Home Blog Page 1570

Marwada 1-aad ee Turkiga oo booqatay Qoxootiga Rohinga

0

Muqdisho(SONNA)–Marwada Kowaad ee dalka Turkiga Emine Erdogan ayaa gargaar bin’aadananimo gaarsiisay qaxootiga Muslimiinta Rohingya oo safar ku tegtay xero qaxooti oo ku taala xadka Myanmar shalay oo Khamiis aheyd.

Marwada Kowaad ee Turkiga, oo ay weheliyaan wiilkeeda Bilal iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mevlut Cavusoglu, ayaa ugu yeeray beesha caalamka inay joojiso rabshadaha, taas oo ay ku tilmaamtay musiibo aan la rumaysan karin xilligan.

Emine Erdogan ayaa sheegtay in aysan macquul aheyn in sidaa loo daawado Dad tabaaleysan, iyadoo markaasi wareejineysay gargaarkii ay u waday Dadkaasi Qaxootiga ah oo markaasi ku sugnaa xerada Kutupalong, oo ku taala xudduuda.

“Waxaan rajeynayaa in dunidu ay fikrad ka bixiso mawduucaan ayna ka caawisaa iyaga labada gargaar bini’aadanimo iyo siyaasad ahaanba,” ayay tiri Emine Erdogan.

Sida laga soo xigtay he’yadda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ee UNHCR, 164,000 Rohingya ayaa ka soo tallaabay xudduudaha ilaa iyo 25-kii Agoosto, markii ciidamada amniga Myanmar ay bilaabeen howlgallo ammaanka ah oo ka dhan ah maleeshiyada Rohingya.

Myanmar ayaa aqbashay inay u oggolaadaan in Hay’adda Turkiga ee Iskaashatada iyo Isuduwidda ay gasho gobolka Rakhine si ay u bixiyaan 1,000 tan oo gargaar ah.

Tallabadaan ayaana ka dambeeysay kadib markii uu Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu Talaadadii la soo dhaafay khadka Teleefoonka kula hadlay hoggaamiyaha dalka Myanmar Aung San Suu Kyi dhibbaatooyinka ka dhanka ah xuquuqul iinsaanka ee Muslimiinta Rohingya iyo sidii gargaar Bini’aandnimo loo gaarsiin lahaa dadkaasi dhibbaataysan, wuxuuna ballan-qaaday taageerada Turkiga ee ku aadadadkaasi Muslimiinta ah.

Wasiirka Caafimaadka oo shir uga qeybgashay Helsinki +SAWIRRO

0

Helisinki(SONNA)–Wasiirka Wasaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur oo uu wehliyo la taliyaha Wasarrada xagga Caafimaadka taranka iyo dhallaanka Dr Abdulqadir Wehliye ayaa safar 2 casho ah oo shaqo ku jooga magalada Helsinki ee dalka Filand.ayaa ka qeybgalay shir looga hadlayay Caafimaadka Haweenka Waddamada burburka soo maray.

Wasiirku waxay ay shir gooni gooni ah la yeelatay Wasiiradda Wasaradaha Ganacsiga Dibadda iyo Horumarinta Mr Kai Mykkänen iyo Wasiirka Arrimaha Qoyska iyo Adeegyada Bulshada Ms Annika Saarikko, waxayna isla soo qaadeen sidii loo caawin lahaa dadka iyo Dalka Soomaaliyeed..

Wasiirad Fowsiyo waxay kaloo la kulantay Hey’ada IOM MIDA FINNSOM kalana hadadhay baahidda loo qabo in qurbajoogta Soomaliyeed ka qeyb qaadato dib u dhiska Waddankooda

Wefdiga Soomaaliyeed waxaa ay booqdeen hey’ado badan oo ay ugu horreyso Natonal Institute for Health and Welfare., iyagoo kulan la qaateen jaalliyadda Soomaalida eek u sugan Dalkaasi, waxayna kala hadashay wasiiraddu xaaladda caafimaad ee waddanka iyo sidii la isaga kaashan lahaa..

Wasiiraddu waxay kaloo ka qeybgashay casho sharaf aad loo soo abaabulay laguna wada falanqeeyay kaalinta ay ka qadan karto qurbajoogta Finland kor u qaadidda dareyeelka caafimaad ee Soomaaliya.

Ciyaaro lagu soo gabagabeeyay Minneapolis +SAWIRRO

0

Minneapolis(SONNA)—Shalay ayaa lagu soo Gabagabeeyay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota Horyaalkii kubbada cagta ee loogu magac daray JIIROONIGA CIYAARTOOYDA CUSLAATAY.

Horyaalkan oo socday muddo afar bilood ah ayaa waxaa koobka ku guuleeystay kooxd ku ciyaareysay magaca QARANKA waxayna koobka ku qaateen 28 dhibcood.

Macalinka kooxda Qaranka Caddow Ibrahim ayaa la gudoonsiiyey tababarihii ugu wanaagsanaa,halka ciyaartooyga Sheikh Omar uu kuguuleystay abaal marinta MVP ga.

Waxaa kaloo abaalmarin la guddoonsiiyey ciyaaryahanka ugu goolasha badnaa Abdirhman Juu oo 24 goal dhaliyay.

Ciyaarta ayaa waxaa goob joog ahaa isla markaana bixinayey koobaka
Macalimiintii kubada koleyga iyo kubada cagta ee magac ku lahaa Dalka Somaliya Macalin Abdullqadir Qariidi iyo Macalin Abdullqadir Sheikha.

Horyaalka oo ah horyaal ka duwan kuwa lagu qabto gobalka Minnesota ee Cariga Maraykanka ayaa waxaa soo alifey Tababare ciyaartoy Macalin Adan Ugaas.

Warkaan oo ay Wakaaladda SONNA ka heshay Liibaan ayaa sheegaya in ciyaartaasi shalay ku soo gabagaboowday jawi farxad iyo damaashaa leh.

Wariyeheena Minnesota Liibaan Xuseen 

Hey’adda UNDP oo soo saartay daraasaad ku saabsan xag-jiriinta

0

Muqdisho(SONNA) Hey’adda UNDP ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa soo saartay Warbixin cusub oo ay ku sheegtay in sababaha ugu weyn ee dhallinyarada Afrika ku riixaya in ay ku biiraan kooxaha xagjiriinta ah ay ugu wacan tahay saboolnimada, shaqo la’aanta iyo fursadaha nolosha oo aan soo gaarin.

Warbixintan oo ah  tii ugu horreysay ee nooceeda ah ay soo saarto  Hey’adda UNDP ee QM u qaabislan dhanka mashaariicda horumarinta, ayaa lagu soo bandhigay kulan ka dhacay magaalada Newyork ee xarunta QM.

Xog uruurin iyo wareysi lala yeeshey ,ilaa 495 dhallinyaro ah oo ku biirey Alshabaab iyo Boko Haram, taasi oo hey’adda UNDP wadday muddo ku dhow 2 sano, ayaa muujinaysa in sababa ugu badan ay qeyb ka yihiin duruufo badan sida iyagoo ka baqaya in loo awood sheegto ama dhibaatooyin kale.

Wakaaladda wararka SONNA oo soo xiganaysa warbixnta UNDP ayaa sheegtay in ilaa 6 wadan oo kamid ah Africa ay saameeyeen rabshadaha argagixisanimada ku dhisan, waxaana ka mid ah, Burkina Faso, Cameroon, Côte d’Ivoire, Nigeria, Somalia iyo  Uganda sida daraasaadkaasi lagu sheegay.

Warbixinta waxaa baaq looga soo jeediyay Dowladaha in ay dib u eegis ku sameeyaan howlgalada millitary ee dhacaya, si looga gaashaanto, xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Warbixinta ayaa aad loogu xusay in Dhallinyarodu helin fursado wax barash,o waxaa sidoo kale jira dhibaatooyin kale oo ka dhashey dhaqaale la’aan qoysaska, taasi oo sahlaysa in dhallinyarada looga faa’idaysto arrimahaasi oo is biirsaday.

Agaasimaha hay’dda UNDP Abdoulaye Mar Dieye oo warbixintaasi ka jeediyay xarunta QM ee magaalada Newyork ayaa sheegay inta badan bulshooyinka ku nool Qaaradda Africa ay ku nool yihiin nolol aad u hooseysa,waxaa bar bar socda sida warbixinta lagu sheegay shaqo la’aan baahsan oo heysata dhallinyaradda wadamada Afrika intooda badan.

Xog ururinta warbixinta ayaa saldhig u ahaa su’aalaha ku aadan, duruufaha qoysaskooda,fursadaha koriimada iyo waxbarashada iyo aqoontoodi diimeed iyo fikrad ahaan wax ay aaminsan yihiin, kuwaasi oo qeyb ka ah wax yaabaha horseeda in dhallinta ku nool wadamada Aftica ay kooxaha hubaysan ay ku biiraan.

Hey’adda UNDP ayaa sheegtay in dad lagu qayaasayo 33,300 qof ay naftoodi ku waayen rabshadaha Argagixisanimo, intii u dhexeysay 2011 ilaa  2016 ,weerarada Bokoharaam kaliya ayaa waxaa ay sababeen dhimashada 17,000 iyo barakacaya 2.8 milyen kuwaasi oo u qaxay waddamada deriska ah.

Wadamada Kenya iyo Nigeria ayaa la sheegay in sidoo kale rabshadahaasi hubeysan ay saameeyeen dalxiiskii iyo maalgashigii tooska ahaa ee wadamada dibadda uga imaanayay.

 

Roobab dabeylo wata oo sababay qasaare naf iyo maal oo ka da’ay Gobolka Awdal

0

Muqdisho(SONNA) Wararka ka imaanaya Gobolka Awdal ee Soomaaliland ayaa sheegay in Ugu yaraan 6 ruux oo ay ku jiraa caruur iyo dad waayeel ah ay ku dhintay roobab xooggan oo ka da’ay magaalada Dilla ee gobolka Awdal gelinkii dambe ilaa fiidkii xalay.

Roobabkaasi ayaa watay dabeylo xoogan iyo Dana doo sababay qasaare dhimasho iyo bur bur hantiyadeed,sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta maamulka Gobolka.

“Roobabkani oo ka da’ay gobolkan Awdal qasaaro ayay geysteen,e ayay ku dhileen degmada Baki,3 kalena dhaawac weeye, magaalada borama 2 qof ayaa ku dhimatay, dabeylo iyo Danab ayaa wateen roobabka, qasaare hantiayeed ayaa jira”, sidaasina waxaa yiri Cabdi Nuur Sugaal guddoomiye kuxigeenka Gobolak Awdal.

Waxaa laga cabsi qabaa in qasaaraha uu intaasi ka sii bato, maadaama saameynta roobabkaasi dabaylaha watay ay ballaaran tahay.

Daadad ka dhashay roobab da’ayay ayaa la sheegay in ay jabiyeen balliyo ku yaalla dhanka sare ee magaalada Dilla, waxaana ay waxyeello u geysteen goobo ganacsi ah oo kuyaalay magaaladaasi.

Sanadihii ugu dambeeyey Gobolka Awdal wuxuu ka mid ahaa meelaha ay ka jireen abaarro saameeyay dad aad u fara badan,iyadoo Maamulka Gobolka Awdal uu bishii hore ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dhinaca abaaraha ah, kadib markii afar qof ay abaar ugu dhinteen deegaano ka tirsan Gobolka Awdal.

Waxaa bar bar soconayay howlo loogu gurmanayay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kunool deegaanada ay abaartu ku dhufatay ee Soomaaliland.

Madaxweyne Donal Trump” Maalin murugo leh ayay noqonaysaa hadii Pyongyang aan u adeegsano talaabo Militari”

0

Muqdisho(SONNA) Donal Jey Trump Madaxweyne Dalka Mareykanka  ayaa ugu hanjabay markale Kuuriyada Waqooyi talaabo military, isagoo sheegay in maalin murugo badan ay u noqoneyso Kuuriyada Waqooyi, haddii Mareykanku uu go’aan sado in talaabo military ah uu qaado.

Hadalkani ayuu jeediayay Madaxweyne Trump xili  uu garab taaganyahay Amiirka dalka Kuwait, Sheikh Sabah al-Ahmad Al-Sabah oo uu ku qaabilay magaalada Washington, su’aalana uga jawaabayay wariyeyaasha,waxaana uu yiri madaxweyne Donal Trump “waxaaan ku rajo weynahay in aanan awoodeenna Milatari u adeegsan doonin Kuuriyada Waqooyi,taasi oo ula jeedo in hadii uu adeegsado dhibaato badan ka imaan karto.

Madaxweyne Trump ayaa ka gaabsaday laba jeer oo la weydiiyay su’aal aheyd in la aqbali karro in Waqooyiga Kuuriya ay iska heysato hubkeeda Nukliyeerka laakiin la xakameeyo oo la cabsigeliyo,balse Mr Trump ayaa xusay in aan wax wada xaajood ah la gali doonaiin Waqooyiga Kuuriya.

Trump waxa uu ku dooday in 25kii sanadood ee la soo dhaafay, maamuladdii soo maray Mareykanka marka kasta oo ay wada xaajood la galaan kuuriyada waqooyi, ay maalinta xigtaa sii wadi jirtay shaqada bacriminta nukliyeerkeeda.

Dhanka kale Amiirka Dalka Kuwait iyo madaxweynaha Mareykank oo kulan ku yeeshey aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa ka wada hadlay sidii loo dejin lahaa xisadaha dhanka diblomaasiyadda ee u dhexeeya Qadar iyo qaar kamid ah wadamada Khaliijka.

Mr Trump ayaa taageeray dadaalada dhex dhexaadinta ah oo wadamadaasi ay ka dhex waddo Dowladda Kuwait, waxayna muujiyeen muhiimadda ay leedahay in wada hadal lagu dhameeyo qalaafaadyada jira.

Hay’adda UNDP oo soo saartay daraasaad ku saabsan sabaha dhalinyarada Africa ay ugu biiraan kooxaha xaq-jiriinta

0

Hay’adda UNDP ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa soo saartay Warbixin cusub oo ay ku sheegtay in sababaha ugu weyn ee dhalinyarada Africa ku riixaya in ay ku biiraan kooxaha xagjiriinta ay ugu wacan tahay saboolnimada, shaqo la’aanta iyo fursadaha nolosha oo aan soo gaarin.

Warbixintan oo ah  tii ugu horreysay ee nooceeda ah ay ee ay soo saarto  Hay’adda UNDP ee QM u qaabislan dhanka mashaariicda horumarinta, ayaa lagu soo bandhigay kulan ka dhacay magaalada Newyork ee xarunta QM.

Xog u ruurin iyo wareysi lala yeeshey ,n ilaa 495 dhalinyaro ah oo ku biirey Alshabaab iyo Boko Haram taasi oo hay’adda UNDP wadday muddo ku dhow 2 sano, ayaa muujinaysa in sababa ugu badan ay qeyb ka yihiin duruufo badan sida iyagoo ka baqaya in loo awood sheegto ama dhibaatooyin kale.

Wakaaladda wararka SONNA oo soo xiganaysa warbixnta UNDP ayaa sheegtay in ilaa 6 wadan oo kamid ah Africa ay saameeyeen rabshadaha argagixisanimada ku dhisan, waxaana kamid ah, Burkina Faso, Cameroon, Côte d’Ivoire, Nigeria, Somalia iyo  Uganda sida daraasaadkaasi lagu sheegay.

Waxaa war bixinta baaq looga soo jeediyay Dowladaha in ay dib u eegis ku sameeyaan howlgalada military ee dhacaya, si looga gaashaanto, xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanah.

Dhalinyarodo ma helin fursado wax barasho waxaa sidoo kale jira dhibaatooyin kale oo ka dhashey dhaqaale la’aan qoysaska taasi oo sahlaysa in dhalinyarada looga faa’idaysto arrimahaasi oo is biirsaday.

Agaasimaha hay’dda UNDP Abdoulaye Mar Dieye o warbixintaasi ka jeediyay xarunta QM ee magaalada Newyork aya sheegay in ka bar oo bar bulshooyinka ku nool Qaaradda Africa ay ku nool yihiin nolol aad u hooseysa,waxaa bar bar socda sida warbixinta lagu sheegay shaqo la’aan baahsan oo haysata dhalinyaradda wadamada Africa intoodi badan.

Xog u rurinta warbixinta ayaa saldhig u ahaa su’aalaha ku aadan, duruufaha qoysaskooda,fursadaha koriimada iyo waxbarashada,iyo aqoontoodi diimeed iyo fikrad ahaan wax ay aamin sanyihiin kuwaasi oo qeyb ka ah wax yaabaha horseeda in dhalinta ku nool wadamada Aftica ay kooxaha hubaysan ay ku biiraan.

Hay’adda UNDP ayaa sheegtay in dad lagu qayaasayo 33,300 qof ay naftoodi kku waayen rabshadaha Argagixisanimo, intii u dhexeysay 2011 ilaa  2016 ,weerarada Bokoharaam kaliya ayaa waxaa ay sababeen dhimashada 17,000 iyo barakacaya 2.8 milyen kuwaasi oo u qaxay wadamada deriska ah.

Wadamada Kenya iyo Nigeria ayaa la sheegay in sidoo kale rashadahaasi hubaysan ay saameeyeen dalxiiskii iyo maalgashigii tooska ahaa ee wadamada dibadda uga imaanayay.

Madaxweyne Trump” Maalin murugo leh ayay noqonaysaa hadii Pyongyang aan u adeegsano talaabo Militari”

0

Donal Jey Trump Madaxweyne Dalka Mareykanka  ayaa ugu hanjabay markale Kuuriyada Waqooyi talaabo military, isagoo sheegay in maalin murugo badan ay u noqoneyso Kuuriyada Waqooyi, haddii Mareykanku uu go’aan sado in talaabo military ah uu qaado.

Hadalkani ayuu jeediayay Madaxweyne Trump xili  uu garab taaganyahay Amiirka dalka Kuwait, Sheikh Sabah al-Ahmad Al-Sabah oo uu ku qaabilay magaalada Washington, su’aalana uga jawaabayay wariyeyaasha,waxaana uu yiri madaxweyne Donal Trump “waxaaan ku rajo weynahay in aanan awoodeenna Milatari u adeegsan doonin Kuuriyada Waqooyi,taasi oo ula jeedo in hadii uu adeegsado dhibaato badan ka imaan karto.

Madaxweyne Trump ayaa ka gaabsaday laba jeer oo la weydiiyay su’aal aheyd in la aqbali karro in Waqooyiga Kuuriya ay iska heysato hubkeeda Nukliyeerka laakiin la xakameeyo oo la cabsigeliyo,balse Mr Trump ayaa xusay in aan wax wada xaajood ah la gali doonaiin Waqooyiga Kuuriya.

Trump waxa uu ku dooday in 25kii sanadood ee la soo dhaafay, maamuladdii soo maray Mareykanka marka kasta oo ay wada xaajood la galaan kuuriyada waqooyi, ay maalinta xigtaa sii wadi jirtay shaqada bacriminta nukliyeerkeeda.

Dhanka kale Amiirka Dalka Kuwait iyo madaxweynaha Mareykank oo kulan ku yeeshey aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa ka wada hadlay sidii loo dejin lahaa xisadaha dhanka diblomaasiyadda ee u dhexeeya Qadar iyo qaar kamid ah wadamada Khaliijka.

Mr Trump ayaa taageeray dadaalada dhex dhexaadinta ah oo wadamadaasi ay ka dhex waddo Dowladda Kuwait, waxayna muujiyeen muhiimadda ay leedahay in wada hadal lagu dhameeyo qalaafaadyada jira.

Roobab dabeylo wata oo sababay qasaare naf iyo maal oo ka da’ay Gobolka Awdal

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Awdal ee Soomaaliland ayaa sheegay in Ugu yaraan 6 ruux oo ay ku jiraa caruur iyo dad waayeel ah ay ku dhintay roobab xooggan oo ka da’ay magaalada Dilla ee gobolka Awdal gelinkii dambe ilaa fiidkii xalay.

Roobabkaasi ayaa watay dabeylo xoogan iyo Dana doo sababay qasaare dhimasho iyo bur bur hantiyadeed,sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta maamulka Gobolka.

“Roobabkani oo ka da’ay gobolkan Awdal qasaaro ayay geysteen,e ayay ku dhileen degmada Baki,3 kalena dhaawac weeye, magaalada borama 2 qof ayaa ku dhimatay, dabeylo iyo Danab ayaa wateen roobabka, qasaare hantiayeed ayaa jira”, sidaasina waxaa yiri Cabdi Nuur Sugaal guddoomiye kuxigeenka Gobolak Awdal.

Waxaa laga cabsi qabaa in qasaaraha uu intaasi ka sii bato, maadaama saameynta roobabkaasi dabaylaha watay ay ballaaran tahay.

Daadad ka dhashay roobab da’ayay ayaa la sheegay in ay jabiyeen balliyo ku yaalla dhanka sare ee magaalada Dilla, waxaana ay waxyeello u geysteen goobo ganacsi ah oo kuyaalay magaaladaasi.

Sanadihii ugu dambeeyey Gobolka Awdal wuxuu ka mid ahaa meelaha ay ka jireen abaarro saameeyay dad aad u fara badan,iyadoo Maamulka Gobolka Awdal uu bishii hore ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dhinaca abaaraha ah, kadib markii afar qof ay abaar ugu dhinteen deegaano ka tirsan Gobolka Awdal.

Waxaa bar bar soconayay howlo loogu gurmanayay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kunool deegaanada ay abaartu ku dhufatay ee Soomaaliland.

Ra’iisulwasaaraha oo Bankiga Adduunka kala Hadlay Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta la kulmay wafdi ka socday Bankiga adduunka oo hoggaaminayso haweeneyda ururkaasi u qaabilsan dalalka Somalia, Tanzania, Burundi iyo Malaawi Bella Bird. Waxayna ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha dawladda iyo bangiga adduunka iyo sidii loo sii adeyn lahaa dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kulanka ku weheliyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), iyadoo intii uu socday kulankani la caddeeyey sida loogu baahan yahay in dhalinyarada Soomaaliyeed loo sameeyo barnaamijyo kor loogu qaadayo khibradooda si ay u helaan xirfado ay ku shaqeystaan, maadaama ay dhalinyaradu tahay laf-dhabarta dalkeena.

“Xukuumaddu waxay ka shaqeyn doontaa sidii ay dhalinyaradu u heli lahaayeen shaqo iyo nolol Wanaagsan, isla markaana loo yarayn lahaa shaqa-la’aanta haysata. In badan oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed wiilal iyo gabdhaba uma suurtagasho in marka ay dugisiyada sare iyo Jaamcadaha ka baxaan ay shaqooyin helaan.” ayuu yiri R/W Khayre.

Wakiilka Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Somalia, Tanzania, Burundi iyo Malaawi Bella Bird oo hoggaamineysay wafdigan ayaa boggaadisay horumarka dhanka Maaliyadda ee sameysay Dawladda Soomaaliya iyo sida ay meel adag isaga taagtay la dagaalanka musuq-maasuqa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Prof C/laahi Sheekh Cali (Qaloocow) ayaa sheegay in ujeedka shirka uu ahaa sidii loo kordhin lahaa dakhliga waddanka, isla markaana dhalinyarada Soomaaliyeed loogu samayn lahaa shaqo abuur iyo xirfado ay noloshooda ku maareeyaan.

DHAMMAAD