Muran ka taagan heshiiska hub kala iibsiga ee Ruushka iyo Turkiga

Date:

Muqdisho(SONNA) Wadamada xulufada ka ah Gaashaan Buurta  Nato ayaa waxa ay jawaab ka bixiyeen go’aanka muranka dhaliyay ay dowladda Turkiga heshiiska kula saxiixatay dalka Ruushka, si ay isugu hubayso hannaanka difaaca gantaallada Ruushka ee S-400, taas oo Nato ay ku tilmaantay inuusan la jaanqaadi karin qalabkeeda.

Balse Ruushka ayaa sheegay in hannaanka S-400 uu gaari karo 400km wuxuuna isku mar soo ridi karaa 80 bartilmaameed.

Wadamada Ruusha iyo Turkiga ayaa galay heshiis ku saabsan in ay kala iibsadaan hubka gantaalada, waxaana uu Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu sheegay in ay bixiyeen lacago hour dhac ah oo ku saabsan in ay hub kaga soo iibsadaan Moscow.

Lacagadah ku baxaya heshiiskani oo hub kala iibsiga ah ee u dhexeeya Ruushka iyo Turkiga ayaa gaaraysa ilaa 2.5 Billyen oo Dollar,balse waxaa arrintaasi durba saluug ka muujiyay Gaashaanbuurta Nato.

Waddanka Turkiga oo leh ciidammada labaad ee ugu ballaaran xulufada Nato, ayaa xiriir dhaw la sameystay Ruushka kaddib markii uu mugdi soo kala dhexgalay xiriirkii kala dhaxeeyay Mareykanka iyo Yurub.

Turkiga ayaa ka soo horjeeda taageerada Maraykanka ee jabhadda YPG ee Kurdiyiinta Suuriya wuxuuna xiriir dhow uu la leeyahay Wadanka Ruushka oo Mareykanku colaad dhanka siyaasadda iyo diblomaasiyadda ka dhexeyso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...