Faah faahin ku saabsan dagaal ka dhacay Hiiraan

Date:

Mudisho(SONNA) Dagaalkani oo u dhexeeyay Maleeshiyaad katirsan Koxda Shabaaab iyo dad shacab ah ayaa maanta ka dhacay deegaanka Farlibaax oo hoostaga magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Maleeshiyaad katirsan Koxda Shabaab ayaa weerar ku soo qaaday deegaankaasi,iyadoo shacabka kunool deegaankaasi Farlibaax oo ka soo horjeeda dhibaatooyinka Shabaab ay ka hortageen weerarkaasi.

Guddoomiyaha deegaanka Farlibaax Jamaal Xaaji Caliย oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay maleeshiyada Shabaab oo marka hore weerarka soo qaaday uu soo gaarey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

โ€œSida aad ogtahayba Alshabaab iyo dadka deegaanka muddo 5 sano ayaay dagaashanaayeen,abaaro salaada Duhur ayay maanta soo weerareen,anaga 1 qof ayaa naga dhintay,iyagana dhankooda khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaan gaarsiinay, xogtoodi waa lahaayay, dib ayaana loo celiyaay,sida aad la ogtahayba meeshani ciidankaย  jooga waa dhalinyaro deegaanka ah,waxaana socoda dadaalo maamulka Hirshabeele iyo Dowladda Soomaaliya ay ku qaramaynayaan dhalinyaradani, maadaama ay taabansan yihiin Dowladda Soomaaliya,ayna ladagaalamayaan Shabaabโ€, Ayuu yir Guddoomiye Jamaal.

Jamaal Xaaji Cali Guddoomiyaha Deegaankaasi Farlibaax ee ย Gobolka Hiiraan ayaa ka codsaday Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka HirShabeele in ay gacan ka siiyaan sidii shacabka looga dulqaadi lahaa Argagixisada Shabaab.

Wuxuu intaasi ku daray in dhowr jeer ay duulaan ku soo qaadeen maleeshiayada Shabaab,balse shacabka oo isku duubni muujiyay iska difaaceen alshabaab.

DHAGEYSO WAREEYSIGA KU SAABSAN DAGAALKAASI.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...