Booliska Soomaaliya oo kala wareegay qalab Xafiiseed Booliska AMISOM

Date:

Muqdisho (SONNA) Qalabkan oo ay ku deeqday Dowlada Denmark loona soo mariyay Ciidamada booliska AMISOM ayaa waxaa Booliska Soomaaliyeed ku wareejiyay Ms. Christine Alalo oo ah taliye ku xigeenka booliska AMISOM,  iyada uu ka guddoomay Genaral Ahmed Hassan Maalin,Taliyaha Booliska ee Gobolka Banaadir.

“Waxaan leenahay shaqo na loo idmaday waxaana kamid ah inaan caawino Booliska Soomaaliyeed haday ahaan laheyd dhisida aqoontooda,Tababaro ku saabsan Daba gallada, Taageerista xiliyada Howlgalada, anagoo taas kaduuleyno waxaan samaynay.FPU (Formed Police Unit) kuwaas u shaqeeyo si joogto ah. Waxaan sidoo kale leenahay qorshooyin aan ku caawino oo ay kamid tahay Qalabka iyo dhamaan howlaha lagama maarmaanka u ah iney ku shaqeeyaan booliska Soomaaliyeed”. ayay tiri Ms.Allala markii ay ku wareejineysay qalabka Booliska.

Qalabkan oo ka koobnaa Komputaro, nalalka cadceeda ku shqeeyo, Printiro iyo qalab kale ayaa loo qaybin doonaa saldhigyada booliska Gobolka Banaadir.

General Maalin ayaa ka mahad celiyay Deeqda lagu wareejiyay Booliska Soomaaliyeed, asagoo sheegay in qalabkan uu ka caawin doono xoojinta Sharciga iyo ku dhaqankiisa, isla markaana loo qeybin doono 4 xarumood oo kamid ah saldhigyada gobolka Banaadir.

AMISOM ayaa ka caawisa booliska Soomaaliyeed Tababarada iyo Agabyada Xafiisyada, iyadoo ay ka dhaxeyso wada shaqeyn aad u wanaagsan.

Christine Alalo, the Deputy Police Commissioner of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) hands over office equipment donated by AMISOM to the Somali Police Force in Mogadishu, Somalia on September 18, 2017. AMISOM Photo / Mohamed Haji

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...