Home Blog Page 1586

Dhaliyaro olole nadaafeed ka sameeyay Pizza House

0

Olole nafaadadeed ayaa saaka dhalinyaro wiilal iyo gabdho isugu jira ka bilaabeen gudaha Maqaayada Pizza House oo sadex habeen ka hor  Weerar ismiidaamin iyo mid toos ah ay ku qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Maqaayada Pizza House ayaa aheyd goob ay inta badan dhalinyarada ku nool magaalada Muqdisho tagaan, iyadoo halkaas ay aheyd meel aad u qurxoon oo loo dalxiiso maalmaha farxadda sida ciidaha oo kale.

C/majiid Daahir Aadan oo kamid ah milkiiliyaasha Maqaayada Pizza House oo la hadlay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ugu mahadceliyay dhalinyaradii u soo gurmatay kana qeyb qaatay nafaadadda.

“Waa ay mahadsanyihiin dhaliyarada walaalaheena ah oo gartay in ay na garab istaagaan waqtigan adag, waliba ayagaoo sooman oo cid ku amartayna aysan jirin, qaar macaamiisheena ayay ahaayeen iyo kuwo kale,” ayuu yiri C/majiid.







Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa u soo gudbay wareegga afar dhamaadka

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii saddex iyo labaatanaad oo ah wareegga saddexaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Kaaraan VS Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Gedo, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Kaaraan VS Garbahaareey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.

Kaaraan

Tartameyaasha Degmada Kaaraan ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo qura, waxaana ay iska qaldeen lix su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Garbahaareey, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kaaraan ay heleen waxay noqoneysaa sideed (8) dhibcood.

Garbahaareey

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday afar su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, waxaana wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha degmada Garbahaareey ay noqotay (6) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kaaraan ee gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka.

Hadaba Habeen dambe oo ah habeenka 24aad ee tartanka hadii uu Alle idmo Barnaamijka waxaa jiri doono labo tartan, tartanka koowaad waxa uu dhemari doonaa tartamayaasha Degmooyinka Dhahar Vs Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Benaadir, waxayna soo galayaan 9:30 daqiiqo.

Sidoo kale kulanka xiga waxaa tartami doona Tartamayaasha Degmooyinka Shibis iyo C/casiis oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir.

 

Madaxweyne Farmaajo oo Al-Shabaab ugu baaqay wada hadal iyo in ay hubka dhigaan

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa mar kale ugu baaqay Kooxda Al-Shabaab wada hadal ay la galaan dowladdiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Al-Shabaab u diray fariin ah in aysan Shacabka dilin, hantidoodana bur burin, taa bedelkeed ay dowladda Federaalka wada hadal la galaan.

“Waxaan u direynaa dib u heshiisiin oo aan ka hadleynay maalmahaan la soo dhaafay oo idil waa qolada dorraad carruurta nooga laayay maqaayad lagu afurayey oo aanu u aabo yeelin dumar, duqey, carruur iyo cirroole oo aan u dirnay cafis oo aan ku dhahnay kaalaya waan wada hadleynaa hubka dhiga , haddii aad la dagaaleysaa dowlad, dowladdaan shacabkaa keenay ee aan wada hadalno, dadkaan haleynina hantidaanna ha burburinna, welina waan ku taagannahay, ilaahay waxaan ka baryeeynaa qoladaasi inuu soo celiyo oo caqligooda ku shaqeeyaan oo ay ka haraan qolada la shaqeysa ee ajanabiga ah”ayuu yiri Madaxweynaha oo hadalkan ka sheegay shir dib u heshiisiin oo shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho, kaasoo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligan aanay shacabka u baahneyn colaad joogta ah, balse ay u baahan yihiin nabad iyi barwaaqo.

 

 

Xaflad loogu dabaal dagayey 40 Sano guuraddii xoriyadda Jabuuti oo lagu qabtay Magaalada Khartuum.

0

Diblumaasiyiin Soomaali iyo boqolaal arday Soomaali ah oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay 40 guuradii kasoo wareegtay markii ay Jabuuti xurnimada qaadatay ayaa lagu qabtay Magaalada khartoum.

Munaasabadan oo aheyd mid lagu Xusayay 40 guuradii kasoo wareegatay markii ay xurnimada qaadatay Jamhuuriyada Jabuuti ayaa ka dhacday Caasimadda Khartoum ee Dalka Sudaan.

Waxaane ka soo qayb galay Munaasabada Madax ka socotay Safaaradda Jabuuti, Diblumaasiyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sudaan, Jaaliyadda,Salaadiin,Boqolaal ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Sudaan iyo Qaar ka mid ah Ciidamada Jabuuti ee Tababrka u jooga Wadanka Sudaan.

Ugu horeyn waxaa Munaasabada ka hadlay Danjiraha Safaaradda Jamuuriyada Jabuuti ufadhiya Dalka Sudaan Danjire Axmed Cali Barre asigoone u mahadcaliyay dhamaan intii ka soo qayb gashay munaasabada xuska 40 guuradii kasoo wareegtay markii ay xurnimadii qaateen.

Dhanka kale Abuukar Maxamed Cabdi “Boston” oo ah Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Sudaan ayaa Hambalyo u diray dhamaan shacabka Jamuuriyada Jabuuti.

intii ay socotay Munaasabada ayaa waxaa goobta lagu soo bandhigay heeso iyo Dhaqanka Qoomiyadaha Jamuuriyada Jabuuti..

Yusuf Maxamed Macalin (Yusuf Kashmiir)

Akhriso Isku aadka Wareegga saddexaad ee tartanka

0

Akhristayaasheena Sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Isku aadka wareegga saddexaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, iyadoo sidoo kale uu jadwalka ku cadyahay dhamaan inta ka harsan tartanka.

Maamulka Gobolka Banaadir oo casho sharaf u sameeyey ergooyinkii ka qeyb galayey Shirkii dib u heshiisiinta Qaran.

0

Maamulka Gobolka Banaadir   ayaa   Xalay  Waxaa   uu casha Sharaf  Usameeyay  Ergooyinkii  ka Qaybgalay   Shirkii Madasha   Wada  Tashiga Qaran Kaasi oo Mudda Shan Maalin Ka  Socday  Magaalada   Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada  Arimaha Gudaha iyo Federaalka ee Dowlada Soomaliya iyo xildhibaano ka Tirsan Barlamaanka Soomaaliya   ayaa ka qeyb galay kulan saagootin ah oo uu Maamulka Gobolka Banaadir u sameeyay ergadii ka socotay  Maamul Gobaledyada dalka ee ka qeyb galaaya shirweynaha qaran ee dib uheshiisinta umada Soomaliyeed.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho  Taabid Cabdi Maxamad  ayaa   Sheegay in  Maamulka Gobolka Banaadir uu Go’aansaday inuu Dhirgaliyo Ergooyinka ka Qaybgalay Shirkaasi Maadaama Caasimadda  ay Tahay Hooyada Caasimadaha Dalka isagoo Boogaadiyay Ergooyinka  Doorkooda  Dib uheshisiinta Bulshada.

Wasiirka Wasaaradda  Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Saciid Juxa  ayaa  Uga Mahadceliyay  Maamulka  Gobolka  Kulanka Soo Dhawaynta  ah ee uu u sameeyay   Ergooyinka  waxaana uu Tilmaamay  in Shirkii Soo gabagaboobay uu Bilaw Uyahay Dib u hishiinta   Bulshadda  isagoo  Ku booriyay Dhamaan Ka Qaybagalayaashii Shirkaasi  ee lagu Casuumay Munaasabadda  inay   Sii Xoojin  Dadaalkooda ku Aadan dib Uheshishiisiinta laguna Baahiya Dhamaan Gobolada Dalka .

Madaxweeynaha Soomaaliya  Mudane  Maxamad  Cabdulaahi Farmaajo  ayaa Maalinimada Shalay Soo  Xiray  Shirkii  Dib Uheshiisinta Qaaranka Kaasi oo Mudda Shan Maalin Ah Ka socda Magaalada  Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Kormeer Shaqo Ku Maray Qaar Kamid Ah Degmooyinka Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabad-sugidda ayaa xalay kormeer ay u kuurgalayeen qaabka ay xiliyada habeenkii ah u shaqeeyaan ciidammada xasillinta Caasimadda ku tagey degmooyin dhowr ah, isagoo warbixino ka dhageystay saraakiishii uu kula kulmay waddooyinkii ay kormeerka ku marayeen.

Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa kormeeray inta badan degmooyinkii ay howlgallada xasilinta caasimaddu ka socdeen, gaar ahaan degmooyinka; Wadajir, Hodan, Howl-wadaag, Warta nabada, Yaaqshiid, Waaberi, Xamar-weyne, Shangaani iyo Cabdalcasiis, isagoo ka wareystay ciidammada qaabka ay waajibaadkooda shaqo u gudayaan, waxana uu markaa kadib Ra’iisul Wasaaruhu tagey isgoyska tarabuunka isagoo dhalinyaro halkaasi ku caweysnaysay ka wareystay sida ay u arkaan xasillinta caasimadda, kulana dar-daarmay in gacan ay siiyaan ciidamadda amniga.

Mudadii uu Ra’isul Wasaaruhu ku jiray booqashadiisa waxaa la arkayay dhalinyaro raxan raxan u fadhisa goobaha maqaaxiyaha, kuwaasi oo aysan ka muuqan wax wal wal amni ah, waxaana qaarkood ay ka salaamayeen dusha wafdiga la socda Ra’iisul Wasaaraha.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada F.S. Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in kormeerkiisan uu ahaa mid uu ugu kuurgalayay xaaladdaha ammaanka caasimadda, isla markaana uu ku faraxsan yahay inuu arko habeen Saq-dhexe in dhalinyaradu ay ku ciyaaraan banaanka xaafadahooda, wuxuuna tilmaamay in tani ay tahay dadaalka ciidanka ammaanka, isaga oo kula dardaarmay inay sii laban laabaan.

—–DHAMMAAD—

Warta-nabadda oo u gudubtay wareegga siddeedda ee tartan cilmiyeedka

0

Habeenka 22-aad tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir, waxaa ku tartamay degmooyinka Shangaani iyo Warta-nabadda oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

Tartanka caawa oo aad u xiisa badnaa qeybta hore degmada walba waxaa la weydiiyey afar su’aal, waxaana kaddib lagu soo gudbiyey oo daawaneyaasha iyo dhageysteyaasha lagu dhiiragelinayo sida wanaagsan ee ay uga qeyb-qaadanayaan tartan cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan, sidoo kale waxaa loogu mahadceliyey dhammaan degmooyinkii wareegayada koobaad iyo labaad sida wanaagsan u soo tartamay dedaalka iyo aqoonta ay muujiyeen, kuwa hadda harayna laga doonayo sidaas oo kale.

Natiijada Shangaani

Degmada Shangaani ee gobolka Benaadir, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen hal, Lix waa ay iska qaldeen, wax ka faa’ideysi ah ma helin, sidaas ayeey ku heleen hal dhibac (1 dhibac).

Natiijada Warta-nabadda

Degmada Warta-nabadda ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey iyaguna toddoba su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen saddex dhibcood, afar ayeey iska qaldeen wax ka faa’ideysi ahna ma helin, waxa ay uruursadeen Lix dhibcood ( 6 dhibcood), degmada Warta-nabadda ayaa u gudubtay wareegga siddeedda ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka.

Habeen damnbe waxaa tartan xiiso bada uu dhaxmari doonaa degmooyinka Garbahaareey oo ka tirsan gobolka Gedo iyo Kaaraan oo ka tirsan gobolka Benaadir.

 

 

 

AKhriso war-murtiyeedkii ka soo baxay shirweynihii wadatashiga Qaran ee Hannaanka dib u heshiisiinta

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta iyo ergooyinkii shirka ka soo qaybgalay, waxay si wayn ugu faraxsan yihiin in Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Dib-u-heshiisiinta oo hal-ku-dheggiisu ahaa “isku daalnaye, maxaynoo dana!” si habsami leh u qabsoomay intii u dhexaysay 13 ilaa 17ka June 2017.

Shirweynahan Qaran waxaa ka soo qayb galay ergo matalaysey dadka Soomaaliyeed oo ka kala yimid Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka banaadir iyo marti-sharaf ka kala socday qaybaha bulshada oo tiradoodu isku ahayd 220 xubnood.

Ujeedooyinka ugu waaweyn ee shirwaynuhu waxaa ay ahaayeen:

  1. In la sameeyo xog-ururin iyo falanqayn la xiriirta khilaafaadka ka jira dalkeena Soomaaliya.
  2. In la ogaado baahida dib-u-heshiisiineed ee dalka ka jirta una baahan in wax laga qabto, iyo
  3. In la isla aqoonsado awooddaha, aqoonta iyo xirfadaha aan nabadda ku ilaalin karno waxna kaga qaban karno khilaafyada iyo yagleelida aasaas nabadeed oo dalka iyo dadka oo dhan gaara.

Si loo gaaro ujeeddooyinkaan, waxaa hab-socodka shirka wadatashiga loo agaasimay labo qaybood oo ku astaysan yoolka Shirweynaha iyo qaybo dhextaal ahaa oo isugu jirey suugaan iyo khudbado dhammaan kaabis u ahaa midho-dhalka shirka. Labada qaybood oo kala ahaa:

  1. In ergooyinkii Shirweynaha loo jeediyey mawduucyo aasaas u ah gaarista hannaan dib-u-heshiineed oo loo dhan yahay, si qoto-dheerna u qeexaya nuxurka uu yeelan karo

hannaankaasi iyo heerarkiisa kala duwan. Qaybtaan waxaa lagu lafa-guray mawduucyada hoos ku qoran waxaana soo jeediyey khubaro shirka kala shaqaynaysay Wasaaradda.

  1. Xaaladda nabadeed iyo khilaaf ee dalku maanta ku sugan yahay

 

  1. Dib-u-heshiisiinta iyo Dhaqanka Soomaaliyeed

 

  1. Diinta Islaamku waxa ay ka qabto dib-u-heshiisiinta

 

  1. Cadaaladda xilliga kala-guurka iyo dib-u-heshiisiinta

 

  1. Kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin nabaddaynta iyo xallinta khilaafaadka

 

  1. Aragtiyo la xiriira nabadda, xallinta khilaafaadka iyo Soomaalida laga tirada badan yahay

 

  1. Kaalinta warbaahintu ku leedahay nabadda iyo xallinta khilaafaadka

 

  1. Waayo-aragnimadii iyo casharradii laga bartay dadaalladii dib-u heshiineed ee bulshadu hogaaminaysay iyo dadaaladii dhidibada loogu taagay maamuladii hore u dhismay
  2. Qaybta labaad waxa ay ku saabsanayd falanqayn ku aadan xal-u-helidda khilaafka iyo mushkiladda ugu weyn ee dalkeenna ka taagan ee heer qaran iyo xog-ururin ay ka-qayb-galayaasha shirku ku lafo-gureen kadibna ku soo bandhigeen khilaafyada baahsan ee ka jira guud ahaan dalka, isla markaana waxa ay soo bandhigeen sidii xal waara loogu heli lahaa.

 

 Federal Republic of Somalia

Ministry of Interior, Federal Affairs & Reconciliation

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta

جمهورية الصومال الفيد را لية

وزارة لشؤون الداخلية

والمصالحة والفيد رالية

Xog–ururintii Ergada Shirweynaha

Ergooyinka shirweynuhu, iyagoo ku salaynaya macluumaadkii ay xambaarsanaayeen mawduucyadii loo soo jeediyey, waxaa u suurtogashay in ay si sahlan, heer qaran iyo heer deegaanba u fariistaan isla markaana u asteeyaan khilaafyada hadda taagan ee wax-ka-qabashada u baahan, heer qaran iyo heer gobolba. Si loo helo xogo dhammaystiran oo abbaaraya macluumaadka loo baahan yahay, waxaa ergada loo qaybiyey su’aalo hagaya una fududaynaya in ergadu falanqeeyaan khilaafyada heerarka kala duwan leh.

 

Nuxurka Shirka Kasoo Baxay

  1. In dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, u diyaar-garoobaan dib-u-heshiisiin dhab ah oo dhammaystiran
  2. Si dib-u-heshiisiin waarta, laga wada raali yahay oo xanaf-tiran loo helo, waa in la dejiyo

 

HANNAAN (hab-raac dhammaystiran) oo jeexaya waddadii (roadmap) loo mari lahaa dib-u-heshiisiin isu soo celisa kalsoonidii iyo walaaltinimadii dadka Soomaaliyeed ee colaaddu kala irdhaysay

  1. In la is barbar wado dhammaystirka dawladnimo iyo dib-u-heshiisiinta bulsho, si ay labadaasi isu kaalmeeyaan
  2. In dejinta hannaanka dib-u-heshiisiintu noqdo mid talo badan la galiyey oo turxaan baxsan kalsooni buuxdana lagu wada qabo, la wada leeyahay, isla markaana abbaartiisu tahay hirgelinta dib-u-heshiisiin gun weyn oo dhab ah, kuna qotonta run, cadaalad iyo is-cafis
  3. In hindisaha dib-u-heshiisiinta hogaamintiisa iyo hirgelintiisuba ay noqdaan kuwo Soomaaliyi iska leedahay, u madax-bannaan tahay, oo gacanta ku hayso bilaw ilaa dhammaad
  4. In ay dawladdu agaasinto oo fududayso hirgelinta hannaanka dib-u-heshiisiinta iyada oo la kaashanaysa dowlad goboleedyada iyo khubarada Soomaaliyeed ee nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka ku xeeldheer

 

Baaqa Shirka

Shirku waxa uu ku baaqayaa:

  1. In ay dowladdu hirgeliso balanqaadkeedii dib-u heshiisiinta
  2. In dowladdu mudnaan gaar ah siiso dhaqaalena u qoondayso deminta khilaafyada hadda taagan ee dhiiggu ku daadanayo si hanaanka dawladnimadu u hanaqaado
  3. In la taageero oo la tayeeyo hay’adaha iyo qaybaha bulshada ee u xil-saaran deminta khilaafyada iyo mushkiladaha ergooyinka shirku xogtooda uruuriyeen
  4. In dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyaduba si degdeg ah wax uga qabtaan cadaalad-darrooyinka sida qaybsiga khayraadka, adeegyada, awoodda (metelaadda). Sidoo kale xad-gudubyada ka dhan ka ah bani’aadanimada arrimahaas oo ay ergooyinkii shirku marar badan kusoo celceliyeen.
  5. Shirku wuxuu ku baaqayaa in la dedejiyo istaraatiijiyada iyo qorshaha dib-u-heshiisiint, isla markaana si degdeg ah looga hawl galo colaadaha taagan.

Fiiro Gaar ah: dhammaan macluumaadkii laga soo jeediyey shirka oo faahfaahsan waa keyd ummadeed waxaana haysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta

Dhamaad

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay 10

0

June – 17 JuneMogadishu, 17 June 2017 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar

Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la

soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

Ciidanka XDS oo dilay Maleeshiyaad miino aasayey

15kii June 2017 ayey Ciidamada XDS dileen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

oo miino waxyeello geysatay ku aasay waddada isku xirta degmooyinka Jowhar

iyo Balcad. Ciidamo watay sadex gadiid ah kana tagay degmada Balacad oo ku

sii jeeday Jowhar ayaa miino lagu aasay dhulka ku qaraxday. Qaraxa kadib ayey

ciidamadu bilaabeen howlgal ay ku baacsanayeen maleeshiyaadka aasay

Miinadaasi halkaas oo ay ku dileen maleeshiyaadkii miinada aasay.

 

Wadatashiga Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka oo lagu qabtay Garowe

Wasaarada Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo

waday barnaamijka wadatashiga hannaanka dib-u-eegista dastuurka ayaa

usbuucan kulamo wadatashi ah ku qabatay Garowe, caasimada Puntland.

Wasiirka Dastuurka ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Puntland,

Guddooomiyaha Baarlamaanka, mas’uuliyiin kale iyo qeybaha bulshada

Puntland. Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka

Soomaaliya ayaa kulan wadatashi oo ka dhacay Xarunta Cilmibaarista ee

Nabadda iyo Horumarinta Puntland u qabatay qaybaha kala duwan ee bulshada

rayidka ee deegaanada Puntland.

 

Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuqmaasuqa oo la diyaariyey

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed

(Khader) ayaa 14kii June 2017 xafiiskiisa kala wareegey Wasaarada Cadaalada

Hindise Sharciyeedka La dagaalanka Musuq-maasuqa kasoo la qorsheenayo in

la horgeeyo Golaha Wasiirada Soomaliya si ay uga doodaan Sharcigan cusub ka

dibna ay u ansixiyaan. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi

Maxamuud Guuleed ayaa u mahed madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada

Cadaalada, maadaama ay wakhti badan galiyeen sidii loo dhameys tiri lahaa

sharciga la dagaalanka Musuq maausaqa oo baahi badan loo qabo inuu

shaqeeyo, sidoo kalena waxuu tilmamey iney turjumeen sharcigii hore ee Musuq

maasuqa kasoo lagu dhaqmi jirey 1968-kii oo ku qornaa luuqada Talyaaniga.

 

Dowlada Federaalka oo Hirgelineysa Dib-Heshiisiin Qaran

Ra’iisul Wasaare ku -xigeenka XFS ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane

Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa 13kii June 2017 si rasmi ah u daah furey shirka

Wadatashiga Dib-u-heshiisinta Qaran, Xog-ururinta Khilaafaadka iyo Xalkooda

kaas oo socday 4 cisho, laguna qabtey Muqdisho. Waxaana ka soo qayb galey

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u hushiisiinta

Soomaaliya, Qaar kamid ah madaxda dalka, Xubno ka socdey Maamul

Gaboleedyada, Odayaasha dhaqanka, Abwaano iyo qeybaha kala ee bulshada.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta

Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa sheegey in shirkan uu horudhac u

yahey dib-u-heshiisiin dhab ah oo loo sameeynayo shacabka Soomaaliyeed.

Waxuuna tilmaamey sida loogu baahan yahey in shirkan wadatashi ey ka soo

baxaan qodobo dhaxal gal u ah bulshada Soomaaliyeed, waxuuna balan qaadey

iney dhaqan galinayaan go’aanada laga gaaro shirka.

 

Dowlada Federaalka oo Mideyneysa Hannaanka Canshuuraha Dalka

Wasiirka Wasaaradda Maaaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa 12kii

daahfuray Shirweyne ay Wasaaradu ku casuuntay Wasaaradaha Maaliyada ee

Dowlad Goboleedyada kaas oo lagu mideynayey canshuuraha iyo dakhliga dalka

iyo sidoo kale xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga. Wasiirka Maaliyadda

ayaa wasiirada iyo xubnihii kale ee shirka ka qeybgalay u sheegay in mas’uuliyad

weyn ka saaran tahay sidii dalkan isku filaansho dhaqaale u gaari lahaa. Ka

qeybgaliyaasha shirka ayuu wasiirka ku adkeeyay in ay ka shaqeeyaan sidii

dalkeenu u noqon lahaa mid amaano leh isla markaana canshuur bixiyeyaasha

ay ku kalsoonaan karaan si taa loo helona ay tahay in la sameeyo isla xisaabtan

joogto ah. Ugu dambeyntii wasiirka, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan ay

tahay in wada shaqeyn joogto ay dhex marto wasaaraddaha maaliyadda ee

dowlad goboleedyada iyo tan dowladda federaalka isla markaana arintaas xooga

la saaro.

 

Saldhiga tababarada Al-Shabaab ee Saakow oo la burburiyey

11kii June 2017 ayaa ciidamada XDS iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka

waxey ku guuleysteen inay bur-buriyaan saldhig weyn oo kooxda argagaxisada

ee Al-Shabaab ku lahaayeen meel u dhow Degmada Saakow ee gobolka

Jubbada Dhexe. Hawlgalkan ayaa waxaa fuliyey ciidadanka sida gaarka ah u

tababaran ee Soomaaliya oo taageero ka helaya ciidamada kale ee caalamiga

  1. Guushan ayaa waxay wiiqaysaa awoodda cadowga uu kusoo abaabulo

weerarro cusub.

 

Dowlada Federaalka oo hirgelisey Tababarka Fahamka Xaquuqda Carruurta

Tababar wacyi galin ah oo la xiriirta Fahamka Xuquuqda Carruurta, diyaarinta

warbixinta heshiiska Caalamiga ee Axdiga Carruurta ayaa loo qabtay qaar ka mid

ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, Saraakiisha hay’adaha Dowladda iyo

Bulshada Rayidka 11kii June 2017. Siminaarka oo ay soo agaasintay

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya

ayaa waxaa diiradda lagu saaray inta uu socday wacyigelinta fahamka xuquuqda

carruurta. Ujeedka tababarka ayaa ahaa in si fiican qeybaha bulshada looga

fahamsiiyo xaquuqda carruurta, isagoo intaa ku daray inay joogteyn doonaan

tabbabarada nuucaani oo kale ah.

 

Dowlada Federaalka oo qorsheyneysa soo nooleynta Dalxiiska

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar

Cismaan (Eng. Yarisow) oo 16kii June 2017 kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee

Hay’ada Dalxiiska Caalamiga ah (Word Tourism Orgnanization) Mr Taleb D. Rifai

ayaa sheegay in Dowlada Federaalku ay wado qorshihii dib u soo nooleynta

Dalxiiska Soomaaliya si bushada caalamka ay ugu soo dalxiis tagaan dalka,

tanoo keeneysa maalgashi caalami ah iyo shaqo-abuur ay dhalinyaradu ka

helayaan. Bacdamaa uu amniga soo roonaanayo ma aha in la sugo inta wax

walba ka hagaagayaan ee waa inaan jiilka cusub u sii diyaarinaa jawi dalku uu

kula tartami karo caalamka intiisa kale. Kulanka Xoghayaha Guud ee WTO waa

fursad ay Soomaaliya ay ku dooneyso inay door ku yeelato Hay’ada DalxiiskaCaalamiga.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska

media@moi.gov.so©2017 Ministry of Information, Culture & Tourism | Mogadishu, SomaliaWeb Version Forward Unsubscribe