Tartan Qur’aan akhris ah oo lagu soo gaba gabeeyay Boosaaso

Date:

Mu’asasada Dacwada iyo Horumarinta ee Alminhaaj qaybta gobolka Bari ayaa si rasmi ah usoo gabagabeysay tartankii Qur’aan akhriska ee Ardayda Magaalada Boosaaso.

Xaflada lagu soo afmeerayay Tartanka Qur’aan Kariimka ee Ardeyda Magaalada Bosaso oo ka dhacday Masjidka Wayn ee Al- Rowda ayaa waxaa abaalmarinno kala duwan iyo lacag cadaan ah lagu gudoonsiiyay ardeydii kaalimaha hore ka galay tartanka.

Tartankaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Boosaaso ayaa ah tartan Qur’aan akhris ah oo sanad waliba bisha Barakeysan ee Ramadaan loo qabto ardayda magaalada Boosaaso, kaas oo ay ardayda ugu saraysa ay ugu gudbayaan tartanka guud ee magaalooyinka Puntland ee ka dhici doona magaalada Garoowe.

Goobta xafladda ayaa waxa ka soo qayb galay dadwayne aad u fara badan, waxaana ugu horayn hadalka lagu soo dhaweeyay Macalin Maxamed C/laahi C/axmaan oo ahaa xubin ka mid ah guddiga Garsoorka Tartanka Qur’aanka , isagoo ka hadlay qaabka ay wax u saxayeen, sidoo kale wuxuu sheegay in dhamaan ardaydii ka gayb gashay tartanka ay ahaayeen arday xul ah oo dadaal dheeraad ah lagu bixiyay Qur’aan baristooda.

Intaa kadib waxa hadalka qaaty Ustaad Cismaan Maxamed Cumar oo ahaa Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada tartanka Qur’aanka ee magaalada Boosaaso, waxa uuna ka waramay tirada ardayda sanadkan tartanka ka qayb qaadatay iyo tirada dugsiyada ay ka kala socdeen, iyo heerarka ay ku kala tartamayeen.

Waxa isna madasha xaflada hadlka qaatay Ustaad Xasan C/laahi Xasan Guddoomiyaha Mu’asasada Al-minhaaj qaybta gobolka Bari, wuxuuna ku dheeraaday ujeedooyinka laga leeyahay tartankan Qur’aanka kariimka ah ee sanad kasta la qabto, waxa uuna yiri isagoo ka hadlaya : “Ujeedooyinka aynu tartankan u qabano waxa ka mid ah inaynu sunada quraanka akhriskiisa, xifdigiisa iyo dhiiri gelintiisa ayaa ah hadafka koowaad ee aynu ka leenahay qabashada tartankan iyo inaynu ogaano halka ay dhalinyaradeenu ka marayaan xifdiga quraanka iyo inay is bartaan dhalinyarada dhigata dugsiyada kala duwan ee magaalada boosaaso, ee ku hawlan xifdiga quraanka kariimka’’.

Sheekh Axmed Yuusuf Daad, oo ah Guddoomiyaha guud ee tartanka Quraanka deegaanada Puntland, wuxuuna ka hadlay habka uu sanadkan noqon doono tartanka Qur’aanka heer Puntland.

Gabagabadii xaflada ayaa halkaasi waxa looga dhawaaqay ardaydii ku guulaysatay kaalmaha 1aad , 2aad iyo 3aad, ee sadexda qaybood ee lagu tartamayay oo kala ahaa 30-ka Jus ee Qur’aanka, 20 Jus , 10 Jus , iyo 5 Jus, iyagoo abaal marinno kala duwan lagu gudoonsiiyay.

Ardayda ku guulaysatayna kaalmaha koowaad ee afarta heer ee lagu kala tartamayay, ee u gudubtay tartanka heer puntland ee Garoowe, waxay kala ahaayeen:

30-ka Jus :-

C/lahi C/kariim Siciid, kana socday Dugsiga Ibnu Baaz.
20-ka Jus:-

1-C/shiid Jaamac Ismaaciil, kana socday Dugsiga Ibnu Baaz..

10-ka Jus:-

1-Khaalid Sh Daahir Awcabdi, kana socday Dugsiga Daru Al-Qur’aan.

5-Ta Jus:-

1-Ibraahim C/laahi Cali, kana socday Dugsiga Daru Al-Quraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...