Madaxweynaha  Puntland & wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray Boosaaso

Date:

Madaxxweyna Maamulka  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Deegaanada Puntlad  kadib gudashada Rukniga diiniga ah ee Xajka.

Wafdigaasi oo kaso dagay Garoonka magaalada Boosaaso ee Xaruunta Gobolka Bari ayaa waxaa kusoo dhoweeyey , masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, maamulka gobolka, kan degmada, saraakiisha ciidamada ,kuwa  Madaxtooyada, aqoon yahano iyo xubno kale.

Madaxweynaah Maamulka Puntland ayaa ugu horayn ka warbixiyey socdaalkiisii dalka sucuudiga iyo dalka isutaga Imaaraadka Carabta oo uu soo maray, wuxuuna caddeeyay  in isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo ay dalka Sucuudiga u tageen gudashada waajibaadka Xajka.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in socdaalka dalka Imaaraadka ay la xiriirtay arrimo ku saabsan  horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee ay u baahan yihiin Maamulka Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay shacabka iyo masuuliyiinta Maamulka inay Illaashadaan nabadda, xasiloonida, horumarka, kala danbaynta iyo midnimadooda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...