Home Blog Page 1564

Taariikh kooban: Aasaaskii Ururka Caalamiga ah ee Shaqaalaha Dunida ILO (Warbixin)

0

 Inkastoo xilligii kala duwanaa ee uu jireay bini’aadamka gaar ahaan  bilowgii hababkii ,dhul-goosiga iyo is-adoonsiga ee caalamka ay muuqdeen tacadiyo ku dhacayey dadka xoogsatada ah ama shaqaalaha haddana  waxaa si toos ah loo xusi karaa waqtigii ay soo ifbaxeen   kacaankii warshadaha oo ku beegnaa sanadkii 1770-kii,kaas oo  dalal badan ay  horumar ka gaareen dhinaca  warshadaha,iyo beeraha.

Dabayaaqadii qarnigii 18-aad waxaa bilowday dhaqdhaqaaqyo iyo kacdoonno lagu raadinayo in xoogsatada ka howlgala warshadaha,beeraha,macdan qodista iyo kuwa kale  ay helaan xuquuq iyo xoriyad dheeraad ah arintaasina waxa ay abuurtay  in uu isbadal ku yimaado dhinacyada ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arimaha bulshada ee inta badan dalalka caalamka ah.

Xoogsatada ama  shaqaalaha oo ahaa dad muruqmaal ah oo dantu bidday in ay  ku shaqeeyaan duruufo adag oo u saamaxay in ay  dulqaad u yeeshaan dhibaatooyinkii kaga imaanayey milkiliyaasha ama loo shaqeeyaha,haddana waxay  gacan  ka geysteen xagga  waxsoosaarka iyo sameynta nuucyada kala duwan ee gaadiidka dadweynaha,sameynta biraha xadiidka, tareenada,maraakiibta,gawaarida,diyaaradaha iyo warshadaha dharka.

Tusaale ahaan Boqortooyada Ingiriiska oo gumeystay dalalka caalamka intooda badan iyo Mareykanka oo xornimo ka qaatay Boqortooyadaasi ayaa ahaa dalalkii ugu horeeyay ee aqoonsada midowga ururada xoogsatada ama shaqaalaha

Midowga xoogsatada Ingiriiska waxaa saarnaa cadaadis illaa laga soo gaaro sanadkii 1882-dii inkasta oo shaqaalaha ka howlgalayey magaalada London ay ahaayeen kuwo ka nolol wanaagsanaa kuwa gobolada kale sida Weylis,Iskotlan iyo Airlan,waxaana isla sanadkaasi goboladaasi ku fiday kacdoono shaqaale oo la doonayey in lagu madaxbaneeyo xoogsatada oo markii dambe qarnigii 19-aad ay u suurtagashay in ay helaan  wakiillo matalaya midowga ururada oo ka shaqeeya danaha xoogsatada haddaay ahaan lahaayeen shaqaalaha warshadaha,kuwa qoda macdanta,beeraha iyo kuwo kale.\

Markii ugu horeysay dalka Mareykanka waxaa qeybo kamid ah sanadkii 1882 lagu  qabtay maalin loogu magic daray maalinta shaqalaha,kadibna  waxaana sanadkii 1896-dii guud ahaan gobolada dalka Mareykanka ka bilowday aqoonsiga xoriyadda ay leeyihiin xoogsatada ama  shaqaalaha ,waxaana tallaabadaasi ku soo biiray dalal badan oo reer galbeed ah

xoogsatada dalka Faransiska waxa ay soo bilowdeen 1895–1914 inkastoo ay jireen maamullo fowdo ah oo adeegsanaayey awood. 1906 shaqaalaha ama xoogsatada dalkasi waxa ay ku andacoodeen in xornimo buuxda la siiyo midowga xoogsatada. 1909 qaar kamid ah maamulayaashii xoogsatada iyo boqolaal shaqaale ah ayaa la dilay kadib kolkii ciidamada Faransiiska ay isku dayeen in ay kala eryaan dad shaqaale isu soo baxay

Dhalashadii ururada xoogsatada dalka Talyaaniga  waxa a sanadkii 1861-dii kadib ay ku bilowdeen socod ama dhaqdhaqaaq gaabis ah oo ka muuqday xirfadaha   ururo kala duwan .3-dii June 1944 xilligaasi oo Talyaaniga uu ka qeybqaadanaayey dagaalkii labaad waxaa heshiis wada saxixay guddiyo ka socday ururada Shuuciga,Bulshada iyo Katooliga,kuwaas oo matalayey xoogsatada ama shaqaalaha ,isla markana doonayey  midowga  shaqaalaha .Sanadkii 1950-kii waxaa dalka Talyaaniga lagu aasaasay midowga shaqaalaha Talyaaniga Italiana del Lavoro )

Midowga xoogsatada dalka Kanada waxa uu ahaa mid jiray illaa 1800 kuwaas oo ay muuuqdeen sida midowga xoogsatada xirfadaha badaha xilligii ay socdeen dagaaladii lagu joojinaayey adoonsiga dadka ee snadkii 1812-kii . Midowga Xoogsatadii  kanada wxa ay horay xiriir ula lahaayeen farsamayaqaanada Ingiriiska ee ka tagay dalka Ingiriiska oo xambaarsanaa dhaqan ahaan ama fikradaha ay ku shaqeynayeen midowga xoogsatada Boqortooyada Ingiriiska. .Midowga Xoogsatada Ingiriiska ee ka howlgalaayey dalka Kanada ayaa xarumo badan oo xagga shaqada ah ku yeeshay dalkaasi. .Midowga xoogsatada Kanada waxa ay sidooo kale xiriir la lahaayeen ku Mareykanka.

Xisbiga shaqaalaha dalka Australia ayaa hogaaminaayey dhaqqdhaqaaqii shaqaalaha horaantii qarnigii 20-aad, Kaas oo orod ugalay in la dhameeyo xaaladaha caruurta lagu shaqeeyo,in la hormariyo badbaado qabka shaqaalaha,kordhinta mushaarooyinka midowga xoogsatada iyo kuwa aan ku jirin midowgaasi iyo kor u qaadidda waxyaabaha dabooli kara baahida bulshada sida nolosha,wxbarashada iyo yareynta saacadaha shaqada

Midowga shaqaalaha dalka Jaban waxa uu soo ifbaxay xiliyaddii(Meiji ) ee October 23, 1868  illaa  July 30, 1912 oo talada ay hayeen  boqortooyadii dalkaasi,waxyna illaa laga soo gaarat 1945-tii ay ahaayeen kuwo uu hooseeyay xuquuqda ay lahaayeen . Dagaalkii labaad markii uu Mareykanku qabsaday dalka jaban,waxaa bilowday dhiirigalinta iyo aasaaskii xornimo doonka ururad xoogsatada dalkaasi,isla markiiba waxaa xubno buuxa ka noqday 5-milyan oo shaqaale ah

Bilowgii qarnigii 19-aad dalalka Scandinavia midowga xoogsatada waxa ay ahaayeen kuwa ugu badan shaqaalaha dalalkaasi ,isla markaana heystay xaqa iyo xuquuqda shaqo .Tirada ugu bad ee xubno ka ah midowga xoogsatada ayaa xilligaasi lagu sheggay in ay ka jireen dalalka Sweden ,Denmark iyo Filland

Xoogagga shaqaalaha dalka Jarmalka waxa ay leeyihiin taariikh dib u galeysa kacaankii Jarmalka ee sanadkii 1848-dii ,illaa haddana waxa uu door muhiim ah ka qaataa dhaqaalaha dalkaasi iyo xagga wax soo saarka bulshada. .Muhiimaddda  ugu weyn ururada shaqaalaha waa  midowga  ururka xoogsatada shaqaalaha oo loo yaqaanno  (Deutscher Gewerkschaftsbund,kuwaas oo ay wakiilllo ka yihiin wax ka badan 6-milyan oo ruux.

Haddaba, Iyadoo lagaduulayo cabashooyinka iyo kacdoonada kale ee ay ku dhaqdhaqaaqeen xoogsatadii ku noolaa dalalka Yurub iyo kuwii kale  waxa ay sababeen in sanadkii 1919-kii la unko Ururka Caalamiga ah ee Shaqaalaha dunida ILO ,kadib kulan magaalooyinka Paris iyo Washington ay isugu yimaadeen wakiilada sagaal dal oo kala ah Belgium, Cuba, Czechoslovakia, France, Italy, Japan, Poland,Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka, kaas oo uu hogaaminaayey  Samuel Gompers oo ah madaxa shaqaalaha Federaalka ah ee Mareykanka AFI

Isla sanadkasi ,gaar ahaan bilihii January iyo April  waxaa la sameeyay dastuurka ururka shaqaalaha oo dhigayey in la yareeyo saacadaha haqada oo lagu soo kobo muddo 8-saacadood ah,dhowrista xuquuqda shaqaalaha,ilalinta dadka da’da ah iyo haweenka,iyadoo mudnaanta la siinayo  Urur ay ku mideysan yihiin xubno ka socda dowladaha,Shaqaalaha iyo xoogsatada oo maamula ururka caalamiga ah ee shaqaalaha dunida .

Waxaa marag-madoonto ah in dad badan oo xoogsato ah ay soo gaartay waxyeelooyin kala duwan oo isugu jiray dhimasho kumanaan ruux ah,dhaawacyo aan la qiyaasi Karin iyo  shilal kale mudadii ay socdeen kacdoonadii looga horjeeday milkilayaasha warshadah iyo beeraha sanadihii u dhaxeyay dabayaaqadii qarnigii 18-aad iyo bilowgii qarnigii 19-aad.

Dhismaha ururka ILO  ee shaqaalaha dunida sanadkii 1919-kii waxa  uu calaamad u noqday  soo afjaridda  dagaalkii koowaad ee calamka,kaas oo muujiyay kalsooni iyo is aaminsanaan caalamka ah oo aakhirkii keenay nabad dhameystiran oo salka ku heysa bulsho caddaalad ah.

Sanadkii 1920-kii,waxaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee maamula ururka shaqaalaha dunida ILO loo doortay  France’s Albert Thomas waxaana labadii sano ee u horeysaay  xubno ka noqday 16 urur weyne halka 18-urur oo kale ay codsadeen in ay ku soo biiraan

1926 Guddi khuburo ah  of la socda howlaha ILO ayaa la sameeyay kuwaas oo howshodu aheyd kormeerka foomamka ama diwwnka ururda ku soobiiraya ILO ,guddigaasina waa mid illaa hadda shaqeeya ,wuxuuna ka koooban yahay xeerbeegto madax bannaan oo mas’uul ka ah in ay la socdaan warbixinada dowladaha  iyo soo bandhigidda sanad kasta warbixinada laga soo uruuriyo xoogsatada ama shaqaalaha dunida haddey ahaan lahaayeen tacadiyo loo geysto ama ammaanta ay leeyihiin.

Bishii  May 2012 waxaa hogaamiyihii ururka ILO ama Agaasimihii guud ee  tobnaad loo doortay  Guy Ryder oo u dhashay dalka Ingiriiska,waxaana uu mar kale ku guuleystay in la doorto shan sano oo kale.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

Madaxweynaha JFS oo goor-dhow u duulay Dalka Ingiriiska

0

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa saakay ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde isagoo ku sii jeeda Dalka Britain, haakaas oo uu Madaxweynuhu ku shir gudoomin doono shir Caalami oo laaga hadlayo Arimaha Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha waxaa ku wehliyey R/wasaare ku-xigeenka Dalka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Madaxweynaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in shirkaas ay Dowladdu la hortagi doonto Qorshoyaal ku saleysan Baahida Soomaaliya Xiligan ay qabto.

Ajandayaasha Shirka  London looga hadli doono ayaa kala ah Arrimaha Amaniga ,Kobcinta dhaqaalaha,Siyaasada ,Dib u eegista Dastuurka iyo Wadashaqaynta Beesha Caalamka iyo Dowladda 4-Sanao ee soo socota.

Shirka  ayaa dhici doona maalmaha Arbacada iyo Khamiista oo ku beegan 10-ka ilaa 11-ka bishan, waxaana haatan London ka socda shirar la xiriira qabanqaabada shirka.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo magacaabay Golaha Amniga Gobalka

0

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Golaha Amniga Gobolka Banaadir, kaasi oo waajibaadkiisa shaqo uu noqon doono sugida Amniga iyo xasiloonida Gobalka Banaadir.

Afhayeenka Gobalka Banaadir oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Golahan uu Guddoomiye u yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayna Xubin ka yihiin Golahan Xubnaha kala ah:-

1- Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga

2- Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir

3- Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Qaranka

4- Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska

5- Taliyaha Nabadsugida

6- Taliyaha Qeybta 12-ka April ee Ciidamada Xoogga dalka

7- Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Gudoomiyaha Gobollka Banaadir oo AMISOM Ka mamnuucay Wadadda Maka Al-mukaraha soona saaray amaro kale.

0

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed uu Soo Saaray Amar Looga Mamnuucayo Maridda Gaadiidka Ciidanka AMISOM Wadadada Makka- Al-mukarama oo Ka Bilaabaneysa Isgooska Sayidka (Oto-Oto) Ilaa Isgooska Benaadir Laga Bilaabo Saacadaha 6:00 Subaxnimo Ilaa 12:00 Habeenimo.

Sidoo kale  Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho ayaa soo saaray  Amar Looga Mamnuucayo In Gawaarida La dhigto dhinacyadda Wadaddooyinka Maka Al-Mukaramaha iyo Wadada ka baxda Km4 ilaa garoonka Aadan Cadde.

Amaradan lagu diidayo in gawaaridda la dhigto dhinacyadda laamiga ayaa looga gol leeyahay in la yareeyo Qatarta ka dhalan karto qaraxyadda Gaawaarida lagu soo xiro oo ay dad badan oo shacab ah ku dhamaadaan , waana tilaabo wanaagsan oo qeyb ka noqon karto amniga Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul waasaraha oo booqday mid kamid ah maraakiibta howlgalka Atlanta

0

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulan saacado qaatay kula yeeshay , danjiraha midowga Yurub ee Soomaaliya, taliyaha howlgalka ATLANTA ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya markab dagaal oo ay leedahay dowladda Spain isla markaana qeyb ka ah howlgalka ATLANTA, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada shaqeyn iyo iskaashi oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo oo saxaafada kula hadashay gudaha markab howlgalka ATLANTA ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in ay Soomaaliya ka gacan siiyaan dib u soo celinta hey’adaha dowliga ah.

“Waxaan ka wada hadlney weeraradii u dambeeyay iyo sida aan ugu walacsan nahay falalka burcad badeeda, sida ugu wanaagsan oo aan dowladda Soomaaliya ugu caawin karno wax ka qabashada arintaas, anaga muddo dheer ma sii awoodi doono in aan ilaalino xeebaha Soomaaliya, waxaana ka shaqeynaynaa sidii loo heli lahaa in Soomaaliya ay ayadu awoodo in ay ilaashato amnigeed,” ayay tiri  MS. Lorenzo.

MAJ. Janaral Robert Magawan oo ah taliyaha howlgalka ATLANTA ee xeebaha dalka ayaa sheegay in shaqo wanaagsan ka qabteen biyaha Soomaaliya mudadii ay ka howlgalayeen isla markaana ay ka hortageen falal badan oo kooxaha burcad badeeda ah ay ka geysteen biyaha dalka, isagoo sidoo kale tilmaamay in bilihii u dambeeyay weerarada ka dhacay xeebaha dalka ay muujineyso sida burcad badeeda isugu dayayaan in ay mar kale dib u soo laabtaan.

Mudane Xasan Cali Kheyre, ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa midowga Yurub ugu mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay in midowga Yurub ay ka codsadeen xoojinta iyo dar dargelinta howlaha loogu hortagayo kaluumeyiga sharci darada ah ee ka dhacay biyaha Soomaaliya.

“ Waxaan ka wada hadalney sidii shaqooyinka ay wada qabtaan midowga Yurub iyo Soomaaliya ay noqon lahaayeen kuwo muuqda loona xoojin lahaa, sidii aan ugu wada shaqeyn laheyn in burcad badeeda anaga aan isaga difaaci laheyn tababar iyo qalabna loo siin lahaa ciidanka waana ku heshiiney sidii aan ugu wada shaqeyn laheyn,” ayuu sheegay ra’iisul was are Kheyre.

Dowladaha ku bahoobey ururka midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka caawiya arimaha badan oo ay kamid tahay amniga iyo mashaariic horumarineed oo qeybo kamid ah dalka ay ka fuliyaan, iyadoo maraakiib dagaal oo dalalkaas ay leeyihiin ay ku sugan yihiin biyaha Soomaaliya kuwaas oo la dagaalama kooxaha burcad badeedka Soomaalida ah.

     

Warmurtiyeedka Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya Muqdisho

0

Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo ay wehliyaan ururadda weriyayaasha iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, ayaa ku yeeshay Hoteelka Coconut Resort Beach ee magalada Muqdisho 6dii ilaa 8dii May 2017 Kulan wadatashi ah oo uu gudoominayey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar), ayaa furay shirka 6da May 2017, waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska (WWDHD) ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), Wasiir Ku-xigeenka (WWDHD) Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis, Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Cabdinur Cali Adan, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Bulshada ee Koofur-Galbeed ee Soomaaliya Mudane Xasan Cabdi Maxamed, Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Hidaha iyo Dhaqanka ee Puntland Mudane Abdifatah Nur Ashkir , Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee GalMudug Dahir Farah Fiidow, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta HirShabelle Abdikarin Maxamed Diriye, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqalka iyo Dalxiiska HirShabeelle, Mahad Xassan Osman.

Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wakiilo ka socday Gobolada Banadir, iyo ururada madaxa bannaan ee saxaafadda gaarka loo leeyahay.

Shirkan waxaa la soo gabagabeeyay 8da May, 2017, waxaana soo xiray Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre.

Kulanka 3da cisho socday, ayaa lagu lafoguray arrimo ay ka mid yihiin:

1. Dib u eegista Xeerka Saxaafadda;
2. Dib u eegista Istraatejiyada Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ee 5ta sano;
3. Diyaarinta Qorshaha & Istraatejiyada Wacyigelinta Bulshada Soomaaliyeed
4. Dhaqangelinta Istraatejiyada Qaranka ee Ka Hortaga Fikirka Xagjirka;
5. iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka, wadashaqeynta iyo Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya.

Wadatashi dheer kadib, ka qeybgalayaashu, waxey isla garteen qoddobadan soo socda:

1. Ka qeybgalayaasha shirku, waxay u mahadceliyeen Wasaarada Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada sida wanaagsan ee ay u soo abaabuleen shirkan muhiimka ah, waxayna soo dhoweeyeen una mahadceliyeen madaxda iyo suxuufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay ee ku aadan doorkooda wadatashiga iyo soo gudbinta fikradahooda ku aadan arrimaha lagu lafoguray shirka.
2. Ka qeybgalayaashu, waxay isla qiimeeyeen duruufaha ay ku shaqeeyaan weriyayaasha iyo guud ahaan warbaahinta Somaaliyeed, waxayna ammaaneen horumarka laxaadka leh ee ay sameynayso warbaahinta Soomaaliyeed. Waxayna xaqiijiyeen in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xoriyadda Saxaafadda iyo xoriyatul qowlka sida uu qabo qodobka 18-aad ee dastuurka KMG ah ee dalka.
3. Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in ay dib u eegis lagu sameeyo qodobada cabashada laga qabo ee Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed ee baarlamaanku ansixiyay 26 December, 2015, madaxwaynuhuna saxiixay 9 January, 2016. Kaasoo la soo jeediyay in muddo laba todobaad gudahood ah ay dowlad goboleedyada iyo saxaafaddu ugu soo gudbiyaan wasaaradda warfaafinta si xeerku noqdo mid la jaanqaadi kara nidaamyada caalami ah ee saxaafadda.
4. Ka qeybgalayaashu, waxay isku raaceen in Xeerka Saxaafadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, uu noqdo kan qaranka, ayna Dowlad Goboleedyadu si buuxda u waafajiyaan xeerarkooda saxaafadda.
5. Ka qeybgalayaashu, waxay isla garteen in dhaqangelinta Xeerka Saxaafadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya laga wada shaqeeyo, bacdamaa xeerku uu maareeynayo cabashooyinka iyo hab-dhaqanka shaqsiyaadka ama hay’adaha warbaahinta ee ku xadgudba xeerka saxaafadda, anshaxa iyo asluubta warbaahinta. Waxaana la isla qaatay in ay lagama maarmaan tahay in dhammaan dalka laga sameeyo wacyigelin lagu sharaxayo muhiimadda dhaqangelinta xeerka saxaafadda. Fulinta barnaamijkan waxaa laga codsaday hay’adaha warbaahinta taageera iyo beesha caalamka in ay gacan ka geystaan dhaqangelinta Xeerka Saxaafadda.
6. Ka qeybgalayaashu, waxay dib u eegis ku sameeyeen isla markaasna ay isku waafaqeen in la dhaqangeliyo Istraatejiyadda Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ee 5ta sano ee soo socota (2017 – 2021).
7. Ka qeybgalayaashu, waxay ku ballameen in ay si wadajir ah u wada dhaqangeliyaan Istraatejiyada, iyagoo kaashanaya shacabka, suxufiyiinta Soomaaliyeed, ururada matala warbaahinta iyo beesha caalamka. Waxaana marwalba door hoggaamineed iyo isku xir qaadanaya Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la tashaneysa Dowlad Goboleedyada, iyo qeybaha kale ee warbaahinta madaxa bannaan.
8. Ka qeybgalayaashu, waxay ku heshiiyeen in ay yeeshaan wadashaqeyn buuxda, oo dhan walba ah sida diiwaangelinta hay’adaha warbaahinta ka howlgala dalka, sharci-siinta hay’adahaas, iyo in ay xiriir wanaagsan ka yeeshaan arrimaha deegaan walba ku soo kordha. Waxaana hoggaanka iyo isku xirka marwalba leh Wasaarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka.
9. Ka qeybgalayaashu, waxay cambaareeyeen ficilada dilka, dhaawaca iyo hanjabaadaha ah ee kooxaha argagixisada ah ku hayaan umadda Soomaaliyeed, waxayna ciidamada amniga ugu baaqeen in ay gacanta ku soo dhigaan dembiilayaasha oo sharciga la hor keeno, si loo joojiyo isla-xisaabtan la’aanta, isla markaana dambiilayaasha aan loo oggolaan in ay bulshada ku dhexmilmaan, iyagoo aan cadaalada la horgeynin.
10. Ka qeybgalayaashu, waxay ammaan iyo mahadcelin u jeediyeen dawladaha iyo hay’adaha taageera warbaahinta Soomaaliyeed, waxayna ugu baaqeen in ay sii xoojiyaan taageeradooda xilligan warbaahinta Soomaaliyeed gelayso marxaladda cusub.
11. Ka qeybgalayaashu, waxay ugu baaqeen hay’adaha iyo ururada taageera warbaahinta Soomaaliya ama ka shaqeeya arrimaha warbaahinta in ay iska diiwaangeliyaan Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ka hawlgalayaan, una gudbiyaan taariikhdooda, qorshahooda iyo qorshe hawleedkooda, oo dhameystiran.
12. Ka qeybgalayaashu, waxay soo jeediyeen in Wasaaradda Warfaafinta Federaalka lagala tashto dhammaan mashaariicda warbaahinta ee hay’adaha caalamku ay ka fulinayaan dalka, oo aysan hay’adna ka howlgeli karin dalka, iyagoo aan oggolaansho ka helin Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ka howlgalaan.
13. Ka qeybgalayaashu, waxay xuseen in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ay ku midoobaan dhaqangelinta Wacyigelinta Bulshada sida Abaaraha, amniga, la dagaalanka Musuqmaasuqa, Dastuurka, nidaamka federaalka, doorashooyinka, dib-uheshiinta, Dowlad-wanaagga, la dagaalanka Jahliga iyo fikirka xagjirka ah. Waxaana la isla gartay in si mideysan, oo xilkasnimo leh looga wada howlgalo diyaarinta Qorshaha iyo Istraatejiyadda Wacyigelinta.
14. Ka qeybgalayaashu, waxay soo dhoweeyeen Istraatiijiyadda Qaranka oo Dhamesytiran ee ka hortagga fikirka xagjirka ah (CVE), isla markaasna waxay isla garteen muhiimadda dhaqangelinta Istraatiijiyaddaas, iyadoo Wasaaradaha Warfaafinta ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ay u istaagayaan isku-xirka iyo xiriirinta Barnaamijkan, iyagoo kaashanaya dhammaan hay’adaha ay khuseyso sida Wasaaradaha Amniga, Arrimaha Diinta, Waxbarashada, Dhalinyarada, Haweenka & Xuquuqul Insaanka iyo Garsoorka. Xarunta Qaranka ee iskuxirkana ay hoos-timaaddo Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
15. Ka qeybgalayaashu, waxay ku heshiiyeen in shirkan la joogteeyo, labadii biloodba marna lagu qabto mid ka mid ah caasimadaha dowlad goboleedyada dalka.
16.
Ugu dambeyntii ka qeybgalayaashu, waxay ka codsadeen hay’adaha caalamka iyo dowladaha taageera Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya in Shir Deeqbixiyeyaasha ah loo qabto sida ugu dhaqsiyaha badan si loo codsado miisaaniyada lagu fulinayo Istraatiijiyadda Warbaahinta Dalka, Xeerka Saxaafadda iyo Wacyigelinta Bulshada. Waxaana laga codsaday Kooxda Teegeerta Warbaahinta Soomaaliya (Somali Media Supporting Group (SMSG)) in ay door hoggaamineed ka qaataan hirgelinta kulanka yabooha horumarinta warbaahinta Soomaaliya.

 


Ra’iisul Wasaare Khayre oo soo xiray Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta Dalka.

0

Muqdisho, 08 May 2017– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta Muqdisho ku soo gabogabeeyey Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta Dalka oo muddo 3 cisho ah socday 6da May ilaa 8da May 2017.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyey xiritaanka Shirka Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ayaa u mahadceliyey Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo shirgudoominayey Shirka Wadatashiga ah oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirada Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, madaxda ururada warbaahinta iyo bulshada rayidka ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Wasaarada kale ee Dowladda Federaalka waxaa iyagana laga sugayaa inay sidan oo kale xiriir iyo wadashaqeyn fiican ay la yeeshaan wasaarada dhigooda ah si dalka loo mideeyo oo nidaamka Federaalka iyo Dowlad-wanaaga dalka lagu baahiyo.”

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijka wacyigelinta bulshada uu muhiim yahay loona baahanyahay warbaahinta oo dhan inay u istaagaan sidii horumarka dalka loo gaarsiin lahaa shacabka iyo caalamka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xiriirka iyo wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah ay muhiim u tahay hirgelinta nidaamka isla xisaabtanka iyo dowlad wanaaga si bulshada loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

Shirkan Wadatashiga Horumarinta Warbaahinta ayaa muddo 3 cisho ah looga dooday dib u eegista Xeerka Saxaafada, dib u eegista Istraatejiyada Warbaahinta Qaranka, diyaarinta Qorshaha iyo Istraatejiyada Wacyigelinta Bulshada. Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Wasiirada Warfaafinta Dowlad Goboleedyada ayaa kala saxiixday Heshiis Wadashaqeyn oo lagu xoojinayo xiriirka iyo wadashaqeynta wasaaradaha warfaafinta.

__DHAMMAAD_

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Madaxweynaha “Dowladdan waxay ballan qaaday dib u heshiisiin, waxayna ka bilaabaysaa Afgooye.”

0

Muqdisho, 8da May, 2017- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar dhanka dhulka ah ku tagay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa la kulmay maamulka iyo waxgaradka degmadaas.

Madaxweynaha ayaa dhageystay tabashooyinkii iyo talooyinkii ay usoo jeediyeen odayaasha dhaqanka, culumada, haweenka iyo dhallinyarada degmada Afgooye, waxa uuna sheegay in ay dowladda si degdeg ah wax uga qabaneyso waxyaabaha ay tabanayaan.

“Marka aan hadalkiinna dhageystay waxaa iisoo baxday in saddex arrimood ay magaaladan u baahantahay, waana dib u heshiisiin, dib u dhis iyo dib u xoreyn.”

“Saddexdaas waxaa aasaas u ah caddaaladda. Dowladdan waxay ballan qaaday dib u heshiisiin, waxayna ka bilaabaysaa Degmada Afgooye haddii Alle idmo.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa, sidoo kale, sheegay in dadka ku labisan dharka ciidanka ee isbaarooyinka taagan lagu qaban doono gacan bir ah, waxa uuna intaas raaciyay in askarigii lagu helo isaga oo shacab dhibaateynaayo in la horgeyn doono maxkamadda ciidamada.

“Laga bilaabo maanta qofkii lagu arko isaga oo isbaaro taagan naga mid ma aha. Haddii aad aragtaan qof lacag idinka aruursanaya waan la wada dagaallameynaa ee noo soo sheega. Ma jiri doono qof dhar ciidan wata oo isbaaro dad ku dhici kara. Ciidamadeenna annaga ayaa xuquuqdooda iyo mushaarkooda inaan bixinno diyaar u ah.”

Madaxweynaha ayaa ammaan u jeediyay wiilasha iyo gabdhaha ka tirsan ciidamada qalabka sida ee ku jira safafka hore ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah, isaga oo ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay si dhaw ula shaqeeyaan ciidamada.

Madaxweynaha ayaa yiri “Ciidamada qalabka sida waxay kusoo shaqeeyeen mushaar la’aan iyo daryeel la’aan haysata naftooda iyo tan qoysaskooda. Iyada oo ay waxyaabahaasi jiraan ayay haddana hortaagnaayeen, walina hortaaganyihiin qoladan inkaarta qaba (Al Shabaab).”

Safarka Madaxweynaha uu ku tagay degamada Afgooye waxaa ku wehliyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Axmed, Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka oo kasoo jeeda degaannadaas iyo Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee dalka.

Shirweynihii Qaran ee Wada tashiga Isgaarsiinta iyo Tignoolojiyada oo Maanta lasoo gababeeyey.

0

Shirweynihii Qaran ee Wada tashiga Isgaarsiinta iyo Tignoolojiyada oo sedaxdii maalin ee ugu dambeysay ka socday Magaaladda Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay waxaan xiritaankiisa ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkan oo mudadii uu socday ay ka qeyb galeen wasiirada boostada iyo isgaarsiinta ee dowlad goboleedyada,garyaqaanka guud ee Qaranka,shirkadaha bixiya adeegyada internet,ka iyo isgaarsiinta iyo sidoo kale qeybaha tacliinta sare ee dalka  ayaa waxaa ka hadlay wakiilada shirkadaha isgaarsiinta iyo jaamacadaha iyagoo sheegay in ay muhiim tahay waxbarashada dalka ilaa dugsiyada hoose lagu daro barashada isgaarsiinta iyo tignoolojiyada.

Wasiiru dowlaha wasaaradda warfaafinta ,boostada iyo isgaarsiinta ee dowlad goboleedka Puntland C/fitaax Nuur Ashkir ayaa ugu baaqay shirkadaha isgaarsiinta in ay ka wada shaqeeyaan horumarinta dowladnimada dalka.

Gar yaqaanaka guud ee Dowladda Dr Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa sheegay in xafiiskiisa uu diyaar u yahay in wasaaradaha dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada uu kala shaqeeyo xaga sharciga.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada,Isgaarsiinta iyo Tignoolojiyada ee Dowladda Soomaaliya Axmed Xaaji Cabdi ayaa aqriyay war murtiyeedkii kasoo baxay shirkan maalmihii uu socday.

Wasiirka Wasaaradda Boostada,Isgaarsiinta iyo Tignoolojiyada ee Dowladda Soomaaliya  Eng Cabdi Canshuur Xasan oo isna ka hadlay munaasabada   ayaa sheegay in marka uu furmo kal fadhiga baarlamaanka ay geyn doonaan sharciga isgaarsiinta dalka lagu maamuli doono.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo u mahad celiyay wasaaradda boostada isgaarsiinta iyo tignoolojiyada iyo ka qeyb galayasha shirkan ayaa sheegay in isgaasriinta ay muhiim u tahay kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka isagoo balan qaaday In Baarlamaanka uu arintaasi ka hadli.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galay munaasabada lagu xusayey Maalinta Umulisada.

0

Munasabadaan  oo lagu  xusayey maalinta Calmiga ah ee Umulisooyinka Adduunka isl markaana ay ku qalin jabinayeen  gobdho bartay  Cilmiga  umulisanadda  ayaa manta lagu qabtay xaruunta  tababarka Ciidanka Soomaaliyeed ee  Gen Kaahiye  ee Magaladda Muqdisho .

Munasabada o ay soo qaban qaabisay wasaaradda  Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada  ayaa waxa ka qayb galay  Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Wasiirka Caafimaadka, Wasiru Dowlaha  Xafiiska Ra’isiul Wasaaraha  Cabduulahi Xamud  , Xildhibaano ,  Dhaqatiir iyo  Marti Sharaf kale .

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya  Fowsiya Abiikar  Nuur   ayaa  uga mahad celisay Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda  ka soo qaybgalk munasabadaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Cali kheyre  ayaa  ugu horayn  hambalyo iyo dar-daaran u diray  gabdhaha  bartay cilmiga Umulinso-nimada  waxa uuna  cadeeyey in haweenka  soomaliyeed ay hormuud ka ahaayeen  bad-baadinta  umadda  Sooomaaliyeed xiligi adkaa ee dalka soo maray .

Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa  ugu baqayn haweenka soomaalieed in ay horseed an daalin u noqdaan   horumarka dalka.