Degmada Baydhaba oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka

Date:

Habeenkii ugu dambeeyey wareegga koobaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo waxaa ku tartamay degmooyinka Baydhaba oo ka tirsan gobolka Baay iyo Yaaqshiid oo ka tirsan gobolka Benaadir.

Qeybta hore ee tartanka, waxaa labada degmo la weydiiyey min afar su’aal, iyadoo kaddib qeybta nasashada lagu soo gudbiyey warbixinnadii ka hadlayey Taariikhda labada degmo.

Labada degmo ayaa dhammaadka tartanka isku dhinac dhacay oo la yimaadey mid sideed dhibcood, guddiga tartanka ayaa sheegay in loo baahan yahay su’aallo dheeri ah, si loo kala saaro tartamayaasha.

Natiijada Yaaqshiid

Degmada Yaaqshiid ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey toddoba su’aal, waxa ay si sax ah uga jawaabbeen afar su’aal, iyagoo helay siddeed dhibcood ( 8dhibcood).

Degmada Baydhaba

Degmada Baydhaba ee gobolka Baay, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal, waxa ay iyaguna ka jawaabbeen shan su’aal oo afar ka mid ah ay toos uga jawaabbeen hal su’aalna ay si ka faa’ideysi ah  uga jawaabbeen, sidaas ayeey ku heleen toban dhibcood (10 dhibcood).

Caawa ayaa la soo gabogabeeyey wareeggii koobaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka, iyadoo habeen dambe lagu bilaabi doono wareegga labaad degmooyinka Warta-nabadda oo ka tirsan gobolka Benaadir  iyo degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...