Home Blog Page 1571

Puntland oo marti galisay Shir looga hadlayo Hirgelinta Dowladaha Hoose Ee Soomaaliya ”Sawirro”

0

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Waasaradda Arrimaha gudaha, Federalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, Madaxda Wasaaradaha Arrimaha gudaha ee Maamul Gobaleedyada iyo khuburo dhanka Dowladaha hoose iyo dhismaha goleyaasha deegaanka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer miyiga Dowlad goboleedka Puntland C/laahi Cali Xirsi Tima-cadde, ayaa waxuu si kooban u soo qaatay hanaankii ay puntland u soo martay dhismaha Golayaasha deegaanka iyo Dowladaha Hoose.

Waxaa kalmado baraarujin iyo mahad celin ah ka soo jeediyay mas’uulyiintii ka socotay Maamul Gobaleedyada dalka, iyagoona Maamulka Puntland uga mahad celiyay soo dhoweynta iyo aqoon korarsigaan ay u sameysay Maamulada kale ee dalka ka jira.

Madaxdan ayaa lagu wadaa in inta ay joogaan Puntland ay tagi doonaan degmooyin kala duwan oo Puntland ka tirsan,  kuwaasi oo uu ka hirgalay hanaanka Dowladaha hoose.

 

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo maanta ka shiray Go’aankii Shalay Xukuumadda ay soo saartay

0

Muqdisho(SONNA) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sh/Cismaan Jawaari ayaa maanta shir-gudoomiyay kulan ay Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka ku yeesheen Magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlay go’aanki xukuumadda shalay ay ka qaadatay Qalabi dhagax, waxaana gudigu isku raacay in ajandaha ugu horreeya ee kulanka baarlamanka laga dhigo arrinta ku saabsan go’aanka xukuumadda Soomaaliya.

C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah xoghayaha guud ee golaha shacabka oo kulankaasi kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka guddiga joogtaha ee Goloha Shacabka looga hadlay go’aankii Xukuumadda iyo arrimo kale, wuxuuna tilmaamay in guddigu go’aamiyay in ajandaha ugu horeeya ee kulanka golaha shacabka ee sabtida uu noqdo go’aanka xukuumadda.

“Waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah, waxaase ugu muhiimsanaa go’aankii ka soo baxay golaha wasiirrada Lixdii Septembar, wuxuuna go’aankaasi noqonayaa ajandaha ugu horreeya ee kulanka baarlamanka ee sabtida” ayuu yiri xogahaya guud ee Baarlamanka mudane Buux

Kulanka oo ahaa kii 11-aad ee sidoo kale lagu sheegay in uu jiri doono Axdi ku saabsan Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India, kaaso oo laga sugayo Xukuumadda, iyadoo marka la keeno golaha shacabka uu ka shaqeyndoono sharcina loo bedeli doono.

Ra’iisul wasaaraha oo Wafdi ka socda Bankiga Adduunka Xafiiskiisa ku qaabilay”Sawirro”

0

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta la kulmay wafdi ka socday Bankiga adduunka oo hoggaaminayso haweeneyda ururkaasi u qaabilsan dalalka Somalia, Tanzania, Burundi iyo Malaawi Bella Bird. Waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha dawladda iyo bangiga adduunka iyo sidii loo sii adeyn lahaa dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kulanka ku weheliyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), iyadoo intii uu socday kulankani la caddeeyey sida loogu baahan yahay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo sameeyo barnaamijyo kor loogu qaadayo khibradooda si ay u helaan xirfado ay ku shaqeystaan, maadaama ay dhalinyaradu tahay laf-dhabarta dalkeena.

“Xukuumaddu waxay ka shaqeyn doontaa sidii ay dhalinyaradu u heli lahaayeen shaqo iyo nolol Wanaagsan, isla markaana loo yarayn lahaa shaqa-la’aanta haysata. In badan oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed wiilal iyo gabdhaba uma suurtagasho in marka ay dugisiyada sare iyo Jaamcadaha ka baxaan ay shaqooyin helaan.” ayuu yiri R/W Khayre.

Wakiilka Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Somalia, Tanzania, Burundi iyo Malaawi Bella Bird oo hoggaamineysay wafdigan ayaa boggaadisay horumarka dhanka Maaliyadda ee sameysay Dawladda Soomaaliya iyo sida ay meel adag isaga taagtay la dagaalanka musuq-maasuqa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Prof C/laahi Sheekh Cali (Qaloocow) ayaa sheegay in ujeedka shirka uu ahaa sidii loo kordhin lahaa dakhliga waddanka, isla markaana dhalinyardda Soomaaliyeed loogu samayn lahaa shaqo abuur iyo xirfado ay noloshooda ku maareeyaan.

 

 

Dekadda Boosaaso oo 26 sano kadib dayactir iyo ballaarin lagu sameeynayo ”Sawirro”

0

 

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Wasaradda Dekadaha gaadiidka Badda iyo la dagalaanka Burcad badeeda Dowlad goboleedka Puntland Siciid Maxamed Raage, oo shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa faah-faahin ka bixiyey qaabka uu u socdo mashruuca la xiriira balaarinta Dekadda weyn ee Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari.

Wasiir Siciid Maxamed Raage,  ayaa sheegay in ay qorshahooda koowaad uu yahay in dib udayactir lagu sameeyo dhismaha dekada Magaalada Boosaaso, oo uu sheegay in hadda dhismaheedu uu yahay mid duq ah una baahan dib u habeyn iyo balaarin, isagoo wasiirka Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagan horumarka Dekadda Boosaaso, maadaama muddo 26 sano ah ay soo shaqeeynesay, islamarkaana la gaaray wakhtigi iyada la maalgalin lahaa.

Balaarinta Dekadda  Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa saameyn u geeysanaysa Xaafadaha ku dhaw, oo ay degan yihiin dad ku nool Dabaqado kala duwan oo nolosha ah, waxaana uu sheegay  Wasiirka in dadkaasi  Dowlad goboleedka Puntland ay la tashiyo kala duwan la yeelan doonto, xal wanaagsan oo dhibaato aan ku heyn shacabkana la gaari doonno.

 

Waxgarad iyo Siyaasiyiin kahadlay arragtidooda ku aadan go’aanka Xukuumadda ee Qalbidhagax

0

Muqdisho(SONNA) Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad ayaa ka hadlay Arragtidiisa ku aadan Go’aanka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka qaadatay Arrinta Cabdi kariin Qalbidhagax, oo ah Sargaal ka tirsan Jabhada ONLF, isagoo nabadoonka sheegay in go’aankaasi uu soo dhoweynayo, uuna yahay mid lagu badbaadinayo Qarannimada Ummadda Soomaaliyeed.

Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in Qalbi dhagax uu kasoo jeedo Urur mucaarad ah, oo dagaal ku haya Dal dhisan, dowladda Soomaaliyana aysan gabbaad u noqon Karin, maadaama uu yahay Shaqsi aaminsan Fikrad ku saleysan Burburin, waxaana uu xusay in dalka Soomaaliya uu u joogay dhibaato iyo shar in uu maleego.

“Arrintaasi annaga waan soo dhoweyneynaa, Dowladuna mowqifka ay ka istaagtay waa mid sax ah oo loo baahnaa loogana fadhiyey waxaana leeyahay ma qabno in dadka Soomaaliyeed masiirkooda, dowladnimadooda iyo Soomaalinimada  in la lug gooyo, shaqsi aanan ogeyn wuxuu ku saleysan yahay iyo urur mucaad ah, oo dowladaha deriska ah dagaal kula jira, in gabbaad dowladda ay u noqoto  ma qabno sax inay tahay, mana taageereyno, waxaan leenahay marka dowladda way ku saxan tahay go’aankeeda” ayuu yiri Nabaddoon Xaad.

Sidoo kale Nabad doonka ayaa Xukuumadda Soomaaliya waxuu ku amaanay Maxaabiistii ay kasoo deysay Xabsiyada Ethiopia iyo dadaalada ay ugu jirto sidii xoriyadooda ay ku heli lahaayeen   kuwa ku harsan xabsiyada wadankaasi, Shacabka Soomaaliyeed ayuuna u sheegay in Dowladda ay ku taageeraan Go’aanada noocaan oo kale ah ee looga hortagayo Argagixisinimada.

Sidoo kale Salaad Cali Jeelle, oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed xilal kala duwanna kasoo qabtay dowladihii ku meel gaarka ahaa ayaa isna sheegay in uu taageersan yahay go’aanka Xukuumadda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Dowladda iyadoo tix galineyso hishiisyadii hore ee ay kala saxiixdeen Ethiopia iyo Dowladii hore ee Soomaaliya go’aankan ay qaadatay, si loo dhameystiro howlihii qabyada ahaa.

“Arrimihii maalmahan socday oo la hadal haayey ee ku saabsan Qalbi dhagax oo horana aan uga hadlay, shalay Dowladda waxay kasoo saartay bayaan cad oo shacabka soomaaliyeed ay kula hadleyso , runtii waxay carabka ku dhufatay hishiisyo hore oo dowladii ka horeeysay gashay oo dhigaayeen in dhibaatooyinka labada dal dadka kawada keeni kara in nabadgalyada wax u dhibaan la iska kaashado” ayuu yiri siyaasi Salaad Cali Jeelle.

 

Dowlad goboleedka Puntland oo go’aan kasoo saaray kala soocida Lacagta Shillinka Soomaaliga

0

Muqdisho(SONNA) Shir ay isugu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda, Arrimaha gudaha Puntland iyo Xubno ka socday Bankiga ayaa maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulkaasi, iyadoo shirkaasi looga hadlay diidmada iyo kala soocida lacagta shillinka Soomaaliga, oo waayadan jahawareer lacagta Sh. Soomaaliga ah ka taagnaa magaalooyinka waaweyn ee maamulkaasi.

Shirkaasi ayaa waxaa laga soo saaray Qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin:-

1:-Lacagta Sh. Soomaaliga waa astaan Qaran , dalkastana astaantiisa Qaran waa lacagtiisa , ciddii ka hor timaadana waa Qaran dumis.

2: Dowlad goboleedka Puntland lacagta Sh. So. waxay ku qaadaa Canshuurta waxayna ku bixisa a Musharooyinka ciidamada iyo shaqaalaha kale.

3: Shacabka reer Puntland waxaa laga doonayaa in ay lacagta Sh Soomaaliga ah qaataan, iyagoo aan kala gurin, sarrif kala duwana looma samayn karo, arrintaasi oo aan diin ahaan banaanayn
(Ribo).

4 Ha’yadaha dowladda goboleedka ee fulinta shaqadan qaybaha ku leh waxaa laga doonayaa in ay waajibkooda shaqo ka gutaan.

Madaxweynaha Jabuuti oo la siyay Abaalmarin Caalami ah.

0

Jabuti(SONNA)-  Madaxweynaha dalka Kazakhstan Nursultan Nazarbayev ayaa waxa u Madaxweynaha dalka Jabuti Ismaaciil Cumar Gelle uu guddoonsiyay abaalmarin caalami ah oo uu ku muteystay dadalka uu ka geystay horumarinta arrimaha Bangiyada islaamka ee dalkiisa  iyo guud ahaan midda caalamka intaba.

Sida ay faafisay Jariidada  Al-qaran ee ka soo baxday magaalada jabuuti cadadkeeda maanta oo khamiis ah soo baxay, ayaa waxaa Madaxweyne Geelle abaalmaritan caalamiga ah lagu gudoonsiyay xaflad ka dhacday magaala madaxda dalka Kazakhstan ee Astana,iyadoo ay munaasabadaasi ka qeyb galeen aqoonyahaano ku xeel dheer arrimaha Bangiyada islaamka.

Hadal uu munaasabadaa ka jeediyay Madaxweynaha Jabuti ismaciil Cumar geelle ayaa sheegay  in Bangiyada Islaamka ee dalkiisa  oo ay tiradoodu dhan tahay saddex Bangi  ay u surta gashay sanadkii 2006 –dii inay kalsooni weyn ka kasbadaan Suuqyada gudaha ee dalkaasi 20%.

Madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle, ayaa intii uu joogay dalka Kazakhstan waxa uu wada hadallo  ku saabsan sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dalka Jabuti iyo Kazakhstan la yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Islaamka ah Nursultan Nazarbayev.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo la siyay Abaalmarin

0

Madaxweynaha dalka Kazakhstan Nursultan Nazarbayev ayaa waxa u Madaxweynaha dalka Jabuti Ismaaciil Cumar Gelle uu guddoonsiyay abaalmarin caalami ah oo uu ku muteystay dadalka uu ka geystay horumarinta arrimaha Bangiyada islaamka ee dalkiisa  iyo guud ahaan midda caalamka intaba.

Sida ay faafisay Jariidada  Al-qaran ee ka soo baxday magaalada jabuuti cadadkeeda maanta oo khamiis ah soo baxay, ayaa waxaa Madaxweyne Geelle abaalmaritan caalamiga ah lagu gudoonsiyay xaflad ka dhacday magaala madaxda dalka Kazakhstan ee Astana,iyadoo ay munaasabadaasi ka qeyb galeen aqoonyahaano ku xeel dheer arrimaha Bangiyada islaamka.

Hadal uu munaasabadaa ka jeediyay Madaxweynaha Jabuti ismaciil Cumar geelle ayaa sheegay  in Bangiyada Islaamka ee dalkiisa  oo ay tiradoodu dhan tahay saddex Bangi  ay u surta gashay sanadkii 2006 –dii inay kalsooni weyn ka kasbadaan Suuqyada gudaha ee dalkaasi 20%.

Madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle, ayaa intii uu joogay dalka Kazakhstan waxa uu wada hadallo  ku saabsan sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dalka Jabuti iyo Kazakhstan la yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Islaamka ah Nursultan Nazarbayev.

Horjooge Sare oo ka tirsanaa Shabaab oo isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

0

Horjooge C/casiis Xasan Heybe oo maleeshiyada Shababaab u yaqaanaan (Bishaar) ayaa saaka isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybta ku sugan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Taliyaha ururka 49-aad ee Guutada 9-aad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo ku sugan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Faarax Maxmed (Turbac)  oo u waramay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyay in horjoogahaasi uu isku soo dhiibay ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan Gobolka Gedo.

Sida uu soo sheegayo wariyaha warbaahinta Qaranka ee Gobolka Gedo Cumar Ceyduruus Maxmed, Mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Gobolka Gedo ayaa ku soo dhaweeyey Degmada Baardheere, Horjoogahaasi oo Arggagixisada Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada iyo miinooyinka ay Shabaab ka fuliyaan deegaano hoostaga Degmada Baraawe ee Shabeeladda Hoose balse isku dhiibay ciidamada Dowladda ee ka howlgala Gobolaka Gedo.

“Ninkan oo isku soo dhiibay ciidamada Xogga Dalka, wuxuu inoo sheegay in uu ka baxay Shabaab,islamarkaana uu ka soo laabtay fikradaha qaldan o ay aaminsan yihiin halkan ayuu joogaa,waxaan rajaynaynaa in kuwo kalena ay fahmi doonaan wadada saxda ah”, Ayuu yiri Taliye Turbac.

Horjoogahan  ayaa da’diisa lagu qayaasaya 25-30 jir,kaasi oo haatan gacanta ugu jira Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan guutada 9-aad.

Tan iyo markii Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqdey in ay cafis u fidinayso qofkasta oo ka soo baxay fikirka qaldan ee  Shabaab,waxaa sii kordhayay tirada horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka isku soo dhiibaya Dowladda Soomaaliya,iyagoo u arka fursad ay ka faa’idaysan karaan.

Banaan baxyo looga soo horjeedo diidmada lacagaha Shillin Soomaaliga oo Qardho ka dhacay

0

Muqdisho(SONNA) Goobaha Ganacsiga ee magaalada Qardho ee Gobolka Bari Ayaa  Saakay Ahaa kuwo Gabi Ahaanba Albaabada U xirnaa, Shacabka Usoo Adeeg Tagi Jiray Suuqayada Lagu Iibsho Qudaarta Hilibka Iyo Goobaha kale  Ee Ganacsiga Ayaa Ku Waabariistay Xirnaasaha Goobahaasi.

Abaara 9;00 Subaxnimo Ayaa Shacabka magaalada  oo Cabiraya Dareenkooda ayaa Socdaal Dheer Kusoo Maray Waddooyinka Waaweyn Ee Degmada Qardho kuwaasi oo ka soo horjeeda diidmada ku aadan lacagaha Shillin Soomaaliga ah.

Barxada Suuqa Weyn Oo Markii Danbe Ay Isugu Tageen Dibadbaxayaasha Ayaa Ugu Horeynba Halkaasi waxaa Kula Hadlay Guddoomiyaha Degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan Dheere wuxuuna  Sheegay In Shillin Soomaaliga La Socodsiiyo, Dowladuna Ay Isla Qaadateen In Dhamaan La Adkeeyo Koontaroolada Lacagaha Ay Kasoo Galayaan.

“Marka hore waxaa idinka codsanaynaa in aad is dejisaan,lacagaha Shillin Soomaaliga waa la socodsiinayaa, dadka diidan talaabo ayaa laga qaadayaa waana isla afgaranay maamulka,waxaana la xakamayndoonaan lacagaha been abuurka ah ee suuqyada la soo gelinayo”, Ayuu yiri guddoomiyah Qardho.

Xaliimo Jawaasi oo Ku Hadlaysay Afka Dibadbaxayaasha Ayaa Sheegtay In Ay Doonayaan Lacagtooda Isku Soo Baxooda Ayeey Ku Sheegtay In Uu Yahay Mid Dantooda Ay Uga Hadlayaan Waxayna Eedamo Ay U jeediyeen Sariflayaasha Iyo Shirkadaha Waaweyn, kuwaasi oo ay ku tilmaameen in ay ka shaqeynayaan wax buslhada dhib ku ah.