladdu ka qaadatay Qabi dhagax uu ahaa mid sax ah.

“Waxaan qireynaa oo aan ku dhiirraneynaa dowladdu mowqifkii ay ka qaadatay Qalbi dhagax in uu sax yahay, uuna yahay mid lagu badbaadinaayo jiritaanka ummadda soomaaliyeed” ayuu yiri Nabaddoon Xaad oo sheegay in ONLF ay tahay Jabhad hubeysan oo aan nabad ka shaqeyn.

Halkana ka daawo hadalka Nabaddoon Xaad

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...