Home Blog Page 1570

Minister of Posts, Telecom and Technology urges use of technology in finance and procurement management

0

Minister for Posts, Telecom, and Technology, H.E. Abdi Ashur Hassan, has said that the Ministry will use ICT to ensure implementation of transparent financial and procurement management systems in every department, as part of government’s fight against corruption and promote good governance.

He was speaking at the closing ceremony of four-day workshop on “Capacity building and training on finance and procurement” for Ministry staff, organised by the Ministry in collaboration with ICT Support Project, funded by the World Bank.

The minister advised the new trainees to spread the message of transparent financial and procurement management in their departments so that the national resources are spent without compromise and in the most efficient and effective manner.He said a faulty procurement system leads to distorted development process, weak infrastructure, higher development costs and eventually takes a heavy toll of economic development in the country.

Noting that there is an urgent need for capacity building in the fields of technology, the minister highlighted the Ministry will take a leading role in raising their ICT literacy of finance and procurement staff of all government institutions in order to equip them to face the challenges of modern day financial and procurement management.

The problem lies with the implementation, he said, adding, “We have to ensure that the rules and lessons learned are implemented in practice and spirit.”

At the end, the minister distributed certificates among the participants of the workshop.

ENDS

R/wasaaraha Soomaaliya oo Hambalyo u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed

0

R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mud. Xasan Cali Kheyre ayaa hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha adduunka oo ku asteysan maanta oo ah 1-da May u diray shaqaalaha Adduunka gaar ahaan Shaqaalaha Soomaaliyeed,  isagoo ballan qaaday in xukuumaddu ay joogteen doonto xuquuqda shaqaalaha iyo aqoontoodaba.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay shaqaalaha Soomaaliyeed in ay lafdhabar u yihiin Hormarka Dalka, isagoo Shaqaalaha ku booriyay in ay sii labo jibaaraan adeegyada ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed.

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumaddu ay dadaal dheeraad ah ku bixin doonto sidii shaqaalaha Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqda shaqaalaha adduunka oo kale, wuxuuna intaa raaciyay in la kordhin doono aqoonta shaqaalaha Soomaaliyeed.

Sanad kasta maanta oo kale 1-da May waxaa caalamka laga xusaa maalinta shaqaalaha adduunka, iyadoo manta ay fasax yihiin shaqaalaha Soomaaliyeed si loo weyneeyo maalinta shaqaalaha adduunka.

Soomaaliya iyo beesha caalamka oo u gogol xaaraya heshiis iskaashi oo heer sare ah

0

Shirku wuxuu madaxda sare ee DFS siiyay fursad ay ku soo bandhigaan arrimaha siyaasadda ee mudnaanta u leh ugana doodaan waxyaabaha asaaska u noqonaya heshiis iskaashi oo heer sare ah oo ay Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka ku wada gaari doonaan magaalada London. Heshiiskan wuxuu ka koobnaan doonaa arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin heshiiska amniga; taageerada ku aaddan gurmadka abaaraha iyo soo kabashada dhaqaalaha; iyo arrimaha siyaasadeed ee mudnaanta leh oo ay ka mid yihiin geedi-socodka dib u eegista dastuurka iyo geedi-socod dimoqoraadiyadda oo horseedaya doorashooyin qof-iyo-cod ah oo dhaca sanadka 2020.

Ka-qaybgalayaashu waxay bogaadiyeen heshiiskii siyaasadeed ee ay dhowaan wada gaareen madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, heshiiskaas oo ku saabsanaa naqshadda cusub ee qaabdhismeedka ciidamada amniga Soomaaliya. Heshiiskan wuxuu saldhig u noqonayaa wareejinta qorshaysan ee mas’uuliyadaha sare ee amniga dalka loogu wareejinayo hay’adaha amniga Soomaaliya sanadaha soo socda.

“Kulanka maanta wuxuu ahaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday sidii lagu gaari lahaa heshiis iskaashi oo heer sare ah oo lagu gaari doono Shirweynaha London ee soo socda ee arrimaha Soomaaliya. Shirweynaha London waa fursad weyn oo lagu dardar gelinayo dib u habaynta, laguna xoojinayo iskaashiga u dhexeeya beesha caalamka iyo Soomaaliya, waxaana lagu dejin doonaa arrimaha laga mideysanyahay ee mudnaanta leh sanadaha soo socda si gacan looga geysto sidii dadka Soomaaliyeed loo siin lahaa mustaqbalka ay mudanyihiin” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qamada Midoobay u jooga Soomaaliya, Michael Keating.

“Caqabadaha horyaalla dadka Soomaaliyeed waa kuwo culculus. Waxaa ka mid ah gurmad wax ku ool ah oo laga geysto abaaraha, abuurista shaqooyin iyo dhismaha dhaqaale adkeysi badan leh, hagaajinta amniga iyo xakameynta colaadaha, iyo geedi-socodka lagu xallinayo arrimaha dastuurka si loo xaqiijiyo xasillooni ballaaran iyo dowlad federaal ah oo xooggan. Furaha guusha waa dib u heshiisiin dhex marta dadka Soomaaliyeed, iyo weliba in beesha caalamka laga helo taageero isku xiran oo joogto ah oo wax looga qabto arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya.”

Shirweynaha London ee arrimaha Soomaaliya ee qabsoomaya bisha soo socota wuxuu fursad gaar ah u noqon doonaa xaqiijinta taageero heer sare ah oo caalami ah oo ay hesho Soomaaliya marxaladdan adag ee kalaguurka amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha

DHAMAAD

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo ku baaqay in farsamada casriga loo adeegsado arrimaha maaliyadda

0

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan, ayaa sheegay inay muhiim tahay in farsamada casriga ah loo adeegsado arrimaha la xiriira maamulka maaliyadda iyo qandaraasyada ee dowladda, taasoo qeyb ka noqon doonta dadaalka ay Xukuumaddu ugu jirto la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo dhiirri-gelinta maamul-wanaagga.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay xiritaanka tababar 4 maalmood socday oo loo qabtay shaqaalaha Wasaaradda, oo ku saabsanaa arrimaha maaliyadda iyo maareynta qandaraasyada, kaasi oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda, qaybta Taakuleynta Isgaarsiinta (ICT).

Wuxuu wasiirku kula dardaarmay ka-qeybgalayaashii tababarka inay fuliyaan waxyaabihii ay ka barteen tababarkan, si hantida qaranka aan loo dayicin, iyadoo loo adeegsanayo sida ugu habboon ee ay ku jirto danta ummadda.

Wuxuu wasiirku xusay in nidaamka qandaraasyada oo kharribma uu horseedi karo inaan laga faa’iideysan mashaariicda horumarineed,isla markaana uu kor u kacaya qiimaha mashaariicda horumarineed, taasoo ugu dambeynta dhaawaceysa horumarka dhaqaale ee dalka.

Wasiirka oo hoos ka xarriiqayay baahida loo qabo in la kobciyo awoodda shaqaalaha ee dhinaca teknolojiyada, ayaa sheegay in Wasaaraddani kaalin hormuud ah ka qaadan doono sidii shaqaalaha dawladda ee ka shaqeeya dhinacyada maaliyadda ay u noqon lahaayeen kuwo aqoon u leh oo ku shaqeyn kara farsamada carsiga, si ay ula jaan-qaadi karaan habka maamulka casriga ah.

“Dhibaatadu waxay mar kastaba ka timaaddaa dhanka fulinta. Waa inaad hubisaan in wixii aad barateen loo fuliyo sida ay tahay” ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay ka-qeybgalayaasha.

Ugu dambeyntii wuxuu wasiirku qeybiyay shahaadooyinkii loogu talo galay ka-soo-qeybgalayaasha isagoo balanqaadey in wasaaraddu xoogga saarto tababarada noocan oo kale ah.

Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre oo kula dar-daarmay Ciidamada NISA Dar-dar galinta sugidda amniga iyo xasilinta Caasimadda.

0

Muqdisho 30-Apr-17….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa kula hadlay Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA xaruntii hore ee Xisbiga kuwaas oo ka howlgeli doona sugidda amniga Muqdisho.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay muhiimadda ay ciidamadani u leeyihiin Amniga Caasimadda, isagoo kula dar-daarmay in gacan buuxda lagu qabto cid walba oo dhibaato ku ah amniga iyo kala danbeynta. Waxana uu ka dalbaday qeybaha kala duwan ee bulshada in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, oo ay garabsiiyaan ciidamada si looga guuleysto cadowga had iyo jeer dhibaatooyinka u geysanaya Shacabka Soomaaliyeed.

“Maanta maalin ay Soomaaliya idiinka baahi badan tahay ma jirto, sugida amniga iyo xaqiijinta dawladnimadda Soomaaliya waa mid ku xiran tayadiina ciidan iyo hadba sidaad isu xilqaantaa,” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo intaas ku daray.

“qaranimadu maahan wax laysa siiyo, aduunka cid nasiin karta ma jirto anagu inaan dadaal iyo juhdi ku bixino mooyee, waana taas mida aan idin kugu imid maanta oo weliba hubo ka badan in aad mudan tihiin.” Ayuu yiri asagoo dareensiinayay ciidanka hawsha baaxada weyn oo hortaala.

______DHAMMAAD_______

   

Wasiirka Warfaafinta oo tababar u furay qaar kamid ah Wariyeyaasha Muqdisho

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa maanta magaalada Muqdisho tababar uga furay qaar kamid ah Warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa tababarka u furay ku dhowaad 30 saxafi oo ka shaqeeya warbaahinta ku taala gobolka Benaadir, iyada oo tababarka ay ku qaadan doonaan casharo la xiriira anshaxa iyo qaabka looga shaqeeyo wadamada lamidka ah Soomaaliya.

Wasiirka ayaa hadal kooban ka jeediyey furitaanka tababarka, waxaana uu dardaaran u jeediyey wariyeyaasha loo furay tababarka.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka oo tababbar ku soo qaatay dalka Ingiriiska

0

Waxaa maanta dalka dib ugu soo laabtay sarakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababbar aqoon kororsi ah ugu maqnaa dalka Ingariiska ( UK ).

Saraakiishan ayaa waxa ay soo barteen sida loo hubiyo dukumintiyada iyo hababka Socdaalka waxana ay aqoonta ay soo barteen uga faa’ideyn doonaan saraakiisha kale ee Hay’adda ka howlgasha ee aan fursadda u helin inay ka qeyb galaan aqoon kororsigaasi.

Tababbarkan ay sarakiisha ku tageen Yurub ayaa noqonaya tababarki saddexaad ee saraakiil ka tirsan Hay’adda Soccdaalka iyo Jinsiyadda u tagaan dalalka dunida ugu hormarsan, waxana tababarkan Ingariiska ( UK ) ka horeyay tababbaro kale oo lagu qabtay garoomada diyaaraha ee dalalka Norway iyo Denmark.

23-kii bishan ayay saraakiishan u amba baxeen dalka Ingiriiska, kuwaasi oo tababbar aqoon kororsi ah ku soo qaatay Garoomada diyaaradaha dalka Ingariiska, gaar ahaan Garoomada magaalooyinka London ,  Manchester iyo Birmingham.

Madaxweynaha JFS oo warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya

0

Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya usoo magacaabatay Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa Jamaaludiin Mustafa Cumar waxa uu ka guddoomay warqadihiisa Aqoonsiga danjire Jamaaludiin Mustafa Cumar kadib markii ay dowalda Itoobiya ay dhawaan usoo magcaawaday in uu noqdo Safiirka ku matala Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka dariska la ah Soomaaliya gaar ahaan kuwa ay ciidamadu nabad ilaalinta ka jogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa horay u qaabilay danjirayaal cusub oo qaarkood loo soo magacaabay Ssoomaaliya si loo xoojiyo Xiriirada Soomaaliya kala dhaxeeya caalamka.

 

Shirka Wasiirada Beeraha Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmaya Khartoum

0

Wasiirka wasaaradda Beeraha ee dowaladda fadaraalka ee Soomaaliya  Md: Saciid Xuseen Ciid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku tagay dalka Suudaan, isagoo halkaasi kaga qayb galaya shirka Wasiirada Beeraha ee Jaamacadda Carabta.

Wafdigaan ka socda Wasaaradda Beeraha ee Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ee Khartoum ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Suudaan iyo Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi, Maxamed Cabdullahi Ugaas.

Shirka wasiirada Beeraha ee Jaamacadda carabta  ayaa lagu wadaa in uu ka furmo maanta magaalada Khartoum, waxaana qorshuhu yahay in lagu doorta guddoomiyaha guddiga Beeraha ee Jaamacadda Carabta.

W/D Yuusuf kashmiir-(Kartoum)

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay

0

Kulankan ayaa ajandihiisu waxa uu ahaa magacaabista Gudiyada Aqalka Sare iyo dhagaysiga warbixin Gudiga Doorashooyinka Qaranka kulanka ayaa ahaa kulankii 1aad kalfadhigiisa 27aad ee Aqalka Sare kulanka waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Ugu horayn waxaa la aqriyay magacyada mudanayaasha iyo gudiga lagu qoray qaar ka mid xubnaha aqalka sare ayaa ka hadlay gudiyada lagu qoray .

Intaa ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray oo warbixn xaga shaqadooda laga dhagaystay gudiga doorashooyinka qaranka Sayid Cali Maxamuud oo ah Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Doorashooyinka Qaranka waxa uu sheegay in shaqo ay soo qabteen howl badana ay sugayso.

Qaar la mid ah mudanayaasha ayaa su,aalo ay ka mid yihiin in ay suurta gal tahay qabsoomida doorashada 2020 iyo sida xisbiyada ay u diiwaan galinayaan waydiiyay  Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

xaliimo ismaaciil ibraahin xaliimo yarey gudoomiyaha gudiga doorashooyinka qaranka ayaa ku jawaabtay “Anaga wixii dib u dhac ah xaga doorashada ah shaqo kuma lihin oo marka xiliga shaqada ay isku raacaan ayaa diyaarinaa ,arinta xisbiyada waxaa jira qodabo dastuurka ah taas ayaana la raacayaa”.