Wasaaradda Haweenka oo Kulan wadatashi ah Muqdisho ku qabatay

Date:

Muqdisho (SONNA) Ka mira dhalinta si loo dhameystiro Diyaarinta Xogta ku aadan Axdiga Heshiiska Caruurta oo ay Soomaaliya Saxiixday sanadkii 2015 ayaa Wasaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha waxay Kulan Wadatashi ah la qaadatay Hay’addaha u adeega Bulshada rayidka si ay uga qeyb qaataan in si wadajir ah loo dardar galiyo dhameystirka Axdiga Heshiiska Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed.

Xubnaha ka socday Hay’addaha Bulshada Rayidka ee ka qeyb qalayay kulankan wadatashiga ah ayaa si wadajir ah ugu mideysan in muhiim ay tahay dhamestirka heshiiska caruurta si loo helo xaquuqda caruurta soomaaliyeed ay leeyihiin, Maadaama Axdiga Xuquuqda Caruurta ee Qaramadda midoobay u dhigaayo in aan lagu xadgudbin Caruurta, islamarkaane ay helaan Xuquuqda ay leeyihiin.

Ugu horeyn ayaa waxaa kulanka ka hadlay Agaasimaha Waaxda Horumarinta Qoyska iyo Xuquuqda Caruurta ee Wasaaradda Haweenka Xukuumadda Soomaaliya Faadumo Maxamed Cali iyadoo sheegtay in Bulshada Rayidka ah ay lafdhabar u yihiin hawlaha ay qabato Wasaaradda Haweenka.

Qaar ka mid ah Xubnaha ka socday Hay’addaha bulshada rayidka ayaa soo dhaweeyay kulankan wadatashiga, iyagoona sheegay inay qaadan doonaan Doorkooda ku aadan sidii loo dhameystiri lahaa Axdiga Heshiiska Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed.

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddooyinkan waday kulamo lagu arinsanaayo sidi loo dardar galin laha dhameystirka diyaarinta xogta heshiiska caruurta ee Qaramada Midoobay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...