Ra’iisul Wasaaraha Britain oo cambaareysay qarixii ka dhacay waddo Treen

Date:

Muqdisho(SONNA) Qaraxani oo maanta ka dhacay wado Treen oo dhulka hoostiisa marta ayaa ka dhashey khasare dhaawac ah,waxaana dadka dhaawacmay ay ahaayeen dakii ku safrayay wadadaasi iayadoo ay ka hadashey arintaasi raiisul Wasaaraha dalkaasi Ingiriiska.

Ilaa 20 qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen qaraxasi oo ka dhacay  xarunta dhulka hoostiisa ee tareenada laga raaco ee Parsons Green ee magaalada London,waxaana halkaasi baaritaano ka wada ciidamada Booliska.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Britain Theresa May ayaa si kulul u cambaareeysay weerarkaasi,waxayna ku tilmaantay mid fulaynimo aph, lana doonaya in waxyeelo intaasi ka ballaaran lagu geysto.

Shir deg deg ah oo ay shir guddoominaysay ayaa ka dhacay magaalada London,waxayna sheegtay in digniinaha falalka argagixisada ee dalkaasi ay sii kordhayaan, balse waxay intaasi ku dartay in sare loo qaadidoono tirade ciidamada ammaanka oo ka hortagaya khataraha nuucaan  oo kale ah.

Laamaha ammaanka Dalka Britain ayaa sheegay in falkaasi uu yahay fal argagixisanimo ah,islamarkaana ay soo baari doonaan, si loo ogaado,warar kala duwan ayaa ka soo baxaya waxaana la sheegayaa in qaraxaasi uu yahay mid macmal ah oo guryaha lagu dhexsameeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....