Muran ka taagan heshiiska hub kala iibsiga ee Ruushka iyo Turkiga

Date:

Wadamada xulufada ka ah Gaashaan Buurta  Nato ayaa waxa ay jawaab ka bixiyeen go’aanka muranka dhaliyay ay dowladda Turkiga heshiiska kula saxiixatay dalka Ruushka, si ay isugu hubayso hannaanka difaaca gantaallada Ruushka ee S-400, taas oo Nato ay ku tilmaantay inuusan la jaanqaadi karin qalabkeeda.

Balse Ruushka ayaa sheegay in hannaanka S-400 uu gaari karo 400km wuxuuna isku mar soo ridi karaa 80 bartilmaameed.

Wadamada Ruusha iyo Turkiga ayaa galay heshiis ku saabsan in ay kala iibsadaan hubka gantaalada, waxaana uu Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu sheegay in ay bixiyeen lacago hour dhac ah oo ku saabsan in ay hub kaga soo iibsadaan Moscow.

Lacagadah ku baxaya heshiiskani oo hub kala iibsiga ah ee u dhexeeya Ruushka iyo Turkiga ayaa gaaraysa ilaa 2.5 Billyen oo Dollar,balse waxaa arrintaasi durba saluug ka muujiyay Gaashaanbuurta Nato.

Waddanka Turkiga oo leh ciidammada labaad ee ugu ballaaran xulufada Nato, ayaa xiriir dhaw la sameystay Ruushka kaddib markii uu mugdi soo kala dhexgalay xiriirkii kala dhaxeeyay Mareykanka iyo Yurub.

Turkiga ayaa ka soo horjeeda taageerada Maraykanka ee jabhadda YPG ee Kurdiyiinta Suuriya wuxuuna xiriir dhow uu la leeyahay Wadanka Ruushka oo Mareykanku colaad dhanka siyaasadda iyo diblomaasiyadda ka dhexeyso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...