Madaxweynaha Hirshabeele oo la Kulmay Saraakiil Ka Tirsan QM

Date:

Hiiraan(SONNA) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Saraakiisha UN-ka ee Xafiiska Magaalada Beledweyne, Waxaana kala hadlay xoojinta wax ka qabashada baahiyaha ka jira Hirshabelle iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta iyo dib u dhisa Hirshabelle.

Ugu Horeyn Saraakiisha Ay Wada Kulmeen Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Mas’uuliyada Culus ee 16-kii bishaan loo doortay, waxaana ay muujiyeen sida diyaarka ay ugu yihiin la shaqeynta Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Madaxweynaha Cusub.

Saraakiisha ugu sareysa Xafiiska UN-ka ay ku leeyihiin Magaalada Beledweyne ayaa waxa ay faah faahin ka siiyeen Madaxweynaha howlaha ay ka qabteen Hirshabelle, iyo waxyaabaha horyaala in ay wax ka qabtaan oo ay ka mid yihiin horumarinta Kaabayaasha Dowladda, Dib u dhiska Deegaanada Hirshabelle, iyo arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay sida lagama maarmaanka ay u tahay wanaajinta iyo xoojinta Xiriirka kala dhexeeya Hey’adaha Qaramada Midoobay, waxaana uu ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Maamulka islamarkaana looga jawaabi lahaa baahiyaha deg dega ee soo food saara Bulshada Hirshabelle.

Madaxweyne Waare  oo sii hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in bulshada loo bandhigo waxqabad muuqda oo ay ku qanci karaan taasina looga baahanyahay in UN-ka uu ka shaqeeyo fulinta Mashaariicyo horumarineed oo ay soo gudbin doonto Dowladda Hirshabelle, waxaana ay balanqaadeen Saraakiishaasi fulinta Waxyaabaha uu ka hadlay Madaxweynaha.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday Jawi wanaagsan oo la isku fahmay
waxyaabihii lagu balamayna sida ugu dhaqsiyaha badan loo fuliyo, sidoo kale waxa  ay isla garteen in la joogteeyo kulamada noocaani oo kale ah oo la isku xog wareysanayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...