Wafdi ka socday Hay’adda UNHCR oo booqday qaxooti Soomaali ah oo ku sugan dalka Yemen

Date:

Wafdi ka socday Hay’adda UNHCR ayaa  gaaray Xerada qaxootiga Al-kharaz oo ay ku jiraan qaxooti farabadan oo Somaali ah.
Qaxootiga ku nool xeradaasi Al-kharaz ayaa wafdigaasi kala hortagay mudaharaad ay ku dalbanayaan in laga gacan siiyo sidii ay dib ugu laaban lahaayeen dalkooda.
Qaxootiga ku nool Xeradaan waxaay sameeyeen mudaharaad ay ku dalbanayeen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen sidii dib loogu celin lahaa dalkooda hooyo, maaddaama muddo shan bilood ah aysan wax jawaab ah helin.
sidoo kale qaxootiga ayaa dalbanayay adeegyada aas’aasiga ah iyo xuquuqdoodii Qaxootinnimo oo aysan helin muddo dheer.
Qaxootiga ku nool xeradaasi Al Kharaz ayaa waxaa soo wajahay durufo adag oo dhinaca nolosha ah, iyagoo an an helin wax kaalmo ah oo ay ku maareeyaan noloshooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...