Wasaaradda Haweenka oo Kulan wadatashi ah Muqdisho ku qabatay

Date:

Ka mira dhalinta si loo dhameystiro Diyaarinta Xogta ku aadan Axdiga Heshiiska Caruurta oo ay Soomaaliya Saxiixday sanadkii 2015 ayaa Wasaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha waxay Kulan Wadatashi ah la qaadatay Hay’addaha u adeega Bulshada rayidka si ay uga qeyb qaataan in si wadajir ah loo dardar galiyo dhameystirka Axdiga Heshiiska Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed.

Xubnaha ka socday Hay’addaha Bulshada Rayidka ee ka qeyb qalayay kulankan wadatashiga ah ayaa si wadajir ah ugu mideysan in muhiim ay tahay dhamestirka heshiiska caruurta si loo helo xaquuqda caruurta soomaaliyeed ay leeyihiin, Maadaama Axdiga Xuquuqda Caruurta ee Qaramadda midoobay u dhigaayo in aan lagu xadgudbin Caruurta, islamarkaane ay helaan Xuquuqda ay leeyihiin.

Ugu horeyn ayaa waxaa kulanka ka hadlay Agaasimaha Waaxda Horumarinta Qoyska iyo Xuquuqda Caruurta ee Wasaaradda Haweenka Xukuumadda Soomaaliya Faadumo Maxamed Cali iyadoo sheegtay in Bulshada Rayidka ah ay lafdhabar u yihiin hawlaha ay qabato Wasaaradda Haweenka.

Qaar ka mid ah Xubnaha ka socday Hay’addaha bulshada rayidka ayaa soo dhaweeyay kulankan wadatashiga, iyagoona sheegay inay qaadan doonaan Doorkooda ku aadan sidii loo dhameystiri lahaa Axdiga Heshiiska Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed.

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkan waday kulamo lagu arinsanaayo sidi loo dardar galin laha dhameystirka diyaarinta xogta heshiiska caruurta ee Qaramada Midoobay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa maanta si rasmi...