Home Blog Page 1586

Shir qaxootiga Soomaaliyeed ku saabsan oo Muqdisho ka furmey

0

Magaalada Muqdisho waxaa goordhow ka furmay Shir weyne Qaran oo lagu magac daray “U Helida Xal waraara Qaxoootiga soo laabanaya iyo Barakacayaasha”

Shir weynahaan waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo kaashaneyso Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda Soomaaliya, waxaana maalgalinaya hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Munaasabada furitaanka shirkan waxaa goob joog ka ah Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socda dowlad goboleedyada dalka, waxaana uu socon doonaa Muddo sedex maalmood ah.

Guddigii dowlada u xilsaartay dhacadadii Bariire oo gaaray deegaankaas

0

Guddigii Dowlada Soomaaliya u xilsaartay inay baaraan Dhacdadii Bariire ayaa gaaray deegaankaas sida uu Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay wasiirka amniga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo ah gudoomiyaha gudigan.

Gudigaan ayaa u kuur galaya dhacdadii Jimcihii ka dhacday Deegaanka Bariire, waxayna wareysiyo la yeelan doonaan dadka deegaanka si ay u ogaadaan xaqiiqda.

“Ujeedada gudiga waa in ay ka keenaan xog dhab ah dhacdadii deegaanka ka dhacday, waxay la soo kulmi doonaan dadka deegaanka si ay u soo ogaadaan sida wax u dhaceen, sababta naloo xilsaaray waa inaan keenaa xaqiiqda”

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Guddigan magacawday 26-da bishaan, waxaana loo qabtay mudo shan maalmood inay ku soo ogaadaan sida wax u dhaceen, waxaana u haray sedex maalin oo maanta ay ku jirto.

#SONNA

Wasiirka Gaadiidka: ”Muqdisho ayaa laga maamulayaa hawada Soomaaliya October dhamaadkeeda”

0

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo horumarin lahaa adeegyada dhanka duulimaadyada ee dalka, iyo maamulka hawada Soomaaliya, maadaam haatan dalka uu dib uga soo kabsanayo saameyntii ka dhalatay burburkii 25 sano ka badan dalka uu kujiray.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Salaad oo ka qeybgalay shir u dhexeeyey Wasiirada Duulista Africa iyo Bariga Dhexe, loogana hadlayay ammaanka dhanka duulista oo ka dhacay magaalada Sharma,Alsheekh ee Dalka Masar ayaa sheegey in guulo la taaban karo ay uga soo bexeen shirkaasi Soomaaliya.

Wasiirka ayaa kulamo kaladuwan la yeeshey qaar kamid ah Wasiiradii ka qeybgalay shirkaasi oo ay kawad hadleen arrimaha laxiriira dhanka duulista, Sida wasiirka Duulista Hawada ee Dalka Masar, wuxuuna sheegey in siweyn loo soo dhaweeyey natiijooyin fiicana ay ka soo bexeen kulamadaasi.

Wareysi gaar ah oo uu SONNA siiyay Axadii,  Wasiirka ayaa waxaa uu ku faah faahiyay qorshaha ku aadan waqtiga rasmiga ah ee Dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso in la bilaabo maamulka Hawada Soomaaliya.

“Waxaa rajeynaynaa in hawada Soomaaliya marka ugu horeysay laga maamulidoono magaalada Muqdisho,  Duulista hawada marka horeba iyadoo marka horeba aan aad u dhisnayn ayaa hadana dowladii bur burtay, marka hadda waxaan u baahanahay, in aanu helno shaqaale tababar fiican leh, markii ay soo laabtaana ay ka qeyb qaataan maamulka hawada Soomaaliya, sida aan qorsheynayno dhamaadka bisha October ayaa rajaynaynaa in ay bilaabato arrintaasi,balse way dhici kartaa dib u dhac oo maalmo ah, maadaama qalab badan la rakibayo”, Ayuu Yiri Wasiir Max’ed C//llaahi Salaad.

Wasiirka ayaa sheegay in la dhameystiray adeegyadii looga baahnaa garoonka diyaaradah si loo helo duulimaadyada xiliyadii habeenkii, duulimaadyada shacabka iyo kuwa kaleba ay si isku mid ah u shaqeyn karaan, isagoo intaasi ku daray in ay jiraan shirkado la soo xiriirey si ay isku diwaan geliyaan adeegyada dhanka Duulimaadyada oo xiliyada habeenkii ah oo markii ugu horeysay laga hirgeliyay Garoonka Muqdisho.

Madaxweyihii hore oo kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliya ee K. Afrika

0

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xalay kulan casho ah waxaa uu la qaatay qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka ,ganacsato iyo qeybaha bulshada ee jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Johannesburg ee dalka South Africa.

Sido kale kulanka joogay madaxda safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka South Africa sida Safiir Jamaal Maxamed Barrow,qunsulka safaarada Maxamed Cali Mirre iyo Xoghayaha  kowaad ee safaarada Ismaaciil Cabdalle Soomane.

Kulanka waxaa uu ahaa mid is xog wareysi ah waxaana qaar ka mid ah waxgaradkii kala duwan ayaa halkaasi ka hadlay waxaana ay si wadajir ah usoo dhaweeyeen madaxweynahii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud kadibna waxaa ay warbixin guud ka siiyeen xaalada Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa oo maalmahii lasoo dhaafay weeraro dilal is daba joog ah kala kulmayay kooxo burcad ah,waxaa ay intaasi ku dareen waxbgaradka in South Africa ay ku heystaan nolol aad u wacan iyo soo dhaweyn dowlada South Africa ay ka haleen.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ugu dambeyn ka hadlay kulanka waxaana uu jeediyay khudbad dheer oo dhinac yo badan taabaneysay waxaa uu ugu horeyn u mahad celiyay jaaliyada Soomaalida ee ku nool South Africa waxaa uu kadib jaaliyada warbixin ka siiyay Kulankii uu la galay madaxweynayaashii Hore iyo Soomaaliya halka ay maanta taagan tahay waxaana uu ugu baaqay in ay qeyb ka noqdaan Soomaaliya horumarka ay hiigsaneyso.

Madaxweynahii hore waxaa uu jaaliyada in ay wataan magac culus oo Soomaaliya la dhaho taa oo loo baahan yahay in ay muujiyaan wanaaga uu leeyahay dowlada iyo shacabka South Africa si taa loo sameeyana waxaa muhim ah ayuu yiri in la isku xero jaaliyada oo midnimada iyo wadajirka ay ka shaqeeyaan.

Ciidanka Amaanka oo ka hortagay gaari walxa qarxa laga soo buuxiyey (Sawirro)

0

Afar qof oo labo kamid ah ay shacab yihiin ayaa ku dhawaacantay qarax galabta ka dhacay waddada mashquulka badan ee Maka almukarama  gaar ahaan meesha loo yaqaano Garaasha Xaaji Baasto kaas oo saraakiisha amniga ku sheegeen in uu ahaa gaari la dhigay waddada dhinaceeda.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed gaashanle sare Qaasim Axmed Rooble oo saxaafadda kula hadlay halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in gaarigan ciidanka ka war heleen isla markaana waddada la xirey dadkana laga fogeeyay goobta uu yiiley gaariga qarxay.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in labo qof oo shacabka iyo labo askari oo booliiska ka tirsan ay ku dhaawacmeen.

Goobaha ganacsi ee ka ag dhow meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa burbur uu soo gaaray, waxayna saraakiisha amnigu sheegeen in ay ka hortageen khasaare intaan ka badan oo uu geysan lahaa qaraxan.

Ciidanka amniga Soomaaliya ayaa howlgalo ammaanka magaalada Muqdisho lagu sugayo waday muddooyinkan dambe waxayna taasi keentay in ciidanka ka hor tagaan isla markaana fashiliyaan qaraxyo dhowr ah.

 

Wasiirka cusub ee Howlaha Guud oo xilka la wareegay

0

Munaasabadda uu xilka kula wareegayey wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Soomaaliya Mudane Eng: Saadaq C/laahi Cabdi, oo lagu qabtay Muqdisho waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guulee, wasiiru dowlaha wasaaradda howlaha guud, shaqaalaha iyo madaxda kale ee wasaaradda.

Ugu horeyn agaasimaha guud ee wasaaradda Howlaha Guud Mudane Saalax Cabdi Axmed ayaa sharaxay howsha wasaaradda iyo doorka ay ku leedahay dib u dhiska dalka, waxaana uu sheegay in shaqaalaha iyo dhamaan madaxda kale ee wasaaradda ay soo dhaweynayaan wasiirka cusub Eng: Saadaq C/laahi Cabdi.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Howlaha Guud Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo horey u ahaa sii haya xilka wasiirka wasaaradda howlaha guud ayaa wasiirka cusub ku wareejiyey Documentiyo muujinayey howsha wasaaradda, isagoo dhinac kale soo dhaweeyey wasiirka.

Mudane saadaq C/laahi Cabdi wasiirka cusub ee wasaaradda Howlaha Guud oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono heshiisyada iyo qandaraasyadii hore ee wasaaraddu ay gashay si loo dar dar galiyo howsha baaxadda leh ee wasaaradda.

Ugu dambeyn R/wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa madasha ka sheegay in iyada oo la dar dar galinayo isla xisaabtanka xukuumadda si gaar ah loola xisaabtami doono wasiradda xukuumadda Soomaaliya oo uu kamid yahay Eng: Saadaq C/laahi Cabdi wasiirka cusub ee wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Soomaaliya.

 

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Tababar Muqdisho uga soo xirey Maamulayaasha Maaliyadeed ee Hey’adaha Dowladda

0

Shirkaan oo ay ka qaybgaleen dhamaan Agaasimayaasha Maaliyadda ee wasaaradaha XFS iyo Hogaanada Maaliyadeed ee Hey’adaha Amniga Dalka ayaa looga hadlayay sidii loo hagaajin lahaa islamarkaana looga dhigi la haa mid ka madax banaan Musuqmaasuq iyo in la joojiyo lacagaha Mishaaraad ka ah ee Gacanta lagu qaado.

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa kula dardaarmay dhamaan ka qeybgalayaashii Tababarka in maamule walba uu ku dadaalo sidii uu shaqaalaha Dowladda ee Hey’addiisa uu ugu sameyin lahaa Accon xisaabeed qof walba uu mishaarkiisa ku qaato, halkii lacago caddaan ah gacmaha loo saari lahaa.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxman Ducale ayaa balan waaday in dhamaan shaqaalaha Dowladda Ciidamada Nuucyadooda kala duwan dhawaan ay lacagaha mishaarka ku qaadan doonaan Accon balse aysan dhici doonin in qof masuul ah uu lacag Kaash ah Boorso ku soo qaado ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Cadaaladda oo Ka qeyb galay Shir looga hadlayey Hormarinta Cadaalada iyo Xiriirka Garsoorka Afrika

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa Dalka Ruwaanda uga qeyb galay shir looga hadlayo hormarinta Cadaaladda iyo Xiriirka ka dhaxeeyo Garsoorka Wadamadda Afrika.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Shirka uu uga Qeyb galayo dalka Ruwanda uu qiimo weyn ugu fadhiyo guud ahaan dalalka afrika isagoo xusay in uu Soomaaliya Ahmiyad gaar ah u sii leeyahay isla markaana uu horseedi karo tayeynta Hay’addaha garsoorka ee Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in inta uu joogay Dalka Ruwanda ay la kulmeen Qaar ka mid ah Wasiiradda iyo Madaxda Hay’addaha Garsoorka ee dalalka Afrika waxaana uu sheegay in kala hadleen sidii loo hormarin lahaa Cadaaladda iyo Hay’addaha Garsoorka.

Heshiis laga gaarey dagaal beeleed ka dhacay Buuhoodle

0

Dadaalo nabadeed oo in muddo ah soconayay ayaa waxaa lagu guuleystay in xal laga gaaro dagaal beeleed ka dhacay  degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, 24 saacadood aynu soo dhaafnay gudohooda kulamo nabadeed oo halkaasi ka dhacay.

Odayaasha dhaqanka iyo culimaa’udiinka labad dhinac ee dagaalka uu dhexmaray ayaa ka qeyb qaatay dadaalkaasi, iyadoo guddi nabadeed oo waxgarad ah, kaasi oo  ka socoday magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ay ka qeyb qaateen heshiiskaasi.

Dagaalka dhexmaray labada beelood oo walalaha ah ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya ilaa 10 qof halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, balse heshiiskaasi la gaaray ayaa faraya in dhinac kasta uu nabadda qaato islamarkaana aanu dhicin wax xadgudub ah.

Qadar Cali Jaamac oo hogaaminayay guddi nabadeed oo ka baxay magaalada Laascaanood ayaa warbaahint au faah faahiyaay waxyaabihii lagu heshiiyay.

“Waxaanu ku guuleysanay in aan heshiis nabadeed kala dhexdhigno beelihii halkani ku dagaalamay, waxyaabaha lagu heshiyay waxaa kamid ah in qofkii qof dila ladilo, qofkii xadgudub sameeya la ganaaxo,runtii waxaan dhihi kartaa waa wax ku deyasho mudan talaabada ay ku dhaqaaqeen dadweynaha reer buuhoodle oo ah qaabka ay nabadda u qaateen”, Sidaasina waxaa yiri Nabaddoon Qadar Cali Jaamac.

Magaalada Buuhoodle iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa waxaa in muddo ah ka dhacayay dagaal beeleedyo soo laalabta, inkastoo waxgaradku ay u taagan yihiin mar walba sidii looga miro dhalin lahaa hanaanka nabadeed iyo wada noolaanshaha bulshada.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo sheegay in uu sii wadayo Dadaaladda Dib u heshiisiinta

0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa sheegay in uu sii  xoojin doono dadaalada Dib u heshiisiinta ah ee uu Maamulkiisa kula jiray Ahlusuna Wal-jamaaca.

Mudane Xaaf ayaa sheegay in mudo seddex bilood ah uu wado dadaalo dib u heshiisiin ah oo uu ku doonayo in uu ku qanciyo maamulka Ahlusunna oo ayagu gacanta ku haayo Qeybo ka mid ah deegaanada Galmudug.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in aad ugu rajo weyn yahay in uu ku guuleysto dadaaladiisa ku aadan dib u heshiisiinta asaga oo xusay in ay jireen dib u dhacyo badan  balse uu iminka jawiga wada hadaladaasi uu meel wanaagsan Marayo.

Dhanka kale Mudane Xaaf ayaa sheegay in ay dadaalo badan ku bixin doonaan sida ay gacantooda usoo geli lahayd Magaalooyin ka tirsan Galmudug oo ay iminka heystaan Kooxda Nabad diidka ah ee Alshabaab.