Home Blog Page 1564

Madaxweynaha Hirshabeele oo la Kulmay Saraakiil Ka Tirsan QM

0

Hiiraan(SONNA) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Saraakiisha UN-ka ee Xafiiska Magaalada Beledweyne, Waxaana kala hadlay xoojinta wax ka qabashada baahiyaha ka jira Hirshabelle iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta iyo dib u dhisa Hirshabelle.

Ugu Horeyn Saraakiisha Ay Wada Kulmeen Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Mas’uuliyada Culus ee 16-kii bishaan loo doortay, waxaana ay muujiyeen sida diyaarka ay ugu yihiin la shaqeynta Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Madaxweynaha Cusub.

Saraakiisha ugu sareysa Xafiiska UN-ka ay ku leeyihiin Magaalada Beledweyne ayaa waxa ay faah faahin ka siiyeen Madaxweynaha howlaha ay ka qabteen Hirshabelle, iyo waxyaabaha horyaala in ay wax ka qabtaan oo ay ka mid yihiin horumarinta Kaabayaasha Dowladda, Dib u dhiska Deegaanada Hirshabelle, iyo arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay sida lagama maarmaanka ay u tahay wanaajinta iyo xoojinta Xiriirka kala dhexeeya Hey’adaha Qaramada Midoobay, waxaana uu ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Maamulka islamarkaana looga jawaabi lahaa baahiyaha deg dega ee soo food saara Bulshada Hirshabelle.

Madaxweyne Waare  oo sii hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in bulshada loo bandhigo waxqabad muuqda oo ay ku qanci karaan taasina looga baahanyahay in UN-ka uu ka shaqeeyo fulinta Mashaariicyo horumarineed oo ay soo gudbin doonto Dowladda Hirshabelle, waxaana ay balanqaadeen Saraakiishaasi fulinta Waxyaabaha uu ka hadlay Madaxweynaha.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday Jawi wanaagsan oo la isku fahmay
waxyaabihii lagu balamayna sida ugu dhaqsiyaha badan loo fuliyo, sidoo kale waxa  ay isla garteen in la joogteeyo kulamada noocaani oo kale ah oo la isku xog wareysanayo.

War-murtiyeedka Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DF & D/Goboleedyada+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada ayaa maanta Muqdisho ku soo gabagaboobay kadib labo cisho oo uu socday.

La-taliyaha Arrimaha Warfaafinta, Xiriirka, iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdoon ayaa Saxaafadda u aqriyay War-murtiyeedka hoos ku qoran:-

WAR-MURTIYEED

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), waxay qabatay kulankii labaad ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Darstuurka ee Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo Maamulka Gobolka Banaadir kaasoo lagu qabtay magaalada Muqdisho 21-22kii Sabtembar 2017.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

UJEEDOOYINKA KULANKA LABAAD EE MADASHA:

1. Isbarashada, soo dhaweynta iyo xog is dhaafsiga Wasiirada cusub ee Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.
2. Sidii Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada looga taageeri lahaa howlaha culus ee loo igmaday lana xiriira Dastuurka gaar ahaan arrimaha waxbarashada madaniga iyo wacyi gelinta dadweynaha.
3. In si wada jir ah loogu diyaargaroobo Shirweynaha Qaran ee daahfurka ololaha Dib-u-Eegista dastuurka kaasoo dhici doona 8–10ka Oktoobar 2017.

MADASHA WAXAA KA SOO BAXAY QODOBADA HOOS KU XUSAN:

1) Madashu waxay soo dhawaysay una hambalyaysay Wasiirada cusub ee Arrimaha Dastuurka Dawlad Goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

2) Madashu waxay ammaan u soo jeedisay daahfurnaanta ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS ku hogaaminayso hannaaka Dib-u-Eegista Dastuurka.

3) Madashu waxay aad u bogaadisay dhismaha Madashaniyo kulamada wadatashiga joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dastuuka XFS ay la yeelanayso Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

4) Madashu waxay taageertay natiijadii ka soo baxday kulankii lagu diyaariyay Qabyo-Qoraalka Istaraatijiyada Waxbarshada Madiniga, Waci-gelinta bulshada iyo Latashiyada Dadweynaha ee lagu qabtay Magaalada Muqdishu 7-10kii Agoosto 2017, kasoo ay ka soo qayb galeen Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir, Xubno ka tirsan bulshada rayidka qaybaheeda kala duwan iyo xeeldheerayaal dhanka arrimaha waxbarashada madaniga iyo wacyi-gelinta bulshada.

5) Madasha waxaa ka go’an daadejinta wacyigelinta bulshada iyo waxbarashada madaniga illaa heer gobol, degmo iyo tuulo,iyadoo kaalin lixaad leh ay ka ciyaarayaan Wasaaradaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyagoo kaashanaya bulshada qaybaheeda kala duwan.

6) Madashu waxay hoosta ka xariiqday in la isku tashado islamarkaana loo hawlgalo sidii loo heli lahaa dhaqaale lagu dardargelinayo waxbarashada madaniga, wacyi-gelinta bulshada iyo latashiyada dadwaynaha, si loo dhamaystiro Dib-u-Eegista Dastuurka.

7) Madashu waxay isla garatay in kulanka saddexaad ee madasha lagu qabto Dowlad Goboleedka Puntland.

8) Madashu waxay soo dhaweysay shirweynaha qaran ee daahfurka Ololaha Dib-u-Eegista Dastuurka oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho 8 – 10 Oktoobar 2017 kaasoo uu furidoono Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, soona xiri doona Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

9) Madashu waxa ay ku baaqaysaa in hay’adaha ku shaqada leh Dib-u-Eegista Dastuurka ay si wadajir ah u wada shaqeeyaan.

10) Madashu waxay soo dhaweysay ayna bogaadisay taageerada dhaqaale ee Maamulka Gobolka Banaadir uu kaga qayb qaadanayo shirweynaha qaran ee daahfurka ololaha Dib-u-Eegista Dastuurka.

11) Wasaaradda Arrimaha Dastuurku XFS waxay mar kale ballanqaaday in ay ka shaqeyneyso sidii loo taageeri lahaa Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyadaiyo Maamulka Gobolka Banaadir si ay howlahooda u gutaan.

12) Madashu waxay si weyn u bogaadinaysaa doorka madaxda sare ee qaranka iyo sida ay uga go’antahay dib-u-Eegista iyo dhameystirka dastuurka waxayna ka codsanaysaa in ay sii laba laabaan dadaalkooda ku aadan Hannaanka Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

13) Madashu waxay u mahad celinaysaa beesha caalamka taageeradooda ku aadan hanaanka Dib-u-Eegista dastuurka iyo dhameystirkiisa.

Wefdi Jubbaland ka socoda oo Mareykanka ku sugan

0

Minnesota(SONNA)  Wefdi Ballaaran oo ka socday Dowlad goboleedka Jubbaland  ayaa  gaaray magaalada Minneapolis ee Gobolka Menisota ee dalka Maraykanka,waxaana wafdigani soo dhaweeyey jaaliyadda Soomaalida ee hlkaasi kunool.

Ujeedada socdaalka wefdigan oo ka socoda Golayaasha kaladuwan ee Dowlada Goboleedka Jubbaland ayaa ah sidii ay kulamo wadataashi ah ula yeelan lahaayeen Jaaliyadda Soomaaliyeed,gaar ahaan tan Jubbaland,iyagoo kala hadli doona sidii looga qeyb qaadan lahaa horumarinta deegaanada uu maamulka uu kataliyo.

C/wahaab Maxamed Daahir oo ah wakiilka Jubbaland ee Waqooyiga Mareykanka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in wefdigan inta uu joogo ay kulamo kaladuwan la yeelana doonaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool halkaasi,iyagoo kala hadlaya dowrka qofkasta uu ka qaadan karo horumarka dhulkiisa Hooyo.

Xubnaha wefdigan ka socoda Jubbaland ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona Mareykanka,si bulshada Soomaaliyeed ay u gaarsiyaan farimaha ay u sidaan,waxayna uga warbixindoonaan xaaladda Dalka gaar, ahaan deegaanada Jubbaland oo ay wakiilka ka yihiin.

Faah faahin ku saabsan dagaal ka dhacay Hiiraan

0

Mudisho(SONNA) Dagaalkani oo u dhexeeyay Maleeshiyaad katirsan Koxda Shabaaab iyo dad shacab ah ayaa maanta ka dhacay deegaanka Farlibaax oo hoostaga magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Maleeshiyaad katirsan Koxda Shabaab ayaa weerar ku soo qaaday deegaankaasi,iyadoo shacabka kunool deegaankaasi Farlibaax oo ka soo horjeeda dhibaatooyinka Shabaab ay ka hortageen weerarkaasi.

Guddoomiyaha deegaanka Farlibaax Jamaal Xaaji Cali oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay maleeshiyada Shabaab oo marka hore weerarka soo qaaday uu soo gaarey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

“Sida aad ogtahayba Alshabaab iyo dadka deegaanka muddo 5 sano ayaay dagaashanaayeen,abaaro salaada Duhur ayay maanta soo weerareen,anaga 1 qof ayaa naga dhintay,iyagana dhankooda khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaan gaarsiinay, xogtoodi waa lahaayay, dib ayaana loo celiyaay,sida aad la ogtahayba meeshani ciidanka  jooga waa dhalinyaro deegaanka ah,waxaana socoda dadaalo maamulka Hirshabeele iyo Dowladda Soomaaliya ay ku qaramaynayaan dhalinyaradani, maadaama ay taabansan yihiin Dowladda Soomaaliya,ayna ladagaalamayaan Shabaab”, Ayuu yir Guddoomiye Jamaal.

Jamaal Xaaji Cali Guddoomiyaha Deegaankaasi Farlibaax ee  Gobolka Hiiraan ayaa ka codsaday Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka HirShabeele in ay gacan ka siiyaan sidii shacabka looga dulqaadi lahaa Argagixisada Shabaab.

Wuxuu intaasi ku daray in dhowr jeer ay duulaan ku soo qaadeen maleeshiayada Shabaab,balse shacabka oo isku duubni muujiyay iska difaaceen alshabaab.

DHAGEYSO WAREEYSIGA KU SAABSAN DAGAALKAASI.

 

Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Guddoomiye Ku Xigeenki Beledweyne Bashiir Dhoore

0

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida xalay ku timid Bashiir Xusseen Dhoore oo horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenkii maamulka iyo maaaliyada degmada Beledweyne, kana mid ahaa Aqoonyahannada gobolka Hiiraan oo xalay ugu geeriyooday magaalada Beledweyne xanuun deg deg ah oo la soo darsay.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Hirshabelle, iyo gaar ahaan qoyska iyo ehelada uu ka tagay marxuum Bashiir Xuseen Dhoore , waxa uu ahaa shaqsi u huray  naftiisa u adeegida Qaranka, waxaana lagu xusuustaa doorkii Shariifka ahaa ee ka shaqeynta arrimaha Bulshada” Ayuu Yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa yiri. “Waxaan Eebe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskiisana Samir  iyo imaan uu ka siiyo.

Allaha u naxariistee Bashiir Xuseen Dhoore ayaa ahaa Aqoonyahan wax  badan ka shaqeeyay Horumarinta arrimaha Bulshada iyo isku xirka ururada Bulshada Rayidka ah.

Faah faahin ka soo baxayso Tahriibayaal ku dhintay xeebaha Liibiya

0

Muqdisho(SONNA) Ugu yaraan 50 qof oo muhaajiriin ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ku Dhinteen  badda Mediterraneanka ee isku xirta Afrika iyo Yurub  ka dib markii doontii ay saarnaayeen uu ka go’ay shidaalkii,iyadoo maraysa xeebaha dalka Liibiya.

Doonta oo ay saarnaayeen ilaa 100 qof oo Tahriibayaal ah ayaa Jimcihii hore ka shiraacatay magaalada Sabratha ee ku taala dhinaca Galbeed ee Dalkaasi, sida ay saraakiil deegaankaas ah u sheegeen BBC-da.

Doonta ayaa badda dul sabaynaysay maalmo ka hor inta aysan dagin, Doonidaasi ayaa markii dambana ku soo caarisay agagaarka magaalada Zuwara ee Dalkaasi Liibiya  saacadihii hore ee Arbacadii.

35 qof oo doontaasi ka badbaaday iyo siddeed mayd ah ayaa la helay”sida ay saraakiishu sheegeen.

Ilaa iyo haatan laba kala cadeyn karo wadamada ay ka soo jeedaan dadkaasi tahriibayaasha ahaa ee badda ku dhintay dhamaan,balse waxaa la aaminsanyahay in ay ka soo jeedaan wadamada Afrika ee Saharaha ka hooseeya.

Afhayeen u hadlay ciidammada badda ee Liibiya ayaa sheegay in dhammaan dadka soo badbaaday ay ka soo jeedaan dalalka Afrika ee Saxaraha  ka hooseeya.

Kumanaan qof o muhaajiriin Afrikaan ah ayaa sanadkanta ku biimeeya naftooda badaha,iyagoo isku dayaya in ay gaaraan wadamada Yurub, si ay u helaan nolol ka duwan midda ka jirta wadamada ay ka soo carareen oo qulqulatooyin iyo colaado sokeeye ragaadiyay.

Dalalka Midowga Yurub iyo QM ayaa isku dayay in ay ka hortagaan khatarahaasi la gudboon muhaajiriinta,waxaana badada ku dhintay kumanaan qof,o isugu jir acaruur iyo haween,xili ay isku dayayaan in ay ka gudbaan badda si ay u gaaraan wadamada Yurub

 

Madaxweyne Uhuru Kenyatta” Maxakamadda sare waxay sameysay inqilaab”

0

Muqdisho(SONNA) Guddiga Doorashooyinka madaxtinimo ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqey in dib loo dhigay doorashada  26-ka bisha soo socota ee Octobar,Waxayna gudiga doorashooyinka Kenya doonayaan in wax laga badalo howlaha doorashada,iyaoo hore qorshuhu uu ahaa in Doorashada ay dhacdo 17-ka Octobar.

Dhanka kale war uu soo saaray Madaxweyne Uhuru Kenyata ayaa maxkamada saree e dalka ku eedeeyey inay inqilaabeen dadka reer Kenya,kadib markii Maxkamada sare ee Kenya oo  waxba kama jirraan ka soo qaaday oo laallay natiijooyinkii doorashadii horray u dhacday.

Dadka odoroosa arrimaha Siyaasadda Kennya iyo kormeerayaasha caalamiga ah ayaa muujinaya cabsi laga qabo xiisadaha siyaasadeed ee haatan jirra,maadaama weli ay sii kordhayaan walaaca iyo muranada siyaasadeed.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa heley codad gaaraya 54. Halka Raila Odingana la sheegay inuu hellay boqolkiiba 44, natiijada doorashadii hore ee dhacday balse maxakamaddu ay laashey.

Sanadii 2007-dii ayaa rabshadihii dhacay doorashada ka dib waxaa ku dhintay  1200 oo qof kadib markii xiisado siyaasadeed ay ka dhasheen doorashooyinka.

Faah faahin ka soo baxayso Tahriibayaal ku dhintay xeebaha wadanka Liibiya

0

Ugu yaraan 50 qof oo muhaajiriin ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ku Dhinteen  badda Mediterraneanka ee isku xirta Afrika iyo Yurub  ka dib markii doontii ay saarnaayeen uu ka go’ay shidaalkii,iyadoo maraysa xeebaha dalka Liibiya.

Doonta oo ay saarnaayeen ilaa 100 qof oo Tahriibayaal ah ayaa Jimcihii hore ka shiraacatay magaalada Sabratha ee ku taala dhinaca Galbeed ee Dalkaasi, sida ay saraakiil deegaankaas ah u sheegeen BBC-da.

Doonta ayaa badda dul sabaynaysay maalmo ka hor inta aysan dagin, Doonidaasi ayaa markii dambana ku soo caarisay agagaarka magaalada Zuwara ee Dalkaasi Liibiya  saacadihii hore ee Arbacadii.

35 qof oo doontaasi ka badbaaday iyo siddeed mayd ah ayaa la helay”sida ay saraakiishu sheegeen.

Ilaa iyo haatan laba kala cadeyn karo wadamada ay ka soo jeedaan dadkaasi tahriibayaasha ahaa ee badda ku dhintay dhamaan,balse waxaa la aaminsanyahay in ay ka soo jeedaan wadamada Afrika ee Saharaha ka hooseeya.

Afhayeen u hadlay ciidammada badda ee Liibiya ayaa sheegay in dhammaan dadka soo badbaaday ay ka soo jeedaan dalalka Afrika ee Saxaraha  ka hooseeya.

Kumanaan qof o muhaajiriin Afrikaan ah ayaa sanadkanta ku biimeeya naftooda badaha,iyagoo isku dayaya in ay gaaraan wadamada Yurub, si ay u helaan nolol ka duwan midda ka jirta wadamada ay ka soo carareen oo qulqulatooyin iyo colaado sokeeye ragaadiyay.

Dalalka Midowga Yurub iyo QM ayaa isku dayay in ay ka hortagaan khatarahaasi la gudboon muhaajiriinta,waxaana badada ku dhintay kumanaan qof,o isugu jir acaruur iyo haween,xili ay isku dayayaan in ay ka gudbaan badda si ay u gaaraan wadamada Yurub

Madaxweyne Uhuru Kenyatta” Maxakamadda sare waxay sameysay inqilaab

0

Guddiga Doorashooyinka madaxtinimo ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqey in dib loo dhigay doorashada  26-ka bisha soo socota ee Octobar,Waxayna gudiga doorashooyinka Kenya doonayaan in wax laga badalo howlaha doorashada,iyaoo hore qorshuhu uu ahaa in Doorashada ay dhacdo 17-ka Octobar.

Dhanka kale war uu soo saaray Madaxweyne Uhuru Kenyata ayaa maxkamada saree e dalka ku eedeeyey inay inqilaabeen dadka reer Kenya,kadib markii Maxkamada sare ee Kenya oo  waxba kama jirraan ka soo qaaday oo laallay natiijooyinkii doorashadii horray u dhacday.

Dadka odoroosa arrimaha Siyaasadda Kennya iyo kormeerayaasha caalamiga ah ayaa muujinaya cabsi laga qabo xiisadaha siyaasadeed ee haatan jirra,maadaama weli ay sii kordhayaan walaaca iyo muranada siyaasadeed.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa heley codad gaaraya 54. Halka Raila Odingana la sheegay inuu hellay boqolkiiba 44, natiijada doorashadii hore ee dhacday balse maxakamaddu ay laashey.

Sanadii 2007-dii ayaa rabshadihii dhacay doorashada ka dib waxaa ku dhintay  1200 oo qof kadib markii xiisado siyaasadeed ay ka dhasheen doorashooyinka.

Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Guddoomiye Ku Xigeenki Beledweyne Bashiir Dhoorre

0
Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida xalay ku timid Bashiir Xusseen Dhoore oo horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenkii maamulka iyo maaaliyada degmada Beledweyne, kana mid ahaa Aqoonyahannada gobolka Hiiraan oo xalay ugu geeriyooday magaalada Beledweyne xanuun deg deg ah oo la soo darsay.
“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Hirshabelle, iyo gaar ahaan qoyska iyo ehelada uu ka tagay marxuum Bashiir Xuseen Dhoore , waxa uu ahaa shaqsi u huray  naftiisa u adeegida Qaranka, waxaana lagu xusuustaa doorkii Shariifka ahaa ee ka shaqeynta arrimaha Bulshada” Ayuu Yiri Madaxweyne Waare.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa yiri. “Waxaan Eebe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskiisana Samir  iyo imaan uu ka siiyo.
Allaha u naxariistee Bashiir Xuseen Dhoore ayaa ahaa Aqoonyahan wax  badan ka shaqeeyay Horumarinta arrimaha Bulshada iyo isku xirka Ururada Bulshada Rayidka ah.