Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Date:

Muqdisho (SONNA) Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo gaaray Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa u kuurgalaya Xaaladda deegaano ka tirsan Gobolka Bakool.

Socdaalka ay ku joogaan Degmada Xudur ayaa waxaa ku wehlinaya wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka koonfur galbeed Soomaaliya, iyagoo si gaar ah ay ugu kuur galaya xaaladaha ay ku nool yihiin bulshada Bakool oo ka mida deegaanada hoos yimaada maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.

Maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa ku howlan maamul u sameynta Degmada Xudur maadaama baahi weyn ay u qabaan bulshada Degmada Xudur in ay helaan maamul u adeega shacabka.

Degmada Xudur ayaa dhawaan waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka Wasaaradda gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/laahi Colaad Rooble, waxayna u kuur galayaan baahida ay qabaan Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Gobolka Bakool.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...