Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay maamulka iyo bulshada Degmada Doolow ee Gobolka Gedo

Date:

Muqdisho(SONNA) Wefdi uu hogaaminaya madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxmed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray degmada Doolwo ee Gobolka Gedo, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Waxaa ku wehliya safarka madaxweynaha xubno katirsan Golayaasha Wasiirada iyo Baarlamaanka iyo xubno kale, iyagoo la kulmay maamulka iyo qeybaha bulshada.

Ujeedada socdaalkiisa ayaa la xiriirta u kuurgalka xaaladaha guud ee halakasi kajira sida ammaanka adkeyntiisa iyo qiimeynta dadka abaaruhu ay saameeyeen iyo sidii loogu gar gaari lahaa.

Waxaa uu madaxweynuhu la kulmay qeybaha bulshada iyo maamulka isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladaha adage e dhinaca nolosha ah iyo baahiyaha loo qabo horumarinta adeegyada bulshada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...